MURUGADA MAXAA LAGU DAWEEYAA?


FADALAN ADIGOO RAALI AH U SAMIR INAAD SI FIICAN U AKHRIDO WEY KU ANFICIYE DAABACO SI AAD U FAHNTO DHADHANKA AY LEEDAHAY

Haddaad u kuur gasho nolosha Bulshada Soomaaliyeed ee maanta, waxaad mooddaa in Murugada, Wel-welka, Tiiraanyada iyo fekarku noqdeen qayb noloshooda ka mid ah, mid yar iyo mid wayn, mid dal jooga iyo mid dibed jooga, mid Taajira iyo mid sabool ahba.

Qof walba arintiisu waa u gaar laakiin wel welka iyo Tiiraan yadu waa simanyihiin oo inta ka bed baada waa faro ku tiris.
intaas ka dib waxaan halkaan kusoo bandhigayaa 10 qodob oo aan is leeyahay qofkii u fiirsada ama talooyinkaa ku dhaqma noloshiisa waxbay ka badalaysaa, intaananse tobanka Arimood soo badhigin waxaan door bidayaa inaan akhristaha xasuusiyo in arintaan laga qoray kitaabo aad u fara badan, oo miduba aragtidiisa falsafad ku dhisayo, aniguse aragtida ama talooyinka halkaan aan kusoo gudbin doono, waxay ku dhisan yihiin Shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Sunada, intooda badanse waxaan kasoo xulay Kitaabo rag kala duwan oo muslimiin ahi arintaas ka qoreen waxaanse aad ugu bogay kitaab lagu sheegay inuu ka mid yahay kitaabada loogu gadashada badan yahay waqtiyadaan Danbe Dunida Islaamka, Kitaabkaas oo uu Qoray Sh. Caa’id Bin Cabdalla Al-qarni, oo kusoo baxay afka carabiga loona tarjumay luuqado ay ka mid tahay Ingiriiska, magaca kitaabkuna waa LAA TAXZAN ama DON’T BE SAD.
Haddaba aan wada aragno dawooyinka Murugada:
1. ILAAHAY KA MAGAN GAL,
welwelka iyo tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka nafta banii aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo xaaraanta ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabigii SCW ka sugan inuu ilaahay ka magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala yihiin?. Haduu qofku ka welwelo dhib uu mustaqbalka ka baqayo waa HAMI, wax lasoo dhaafay haduu ka tiiraan yoonayana waa XUZNI. Labadaba ilaahay ka magan gal qalbiga qofkay dilaan, talada iyo go’aankana ka qaadaane.
2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?,
ugu horanba is waydii su’aashaas, waxa aad ka wel welayso waa noocee?. Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad rabi u caasiday tahay, waa Gar; laakiin Towbad keen iyo ALLAH oo u noqotaa lagu daweeyaa, walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday Dhibka Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo kuwa ayagu is warjeefaya ku salaysan tahayna waa gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii awooddaada ah ku taageertid Ducada iyo ALLAH barigana aad Heegan la ahaatid.
Hadduu welwel kaagu ku salaysan yahay hawlo adduun iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo dhanbaa Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro iyo hadii lagaa darbeeyaba Su’aalbaa daba taal, Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay, qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo kuwo dab lagu ridayba waa lahaayeen. Maxaad adduunyo ka wel weshaa adoo qaawan baad timid adoo qayd kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel ku xir, oo Maalinta Qiyaame maxaad alle la hor tagaysaa ku koob. Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri haddii adduunyo ALLA agti garab Kaneeco Qiimihi ku leedahay, Gaal koob biyo ah kama waraabiyeen, marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo hoyba u seegtid.
3. SABIR IYO DULQAAD:
hadii dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto ha’ahaato intay doontana ha le’ekaatee; samir iyo dulqaad ha illoobin, waa qayb cibaadada ka mid ah, Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo ajarkooda xisaab la’aan ayaa faraha looga saaraa, dhib kasta allaa faydi kara, Cudur kastana dawo ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabaw ka ahayn, Dhibaato adduunyoo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu batana iftiinka ayaa soo dhawaada, ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina wanaag ka filo.
4. TIIRKA ALLE QABSO:
waa tiir aad u adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa tiirka kaliya ee laysku hubo, waa albaabka aadan ku hungoobayn lagaana horayn, Markaad tiirarka kaloo dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa ooto, magaca alle ha illoobin, dhibkasta asagaa fayda qof kastoo kurbaysanna u gar gaara, Nebi Ibraahim Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday oo ku dhawaaqay Xasbuna laahu wa nicmal wakiil, Qabaw aan qar qaryo lahayn ayaa alla uga dhigay, Culays kastoo ku saaran alle ka bari inuu kaa dajiyo, waxaadna ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo qaadin inayan kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu sababinna ayna wax dhib ah kuu gaysan Karin. Habaynka Qaybtiisa danbe ha moogaan, waxaad cuntaana xalaal ha noqdaan niyad samina alle ku bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa kurbaduna waa ku daynaysaa.
5. RUMAYNTA QADARKA:
Tiirarka Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah Rumaynta Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida Imaan, marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo iimaanka, Nebigu SCW wuxuu yiri waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo, Haduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u noqdaa., Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas ayaa nebigu SCW ku yiri ..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin, haddiise ay ku heshiiyaan inay wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban Karin wax aan alla kuu qorin, Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana waatii macnaheedu ahaa Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan.
Haddaba ogow Inay Iimaanka ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u hogaansamidda xukunka Alle.
6. QUUSASHADA:
Waligaa haka quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo, albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaabadoo dhani isa soo xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay, Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii mulimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu dagaalkaas u faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa macnahooda ka mid ahaa xusuuta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u malayseen malooyi, Malooyinkaas oo Culimadu ku fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen. Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.
7. MAANTA KU XISAABTAN:
waxyaabaha dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka mid ah, noloshiisa Mustaqbalku waxa ay noqon doonto, halka uu degi doono iyo sida uu dunida uga shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi karaa in la ogaado Mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu u baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo Xisaabteeda, raaskiisii janada inuu ka diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay, aduunyadase anagoo dhani socotaan ka nahay qof walbana waxaa la gudboon inuu sahaydiisii uu Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato, Nolosheedana uu kaga ekaado intii alla ka siiyo, asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo dheefteeduba inay Imtixaan tahay.
8. SALAADDA IYO WARDIGA:
Hadday xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar madow aad dareentid, welwel iyo welbahaar isku kaa duubaan, Salaadda u carar, siduu alla na faray Kaalmaysta sabirka iyo salaadda, akhrinta Qur’aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku xira, garansiiyana qiimaha aduunyada, taasoo ka dhigaysa ruuxa mid himiladiisa ka dhiga siduu Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri SCW Qofka alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala yihiin qof nool iyo mid dhintay oo kale.
9. GALLADAHA ILAAHAY:
aad ugu fiirso Galladaha ilaahay kuu galay, adoo huba inaadan koobi karin sida qur’aanku u sheegay, waa tuu Darwiishkiina lahaa (Galladaha Ilaahay ka badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu Quraanka ku sheegay inuu nicmooyinmkiisa nagu deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba, Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu alle Muslim kaa dhigay, inta dad Dhagax Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn ee waaxidkaa Cuubudaya, Janadii Rajaynaya Cadaabkana ka baqaya, Hadaad xubnahaagii mid wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii mid waydayse imisaa kuu hartay?,Haddaba waxa yaroo aad wayday intaad la taahayso lana tawaawacayso maad intuu Rabbi ku siiyay ku mahdisid.
10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID:
Waxaa Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii dhibku ku bato ama arrini ka Gurracato inuu Baroor, Qaylo iyo Calaacal isku daro, Alla bari iyo Tawbab keen muujiyo, Dhaqan akhyaareed isku yeelo, Markiise Alle Il u bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo dhan hilmaamo, allana awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.
Wuxuu Rabbi Qur’aanka noogu sheegay Qaybo ka mid ah dhaqamadii Gaalada oo ay ka mid tahay inay markay Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle kaliya baryaan, markayse soo badbaadaan oo Barriga yimaadaan ayay Sanamyada iyo Dhagxaanta Alle la caabudi jireen, Dhaqankaas aadka u foosha xun iska ilaali.
Kolka markii inta xaalku kugu xumaado rabbi Il kuu bixiyo maxaad mudan tahay?., Inaad kaligi Caabudid, kaligi u mahadcelisid, Diinta Alle iyo Dadka u taagan garab u noqotid ,Meel kastoo aad cagta dhigaysidna inuu ku arko inaad ku xisaab tantid, haddiise aad danbigii iyo dabamaridii amarka alle u noqotid ogow aduunkii ma dhamaan oo dhib waa kii yimaadee.
Tobankaas qodob ee aan soo tiriyay waxaan isleeyahay qofkii maanka ku haya noloshiisa wax bay ka badalayaan, Qanaaco iyo Qalbi degana wuu helayaa, Allaha wayna waxaan ka baryayaa inuu nagu anfaco, markastana maanka ku haya Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan…
Developed by Jago Desain