Hees uu qaado Xasan Aadan Samater oo si La yaab leh loo baddaly!

Fanaanka caanka ah ee soomaaliyeed oo lagu magacaabo xasan aadan samatar ayaa hees uu ku luqeeyo si la yaab leh loo badalay marka aad dhuuxdo guud ahaan miraha heestaasi oo lagu saleeyay marxaladaha qalafsan ee dalkeena soomaaliya ee mudooyonika 12 sano ee burburka, barakaca iyo baaba'a dadka soomaliyeed uu ku dhacay.

Heestu waa hees ay dadka soomaaliyeed si aad ah u yaqaanaan waxaana lagu magacaabaa "Duceysane" miraha waxaa u sameeyay "Abwaan Tukaale" codka, laxanka iyo musiga waxaa iska leh "xasan aadan samatar" oo xiliga heestan ay soo baxaysay ku aadan abaarihii 1983, waxaana heestaas loogu tala galay ardaydii dugsiyada sare ka
qalin jabisay ee dalka soomaaliya kana qeyb qaadanayay ololihii gurmadka, mashaariicda, horumarinta qaranka soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo ahayd (G.M.H.Q.).

Mira ahaan heesta duceysane waxay ka tarjumeysay wiil dhalanyaro ah oo uu markuu dhameeyay waxbarashadiisa dugsiga sare go'aansaday inuusan dalka ka dhoofin ee dalka iyo dadka daryeelo aabihiina sidaa uug duceeyay.

Laakiin 12 sano ee dalka soomaaliya waxaa la oran karaa lama arkin duceysane ee waxaa la arkey duleysane taa waxaa daliil u ah dalka yaa burburiyay xabaalaha badan yaa keenay yaa ka dhoofshay warshadihii iyo waxyaabihii kale ee dalku lahaa marka heestan iyadoo xaaladahaan haatan markii la arkay ayay sidaan noqotay ileen duceysane ma jiree heestiina waa sedan:-

Duleysane
Marxalada xiligaan:

Duleysane wiilkeygiyow
Anoo qori
wataan ku dhalay
Dabadeed waxaan gatay dhasiike
Anoo waligay zuu wadan
iyo
Jiib baan kugu soo korshow
Dalkeyga intaan duminaayay
Ugaaskeyga
daaro jeexday
Dartaana saasaan u riday
Rabigay iguma dilee
Dib baan
kaaga sheegayaa
Markaad tarantasate dhameysay
Adoon dibada u hilowbin
Inaad qabiil daafac noqoto
Hadaa dooratoo jeclaatay
Hoobiyaan kuugu
duceeyay



------------------------

Aduunkaan intaad dul joogto
Tareeso yaryareysi ma lahee
Hadii rabi hub
kuugu deeqo
Ha noqon doqon fuley ahaado
Beebeeshey yaan laguu xaman
Dabajeex waligaa lahow
Isbaaradana tixgali
Dagaaladana daacad u ahow
Hadiidinee tolkaaga raac
Qabiilkaaga naftaada u hibay
Waxaan daf iyo
hirig ahayn
Duleysanow kuguma ogi
Murtidu duugowbi meysee
Adiga
& Inta kula duleysan
Dardaaran idinka dhigayaa


xasuus :Raali ahow loolama jeedo erayadan waqtigu badalay shaqsi, koox ama qabiil

Developed by Jago Desain