Taariikh Kooban Soomaaliya

  1. Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.

    Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:

    Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo'da oo iyagu la'isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
    1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
    2. Lo'da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.
    3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.
    4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

    Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:


    Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.

    Hohob Mareer /Gud Dhafaruur /Dhuwan Ontoro
    Deegaan /Dhebi /Gob /Miracas /TukeLalmi /Murcood
    Kobash /Askax /Shanfarood /Barde Dhamaag Qoone


    Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo
    Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.

  2. magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

    Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah"


1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
5. 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.
10. 20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
11. 21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
14. 1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke.
18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre
19. Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
21. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
22. Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
23. Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.

Developed by Jago Desain