Akhri Waxna Ka Gal

Ma ogtahay in burcad badeedu tahay dadka ugu nasiibka daran aduun iyo aakhiro.Lacagta faraha badan ee laga helo burcada badeednimadu ma aha mid nolol iyo rajo leh, balse waa furaha halaaga iyo khasaaraha aduun iyo aakhiro ee yaanay ku hodin.

Aakhiro mooga xaaraanta doonayaa waxay eegaan maalinta ay joogaan ee ma fiiriyaan waxa soo socda iyo nolosha dhabta ah, xaaraan ma laha kalsooni iyo liibaan, waxaad ka dhaqdo iyo waxaad ka dhistaaba waa khasaaro. Waa dabar go’ iyo barako la’aan.Ilmaha aad ka korisaa waa caasi, lacagta xaaraanta ah kama xajiyaysid, guriga aad ka
dhistana waa mid khasaare ah, haweenta aad ka guursataana ku khayri maysid .

Waa xishood la’aan iyo iimaan la’aan inaad dad safar ah oo aan waxba galabsan xoriyada ka qaadid madaxoodana aad lacag ka doontid.

Dadka saas yeelaya iyo kuwa raalida ka ahi waa isku mid.waxay wax u dhimeen karaamadeni iyo sharafteeni.

Magaceeni iyo magaaladeeni waxa kufsaday dhowr qof oo an xishoonayn.
Marsadeena ayaa lagu haystaa dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah oo aan u jeednaa.

Aaway xilkaskii, aaway dhalinyaradii, aaway culimadii, aaway haweenkii…..
Cidii arintaas wax ka geli kartaa yay hagran,maaliniba waa yaa joogay…….
Qofkii kaalin ka gala ,sida talo, wacyigelin, dadka la haysto oo loo gurmado oo raashin iyo biyo la siiyo,xoriyadooda oo loo soo celiyo….waxa uu ka helayaa hortiisa.

Mugdi iyo madow baa inaka dambeeya waxa lagu ifsadaa ay ka mid tahay samafalka


Wabilaahi towfiiq


Developed by Jago Desain