Shacabka B/hakaba oo si xun u dilay askari ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciyaalka xaafadda ee degmadda Buurhakaba oo taageero ka helaya shacabka deegaanka ayaa si fool-xun u dilay nin ka tirsanaa ururka Alshabaab,kadib markii ay ka caroodeen dil uu ninkan u geystay wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga qadariyo magaalada Buurhakaba.

Shacabka ayaa iyagoo qiiraysan budh iyo faasas iyo dhagxaan nafta ooga qaaday ninkan,iyagoo ku eedeeyay inuu si kibir ah u toogtay wiil dhalinyarro ah oo ka cudur daartay inuu si
qasab-ah ku-dukaddo salaada Jimcaha.

Dhalinyarada xamaasadeysan ee ururka Alshabaab ayaa mudooyinkan lumiyay taageerada shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay si sahal u baneysteen dhiiga qofka muslimka ah,
Developed by Jago Desain