Wiil Reer Minneapolis ah oo Muqdisho Lagu Dilay

Nin kale oo ka mid ah dhallin yaro ka fakatay reerahooda kuna biiray ururka Al-Shabaab si ay ula dagaallamaan dowladda FKM ee Soomaliya ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Ninkaan oo 20 jir ahaa magaciisuna ahaa Jamaal Bana ayay qoyskiisu arkeen sawirradiisa oo ku jira shabakadaha warbaahinta laguna sheegayo in uu yahay mujaahid u dhashay dalka Pakistaan oo ciidamada dowladdu ay maydkiisa u soo bandhigeen saxaafadda.

Maydka Jamaal ayay ciidamada dowladdu ku soo bandhigeen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayagoo ku sheegay in uu yahay sarkaal reer Pakistan ah oo ay ku dileen dagaalladii ka dhacay waqooyiga Muqdisho.

Hooyada dhashay Jamaal Bana oo ku nool magaalada Minneapolis ayaa sheegtay in ay aragtay sawirka wiilkeeda oo mayd ah oo wajiga xabbad uga taallo oo la leeyahay waa ajnabi ayadoo intaas raacisay in wiilkeedu uu lahaa midab cas taas oo ay moodeen ciidamada dowladdu in aanu Soomaali ahayn.

Hay’adda sirdoonka Marayjanka ee FBI ayaa ku hawllan in ay ogaadaan cidda safrisay oo sahayday dhallinyaro Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay labaatameeyo kuwaas oo ka tagay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Afhayeen u hadlay FBI-da asagoo ku sugan magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay ka war hayaan sawirrada hase ahaatee wuu ka gaabsaday in uu xaqiijiyo in uu yahay maydku Jamaal Bana.

Jamaal wuxuu arday ka ahaa Kulliyadda Farsamada ee Minneaopolis oo uu ka baran jiray cilmiga Injineernimada ka hor intii uusan u amba bixin dalka Soomaaliya sannadkii tagay.

Waa ninkii saddexaad ee ka mid ah dhallin yaradii Soomaalida Maraykanka ka tagtay ah ee inta la ogyahay lagu dilay magaalada Muqdisho.


Developed by Jago Desain