Dalka Turkiga oo Marti-gelin doona Shir Looga Hadlaayo Soomaaliya

waxaa lagu wadaa in dalka Turkey uu marti geliyo shir looga hadlaayo dalka Soomaaliya, shirkaas ayaa ku saabsan arimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya iyo arimaha Burcad-badeeda.
Shirka ayaa noqon doona mid heer caalami ah waxaana ka soo qaybgeli doona dawlado badan iyo hay’addo caalami ah, waxaana lagu wadaa in uu qabsoomo bartamaha bisha May ee soo socota, shirka ayaa ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkey.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Spain Angel Losada, ayaa saxaafadda u sheegay in shirkaan caalamiga ah ee qadiyada Soomaaliya looga hadlaayo uu soo jeediyey qabashadiisa Raysalwasaaraha dalka Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero iyo Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy.
Losada ayaa sheegtey in shirku uu yahay mid diirada lagu saari doono taageerada la siiyo Dawladda Soomaaliya iyo arimaha Burcad
Wbadeeda.

Shirkan oo ah mid aan weli si rasmi ah loo qeexin maalinta uu dhacaayo, ayaan haddana la sheegin, cidda Soomaaliya uga qayb geli doonta, ama lagu casumey.

Developed by Jago Desain