Degmada Baargaal oo laga soo sheegayo Dawo iyo Biyo La’aan

Axmed Salaad oo ka tirsan Odayaasha ku dhaqan degmada Baargaal ayaa Barnaamijka Xog Ogaal ee ka baxa Horseed Media u sheegay in aysan dadka degaanka Baargaal aysan haysan wax dawo iyo daryeel ah midna.

Wax uu ku sheegay in Maamulka Dowlada gaar ahaan kuwa Gobolka Bari ay dhowr jeer oo hore Codsiyo ay u direen aysan ka helin wax Jawaab ah isaga oo sheegay in xaalada dadka Degaankaas ay tahay mid aad u liidata.Wax kale oo uu sheegay in Maamulka iyo Hay’adaha iyo Cid walba oo ku shaqo leh arintaan ay ka codsanayaan in lala soo gaaro Gar gaar deg deg ah isaga oo aad uga deyriyey Xaalka dadka degaanka.

Dawo La’aanta wax weeye dhibta ugu weyn ay haysta dadka degaanka sida uu sheegay Axmed Salaad oo ka tirsan Odayaasha Degaanka Baargaal.

Hadalka odayaasha ayaa yimid Xilli DGPL ay sheegtay in badan ay wax ka qabtay Arimaha Abaaraha kuwaas oo u muuqda in Meelaha ka baxsan Wadada Dheer ee laamiga ay ka jirto Xaalado aad u xun.

Degaano kale oo ka tirsan Goboladda Sanaag iyo Karkaar ayaa sidoo kale waxaa ka soo baxay Qeylo dhan abaar taas oo u muuqta mid soo noq noqtay oo aan lagu guuleysan in wax laga qabto.

Ilaahay waxaan ugu baryeynaa in uu roob raxmaad khayr qaba oo deg-deg inoo keeno weliba oo dhulka oo dhan wada gaadha oo barako leh Ilaahay ha ina siiyo". AAMiin Aaaamiin

Xigasho Waraysigan : HR Media

Developed by Jago Desain