March 22, 2010

TAARIIKHDA LACAGAHA SOOMMALIYEED

SHARE
Lacagihii xilligii Gumeeysiga

Gobollada Ingiriisku Gumeeysan jirey

Ingiriisku wuxuu Maxmiyadda Waqooyiga Soomaaliya (British Protectorate of Somaliland) ku dhawaaqay sanadkii 1887. Waxaa ka horeeyey heshiisyo uu Ingiriisku la galay Madax dhaqameedyo Soomaaliyeed qaarkood laga bilaabo sanadkii 1884. Danta ugu weeyn ee Ingiriisku ka lahaa qabsashada gobollada waqooyi waxay ahayd inuu helo meel uu hilib ka siiyo ciidankiisa fadhiya Cadan, halkasoo uu ka sameeyey marso ama deked weeyn.

Ingiriisku markuu qabsaday Gobollada waqooyi wuxuu u aqoonsaday Rubiyadda Hindiya lacagta keliya oo rasmi ahaan uga socon karta gobolladaas. Wuxuu ku doortay Rubiyadda Hindiya waayo lacagtaasi horay ayey uga socon jirtey deegaanka. Waa lacag isla Ingiriisku soo saarayey, gobolkuna waqtigaas wuxuu hoos imaanayey maamulka Ingiriiska ee Hindiya (fiiri sawirada lacagta). Intii ka horreeysey 1957 oo aan weli la qaadan habka “decimal”, Rubiyaddu waxay u qaybsanayd 16 “Anna”. Waxay ila tahay waa meesha ay ka yimaadeen erayada “Caanad” iyo “Caanatayn”. Waxaa kaloo jirtey “Bawlad” oo afar caanadood ah (fiiri sawirka hoose). Rubiyaddu waxay kaloo ka socon jirtey Konfurta Soomaaliya sanooyinkii 1941 ilaa 1950 sidaan hoos ku arki doonno.



Sandkii 1919 wuxuu Ingiriisku asaasay Hay’adda Lacagaha ee Bariga Afrika “East African Currency Board” si uu hab-lacageed gaar ah ugu sameeyo Afrikada Bari ee uu gumeeysan jirey. Hay’addaas mid la mid ahna horey ayuu ugu sameeyey Afrikada Galbeed (West African Currency Board). Hay’addu waxay u xilsaarnayd inay soo saarto shilinka Bariga Afrika “East African Shilling” oo ka socon doona dalalka Kenya, Tanganika, Uganda iyo Zanzibar, dalalkaasoo horey ugu isticmaali jirey Rubiyadda Hindiya.

Sanadkii 1937 wuxuu maamulka Ingiriisku oggolaaday in Shilinka East Africa uu ka socon karo Gobollada Waqooyi. Ka dib, labada lacagadoodba si rasmi ah ayey uga wada soconayeen deegaanka. Haseyeeshe, xisaabaadka dawladda waxaa lagu qorayey Rubiyadda. Hindiya ilaa 1945. Ka dibna shilinka East Africa ayaa noqday lacagta rasmiahaan xisaabaatka dawladda lagu qoro. Rubiyadda Hindiya ee Ingiriisku soo saaray waxaa isticmaalkeeda la joojiyey markii Hindiya qaadatay gobanimadeeda sanadkii 1947, gabiahaanna waxa wareegga laga saaray sanadkii 1951. Lacagta “East African Shillin” iyadu waxay ka soconeeysey Gobollada Waqooyi ilaa 1960 oo ah markii gobonamida la qaatay.

Gobollada Talyaanigu Gumeeysan jirey

Talyaanigu, sida gumeeystayaasha caadada u ahayd, wuxuu Soomaaliya ku soo galay hab shirkad ganacsi. Waxaa jirey nin la yiraahdo Vincenzo Filonardi oo ahaa Danjiraha Talyaaniga ee Zanzibar. Ninkaas asaga ah ayaa dawladda Tayaanigu u xil saartay inuu u hawlgalo siduu awodda talyaaniga ugu ballaarin lahaa koonfur iyo waqooyi bari ee Soomaaliya asagoo adeeganaya shirkaddiisa, “V. Filonardi & Company” oo dawladda Talyaanigu maalgelisey. Sanadkii 1889, wuxuu Filonardi heshiisyo la galay suldaankii Hobyo, Cali Yusuf iyo suldaankii Caluula, Boqor Cismaan oo ah in Talyaanigu degaankooda kor ka ilaaliyo. Sanadkii1892 wuxuu xeebta Banaadir kaga kireeysaty Suldaanka Zanzibaar, Sayid Khalifa, lacag dhan 120,000 rubiyo sanadkii. Banaadir waxay ka koobnayd Xamar, Marka, Brava iyo Warshiikh. Filonardi waxuu xarun ka dhigtay Cadale oo uu u bixiyey “Itala”.



Filonardi wuxuu sanadkii 1893 soo saaray lacag xaashi ah oo shan Rubiyadood ah (fiiri sawirka hoose) oo lagu magacaabay “Buoni di Cassa”. Lacagta waxaa ku qoran “Itala (Cadale) 15 luglio 1893”. Ma ahayn lacag rasmi ah ee waxay ahayd ballanqaad in qofkii xaashidaas (boonadaas) sita loogu beddelayo 5 Rupiyadood oo qalin ah markuu dalbado (buono per Rupie Cinque pagabile al portatore).” Lacagtu aalaaba ballanqaadkaas ayey ku shaqeeysaa. Haddii aan aammindarro dhicin, qofna codsan mayo in lacagta xaashida ah loogu beddelo qalinkii ama dahabkii saldhigga u ahaa. Aamindarradu waxay dhaceeysaa markii la xakameeyn waayo dabacaadda lacagta.



Shirkaddii Filonardi waxaa iridaha loo laabay sanadkii 1886 ka dib markay khasaartay. Waxaa bedeshay shirkad kale, “Societa Commerciale Italiana del Benadir” oo iyaduna la kulantay ciriiri dhaqaale. Ka dib, sanadkii 1905, waxay dawladda Talyaanigu xeebta Benaadir ka iibsatay Sultaanka Zanzibar iyadoo bixisey 144,000 sterlin. Waxay ku dhawaaqday mustacmaradda Talyaaniga ee konfur Soomaaliya “Somalia Italiana”, waxayna Xamar ka dhigtay magaalamadaxdii.

Isla sanadkii 1905, Talyaanigu wuxuu soo saaray lacag Lire ah oo hal senti ah oo sarrif u noqota Maria Theresa Thaler: 1 Maria Theresa = 150 senti. Haseyeeshe, lacagtaasi waa soconweydey, aqbalaadna waa ka heli weydey xagga seyladaha. Ka dib, markii tijaabadaasi fashashay, waxay dawladda Talyaanigu soo saartay hab-lacageed cusb. Waxay sameeysey sanadkii 1909 Rubiyad Talyaani ah oo qalin ah oo u qaybsanta/sarrifanta 100 bese ( fiiri masawirka hoose). Waxay soo saartay 1, ½, ¼ rubiyadood iyo 1, 2, iyo 4 bese. Beeso hadda waxaa loo yaqaan lacag oo dhan nooc kasta ha ahaatee. Waxaan u maleeynayaa inuu magacaasi halkaas ka yimid. Heesihii hore ee shaqaaluhu ku heesi jirey waxaa Ka mid ah tixdaan:



Beesadii gaal, oo bogga caddeyd,

waa bukaa iyo, bilaash lagu waa.

Waxaa dhacday in sicirka qalinku uu ka qaaliyoobay seyladaha adduunka, saameeyeyna wareegga lacagtii Rubiyadda Talyaaniga, sababtoo ah qalinka ay lacagtu ka sameeysan tahay ayaa ka qiimo batay lacagta nafteeda. Taasi waxay sababtay in dadweeynuhu kaydsadaan Rubiyadda, ka dibna ay suuqa ku yaraato. Si wareegga lacagta loo dheelli tiro, Bankiga Dhexe ee Itaaliya (Banca d’talia) wuxuu soo saaray lacag Rubiyad ah oo xaashi ah oo ka kooban 1, 5 iyo 10 Rubiyadood. Hoos waxaa laga arki karaa sawirka xaashi-lacageed hal rubiyaad ah.. Lacagtaas xasshida ah oo Rubiyadda ah si fiican ayey u shaqeeysey, suuqana u gashay iyadoo buuxisey baahi loo qabay.



Sanadkii1925, dawladdii Talyaaniga ee Fashiistada ahayd ayaa carcar la timid. Waxay xoog ku qabatay gobollada dhexe iyo Waqooyi Bari oo horey aan xukunkeedu u gaarin. Waxay Jubbada Hoose kala wareegtay dawladda Ingiriiska. Isla sanadkaas 1925 ayaa dawladda Talyaanigu mar kale beddeshay habka lacagaha. Waxay dalkoo idil ku soo rogtay isticmaalka liraha Talyaaniga oo beddelay lacagihii kale oo dhan.

Sanadkii 1935 Dawladdii Talyaaniga waxay ku duushay oo qabsatay Itoobiya, waxayna ku dhawaaqday Afrikada Bari ee Talyaaniga (Africa Orientale Italiana) oo ka kooban Soomaaliyaa, Eritreea iyo Itoobiya. Waxay saddexdaas dal u soo saartay lacag lire Talyaani ah oo gaar ahaan dalalkaas loogu talagalay. Lacagtaasi waxay kaga duwaneyd liraha caadiga ah ee Itaaliya ka socda, qoraal ku dul qoran xaashida oo ah “Serie Speciale Africa Orientale Italiana” . Waa taxane u gaar ah Afrikada Bari ee Talyaaniga. Waxaa kaloo ku qoran “E’ vietata la circolazione fuori dei territori della Africa Orientale” lama oggola inay ka socoto dhul ka baxsan Afrikada bari. Fiiri sawirka xaash-lacageed 5 lire ah oo noocaas ah.

Lacagihii socon jirey 1941 – 1960

Dagaalkii labaad bilowgiisii, Talyaaniga ayaa Ingiriiska ka qabsaday Gobollada


Waqooyi. (British Soomaaliland). Haseyeeshe, kuma daahin. Waxaa ku soo rogaal celiyey Ingiriiska oo bishii February ee1941 qabsaday dhammaan dhulka Soomaalidu dagto oo aan ka ahayn Jabuuti. Ingiriisku wuxuu go’aamiyey in lacagta “East African Shilling” ay noqoto tan rasmi ahaan uga socota Gobollada Koonfureed (Italian Somalialnd), lacagtaasoo horey uga socotay Gobollada Waqooyi (British Somaliland). Lacagta “East Afrika” waxay caan ku ahayd kumiga iyo taanada dhexda ka daloolay (fiiri sawirka kore). Ereyada Kumi iyo Taano waa af Sawaaxili oo waxay inooka yimaadeen xagga “East Africa”, micnahooduna waa 10 senti iyo 5 senti. Waxaa kaloo Soomaaliya oo idil ka socotay Rubiyadda Hindiya oo iyaduna dhinc soconeysey shilinka East Africa. Halkii Rubiyad waxay u dhigantay shilin iyo bar.

Sida la ogsoon yahay, sanadkii 1950 Gobollada Konfureed waxaa lagu wareejiyey maamulka Talyaaniga ooy ilaaliso Qaramada Midoobay,”United Nations Trusteeship Administration” oo afka Talyaaniga lagu oran jirey “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS). Talyaanigu wuxuu dalka ku soo noqday bishii Abriil 1950. Bil ka dib, wuxuu soo saaray lacag cusub oo uu ku magacaabay “Somalo”. Lacagtaas qiimaheeda iyo qaybaha ay ka kooban tahayba wuxuu ku jaangooyey Shilinka East Afrika. Wuxuu asaasay Hay’adda Wareegga Lacagta ee Soomaaliya (Cassa Per La Circolazione Monetaria Della Somalia) oo u xil saaran soo saaridda lacagta “Somalo”, asagoo ka ka tixraacay habkii ay u shaqeeyneysay Hay’addii “East African Currency Board”. Wuxuu daabacay xaashi-lacageed u qaybsan min 100, 20, 10, 5, iyo 1 “Somalo”; iyo lacag cadadi ah oo min 1 “Somalo”, 50, 10, 5 iyo1 senti. Lacagta xaashida ahi waxay caan ku ahayd dabqaadka ku sawiran. Lacagta xashida ah ee halka shilin suuqa ma gelin. Sidoo kale halka senti oo loo bixiyey “dhururuq” isaguna ma shaqeeyn. Lacagtaasi waxay beddeshay lacagtii “East African Shilling”, waxayna soconeeysey ilaa gobonimo laga qaatay .

SHARE

Author: verified_user