ul iyo diirkeed


Gabaygakan waxan tiriyay marki taariikhdu ahayd 1991 Marka burca iyo hargeysa soo jooga laga waayay oo ay ku adkaysteen go,id baanu rabnaa oo ay sababa Badan sheegeen sidaas darteed waxan usheegayaa dhibaatadu in ayan Kaligood ku dhicin go’niinkunah xal ahayn


Duul yohow woqooyiga degani waadna dulumteene
Danni baad gasheen iyo wax anay diintu soo warine
Sidi an idin dayacay baad xumaan nagula doodaane
Marki uu dunida dhaafihi siyaad colalka soo duubay
Dooxada garoowe ah marki uu nagu damaashaaday
Dubayaal wuxuu nala dhacee nagu dulheesaayay
Dubabada lalaayiyo wuxu saana nagu daashay

Wixii haro daboolayd marki miino lagu duugay
Doonyaha markuu nagagubee daabad naga dhawray
Duqay iyo akhyaar iyo wixii maato lagu dooxay
Adiguba durbaan baad siday oo daacadku ahayde
Marseh hadii nabsigu kugu dalacay wiishka dabaqdiisa

Hadii u ciidan kuu soo diree kugu dinaahyay
Miig duulimaad badan hadi uu kugu dakaansiiyay
Dumidii hargeysaad hadi ad subax ka daaduuntay
Dulcad iyo haday kugu shubeen xabashi deyrkeeda
Anigu waan damqanayayo markaas diilalyaan qabaye
Farxad lamadilaacine qalbigaan daaya kalahaaye

Hayeesheeh wixii dib udhacay baan laga dawoobeyne
Dusha adari dooxada mudug ah iyo kunfur dabadeeda
Duufaan dhacaysiyo abaar daadufaa timiye
Ayax baa ka diirtayoo dhirtii doogi ka idlaaye
Dhulkii baa dumayo cirkaan roob ka soodi’ine
Dabaqyadi dhisnaa iyo burbure daarihii xamare
Daafi juba iyo webiyadii lagu dagaagowye

Doorki rageeniyo idlaa diricyadiisiiye
Dumar wada agoonaa kubadan meelahaad deyine
Duqay wada hamuunaysah baa loodeweriyaaye
Diif iyo waxaan wada qabnaa diiqsanaan shacabe
Soo duubte orobo iyo intay deris wadaageene

Dunidu kanay bangaladeesh ku tahay deeq naloo fidiye
Hayeesheeh dacwaan kuu hayaa doogta kaa bi’ine
Midnimaa dan iyo lagu helaa dowlad iyo xooge
Dad walal ah iyo waxaynu nahay ul iyo diirkeede
Dedii igayarayd baad tahay iyo kaan dugsanayaaye
Diintiyo islaamkaynu nahay niman ku daawaaye
Dalka ha goynin oo yaan ibliis daasad kuu tumine

Qore Axmed yusuf "sheeka xariir

Developed by Jago Desain