police dad ku laayey Hargeisa

Hargeysa (Somaliland.org)– habeenkii xalay munaasibad sannadka cusub ee 2009-ka lagu soo dhawaynayay oo lagu qabtay Hoteelka Xamdi ee magaalada Hargaysa, ayaa mid ka mid ah ciidamada Boolisku uu toogasho ku dilay gabadh la yidhaahdo Faadumo Ibraahim, kadib markii uu rasaas kaga dhuftay madaxa, halkaasina waxa ka bilaabmay isku dhac u dhexeeya Booliska iyo dadwaynihii xafladaasi ka soo qayb galay.

Tan iyo markii ay qaraxyadu ka dhaceen magaalada Hargaysa 29 October, ayaa ciidamada Boolisku ay toogteen dad farabadan oo laba qof oo ka mid ahi ay isla goobtii ku dhinteen. Isla maantana Askari ka tirsan ciidamada Booliska ee ilaalada Baanka Hargaysa ayaa si xun u garaacay sarkaal ka tirsan Baanka oo la yidhaahdo Mawliid Aadan Cumar. Falka masuulkaasi lagu garaacay ayaa loo malaynayaa in ay amar ku bixiyeen masuuliyiinta sare ee Baanku.
Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa walwal wayn ka muujinaya xaaladda Amaanka dadwaynaha iyo xukuumadda kaligeed gaadhka iska qabatay ee ilawday amaankii shacbiga
Koox tuug ah oo ku hubaysan Tooriyo ayaa xalay 10-kii habeenimo xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargaysa ku dilay nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir.

Dhinaca kale,Kooxdan tuugada ah oo Marxuumka qudha kaga jaray tooriyo, ayaa ilaa iminka ciidamada Boolisku aanay ku guulaysan in ay soo qabtaan.
Marxuumkan xalay la dilay oo aan weli magaciisa naloo xaqiijin ayaa noqonaya qofkii shanaad ee muddo laba todobaad gudihii ah kooxo tuug ahi ay ku dilaan gudaha caasimadda Hargaysa. Waxaana jira warwar dhinaca amaanka ah oo ku soo kordhay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa, iyada oo baryahan dambe ay magaalada ku soo badanayaan falal baadhasho iyo budhcad nimo ah, oo ay wadaan kooxo tuug ah oo ku hubaysan Faashash iyo midiyo dhaadheer.

Developed by Jago Desain