Alshabaab :: Tani Ma Cadaalad Baa ??!!

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay barxada gudaha xerada maslax ee duledka xafada suqa xolaha ee magaalada Muqdisho ka dib markii xoogaga kooxda al shabaab ay ku soo bandhigeen 4 dhalinyaro ah oo lugaha ay silsilado uga xiran yihiin ayna sheegeen in ay yihiin rag caadeystay dhaca dad weynaha islamarkaana ahaa burcad hubeysan

waxaana ka mida u jeedada kooxda alshabaab in cidii aan ayaga raacsanayn ama ka fikir duwan la dilo ama xukunka ay ayagu isyiraahdaan waa ku haboon yahay lagu fuliyo , hadaadse ku soo biirtid oo ka horimaan ujeedadooda , markaas ayaa ka badbaadaysaa xukunkooda ,

Run ahaan Alshabaab waa

dhalinyaradii, hadda dugsiyada sare ama jaamacadaha ku jiri lahayd oo ku dhacay debinka Al-qaacida, dadaalka ay ugu jirto in ay ballaariso aagga ay kala dagaallamayso Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka. Magacyada la beddeshay (Abu Mansoor, Abu Salma, Abu Quteyba, Abu Muxsin, Abu Zeynab,..)

iyo isbeddelka sida loo lebisan yahay, loo hadlayo, intuba waxay tilmaamayaan in meel aan Soomaali ahayn lagu abtirsado, ujeeddo ka duwan tan Soomaaliyana abuuran tahay








Developed by Jago Desain