Madaxda Somaliya oo cusbitaal ku yaal magaalada Nairobi ku booqday ciidamadii Burundi ee dhawaan kusoo dhaawacmay Muqdisho

Madax sar-sare oo uu ka mid yahay madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ku booqday Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi qaar ka mid ah askartii dalka Brundi ee dhawaan ku soo dhaawacmay qarax ismiidaamiin ahaa oo lagula beegsaday xarunta Ciidamadaas ee Magaalada Muqdisho.

Askartan ayaa waxa ay ku soo dhaawacmeen weerar ismiidaamiin ahaa oo kooxda Al-Shabaab ka dambeeyeen kaas oo dhacay bishii aynu soo dhaafnay, waxaana sida la xaqiijiyay qaraxaasi ismiidaamin 11 ka tirsan askarta
Burundi.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisan booqashada askarta ku wehliyay madax ka tirsan xukuumadda Somaliya oo laga xusi karo wasiirka Gaashandhigga Somaliya, wasiirka arr. dibadda Somaliya iyo diblomaasiyiin ka tirsan Midowga Afrika.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa kadib booqashada askartani u duulay dalka Burundi, waxaana uu safarkani qeyb ka yahay safar lagu wado in uu madaxweynuhu kusoo kala bixiyo wadamo dhowr ah oo ka tirsan geeska
Afrika

Developed by Jago Desain