Waxaa Is Casilay Guddoomiyihii Doorashooyinka Somaliland iyo Gudd. Diiwaangelinta

Waxaa shalay is casilay guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, mudane Maxamed Ismaacill Kabaweyne iyo Guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta Ismaacil Muuse. Labadaas masuul waxay u gudbiyeen is casilaadooda dhamaan hay'adaha ay khuayso iyo axsaabta maamul goboleedka waqooyi ee somaliland oo ay si buuxda ugu wargeliyeen is casilaadooda.

Weli saxaafada uma ay sheegin waxa keenay iscasilaadooda, mana jiraan wax shir jaraa'id ah oo ay qabteen, waxaase ay sheegayaan wararku tibaaxayaan in labada masuul is-casilaadooda uu ka danbeeyo
Madaxweynaha maamulka Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Si aad ah ayaa looga dareemay is casilaadooda qaybaha kala duwan ee maamulka Somaliland, iyada oo loo arko in ay tahay qorshe lagu waxyeelaynayo doorashooyinka la rabo in la qabto ee Somaliland la fialyo in ay ka dhacayso bisha March ee 2009

Developed by Jago Desain