Posts

dib uga Noqosho Musharaxnimadaydii aan damacsanaa inaan isu sharaxo Doorashada Puntland

Ku: Isimmada Iyo Nabadoonnada Gobolka Puntland Ku: Culumaa-Uddiinka Iyo Mutacallimiinta Gobolka Puntland
Ku: Dhallinyarada Gobolka Puntland Ku: Dhammaan Wax Garadka Iyo Qaybaha Shacabka Gobolka Puntland
Ku: Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee samaha jecel Ku: Warbaahinta xorta ah Ujeeddo: dib uga Noqosho Musharaxnimadaydii aan damacsanaa inaan isu sharaxo Doorashada Puntland

Waxaa mahad dhamaanteed u sugnaatahay Alle,

in muddo ah damacsanaa inaan isu soo taago tartaka doorashada madaxweynaha ee ka dhici doonta maamulka Puntland,Puntland waxay u baahan tahay nabdgelyo, caddaalad, iyo horumarin iyo hogaan toosan, Waxaanaa rajeynaayay in aan ugu horreeyo tartamayaasha , anigoo damacsanaa inaan soo bandhigo barnaamijyo waxqabad ah oo dhammaystiran oo aad ugu haboon in looga samatabixiyo xaalada adag ee oo ay maanta ku sugan tahay Puntland, Hase yeeshee, waxaan go?aansaday in aan ka tanaasulo tartanka musharraxnimada Maamul Goboleedka Puntland.
Sababaha igu dhaliyey in aan dib uga Noqdoh isutaagida tartanka madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah, kuwa soo socda:

1)Qaabka doorashada Puntland u socoto oo aad u gurracan; Xaqiiqdii, qaabka doorashada ee Puntland waxaan oran karaa waa mid aan sax ahayn , waana halka uu ka jiro assalka dhibaatada Puntland haysata. Haddaba, haddii aan la helin cadad macquul ah oo wada mateli kara bulshaweynta reer Puntland oo dhan oo weliba ku qanacsan , doorashada ka dhacdaa Puntland waxaan xaqiiqdii oran karaa waa mid aan ansax aan aheyn, wax ahmiyadna lahayn.
2)Dhibaatada ay ku hayaan Puntland madaxdeedu, kuwaas oo aan dhicin, aan dhergin, aan gaboobin, haddana aan waxqbad lahayn;

3)aqoonyahan aan lahayn is-ixtiraam iyo istaageerid, islamarkaana aan danaynaynin dhibaatada ka jirta puntland ;

4)Faragelinta faraha badan oo haddana kala duwan noocyo ahaan ee lagu hayo Puntland dibad iyo daakhilba ;

Sidaa daraadeed, waxaan go'aansaday in aan dib uga noqdoh Musharaxnimadaydii aan damacsanaa inaan isu sharaxo Doorashada Puntland.

Waxaan dhamaan musharrixiinta kale u rajeynayaa guul iyo waxqabad, waxaanna uga digayaa eex iyo musuqmaasuq.
Wa bi Allahi Towfiiq. MOHAMED I. INDHATAAG (RUUNYO)
Developed by Jago Desain