Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed oo xilka iska degaya malinta beri ah

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maalinta berri ah iscasili doona, sida uu sheegay sarkaal sare oo la taliye u ah madaxweyne Yuusuf.

C/rashiid Aadan Seed oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in madaxweynuhu uu berrito ka qeybgeli doono kulan gaar ah oo uu yeelan doono baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo uu ugu gudbin doono iscasilaadiisa.

Mr. Seed oo ah nin aad loogu kalsoon yahay isla markaana kala taliyaha madaxweynaha qorshayaashiisa mustaqbalka ayaa sheegay in madaxweyne Yuusu uu doonayo inuu fursad siiyo ragga kale siyaasiyiinta isaga ka da’da yar.

Waxaa uu sheegay inuusan dooneyn in loo arko inuu caqabad ku yahay arrimaah Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa iscasilaya iyadoo ay u imanayeen baaqyo caalami ah oo lagaga dalbanayo inuusan xilka ka degin oo uu la shaqeeyo xukuumadda Nuur Cadde.

Dhinaca kale iscasilaada madaxweyne C/laahi Yuusuf waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo ay labo maalmood uun ay ka harsan tahay waqtigii ay ciidamada Itoobiyaanku qabsadeen inay ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Developed by Jago Desain