Ban Ki Moon oo Codsadey in Deg deg Somaliya Ciidan Loogu Diro

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa ka codsadey dhamaan wadamada ku jira Qaramada Midoobey in ay deg deg ciidan ugu diraan dalka Soomaaliya si loo bad baadiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka digey dib u dhac arintaas ku yimaada in ay tahay mid khatar badan leh.

Labada kooxood ee Islaamiyiinta ah Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa weeraro is daba joog ah ku qaadey kadib markii wadaadka dibad jooga ahaa ee Xassan Daahir Aways dalka ku laabtey bishii Abril. dagaaladan ayaa waxaa ku dhintey boqolaal qof waxaana ku barakacay kumaan kun qof.

Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dagaalada ka taagan Soomaaliya ay sababeen dhibaatooyin bini’aadanimo, waxaa hadda u baahan in gargaar deg deg ah lala gaaro dad gaaraya 3,2 milyan oo qof.

Warbixin afartii biloodba mar la soo saaro ayaa xoghaya Qaramada Midoobey Ban Ki Moon, kaga codsadey beesha caalamka “…In aan soomaalida dhabarka loo jeedin kadib dagaaladii xumaa ee halkaa ka dhacay….” waa in aan taageernaa dawladda isla markaasna lala shaqeeya ergayga gaarka ah ee Soomaaliya Ahmedould Abdallah.



“….Maalmaha soo socda waxa ay noqoneysaa xaaladu mid aad u adag…” ayuu yiri
Xoghayaha Qaramada Midoobey “…. Waxaa cad in Dawladda Soomaaliya u baahan tahay
gargaar miletery oo deg deg ah, waxay u baahan tahay hub iyo logistik si ay u
difaacdo meelaha muhimka ah…

Dawladda Soomaaliya ayaa horey caalamka uga dalbatay in si deg deg ah loola soo gaaro ciidamo caalami ah kuwas oo ka bad baadiya dawladda in aysan afgenbin Islaamiyiinta dagaalka ku haya

Developed by Jago Desain