Al-Shabaab oo bililiqeysatay xarumihii

Kooxda Al-Shabaab ayaa bililiqesatay dhamaan qalabkii iyo alaabihii kale ee ey kaga howlgaleyeen gobolada Bay iyo Bakool hey`ado hoostaga Qaramada Midoobay kuwaasoo ey shalay xalaaleysteen kadib markii ey soo saareen wareegto ey kaga mabnuucayaan dalka Somaliya.

Sadexda hey`adood ee ey agabkooda xalaaleysteen Al-Shabaab ayaa kala ah UNDP,UNDSS, iyo UNPOS, waxeyna bililiqada xoogeedu dhacday maalinkii shalay waxyar kadib markii ey wareegtadu soo saareen,Sidoo kale maanta ayaa waxaa magaalada Baydhabo laga bililiqeystay xarunta Qaramada Midoobay qalab ka haray kuwo shalay ey kooxdu bililiqeysatay
Xafiis ku yaal Waajid ayaa sidoo kale waxaa laga qaatay dhamaan qalabkii yaalay oo isugu jiray gawaari, qalab isgaarsiin, qalab xafiisyo iyo agab kale oo muhiim ah, sida ey Qaramada Midoobay cadeysay.

Afhayeenad u hadashay Qaramada Midoobay ayaa maanta saxaafadda u xaqiijisay dhacdadani.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay hey`adahan hoostaga Qaramada Midoobay in ey dagaal kula jiraan Islaamka islamarkaana ey hortaagan yihiin dowlad Islaam ah oo Somaliya ka dhalatay, waa sida ey hadalka u dhigeene
Developed by Jago Desain