Guuto bahalo ah

Gabaygakan waxan tiriyay abwaan Sheeko-xariir 1994-tii mar uu tegey gobolka Barri gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ay ku taal deked yar oo dhawr doonyood ku soo xirtaan. Dekedaas yari waa isha dhaqaale ee gobolka Barri. Boosaaso waxa isugu yimi wax Alla wixi dawladihi Somaalia waxa meeshaas loogu soo ururay in dhaqaalaha halkaas laga helo ceeriinka lagu qaybsado. Wuxuu markaas tiriyey abwaanku gabaygan la magac baxay Guuto Bahalo ah, gabaygiina waa kan:-

Goboladatan barri waxa ka kacay guuta bahalaaye
Waa gaas iswadahaystah iyo geesh waraabe ahe
Waa niman gumaystihi qortiyo guulwadii tegaye
Waa nimam garaad koodu yahay gaabis iyo liide
Gardaro iyo waa nimam ku nool geeda saredaaqe
Intay golefariistaan samaan kuma gorfayaane

Sidii guuraraacbay habeen talada goostaane
Dhaqaalaha ka go’ah miinaday kala gurtaaniine
Gamba kama baxshaan xoolahay gacan togeyaane
Gargaar uma fidshaan maatadiyo geedigaan degine
Agoomaha ku gaajoonayiyo gacal madhawraane
Waa wada gafane naaxay iyo gaad kacayaare
Gobanimo xishoodkii katage gebi ahaantiise

Gaangeyte iyo waxay cunaan geedcagaar badane
Gurboodkiyo waxay naga ba’sheen gabanadeeneeye
Gabdhihi bay waxay wada bareen geyrash iyo qaade
Marseh hadi ad gaddaas jootoh oo guudku ku cadaado
Gurigaaga inadumisoh waa guuldariyo ceebe
Intayyaan gayiga iibsan oo badaha suuqgaysan
Allahayoow adigaa garanayee guusha nagu aadi

Developed by Jago Desain