Gabay : Sidee Baad Ku noqon Kartaa Gabyaa

Gabayga

Hordhac

Gabaygu waa maanso ka kooban beydad isu raac-raaca tuduc tuduc, kaas oo uu beyd kastaana leeyahay xaraf-qaad iyo miisaan xadidan. Isla gaadhka qoraalkan gaaban, waxaan isku dayayaa in aan idiin sawiro sida uu gabaygu u dhismo, annigoo garabka saaraya laba hab oo kala ah: 1) Habka Qaafiyadda iyo 2) Habka Miisaanka Maansada:

1) Habka Qaafiyadda: Habkan waa hab qof waliba oo gabyi kara, amma maansoon kara, niyadiisa ku dhex xafidan. Sababtoo ah, qaafiyaddu waa naxwaha maansada. Maanso kasta ood magacawdo (ha ahaato: geeraar, jiifto, guurow, gabay, iwm) habkan ayey ku aroortaa. Habkan waxaa fure u ah

Xaraf-Raaca,” ama qadanka, kaas oo hal xaraf maanasada oo dhan lagu dhiso, qaafiyadna looga dhigo — waxaan ka ahayn maansada buraanburka, oo iyadu inta badan ku dhisanta dhawr tuduc oo kala xaraf-raac duwan. Qaafiyadda gabayga badanaa labo goor iyo in-ka-badanba waa lagu arki karaa. Tusaale:

Gudcur raadki guuraha ku lumey, waaga galacdiisa (Dhoodaan)
Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide (Calidhuux)
Dugsi male qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane (Timacadde)
Habka Qaafiyadda intaa kaliyaati nagama haqab tirin, balse nuxurkiisa waxaa uu salka ku hayaa habkan soo socda ee Miisaanka Maansada.

2) Habka Miisaanka Maansada: Habkan waa habka ugu ballaadhan ee maansada Soomaaliyeed, dhan walbood ka cabbirto, lagu kala sooci karo, isla markaasna (sida gabyaayaduba dareen ahaan garan karaan) lagu muujin karo in maansada loo golleeyahay ay leexsantahay iyo in ay marinnadii qarniyo ka hor loo xaadhay ku dheelmanayso. Habka miisaanka maansadu waxa uu qoraal ahaan saxaa dhigaalka maanso kasta. Habkan waxa uu kolkaa noqonayaa hab kelidii ku fillaada in maansada Soomaalida lagu calaamadiyo, isla markaasna dad fara badani ku garwaaqsan karaan hodontinnimada maansada Soomaalida. Habkan oo soosaaristiisa u tixgashan Prof. C/laahi Diiriye Guuleed “Carraale” iyo Prof. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ayaannu furfuraynaa, annagoo hindisihii Prof. Carraale adeegsanayna.

Habkan (Carraale) waxa uu ina barayaa in maanso kastaayi, dhankaad uga soo aroortaba, ku dhisnaan karto saddexdan qodob:

1 – Dheellitir ka dhaxeeya tirada alanka iyo tan shaqal-dheereha
2 – Booska ay shaqal-dheerayaashu si sugan uga geli karaan meeriska,
3 – Hormaynta alammada ee meeriska oo meeriska giijiya (Carraale, 1976: p. 17)
Inta aannanu saddexdaa qodob kala qaadqaadin, waxaa habboon inaan isla wada garano (gabay ahaan):

Meeris: Sadar ama baydka maansada; gabayga
Hojis: Qaarka hore ee meeriska gabayga
Hooris: Qaarka dambe ee yar ee meeriska gabayga
Alan (dhawaq): Shaqalka oo dheer iyo gaabba simanyihiin
Shaqal-dheere: Waad taqaan oo waa: AA, EE, II, OO, UU
Dhafane: Waxa uu u dhigmaa shaqal-dheeraha, waana: AY, OW, AW, EY…

QODOBKA 1aad: Dheellitirka Meeriska Gabayga
Gabaygu waa meerisyo tixo ah—waxaana meeriskiiba geli kara laba illaa saddex (iyo in ka badan oo) qaafiyadood—ku waas oo laba qaybood oo waaweyn loo kala qaado: 1) Meeris Saleed iyo 2) Meeris Farcame ah. Haddii aannu ku horraysiino meeriska labada qaafiyadood uun qaata, waxa uu dhismihiisa guudi(meeris) noqonayaa sidatan:

Meeriska Saleed ee Laba-Qaafiyadlaha ah

Meeriskan waa meeris gabayada badidoodu ku dhismaan, waxa uuna ka koobanyahay labaatan (20) shaqal gaab (shaqal-dheereyaasha laba u kala jabso). Qaababka meeriska caynkan ah waxa ay u dhigmaan:

[20] (13+7) Geedjoogohoodii haddaan, gudirigow loogay
[20] (14+6) Qayrkii ka hadhe waa ninkii, qalay walaalkiiye
[20] (15+5) Doqoniimo kugu baahday baan, cidi dabiibayne
[20] (16+4) Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, dhayga badhidiisa
[20] (17+3) Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

Haddaad u fiirsato shantaa meeris ee kore, amaba aad tiriso shaqallada meerisyada, waxaa kuu muuqanaya in meeris waliba meeriska uu ka hooseeyo alammadiisu sii badanayaan, halka shaqal-dheerayaashiisuna isa sii dhimayaan. Annagoo ku fadhiisinayna qodobkii koowaad ee in alammada iyo dhaqal-dheerayaasha la isku dheelli tiro ahaa, waxaa inoo muuqanaya in tiro go’an oo labaatana (20) samayanto. Sida muuqatana, wadarta qawska kuwada jirta tirada weyni (sida: 13, 14,…17) waa alammada meeriska, halka tirada yarina (sida: 7, 6,…3) ay u taagantahay shaqal-dheerayaasha meeriska.

Haddaba, annagoo adeegsanayna qodobka koobaad, ayaan waxan dhisi karnaa bayd aan wali hore loo shaacin, kaas oo noqonaya baydka ugu alammada yar ee meeriska saleed ee gabayga. Baydkan waxa uu u dhigmayaa:

[20] (12+8) Baabuurkii xiimaayeey, badhida haysteene *

Sida tirada alammada ee baydkani muujinayaan, baydkanu qaababkaa shanta ah ee kore ee meeriska saleed u qaabilsan ayuu kor kaga taxmayaa, noqonayaana qaabka lixaad. Midda kale, waxaan odhan karraa baydkanu waa seeska meeriska saleed ee gabayga, sidaas daraadeedna bayd ka yar oo labaatan shaqal ku dhisan ma suurtoobi karo—oo inan alammada hooriska isku dhadhajino, oo khalad ah, ayaanu ku mashquulaynaa.

Dhanka kale, maaddaama oon bayd laba qaafiyadla ah, oo labiyo-toban alan ku dhisan, aan sameennay, waxaa hubaal ah inaan haddana dhisi karno baydka ugu alammada badan, kaas oo alammadiisu yihiin siddeeddiyo-toban. Baydkan haddaan tusaalaynana waa:

[20] (18+2) Bari dahab waxa ku jira ma rabo, Baashe baa yidhiye *

Haddaba, labadan meeris eennu soo kordhinay waxay hubaashii badin karaan tirada (qaababka) meeriska saleed ee gabayga. Waxayna is-hoos-taxanihii shanta qaab ahaa ka dhigayaan toddoba qaab, oo meeriska laba-qaafiyadlaha ah ee salku ku suurtoobi karo.

Hasayeeshe e, waxaanu isla eegi doonnaa in meeriska “Baabuurkii xiimaayeey, badhida haysteene” labada qodob ee hadhsan ku suurtoobi karo iyo in kale.

Meeriska Farcamaha ah; Laba-Qaafiyadle

Meeriskan farcamaha ahi waa meeris ka kooban kowiyo-labaatan shaqal, halka meeriskii saleedi ka koobnaa labaatan shaqal. Meeriskan shan qaab ayuu sida laysla gartay ku dhismaa, walina sidaan u ogahay meerisyo dheeraad ah sida ka meeriska saleed lama soo sheegin (anna maysku daalin). Shantan qaab ayaa kala ah:

[21] (14+7) Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne
[21] (15+6) Markuu duubi weynow indhaha, dabadda soo joojo
[21] (16+5) Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha’la ogaado
[21] (17+4) Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinku xoodaayo
[21] (18+3) Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode

[Haddii qaababka (noocyada) maqan ee meeriskan la baadi goobo, waxaa la soo heli karaa oo qudha meerisyo miisaankoodu yahay: (12+9), (13+8) iyo (19+2). Lakiin, waa in ay qodobadda hadhsan ee miisaanka maansada ka badbaadaan, oo aysan ka hor iman.]

Meeriska Saleed ee Saddex-Qaafiyadlaha ah

Meeriska saddexda qaafiyadood wata waa meeris si dhif ah gabayada qaar loogu arko. Meeriskan waxba kama duwana, shardi ahaan, meeriska labada qaafiyadood wata, laakiin farqiga labadaa meeris (waa laba-Qaafiyadle iyo saddex-Qaafiyadla e) u dhaxeeya ayaa ah farshaxanka meerisku xambaarsanyahay. Meeriska saleed ee baydkan saddexda qaafiyadood wata waxaa loo dhisaa sidatan:

[20] (14+6) Soddon baarro soogaan darmaan, salaba guud dheer leh
[20] (15+5) Suugaantan iyo suufinnimo, saamaxadda diinta
[20] (16+4) Xulub-socodka, goob xaadhashada, xagarro food saarka
[20] (17+3) Hawo iyo, hilow gacalo iyo, hurud nabdoon baa leh

[Haddii qaababka (noocyada) maqan ee meeriskan la baadi goobo, waxaa la soo heli karaa oo qudha meerisyo miisaankoodu yahay: (12+8), (13+7) iyo (18+2). Lakiin, waa in ay qodobadda hadhsan ee miisaanka maansada ka badbaadaan, oo aysan ka hor iman. ]

Meeriska Farcamaha ah ee Saddex-Qaafiyadlahana ah

Meeriska farcamaha ah ee saddex qaafiyadlahana ah waxaa loo dhisi karaa:

[21] (14+7) Rabbaa deeq leh, roobbaa qabow; raaxo nabad baa leh
[21] (15+6) Allaa xoog leh, diin baa xarbi leh; tegid xajkii baa leh
[21] (16+5) Allaa mahad leh, diin baa micna leh; mudan Rasuul baa ah
[21] (17+4) Gabdhaha doonnan, dadabtaan dhisniyo; xidid dariiqaynta

[Haddii qaababka (noocyada) maqan ee meeriskan la baadi goobo, waxaa la soo heli karaa oo qudha meerisyo miisaankoodu yahay: (13+8), (18+3), (12+9) iyo (19+2). Lakiin, waa in ay qodobadda hadhsan ee miisaanka maansada ka badbaadaan, oo aysan ka hor iman.]

* * *

Qodobka koobaad waxa kale oo uu qayb muuhiima ka qaataa dhisitaanka iyo hirgelinta hojiska iyo hooriska meeriska gabayga. Haddii aannu tusaalayaasheennaa kore hojis iyo hooris u kala badhanno, waxaa hooriska (ha ku jiro meeris saleed, ama kan farcamaha ah, amaba laba-qaafiyadle ama saddex-qaafiyadle) mar walba u qoondaysmaya siddeed shaqal, halka hojisku (oo laga eegayo meeris saleedka ama farcamaha) labiyo toban ama saddexiyo toban shaqal ka qaadanayo. Tuusaalahan soo socda waxa aan ku eegaynaa sida qodobka koobaadi hooriska ama hojiska u dhiso:

Hooris

[8] (6+2) qalay walaalkiiye
[8] (6+2) saamaxadda diinta
[8] (6+2) dunida joogayne

Haddii aannu saddexdaa tusaalaha ah faallo kooban ka bixinno, waxaan ogaanaynaa in hoorisku mar walba ka koobnanayo laba shaqal-dheere iyo lix alan. U fiirso tusaalaha koobaad ee ah “qalay walaalkiiye” marka dhafannaha “ay” lagu daro dhaqal-dheerayaasha, waxa soo baxaya saddex-shaqal-dheere. Ha ka didin! Haddii marba aad hooriska ku haysato laba shaqal-dheere, dhafanne kastaa shaqal-dheere iskuma badalayo. Haddii shaqal-dheereyaal kugu filan aadan haysan sida: “dunida joogayne,” dhafanaha ayaa booskaa kuu buuxiyey.

Hojis

Hojisku aad ayuu uga hawl badanyahay hooriska (inkastoo hooriska la’aantii meerisku macnoba ku fadhiyin oo marka aad hojiska iska soo giijiso ayuu hoorisku kuu sallaxmayaa). Hojiska labiyo-toban shaqallaha ah (kuna jira meeriska saleed) haddaan ku horaysiino (kana soo xulano meeriska laba-Qaafiyadlaha iyo kan saddexlahaba ah), waxa uu hojisku u sawirmayaa:

[12] (7+5) Geedjoogohoodii haddaan,
[12] (8+4) Soddon baarro soogaan darmaan,
[12] (9+3) Doqoniimo kugu baahday baan,
[12] (10+2) Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo,
[12] (11+1) Qummud iyo baruuriyo legiyo,
[12] (12+0) Bari waxa ku jira dahab ma rabo,

Eeggana aan bal eegno hojiska meeriska farcamaha ah ku jira:

[13] (8+5) Adaa Koofilow jiitayaan,
[13] (9+4) Markuu duubi weynow indhaha,
[13] (10+3) Ragow kibirka waa lagu kufaa,
[13] (11+2) Xurfadaha gumaysigu qotiyo,
[13] (12+1) Gallad nimaan ka qabo laguma oga,
[13] (8+5) Rabbaa deeq leh, roobbaa qabow,
[13] (9+4) Allaa xoog leh, diin baa xarbi leh,
[13] (10+3) Allaa mahad leh, diin baa micna leh,
[13] (11+2) Gabdhaha doonnan, dadabtaan dhisniyo,

* * *

QODOBKA 2aad: Hoggaga Shaqal-dheerayaasha
QAYBTA 1aad
Haddii aannu isla garwaaqsannay sawirka guud ee meeriska gabaygu ku dhidbamo, haddana liiqliiqasho damman ayaa fahanka guud ee meeriska gabayga inooga jira. Qodobka labaad ayaana liiqliiqashadaa ina garansiin doona, qodobka saddexaad ayaana liiqliiqashadaa saari doona, amaba giijin doona.

Qodobka labaad ee dhismaha (misaanka) maansada Soomaaliyeed waxa uu sahlaa garashada meeris falaad ku jiro iyo mid cuddoon, oo miiraad ah. Haddii qodobkii koobaadi noo bayaamiyey in isu-tirsiga alan ama shaqal-dheere dheeliyi kerin, qodobkan labaadi asna waxa uu masuul kayahay in shaqal-dheeruhu edeb yeesho, oo uu meelo u gaara uun meeriska ka galo.

Guud ahaan meeriska gabayga, marka qodobkan labaad laga tix-raaco, waxa uu u dhismaa sidatan:

Jaan: (U) UU UU U UU UU U UU, UU U UU UU U

Haddii aannu furfurno macnaha jaantaas wada u’da (oo alammo) uun ah, waxa ay “U” u taagantahay shaqal-gaab; “UU“na waa shaqal-dheerayaasha, hoostana waxaa looga xarriiqay in ay kala jabi karaan si ay shaqal-gaab u noqdaan; halka “(U)”na yahay mid soo biira marka meerisku yahay FARCAME oo qudha. Haddii aad tiriso tirada uu-uuda ee jaantaas, waxa kuu soo baxaya 21 tiro ah, balse haddii aad ka reebto uuda ugu horaysa ee qawska ku jirta, waa 20 tiradu, waana meeriska salka ah tiradiisii. Waxaana halkaa ku cad in jaantaasu wada kulmisay dhammaan qaababka (sal ama farcan) meeriseed ee gabayga, waxayna naga samirsiisay in aan dhawr jaanood, oo masuul ka ah kolba meeriska nooca uu yahay, is-daba taxno.

Si’aan u sii qaadaa-dhigno isla macnaha jaantaas, aannu tusaalayaal cusub ku xididsiino qodobka labaad ee Miisaanka Maansada Soomaaliyeed.

1. Saynlow libaaxuba hadduu, sebeno gaajoodo
—–UU –UU U UU U-U U -UU, -U-U -U UU UU U
2. Saryankiyo hadduu aarankuu, saydhi jiray waayo
——U–U -U-U U -UU UU U UU, U—U U UU UU U
3. Sannatayn hadduu sida wadaad, sooman ka ahaado
—–U–U UU U– UU U-U U UU, UU -U U U UU U

Saddexdaa meeris ee kore waa meerisyo sal ah. Kala googo’a uu-uuyaduna (U-U, U–U, U—U) way bannaantahay, sidaan kor ku soo sheegay, oo waxayba yihiin uu-uuyadii hoosta ka xarriiqnaa. [Kala googo'naanta waxa la muujiyaa, iyadoo lagu calaamadinayo DHAASH (-) ama laba DHAASH (--), kolka erayga shaqalladiisu shibbanayaal soo kala dhex galaan.] Waxa jirta mar aanay uu-uuyadu kala go’ lahayn, marka laga eego hojiska meeriska. Tusaale:

Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaqsiine
–UU - UU U UU UU U UU, U-U U UU UU U

Mucdu waxay tahay: In alammada (shaqallada) buluugga ihi afar (4) uun yihiin marka meerisku sal yahay. Alammadanu hogga ay ku jiraan marnaba kama bixi karaan, hadday ka baxaanna, meerisku waa meeris jaban, oo falaad ba’ani ku jiro. Tusaale:

1. Buuhoodley aadee?noy, bariyo joogeene*
—–UU UU UU UU UU ? UU, U-U U UU UU U
2. Baladkeenaa noogaba daran, baaqa laga jeedshay*
—–U-U UU UU UU U U —-U-U, — UU U U-U UU –U

Hooriska labadan tusaale ee koreba waxba kama halaysna. Balse hojiskooda ayaa falaad ba’ani ku jiraa:

Waa tusaalaha koobaad e, (khaladka 1aad) meeshii hal shaqal-gaab oo buluug ah laga rabay, shaqal-dheere ayaa galay, khad casaan ahna wuu qaatay oo waa khalad. Khaladka labaad ee uu meeriskani wato waa in hal shaqal-gaabba ka maqanyahay, oo calaamad su’aasha aayaa muujinaysa meeshii shaqal-gaabka laga rabay. [Haddaan dib u laabano kolkaan halkaa marayno, meeriskii ahaa: "Baabuurkii xiimaayey, badhida heysteene" in gabay lagu sheegaa waxaa buriyey qodobkan labaad, waayo meeriskanu, miisaan ahaan, waa lamid kan aan tusaalaha koobaad ee hojiskiisu is haysan u soo qaatay! Una noqo, meeriskii alammada badnaa ee "Bari dahab waxa ku jira ma rabo, Baashe baa yidhiye" wuu ka badbaaday in kabaha loo tuuro!]

Teeda labaad, tusaalaha labaad khaladka ku jiraayi waa in alankii (labaad ee) shaqal-gaab ahaanta loogu tala galay uu alan shaqal-dheere ah soo baxay. Sidaas daraadeed, meeriskanu wuu jabanyahay. [Laga yaabaa in meerisku toosi lahaa haddii si' kale loo dhigo, oo macnihiisa aan iskeenaynin laftiisa la badalo. Siyaabaha sidani ku suurtoobaysana, qodobka saddexaad ee Miisaanka Maansada ayaa noo bayaamin doona, Inshaa' Allah.]

Haddii aan soo qaadano meerisyo farcame ah, kuna tusaaleenno qodobka labaad ee Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, waxa kaliyaata oo ku soo biirayaa waa hal (1) alan oo ka dhigaya meerisku inuu yeesho shan (5) alan oon hoggooda ka siiban kerin. Tusaale:

(War) Waa hebebed maansadu haddaan, heegga loo fidin e
–(U) —UU U-U U —UU U-U U UU, — UU U UU U-U-U

Tusaalahan ugu dambeeya, sidaan isleeyahay, waxa uu gow ku yahay sababihii aan jaanta u isticmaalnay. Sidoo kale, ogsoonow in mararka qaar, meeriska farcamaha ihi yeesho 22 shaqal-gaab; sababtuna ay tahay in shaqal-dheere uu horaad ka noqdo meeriska farcamaha ah. Sida: Eebow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye.

QAYBTA 2aad
Waxan badida qaybtan labaad ku furfuri doonnaa jaantii kore oo kale, ahna jaanta sidan u dhigan:

Furfuridda Jaanta: (V) W W V W W V W, W V W W V

[Jaanta kore: Xarafka "V" waxa uu u taaganayahay shaqal-gaab; xarafka "W" waxa uu u taaganyahay shaqal-dheere kala jabi kara, kaas oo noqonaya laba xaraf oo "V" ah. Waa jaan isticmaalkeedu sahlanyahay, waxbana kama duwana tii hore ee qaabkeedu ahaa: (U) UU UU U UU UU U UU, UU U UU UU U ]

Inta aananu guda gelin hawsha inagu soo foolle, waxa habboon in aannu is xusuusino dhammaan qaababkii (gododkii) hojiseed ama hooriseed ee qodobkii koobaad ku tusaallaysnaa. Marka aan soo koobno, dabcan koradh midhadh ahina weheliyaan oo casaan ah, waxa ay ahaayeen (tiro ahaan):

Hojis (sal): (7+5), (8+4), (9+3), (10+2), (11+1), (12+0)
Hojis (farcame ): (8+5), (9+4), (10+3), (11+2), (12+1), (13+0)
Hooris: (6+2)

Haddaba aannu furfurno bah walba oo qaws ku xidhan oo kamida is-barbar-yaalka saddexda sadar ee kore—dabcan marka laga reebo bahaha ku dhigan farta cas.

Hojis (sal)

[Isha ku xaji, qalbigana u fur, tirooyinka ka horeeya hojis walba waxay kuu bayaaminayaan inta shaqal-dheere ee hojiska dhexdiisa ku kala jabi kara, iyo waliba godadka ay shaqal-dheerayaasha kala jabayaayi leeyihiin. U fiirso 1.2 mecnaheedu waa: hojiska laba shaqal-dheere ayaa ku kala jabay: midi waa shaqal-dheeraha koobaad, midina waa shaqal-dheeraha labaad.]

Toddoba-Shanle (7+5): Toddobo shanluhu waa bah leh “hal” qaab (god). Sidaas awgeed, shaqal-dheerayaasha hojisku ma kala jabayaan, hogaggoodana kama riixmaan:

0.__W W V W W V W__//__Daacuunku meeshuu ku layn, …

Siddeed-Afarre (8+4): Siddeed afarruhu waa “shan” qaable. Halkan, hojiska hal shaqal-dheere ayaa kala jaba. U fiirso, sababta uu hojiskani shanta qaab u yeeshay waa in shantii shaqal-dheere een hojiskii todobba shanlaha ahaa dhexdiisa ku kala jabin marba midi kala jabi doono:

1.__V V W V W W V W__//__Annagoo Taleex naal jihaad, …


2.__W V V V W W V W__//__Saw magani tii gaabsataan, …

3.__W W V V V W V W__//__Dawdii ha darandoorriyeen, …

4.__W W V W V V V W__//__Waayeelka dhaylada sitee, …

5.__W W V W W V V V__//__Gaaraabidhaan baa ku haga, …


Sagaal-Saddexle (9+3): Sagaal saddexlaha “toban” qaab ayaa loo dhisaa, sidaasna waxa uu ku yahay hojis firaaqo badan leh. Halkan, hojiska waxa la kala jabinayaa laba shaqal-dheere.

1.2__V V V V V W W V W__// __Isuma fayno laakiin dagaal,…

1.3__V V W V V V W V W__//_Toddobaatan boqol oo Darwiish,…

1.4__V V W V W V V V W__// __Ta aqoonta loo gado baree,…

1.5__V V W V W W V V V__// __Cilmigaa asaageedu gayo,…

2.3__W V V V V V W V W__// __Caawana hiyiba waa hiyee,…

2.4__W V V V W V V V W__// __Haadkiyo waraabuhu ragguu,…

2.5__W V V V W W V V V__// __Caawana bal aan meel ka saro,… __

3.4__W W V V V V V V W__// __Eebbow kufriga gedefta lay,…

3.5__W W V V V W V V V__// __Gaaroodi iyo waa la tegi,…

4.5__W W V W V V V V V__// __Qoomkii is xaasida nicmadu,…



Toban-labaale (10+2): Toban labaaluhu sida sagaal saddexlaha ayuu “toban” qaab leeyahay. Imika saddex shaqal-dheere ayaa kala jabaya si uu hojisku u yeesho laba shaqal-dheere oo qudha.

1.2.3__V V V V V V V W V W__// __Gudcurkiyo caddadu waa midkaan,…

1.2.4__V V V V V W V V V W__//+Gumuc kama dunnayn iyo rasaas,…

1.2.5__V V V V V W W V V V__// __Gigta hore Ismaaciil Mireba,…

1.3.4__V V W V V V V V V W__// __Gembi wawgu ridi fulayadii,…

1.3.5__V V W V V V W V V V__// __Dhaladuu wax iga saaray culus,…

1.4.5__V V W V W V V V V V__// __Ninba goonnidiis keli ra’yiga,…

2.3.4__W V V V V V V V V W__// __Baallacad kalyaha kuma jareen,…

2.3.5__W V V V V V W V V V__// __Waa gelengal nimankii fadhiyey ,…

2.4.5__W V V V W V V V V V__// __Dhaawuca ninkuu ku cusub yahay,…

3.4.5__W W V V V V V V V V__//__Waataan margiyadana ku jaro,…

Kowiyo-toban-Halle (11+1): Kowiyo-toban halluhu sida sideed afarraha ayuu shan qaab oo qudha ku dhismaa. Markan shan shaqal-dheere ayaa hojiska laga kala jabinayaa.

1.2.3.4__V V V V V V V V V V W__//__Kuwa miciyo weyti ah wataa,…

1.2.3.5__V V V V V V V W V V V__//__Qabri-Daharre mar un baad xarago,…

1.2.4.5__V V V V V W V V V V V__//__ Ha ku guban dheh waa guluc shishiyo,…

1.3.4.5__V V W V V V V V V V V__// __Bad kalluun ku jira kolay ku tahay,…

2.3.4.5__W V V V V V V V V V V__// __Waa dadka madaxa cudurka silan,…

Labiyo-toban-Eberre (12+0): Sida toddobo shanlaha oo kale, labiyo-toban eberruhu waa “hal” qaable. Ugu dambayn, hojiska labiyo-toban eberruhu dhammaan shaqal-dheereyaashu way kala jabayaan.

1.2.3.4.5__V V V V V V V V V V V V Hadda daya nimanka garabka madhan,…

Dhammaan furfuriddaa kore waxay aas-aas u tahay dhammaan hojiska saleed ee gabayga. Haddii aanu is daba marmarinno shaqal-gaabka iyo shaqal-dheerayaasha hojisyada qaar, kuwaas oo miisaanku dheelliyi karin, waxa dhalanaya hojisyo hor leh. Lakiin, hojisyada dhalan doona ma aha kuwo waafi ah, waayo kuwii waafiga ahaa kor ayey ku wada xusanyihiin—waxaana inoo fudud hojisyada dhalan kara in aan ku magcawno hojisyo leexsan. Hojisyada dhalan doona waa ciriiri carabkana way ku adagtahay inuu si fudud u qaado. Tusaale aan ku dhawrno hojiskan ka samaysmay hojiska siddeed-afarraha ah qaabkiisa koobaad.

1. __ V V W V W W V W__//__Annagoo Taleex naal jihaad, …

Waxa ka dhalan kara hojis ah:

? __ V W V V W W V W__// Maxaa gabar xaalkeed wareer, …

Laga yaabaa, in ciriirinimada hojisyada noocan oo kale ahi aanay muuqan marka hojisku yahay hojis farcame ah, waayo waxaa soo biiraya hal alan oo shaqal gaaban ah, kaas oo shaqal-dheerihii riixmay cawaraya, oo muujin kara inuu shaqal dheerba riixmin.

SIRTA MEESHA KU DUUGAN AYAA AH IN CIRIIRINIMADA CAYNKAN IHI AY SABABTO IN MEERISKU KA DHALAN ROGMO AHAANSHAHA GABAYGA, OO UU ISUBA BADALO MEERIS DHAANTO AH, AMA QAYBO KALE OO MAANSADA KA MID AH.

Ufiirso labadan meeris, iyo siday laba maanso oo kala duwan ugu arooraan, amaba ujeeddadoodu u kala dheertahay:

Markuu dumay qaran duliyo hoos [baa] … (dhaanto) *
Qaran dumay duliyo hoos markuu, dunidan sii dhaafo (gabay) *


Hojis (farcame)

Sida jaanta ku cad, hojiska farcamaha ah waxa keliyaata ee uu dheeryahay hojiska saleed waa “hal” alan . Maaddaamma uun shaqal-gaabku shaqal-dheeraha la masoobi kerin, tiriyoonka horgalayaasha ah amaba calaammadda u ah (shaqal-dheerayaasha) qaababka hojisyada kor ka muuqda waxa laga horreysiinayaa dhibic qudha (ama laba dhibcood haddii shaqal-dheere horaad uu yahay), si loo muujiyo in hojiska laga hadlayaayi yahay hojis farcame ah. Sidaas awgeed waxa jiri doona labiyo- soddon (32) qaab oo uu hojiska farcamaha ihi u dhismi doono. Hal tusaale waa:

.1.4.5_(V) V V W V W V V V V V_//_Xaqa daduugmay duunyada la dhacay,…

Hooris

Hoorisku waxa uu mar walba ka koobanyahay lix alan oo laba kamid ahi shaqal-dheerayaal yihiin. Marka aan furfurno jaanta W V W W V, waxa uu hojisku u samaysmayaa:

–1 __ V V V W W V __// __taladi soo qaadnay

–2 __W V V V W V __// __goohi Calidhuuxe

–3 __W V W V V V __// __goobadaan xidhiye

Mucda sawirka qaybta labaad ee qodobka labaad ee miisaanka maansada Soomaaliyeed ayaa waxa uu yahay, in meeriska (sal iyo farcame) gabaygu yeelan karo:

Ugu yaraan 64 qaab oo hojis ah, iyo 3 qaab oo hooris ah

Sidoo kale, mucdu waxa kale oo ay tahay in meeris walba oo maanso ah (immika gabay ah) magac u gaar ah, oo mutuxan, loo bixin karo. Magacan, oo maansa kasta hal goor iyo wax ka badanba ku soo noqnoqan kara, ayaa mar walba ku salaysmi kara calaamadaha ku xardhan tirooyinka kore.; waxa ayna tani macnaheedu tahay: Magac sugan in aan meeris walba u bixinno, iyo in aan ku dayno tirooyin iska boos-celis u ah magac hadhowto la bixiyo. Haddii aannu tusaalaynana:

Meeris: Muslinka hayga didin yaan Ibleys, dawyo kaa ridin e
Magaca oo mutuxan: 1.2.3 , –3


~~~
 La soco :   Qoraalkan waxaan ka soo xiganay HIGIL 



Developed by Jago Desain