Markab Xamuul oo la sii daayey


Hadal ka soo baxey Hay’ada Badmareenada Caalamiga ah, Xafiiskooda Bariga Afrika, ayaa lagu sheegay in Burcad Badeeda Soomaalidu sii daayeen Maanta oo talaado ah markab kuwa xamuulka qaado ah oo dalka Greek laga leeyahey, kaas oo lagu magacaabo Stephanos.
Burcad Badeed hubeysan ayaa horey markabkan u afduubey 21 bishii September ee Sanadkan, waxa uuna sitey Calanka Dalka Bahamas,wuxuuna sidey dhuxusha la shito, iyo shaqaale ka kooban 19 qof, oo 17 Filipin,mid Chinese iyo mid Ukrainian.
Mas’uul u Hadley Hay’ada Badmareenada Caalamiga ah ayaa sheegay in shaqaalaha Markabka saaran dhamaantood bad qabaan, wuxuu kaloo sheegay in markabka la sii daayey gelinkii danbe ee shaley. Balse Mas’uulkan ma uusan sheegin wax lacago madax furasho ah oo markabka laga siiyay Burcad Badeeda,
Developed by Jago Desain