Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka Soomaaliya 2002

Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya

Hordhac
Marka la doonao xog rasmi ah oo la
xiriirta tirada dadka iyo dhaqaalebulsheedka,
waxaa loo baahan yahay
in tilmaamayaashu ay leeyihiin
qorshayn, barnaamijyo iyo xog warran
go’aan qaadasho. Tiro ka mid ah
hindisayaasha caalamiga ah si loo soo
qadimo, tayada iyo is-barbardhiga xogta
tirakoobka, si loo taabba-galiyo xajmiga
hay’adaha tirakoobyada heer qaran ee
waddamada soo koraya, iyadoo la
raacayo tayada iyo khadka waqtiyeynta
tirakoobka ee xogta la hayo.
Waddamada sida Soomaliya, ee weli
ku dhex jira colaadda daba dheeraatay
kama qaybagali karaan hindisahan,
sidaas awgeed laguma dari karo inta
badan daabacadaha la barbardhigayo
qaramada iyo heerka Goboleed ee
tirakoobyada horumarinta. Xirfadaha
tirakoobyada rasmiga ah ee Soomaliya,
waxay ahaayen kuwa xadidan muddo
shan iyo toban sano ka badan. Waxaa
u jiray, tirakoobyo waaxyo gaar ah la
xiriiray oo ay soo uruuriyeen hay’ado
caalami ah, iyagoo kaashanayey
Maamullada kooxaha iyo wadaagayaal
deegaannada maxaliga ah. Xog la’aani
waa dhibaatada ugu culus sidii lagu
diyaarin lahaa qoraallo, sida darasaadka
wadajirka ah ee heer qaran(CCA).
Waxaa kaloo loo baahan yahay khadka
asaasiga ah ee xogta, taas oo astaan u
ah hannaanka Qorshaha horumarineed
iyo hab-raacyada faqriga iyo
khariidaynta.
Nidaamka tirakoobyada Soomaliya
wuxuu dhibaato la kulmay ka hor intii
aan xukuumaddii hore burburin 1991kii.
Hay’adda UNDP ayaa gacan ka siin jirtay
Soomaliya, soo uruurtinta xogta
marxaladaha dhexe iyo marxaladaha
sare ee waaxda qorshaynta qaranka,
hay’adaha dawliga ah, hay’adaha aan
dawliga ahayn iyo hy’adaha kale ee
shaqada la wadaaga ilaa 1995kii.
Dadaalka noocaan ah wuxuu keenay in
wax laga ogaado tirada dadka iyo
xaaladdooda Dhaqaale-bulsheed ee ku
dhaqan sagaal ka mid ah 18ka gobol ee
dalka, iyadoo ay qiyaasta dadweynaha
tiradiisa Santuukha Qaramada
midoobay u qaabilsan dadka (UNFPA)
iyo golaha Tirakoobka ee dalka
maraykankan.
Hay’adda UNDP, waxay kaloo gacan
u fidisay maamullada kooxaha si
xadidan inay ku ogaadaan xoojinta
tirakoobyada iyo soo uruuririnta xogta
2
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
looga baahan yahay qaar ka mid ah
Arrimaha dhaqaalaha iyo maamulka.
Marka la eego dadaalka xilligan uu
Bangiga uu go’aansaday isagoo
kalshanaya UNDP inuu Soomaliya aka
hirgaliyo xogta muhiimka ah ee lagu soo
uruurin karo xaaladda baahida
maagalinta dhaqaalaha yar-yar ee la
fahmi karo, taasoo lagu dhiirigalinayo
in la helo xog dheeraad ah oo waafaqsan
xaaladda Soomaliya.
Waaxda la socoshada
Soomaliya
Warbixinta tirakoobka, ee laga soo
uruuriyey sahanka qoyas badan oo isku
dhafan.
Intii u dhaxaysay Nofember 2001 ilaa
July 2002, taas oo ay isku duwday, soo
diyaarisay Barnaamijka waaxda la
socoshada Soomaliya.
Waaxdan la socoshadu, waxay
qaabilsan tahay hannaanka bangiga
adduunku uu ku ogaanayo xaaladda
Dhaqale-bulsheed ee dagaalka/
dagaalka kaddib, waddamada xogta
laga helay dhaqaalaha yar yar ee ay ku
tiirsan yihiin dadka xaaladda qalafsan
ku sugan. Barnaamijka la socoshada
Soomaliya, wuxuu wadajir ahaan ula
shaqeeyaa santuukha qiime-wadaagga
ee bangiga adduunku ugu tala-galay
marxaladda dagaalka kaddib, iyadoo ay
barbar socoto la tashiga hay’adda UNDP
ee Maamullada Soomaaliya. Hadafka
ugu weyn barnaamijyadaasna waxaa ka
mid ah:
i) in la xaqiijiyo baahida xogta
asaasiga ah iyo farqiyada;
ii) in la sameeyo nidaam iyo
hannaan loo soo uruuriyo xogta
tirakoob qorshaysan;
iii) in loo sameeeyo hannaan lagu
xoojinayo hay’adaha qorshaynta
ee jira;
iv) in la sameeyo khadadka
asaasiga ah ee xogta la xiriirta
dhaqale-bulsheedka, si loo sii
amba-qaado hannaanka
siyaasadda, qorshaynta iyo la
socoshada.
Barnaamijka waxa meel marisay
hay’adda UNDP, iyadoo la kaashanaysa
maamullada Soomaaliya ka jira iyo
hay’adaha caalamiga ah ee shaqada la
wadaaga ee xog uruurinta ku hawlan.
Hadda waxay maraysaa dhinaca
dhamaystirka magalooyinka Garowe,
Hargeisa iyo Muqdishu, iyadoo ay gacan
ka gaysteen maamullada goobahaas ka
jira. Hase yeeshee, xogta laga soo
uruuriyey Dhaqaalaha yar-yar iyo
baaxadda qorshaha awoodaynta iyo
celcelisyada ay samaysay hay’adda la
socoshada Soomaliya, ayaa waxay sii
xoojin doontaa dadaalka bangiga/UNDP
ee ku wejehan istaraatiijiyadda
Soomaliya iyadoo la kaashanaysa
hay’adaha kale ee shaqada la wadaaga.
Barnaamijkani, waxa hadda
dhamaystiraya hay’adda UNDP oo ay
weheliso hay’adda Cuntada iyo Beeraha
ee FAO, hay’adda federaaliga caalamiga
ah ee laanqayrta cas(IFRC), Santuukha
carrruurta ee qaramada midoobay
(UNICEF), Hay’adda caafimaadka
Adduunka(WHO) iyo hay’ado kale.
Warbixintani waxay soo
bandhigaysaa xog laga soo xulay sahan
lagu sameeyey qoysas kala duwan
xaaladdooda dhaqaale-bulsheed.
Arrintani waa noocii ugu horreysay
tirakoobyo xiriir ah taas oo ku soo bixi
doona hawlgallada bangiga/UNDP ee
barnaamijka waaxda la socoshada
Soomaaliya.
3
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Maxladda dhexe ee qorshahani, waa
soo uruurinta xogta qorshaynta iyo
xoojinta awoodda hay’adaha ka
shaqeeya tirakoobyada iyo dhismaha
hab-raacyadooda shaqo.
Hadafka iyo baaxadda
Hadafka sahankani, waxaa uu ku
salaysnaa soo uruurinta iyo helitaanka
xogta asaasiga ah tirada iyo xaaladda
dadka ee la xiriirta heerka Dhaqaale-
Bulsheedka qoysaska, si loo xaqiijiyo
noocda loogu baahi badan yahay iyo
farqiyada u dhexeeya, taas oo looga
gol-leeyahay in la sameeyo daraasado
rasmi ah ee waafaqsan hannaanka
siyaasadeed, qorshaynta, iyo la
socoshada dhaqan-celinta, dib-u-dhiska
iyo horumarinta.
Intaas waxa dheer, iyadoo laga
rajaynayo sahankani inuu horseedo xog
waafaqsan daraasaadka wadajirka ah ee
heer qaran (CCA) tilmaamayaasha,
yoolasha Horumarinta Millenium-ka
(MDG) tirakoobyada saboolinimada iyo
tilmaamayaasha. Waxa intaa soo raaca,
heerka qiyaasta jaantusyada lagu
muujinayo sahanka qoysaska ee sida
badan la xiriira Dhaqaale-bulsheedka,
waaxyahaasna waxaa ka mid ah;
helitaanka adeegyada asaasiga ah,
hababka is-garsiinta, kaalinta haweenku
ay ku leeyihiin go’aan qaadashada,
helitaanka nidaamka garsoorka,
xulashada iyo helitaanka agabka qoyska
baraarujinta dulinka HIV/AIDS-ka iyo
arrimaha deegaanka, taasoo suuragal
ka dhigi karta in la fahmo xaaladaha
Dhaqaale-bulsheed ee Soomaaliya.
Sahanka iyo
naqshadaynta
Marka si faahfaahsan loo eego habraacyada
iyo qeexitaannada sahanka,
jaan-qoynta hay’adaha sahminta iyo
dhammaystirka uruurinta xogta iyo
jadwalka sahanka la samayanayo,
waxay leeyihiin dukumeentiyo kala
duwan, taasoo hadda cinwaankeedu
yahay “warbixin farsamo ee dhaqaale
bulsheedka sahanka qoysaska
Soomaaliya 2002”. Si kastaba ha
aheetee, dulmar kooban oo lagu
sameeyey hab-raacyada iyo xaalado
kale oo sahmiskan,kuwaas oo ku
faahfaahsan qormooyinka hoose, si loo
sahlo fahamka ugu wanaagsan
tirakoobyada ay warbixintani
xambaarsan tahay.
Hab-raaca sahanka
Samaynta caalamadaha qaabka
shaqada, si loo habeeyo sahankani,
waxay ahayd hawl aad u dhib badan,
iyadoo hawsha labaadna ay tahay oo
keliya sidii looga hirgalin lahaa, sahanka
noocaan ah dal ay colaadi ka taagan
tahay. Calamadaha hawlgalkan,waxaa
naqshadaas laga soo qaaday
magaalooyinka iyo qaybaha kale ee
deegaannada, ee loo yaqaan miyiga
ama goobaha aan magaalooyinka
ahayn, taasoo caddaynaysa inay aad u
adag tahay in xog gaar ah lagu daro
dadka reer miyiga ah.
Xaalado isku dhafan oo muujinaya
calamadaha oo si qiyaas ah loo
diyaariyey ayaa la socda xulashada
astaamaha loo qatay qoysaska. Tirada
calaamadaha oo ka kooban 3,600 oo
4
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
qoys ama 300 oo kooxood oo ay
weheliyaan 12 agab qoyseed halkii
kooxba. Kooxaha qoysaska isku
gobolka ah, waxaa laga soo xulay liis
deegaan/isku goob biyood wadaaga ee
aan magaalo ahayn iyo degmooyinhoosaadyo
ee magaalooyink.
Dhammaan caasimadaha gobollada iyo
degmooyinka, waxaa loogu dhaqmaa
magaalo, maadama nidaamku sidaas
ahaa dagaalka ka hor. Deegaamaynta
sahankii hore ay gacanta uga gaysatay
hay’adda UNDP, ayaa noqday gogol-xaar
tixraac noqday ee degaannada iyo
goobaha biyaha laga helo sagaal ka mid
ah 18ka gobolka ee dalka. Gobollda soo
haray, dagalka ka hor liiska xaaladdoodu
waxay ahayd mid sugan oo la
isticmaalay.
Kormeerayaasha sahankani, waxay
keeneen liiska deegaamaynta, si loogu
badalo, qiyaasta bakhtiyo nasiibka loo
sameeyey xaalado gaar ah oo jira
awgeed. Tan waxaa keenay iyadoo ay
jirto xaalado dadku aysan goobahaas ku
sugnayn oo xanibaad badani jirtay ama
ay ka qaxeen dadkii goobahaas degenaa
markii dagaalladu dheceen. Xaqiijinta
iyo xulasha qoysaska waxa laga
sameeyey goobahaas, iyadoo la
raacayey calaamada bakhtiya-nasiib
ahaan loo raacayey. Is-bedelka
calaamada qiyaaseed waxaa loo
isticmaalay waaxyaha miisaan
ahaaneed si loo qiyaaso tirakoobka heer
Qaran.
Su’aalaha sahanka loo adeegsaday,
Shan su’aalood ayaa loo adegsaday
sahanka:
a) hal su’aal oo muhiim ah oo la
adeegsaday sahanka qoyska;
b) hal su’aal oo gaaban oo loo
adeegsaday waaxda miraha
beeraha si loo ogaado
hannaanka bulshadu ay u
adeegsadaan tacabka beeraha
ee ay ku daaboolayaan baahida
kooxahaas;
c) Hal Su’aal oo gaaban oo loo
adeegsaday xoola-dhaqatada,
oo muujinaysa sida reer
guuraagu ay uga faa’iidaystaan
kooxaha isku goob kuwada
dhaqan;
d) Hal su’aal oo la xiriirta qiimaha
badeecadaha ee suuqa ee
kooxaha isku meel kuwa
dhaqan;
e) Hal su’aal oo la xiriirta soo
uruurinta qiimaha wax lagu kala
bedesho lacagaha jira ee ay
kooxahaasi isticmaalaan.
Dhawr hay’adood oo horumarineed,
oo ay ka mid yihiin, kuwa heer caalami
ah iyo kuwa deegaaneed, ayna
weheliyaan shaqaalaha tirakoobka ee
maamullada ka jira dalka ayaa gacan
ka gaystay jadwalka samaynta
qoysaska.waxaana tijaabooyinka
goobaha deegaanka ee su’aalahan looga
qaaday heer Soon (Aag).
5
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Khariidad muujinaysa sahanka Dhaqaale-Bulsheed ee
Qoysaska 2002
6
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Qaabka maaraynta
sahanka
Kooxda sahanka oo ka kooban hal
xiriire farsamo, hal ruux oo xiriiriye heer
qaran ah, afar xiriiriyayaal gudaha, afar
la taliyayaal caalami ah, 10 kormeere
iyo 41 diiwaangeliyaal ah. Wadarta
shaqaaluhu waa 61 ruux, 56 waa
aqoonyahanno Soomaliyeed. Intaas
waxaa dheer, labo oday (celcelis) ahaan
min Gobolladkasta ayaa kooxda ka mid
ah, si ay ugu caddeeyaan qaabdhismeedka
qoysaska, uguna
fududeeyan kooxda sahanka
calaamadaha qoysaska bulshada iyo
sahanka. Arrimaha kale ee muhiimka
ah, waxa ka mid ah inay ka taxadaraan
kooxda sahanku meelaha miinada la
galiyey iyo goobaha aan ammaanka
ahayn, iyadoo la adeegsanayo qaab talo
bixin ilaha deegaanka ee
dhexdhexaadnimo iyo tilmaamo la iska
dhex arki karo, siiba marka arrimaha
dhaqaale ay bulshada deegaanku ka
helayso. Barnaamijyada tababarrada iyo
sahannada yar-yar, ayaa waxaa iyana
qabanqaabiya xiriiriyaal Soomaliyeed,
iyagoo gacan ka helaya kooxda farsamo/
xiriiriyayaasha heer qaran iyo la
taliyayaasha caalamiga ah oo
kaalshanaya komeerayaasha iyo
diiwaangaliyayaasha min heer Soon
(Aag) ilaa heer Gobol. Tijaabooyinka
su’aalaha waxaa lagu qaaday heer Soon
(kooxo goboleedyo).
Marka la eego xaaladda nabadgalyo
darro ee haatan ka taagan
Soomaaliya,waxa sahankan loo qaaday
labo weji intii u dhaxaysay Nofember
2001 ilaa January 2002 iyo Maarso
2002 ilaa July 2002. Kooxaha sahanka
si ay u dhammaystiraan, caddaymaha
iyo saxitaan dib-u-eegid lagu sameeyey
kooxaha qoysaska kala duwan.
Baaxadda jograafiyeed ee uu ku fadhiyo
sahanka, marka loo eego degmooyinka,
waxay ku xusan yihiin khariidada hoos
ku qoran.
Qaar ka mid ah degmooyinka ma
lahan calaamada kooxaha, kuwas oo
aan sahan lagu samaynin, waxaana lagu
bedlaym caamadaha cusub ee kooxaha
ay isku gobolka yihiin. Kooxaaha ka
muuqdaa, waa ay yar yihiin tiro ahaan
si ayasan u yeelan u iilasho la buunbuuniyey
marka ala qadayo qiyaasta
tirakoobka heer qaran.
Natiijada sahanka
Sahanakani wuxuu dulmar guud ku
samaynayaa natiijooyionka Dhaqaalebulsheed,
waana midkii ugu horreeyey
afar warbixinood oo xiriir ah ay
samayasay waaxda barnaamijka ala
socoshada Soomaliya. Seddexda
warbixinood waxa loo qorsheeyey sida
soo socota:
1) xaaladda tirada dadka iyo
tirakoobyada kala dheeraaynta
dhalmada;
2) dakhliga qoyska iyo hannaanka
kharajka;
3) Tirakoobka tirada dadka
tabaalaysan.
Dhibaatooyinka jira
Nabadgalyo la’aanta iyo xasilooni
darrida, ayaa noqotay dhibaatooyinka
waaweyn ee ka horyimid
dhammaystirka sahanka. Deegaanno
gaar ah sida gobollada bartamaha iyo
Koofurta Soomaliya iyo qaybo kale sida
ay muujinayeen shan kooxood oo kale
oo sahan samayey ay caddeeyeen,
iyadoo ay ka haboonaan lahayd in hal
koox oo qura ay ku hirgalin karaan
marka xaaladdu ay degen tahay.
Dhibaatooyinka waaweyn waxay u
muuqdaan iska horimaadyada iyo
sheegashada kooxaha iska soo horjeeda
gacan ku haynta goobahaas.
7
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
4) Rajada oo sare u kacaysa
dhinaca taageerada caalamiga
ah;
5) Baahida loo qabo wada
xaajoodka maamullo kala duwan
ee heer deegaan/degmo/gobol;
6) Tirakoob la’aan dhinaca
hay’adaha sharciga.
Xaddidnaata xogta
Xaddidnaanta ugu weyn ee xogta la
heli karo min sahminta heer qoys-,
iyadoo ay adag tahay xusuusta jawaabceliyayasha.
Midda labaad, qaar ka mid
ah jawaabaha ay bixiyaan dadka wax la
weydiiyey waxay saamayn ku yeesheen
qaabka fahamkooda iyo turjumidda
hannaan ku haboon su’aasha la
weydiiyey (tusaale, “Fiican”, “macquul
ah”, “liidata”, “ka qaybgalka”,
Dhibaato”).
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah:
1) lacagaha kala duwan ee ka
socda Soomaaliya (Tusaale,
waxa ka socda seddex nooc oo
shilinka Soomaali ah,
Somaliland, shilinka Somaliland,
US Doolar, Djibouti Franc, Birta
Ethiopia, shilinka Kenya iyo
Riyaalka Sucuudiga);
2) sicirro kala duwan oo lagu kala
iibsado qiyaas isku mid ah
marka cabbir kaloo eego
(Tusaale, tanagga waxa ku kala
jira 3 ilaa 5 litir, gadac waxa ku
jira 1 ilaa 1/8 litir, shood, waxa
ku jira 1 ilaa W kg);
3) Rajada dhaqaalaha ee
bulshooyinka deegaanada ku
dhaqan (shaqada iyo kiraynta
gaadiidka) u horseedidda iska
horimaadyada oo lagu danaysanayo
iyo si aan haboonayn oo
looga manaafacaadsanayo
khayraadka;
8
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
9
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
CUTUBKA 1aad
10
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
CUTUBKA 1aad
Xaaladda tirada dadka iyo
Guriyeynta
Xogta Xaaladda tirada dadka
Soomaaliya waa mid aan sugnayn oo
cakiran. Tirakoobka xilligan ay ay
isticmaalaan hay’adahja caalamiga ah
ee barnaamijyada qorshaynta waa
toradii ay soo diyarisay hay’adda UNFPA
sanadkii 1995kii ee tilmaamayasay
(5.76 million) kaddib markii ay dib- u -
eegtay hay’adda UNDP iyo Golaha
tirakoobka adalaka maraykanaka. UNDP
waxay markii ay dib-u-eegid ku
samaysay tirakoobkii mashruuca UNFPA
ay ku qiyaastay (6.56 million) taas oo
ku dartay qoxootiga dibadda uga soo
laabaaty Soomaaliya, iyadoo ay sii
ballaranayan magaloyinkii, gaar ahan
waqooyiga. Bartamihii sanadkii 2002
waxa lagu qiyaasay tirada adaweynaha
Soomalida ilaa 6.8 million iyadoo
wadarta tirada dadweynaha
Magaalooyin lagu qiyaasay, taas oo u
dhiganta 34 boqolkiiba wadarta guud.
Dhaqan ahan, caasimadaha heer qaran,
gobol iyo degmo waxa loo yaqaan
magaalooyinka Soomaaliya, xitaa haddii
qaar ka mid ah ay aad u yar yihiin,
halkaas oo ay kamaqan yihiin
astaamaha lagu yaqaan magalooyinka.
Haddana astaamo kuwaas la mid ah
ayaad ku arki doontaan sahankan soo
socda.
Celceliska tirada Qoysku qiyaastii
waa 5.8, taas oo wadarta tiradeedu
gaarayso 1.17 million qoys.
Qoysaska ugu badan waxay
gaarayaan (65.8% magaalada iyo
70.7% miyiga iyo reer guudraaga) taas
oo ka kooban 4 ilaa 7 ruux.
11
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Kala duwanaanshaha
da’da dadka
Sahanka qoyska iyo tirakoobyadu
waxay labaduba leeyihiin mudnaan xog
muhiim ah oo loo isticmaalo kala
duwanaanshaha da’da ku dhxe jira
qoqobka bisha. Si kastaba ha haatee,
xogta la xiriirta da’da, waxaa raad ku
yeeesha khaldad dhinaca mudnansiinta
tirada u dhaxaysa 0-9. Mararka
qaarkood, dadku ma garanayaan
da’dooda, sidaas awgeed jawaabceliyaha
ama dadka diiwaangalinaya
ayaa u soo qaada tiro-qiyaaseed. Sida
badan, mundaansiinta tiradu waxay
meegaartaa tirada ku dhammaata 0
ama 5. Qaar kalena waxay si khaladan
u sheegaan da’dooda, xitaa haddii ay si
sax ah u garanayaan da’da rasmiga ah,
taas oo ay sabab u tahay mudnansiinta
tirada. Boqolleyda xogta kala
duwanaanta da’du kooxda isku jiilka ah,
waxay muujisaa in si khalad ah ay
sheegaan dalka Soomaliya. Hannaanka
ugu xoog badan waxaa loo isticmaalay
sixitaanka dhibaatada noocaan ah1 .
Jaantusyada soo socda ee 1.2 ilaa 1.4
waxay qeexayaan hab-dhismeedka
da’da dadka. Qaabka Ahraamta oo kale,
wuxuuna ka kooban yahay qaabka
dhismaha dadku u kala baxaan
wadamada soo koraya, iyadoo lagu
muujinayo xaaaladda taranka iyo
dhimashada heerkeedu sarreeyo.
1 Waxaa jira habab kala duwan oo uu soo bandhigay Carrier Farag, karup-king Newton,
Arriaga iyo Qaramada Midoobay.farsamootinka ugu xoogga badan ee la isticmaalay marka
ay jiraan khatar baaxad leh ee ka muuqata kala duwanaanshaha da’da. Dhammaan
habkan waxaa loo isticmaalay in lagu hagaajiyo is-waafajinta da’da, waxaana habka ugu
xoog badan lagu saleeyey sixitaanka tixraacyada.
12
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
13
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Heerka wax qorisakhriska
dadka waaweyn
Heerka dadka waaweyn aqoontooda,
waxaa laga tixraacaa awoodda tirada
dadweynaha da’adoodu 15 sano iyo
wixii ka sarreeya ee wax akhriska iyo
qorista, taas oo ah astaan fariimeed.
Diiwangaliyayashu waxa lagula
taliyaa inay isticmaalaan tijaabooyin
fudud oo ay ku miijinayaan wax-qorisakhis
la’aanta, marka ay jawabaha
qorayaan. Natiijada sahankani waxay
muujinaysaa in dalka soomaaliya lagu
tilmaami karo wadamada ugu aqoon
hooseeya dunida, aqoonta dadka
markii dagaallada sokeeye dheceen,
labadaraadle, dhulka miyiga iyo reer
guuraaga, goobaahaas oo tiro aad u fara
badan oo da’da dugsiyada gaaray aysan
helin fursad ay aqoonta asaasiga ah ku
helaan. Inkastoo qaar ka mid ah
Dugsiyada Quranku ay Carabi wax ugu
dhigaan, haddana qaar badan oo
ardayda ka mid ah ayaa noqday kuwa
aan waxba aqoonin markii dambe.
Da’da guurka koowaad
Da’da qaangaarka ah ee guurka
kowaad ee Dheddigga iyo Laboodka
waxa lagu qiyaasaa 20 ilaa 25 sano jir.
waaweyn wuxuu isku bedeshaa qiyaastii
34.9 boqolkiiba dhinaca magaalooyinka,
ilaa 1.9 boqolkiiba deegaanada miyiga
iyo reer guuraaga, taas oo wadarata
guud noqonayasa 19.2 boqolkiiba dalka
soomaaliya. Dheddigga waaweyn
aqoontooda ee dhinaca miyiga iyo reer
guuraaga, waxay ka yar tahay qiyaastii
6.7%. Qaybtani waxay tilmaamaysaa
fursado waxbarasho la’aan, kaddib
Waxa jira oo keliya farqiyo qiyaaseed u
dhexeeya deegaannada magaalada iyo
kuwa aan magaalada ahayn marxaladda
dhexe ee guurka, ayaa iyaduna
muujinaysa natiijo isku mid ah.
Natiijadani waxay caddaynaysaa, aragti
ka soo horjeedda in dadka Soomaliyeed
ay guursan jireen marxaladda
dhallinyaranimada, labadaraadle,
deegaannada miyiga iyo reer guuraaga.
14
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Xaaladda Guurka
Saamiga dadka “guursaday” qiyaastii
waa 36.8 Boqolkiiba oo ka koban 33.3
Boqolkiiba oo lab ah, iyo 40.5 Boqolkiiba
dheddigga. Qiyaas ahaan waa is le’eg
tahay tirada magalada iyo meelahaan
magaalada ahayn(miyiga iyo reer
guuraaga). Sida caadiga ah saamiga
asarreeya ee dadka guursaday waxa
inta badan lagu macneeyaa, in xaqiiqdu
tahay mid xiillikasta la xuso, waeyo
raggu wuxuu guursan kara afar haween
ah, laakiin haweenku hal nin bay
guursan karaan. Waxaa kaloo taas lala
xiriirin karaa in raga iyo Dumarku ay
mar kale is-guursan karaan. Sidaas
darteed, waxaa iska caadi ah in raga
iyo Dumarkuba ay is-furi karan, mar
kalena ay dib u guursan karaan, hase
yeeshee, dib u guusashada haweenku
ma badna , siiba marka ay gaaran da’da
soddon jirka. Dhaqanka guursashada ee
la guursado xaska mar uu walaalka
qabay (uu dhawaan guursado, balse
waa marka uu qabo in ka yar afar
Haween ah) ama xaaskiisa walaasheed
(taas oo aan hadda la guursan), taas
oo uu guursanayo ruuxa badbaadaytaas
oo la xirriirta xaalad dhibmasho
sayga ama haweentiisa-ma ahan wax
mar walba dhaca, inkastoo dhaqanku
sidaas oggol yahay, dagaallada sokeeye
iyo qaxa faraha badan ayaa iyaduna
qayb ka qaadatay tirada Garoobada ku
sii kordhaya bulshada. Saamiga ragga
ay xaasaska furay ama ay ka dhinteen
waxaa lagu qiyaasay 1.5 Boqolkiiba
marka loo eego haweenka agoonleyda
ah ama garoobada ah oo gaaraya 4.5
Boqolkiiba. Qiyaasta tirada kuwa la
furay ayaa ah 0.9 Boqolkiiba iyo 2.0
Boqolkiiba. Qiyaas yar oo dadka ka mid
ah waxay ku dhacdaa, heerka kuwa la
dayacay ama raggoodu ku gaboodfaleen.
(1.0 Boqolkiiba ragga iyo 3.0
Boqolkiiba dheddgga). Kala
duwananshaha xadiga Boqolleyda kuwa
hore u soo guursaday marka loo eego
xaaladdooda guurka xilligan, waxay ka
muuqdaan jaantuska soo socda.
15
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Hoggaamiyaasha Qoyska
ee Lab iyo Dheddig
Saamiga hoggaamiyayasha qoyska
lab iyo dheddig waxa lagu qiyaasaa 14.3
boqolkiiba magaalooyinkan iyo 11.7
Boqolkiiba miyiga iyo Reer guuraaga.
Qiyaastii 20 Boqolkiiba oo keliya ee
haweenkan ayaa xilliga la guursaday,
inta soo hartay ayaa intooda badani ay
Agoonley yihiin ama la furay. Habku
waa isku mid marka loo eego
magaalada, miyiga iyo reer guuraaga.
Haweenku waxay ku leeyihiin bulshada
door lixaad leh ee gacan siinta qoyska,
marxaladda dagaalka kaddib. Waxay
kaloo haweenku kaalin muhiim ah ka
qaataan dhismaha qoyska iyo go’aan
qaadashada oo ay si hufan uga
qaybgalaan (Eeg Jaantuska 5aad).
16
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Xaaladaha dhimasho ee
la muuiyey
Intii sahankani socday, mid ka mid
ah su’aalihii dadka la weydiiyey waxay
ahayd tirada dhimashada tan iyo
sanadkii la soo dhaafay iyo sababihii
geeridaas keenay. Ilaa 61 Boqolkiiba
dhimashada guud waxay muujisay
arrimo xanuun la xiriiray, iyadoo ay
wehelisay dadka waayeelka ah (19%),
shilka uusan ku jirin miinada (7.4%),
dagaal (4.3%), iyo miinada (3.4%).
Qaababka guryeynta
Ilaa 24 Boqolkiiba guryaha
Soomaaliya waxay ka samaysan yihiin
qalab adag oo waqti dheer jiraya.
Waxaana lagu gartaan qaabdhismeedka
adkaysiga joogtada ah leh.
In wax yar kabadan 56 Boqolkiiba waxay
leeyihiin darbi ama saqaf laga sameeyey
qalab kuwa dhaw agabka adkaysi
dheeraadka ah leh. Boqolkiba 20ka soo
hartayna waxay hoos tagayan qalabaka
dhismaha ku meel gaarka ah,
Sababaha dhimashada keenay2 waxay
leeyihiin qiyaas isku mid ah marka la
eego magaalada iyo goobaha aan
magaalada ahayn, marka laga
reebodhimashada ay keento xanuunka,
shilka iyo dagaalada. Kala
duwanaanshaha magaalada iyo miyigu
waxay ka muuqdaam jaantuska soo
socda.
maadaama ay inta badan meel ka
guurayaan, oo meel kale degayaan,
waxay adeegsadaan dhigo/laamo,
bacyaal wax lagu dhisto iyo qalab kale
oo la mid ah. Waxa jira farqi la
calaamadayn karo oo u dhexeeya
tayada guryahaas iyo deegaanada kale.
Boqolkiiba 6 oo kel; iya guryaha miyiga
reer guuraaga waxa lagu tilmaami karaa
inay yihiin dhismayal adkaysi joogto ah
leh marka la barbar-dhigo Boqolkiiba 60
guryaha magaalooyinka farqi noocaan
ah wuxuu kaloo ka jiraa qaababka kale
waaxyaha guryaha loo dhiso.
2 Xaaladaha dhimashada sababay, waa in loo qaataa oo keliya tilmamayaal ahaan, sida
dadka waaweyn, balse aan run ahaantii ahayn sabab dhimasho
17
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Waxa jira labo qol oo celcelis ahaan
uu ka koban yahay aqalka Soomaliya:
2.5 ayuu ka koobma guri kasta oo
magaalada iyo 1.7 Miyiga iyo reer
guuraaga. Shan waaxood, waax ka mid
ah guryaha magalada waxay ka kooban
yihiin hal qol oo keliya. Qiyaas ahaan
seddex waaxood waax ahaanna
guryahaasi waxay ka kooban yihii labo
qol, labadaba magaalada iyo meelaha
aan magalada ahayn. Ilaa 43 Boqolkiiba
guryaha magalada waxay leeyihiin
seddex ama qolal ka badan marka la
barbar-dhigo ilaa 14 Boqolkiiba miyiga
iyo reer guuraaga.
Dhibaatooyinka guriyenta ee
deegaannada magaalada waxa sii
cusleeyey dadka fara badan ee miyiga
ka soo qul-qulaya, dadka soo barakacay,
iyo qoxootiga dibadda ka soo
laabanaya. Seddex meelood meel ahaan
qoysaska magaalooyinka ku nool waxay
leeyihiin labo ama qoysas ka badan oo
ku wada nool hal qol. Iyadoo in ka
badan mid ka mid ahi ay wadaagan
guryo hal qol ka kooban. Miyiga iyo reer
guuraaga, labo iyo wax ka badan ayaa
qoysaska wada dega ilaa 10.5 Boqolkiib
guryaha, kuwaas oo seddex meelood
meel ay degan yihiin guryo hal qol ka
koban.
18
Sahan lagu sameeyey Dhaqaale-Bulsheedka
Soomaaliya 2002
Soomaaliya
Waxaa kaloo jira farqi weyn oo u
dhexeeya guryaha magaalada iyo
deegaannada aan magaalada ahayn.
Halkaas oo dadka degan magaladu ay
leeyihiin in ka yar 60 Boqolkiiba
Guryaha, in ka badan 90 Boqolkiiba ay
leeyihiin dadka miyiga iyo reer guuraaga
ah. Hal ka mid ah afartii guriba wa kiro
deegaannada Magalooyinka, taas oo u
dhiganta hal ka mid ah 25 guri ee miyiga
iyo rer guuraaga ah. Habka lahaanshaha
xilligan ee guryaha, waxay muujinaysaa
in in ay guryo yaraani jirto magaalooyinka,
taas oo qiyaastii 18 Boqolkiiba
qoysasku ay ku degan yihiin Guryo kiro
ah, kuwa bannaan ama dawladdu ay
lahayd. Tani waxaa laga yaabaa inay
saldhig u tahay xiisadaha degenaansho
la’aanta ah ee jira.


Developed by Jago Desain