Gacmadheere oo beeniyey in Kenya ay xayiraad saartaymadaxweyne Yuusuf iyo qoyskiisa.

Maxamed Maxamuud Guuleed ( Gacmadheere) oo shalay madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u magacaabay R/wasaare ayaa beeniyey in dowladda Kenya ay xayiraad ku soo rogtay madaxweynaha iyo qoyskiisa.
Gacmadheere ayaa sheegay in si qaldan loo turjumay hadalkii ka soo baxay dowladda Kenya ee ahaa inay xayiraad dhanka safarka iyo dhaqaalaha ah ku soo rogtay madaxweynaha iyo ehaliisa."Kenya si cad uma dhihin madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaan xayiraad ku so rognay ee waxa ay dhahday dadka hortaagaan dib u heshiisiinta ayaan xayiraad ku soo rogeynaa" ayuu yiri Gacmadheere.
Wuxuu intaas raaciyey inay la xiriireen wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya oo uu sheegay inay kala hadleen arrimahaas ayna u sheegeen inaysan si gaar ah xayiraad u saarin madaxweynaha iyo qoyskiisa."Kenya waa beenisay inay madaxweynaha iyo qoyskiisa xayiraad saartay, waxaana arrintaan si qaldan u turjumay dad dano gaar ah leh" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Developed by Jago Desain