Markab Xamuul ah oo laga leeyahay wadanka Masar oo lagu afduubtay Xeebaha dalka Soomaaliya.


War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Masar goor danbe oo Maanta ah ayaa sheegaya in Burcad Badeed Soomaali ah ay Afduubteen Markab Ganacsi ah oo ay leedahay shirkadda Maraakiibta ee dalka Masar.

Kaaliyaha Wasaarada Arimaha Dibada ee dowladda Masar Axmed Rasaq ayaa sheegay in Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo Balo satar, uu waday Shixnado gaaraya 6 kun oo ton, wuxuuna xiliga la afduubanayey markabkaas uu marayay Xeebaha Soomaaliya, kaas oo ay saarnaayeen 28 shaqaale oo Masaari ah.”

Kaaliyuhu wuxuu intaa ku daray in lagu soo wargaliyay Wasaaradooda in Burcada Afduubka geysatay ay tiradooda tahay 15 oo qaarkood ay ku hubaysanyihiin Hub culus.

Dowladda dalka Masar ayaa shaacisay bartamaha Bishii December ee tegtay inay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada awooda Reer Galbeedka ay dhisteen ee ay rabaan inay kula dagaalamaan Burcad Badeeda ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee Burcada Badeeda Soomaalidu ayaa waxay horey u afduubtay Markab Masri ah Bishii September ee aanu soo dhaafnay kaas oo ay haysteen mudo 20 maalin ah basle ay markii danbe iska soo daayeen wada hadal hoose oo ay wada yeesheen Burcada iyo Sirdoonka Masar.


Developed by Jago Desain