Khilaaf ka dilaacay Asmara

Iyadoo Isbahaysiga ARS uu u kala jabay laba garab oo fariisimo ku kala leh Eritrea iyo Jabuuti ayaa waxaa soo baxaya kala jab ku yimid fikir garabka ARS-Asmara.

Sheekh Xasan Mahdi iyo Zakariye Max'ud X. Cabdi ayaa dhawaan warbaahinta isku mariyay hadalo kulul oo uu mid walba ku weerarayo mas'uulka kale, iyadoo hadaladaas ay u muuqdeen in mid walba uu midka kale ka saarayo Isbahaysiga.

"Isbahaysiga ARS-Asmara wuxuu diyaar u yahay inuu wadahadalo la furo garabka kale ee Isbahaysiga, maadaama ay Ethiopia ka
baxday Muqdisho iyo qaybo ka tirsan dalka, loomana baahana dagaalo dambe oo dalka laga huriyo" ayuu yiri Zakariye Max'ud X. Cabdi.

"Zakariye waa mas'uul aan ku hadli karin magaca Isbahaysiga, waana cilmaani aanan garanayn halka uu Isbahaysiga kasoo galay, hadafkeenu waa mid, waxaana sii wadaynaa dagaalada Muqdisho" ayuu yiri Sheekh Xasan Mahdi oo Muqisho ku sugan.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay si weyn uga kala fogaadeen fikirka, iyadoo dhawaanahan ay jireen shirar hoose oo uu Sheekh Shariif la lahaa xubno ka tirsan Isbahaysiga ARS-Asmara oo uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys.

Warar hoose ayaa sheegaya in garabka Isbahaysiga ee Sh. Xasan Daahir loo qoondeeyay 17-xubnood oo ka mid ah xubnihii xildhibaanada ahaa ee lagu ARS ay ku qaybsatay Jabuuti; inkastoo aan la sheegin inay aqbaleen iyo in kale.

Xubno uu ka mid yahay Sheekh Cumar Iimaan oo hogaaminaya Maxkamadaha garabka Asmara ayaa laga filayaa inuu dhawaan ku biiro Isbahaysiga Shariifka, kadib wadahadalo hoose oo u bilowday isaga iyo xubnaha ARS-Jabuuti.



Developed by Jago Desain