Posts

Niman lagu eedeeyey iney kufsadeen haweeney oo xukun tacsiir ah lagu fuliyey fagaare ku yaala bartamaha magaalada Kismaayo

Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa maanta xukun tacsiir ah ku fuliyey labo nin oo lagu eedeeyey iney gabar Soomaliyeed ku fara xumeeyeen maalmo deegaanka Goob weyn ee ku yaala meel illaa 15 km dhinaca woqooyi kaga beegan magaaladaasi kuwaaaso ay gacantu ku soo dhigeen ciidamaada maamulkaasi.

Goobta lagu tacsiirayey labadaasi oo aheyd fagaaraha loo yaqaano beerta Xoriyada ee magaalkada Kismaayo ayaa waxaa soo buuxiyey dadweyne aad u fara badan oo ka tirsan kuwa degan magaalada Kismaayo kuwaasoo iskugu jiray haween caruur iyo dad dhalinyaro ah, waxaana labadaasi nin lagu dhuftay
midkiiba illaa 100 karbaash oo Tacsiir ah.

Madaxa warfaafinta ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay labadan nin ee lagu fuliyey tacsiirta uu xukunka lagu riday yimid ka dib markii ay ku cadaatay iney fal kufsi ah u geysteen haweeney Soomaliyeed oo ka tirsan dadka deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in sidoo kale lagu xukumay labada nin in ay bixiyaan labo neef oo lo’ah oo la siiyo haweeneyda ay kufsadeen isagoo ugu dambeyntiina sheegay in xukunka ragaasi la waafajiyey shereecada Islaamka

Developed by Jago Desain