Sweden :Hooyo Soomaaliyeed iyo Shanteedii Carruur oo ku dhintay dab qabsaday Gurigooda

Stockholm, Sweden (AllBaargaal) - Waxaa magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadda Rinkeby oo ah meesha ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Ku nool magaaladan ka dhacay xalay dab sababay dhimashada hooyo iyo shantteda carruur. Hooyo Rodo iyo shanteeda gabdhood oo u dhexeeyey da’da 16 jir iyo gabar yar oo dhalatay dhamaadkii sanadkii hore, waxay ku xirmeen wiishkii ay rabeen in ay hoos ugu dagaan si ay uga carraraan dhab ka dhacay guriga ay deggaayeen, oo ah sar shan dabaq ah.

Waxa uu dabku ka bilowday guriga reer kale oo Soomaaliyeed oo iyagu deggan dabaqa hoose ee dhulka la siman, waxaana dabka sababay cilad dhinaca korontada ah. Hooyada iyo carruurta dhimatay waxy degganaayeen dabaqa shanaad, kuwaas oo markii ay arkeen guriga hoostooda ku yaala ee gubanaaya is yiri hoos u degga oo wiishka raaca. Kadibna waxaa ku xirmay wiishkii ay soo raaceen, waxaana qabsaday qiiq iyo holac
.
Waxaa dabka ka badbaaday aabbihii reerka iyo laba wiil oo bannaanka ku maqnaa. Waxaa sida la sheegay ka soo daahay kooxdii dab-demiska oo markii ay yimaadeen howshoodii galay. Waxaa kaloo jira dad kale oo aan Soomaali aheyd oo iyagana ay waxyeelo ka soo gaartay balse aanan ku dhiman.

Badkan iyo dhimashada dhacday waxaa wax ka qoray dhamaan wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Sweden. Waxaan socda kulanno ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadda ay wax ka dhaceen.

Khasaarahan waa midkii ugu xannuunka badnaa ee soo gaaray Soomaalida ku nool waddankan gaar ahaan magaalada

Developed by Jago Desain