Shiikh Shariif oo Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ka codsaday dhismaha Maleeshiyo daacad u ah Isbahaysiga.

Gudoomiyaha Mucaaradka Somalia Garabka Jabuuti ku sugan ayaa weli Magaalada Muqdisho kawado dhaq dhaqaaqyo uu kula kulmayo Beelaha Soomaaliyeed iyo Ururada si ay taageero u helo.

Hotelka Lafweyn Waqooyiga Magaalada Muqdisho uu uu Shiikh Shariif deganyahay waxaa kusoo qul-qulayo Odayaal dhaqmeedyo iyo Ururo doonayo in ay taageera umuujiyaan Shariifka.

Shuukh Shariif oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in uu kalamo laqaatay Beelaha Abgaal iyo Xawaadle islamarkaana ay ku Taageereen arrimaha Dib Uheshiisiinta uuwado.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Shiikh Shariif uu ka codsaday Beelaha Xawaadle iyo Abgaal in loo dhiso Ciidamo ugaar ah Isbahaysiga taasna laga Aqbalay.
Developed by Jago Desain