Al-Shabab oo togasho ku dishay Wal-diire

Urur isku sheega Al-Shabaab ee gacanta ku haya Gobolka J/hoose ayaa galabta 16/01/2009 meel fagaare ah ku toogtay Allaha u naxariistee C/raxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ahaan jiray Afhayeenkii Isbaheysiga Dooxadda Jubba ee Barre Hiiraale hoggaamin jiray.

Dilka C/raxmaan Waldiire ayaa waxay u cuskadeen Ururkaan
inuu ahaa Basaas u adeegayey wax ay ku sheegeen Caddowga gaalada Ethiopia iyo Barre Hiirale, waxayna faafiyeen in Marxuumku uu qirtay danbiguu galay lagana hayocajalad cod ah isagoo ku dhawaaqayo Ashahaadka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dilka Marxuumkan ay ka dhacday meel bannaan ah oo aan dadi arkeyn, waxana falkani uu soo shaac baxay saacado kadib markii la toogtay, iyadoo dad badani ay gelisay kalsoni xumo iyo cabsi hor leh oo ay ka qaadeen Maamulka Kismayo maamula.

Allaha u naxariiste C/raxman Xaaji Axmed Waldiire waxaa uu xiriir aan dhow la lahaa Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale.

Developed by Jago Desain