Uganda oo sheegtay in ay diyaar u tahay in ay soo kordhiso tirada ciidankeeda ku sugan Soomaaliya

Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu soo dhamaystiro Tirada ka dhiman Ciidamada AMISOM ee awal loo qorsheeyey in la keeno Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Suxufiyinta la hadlayey ayaa tilmaamay in Uganda ay haysato Ciidan Badan oo Tababar iyo Khibrad Fiican u leh wax ka qabashada Qalalaasooyinka, isla markaasna ay soo afjari Karaan dagaalada ka soconaya wadanka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.


''Waan soo kordhinkarnaa Ciidankeena si ay u Caawiyaan Walaalaheena Soomaaliyeed, si ay Nabad dib ugu soo dabaalaan Dalkooda, Awood ayaan u leenahay in aan wax ka qabano Kooxaha ka soo horjeeda dowlada KMG ah, Balse waxaana u baahanahay Qalabkii iyo Lacagtii ay ku howlgali lahaayeen Ciidankeena''ayuu yiri, Museveni.


Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee ka socda Ururka Midowga Afrika kuna Howlgala Magaca AMISOM ay wax weyn u hayaan dowlada KMG ah iyo Umada Soomaaliyeed, waa sida uu u yiriye.

Hore Milateriga Wadanka Uganda ayaa waxay Qaramada Midoobay ka codsadeen in laga bedelo qaabka ay u howlgalaan, isla markaasna loo fasaxo in ay si toos ah uga qeyb galaan dagaalka ka socda magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoog leh ku haya shacabka ku dhaqan Muqdisho, iyagoo Madaafiic waaweyn la dhaca goobaha ay dadku ku badan yihiin, inta ay shacabka Soomaaliyeed u hayaana waa xasuuqa ay u geystaan hanbada ka hartay dadkii ay horey u gumaadeen ciidamadii Ethiopia

Developed by Jago Desain