OBAMA OO KA HADLAY XAALADDA SOOMAALIYA EE KA SII DARAYSA

Washington – Ruunyo.com – Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa talaadadii isagoo la hadlayey masuuliyiin ka socdey qaybta maaliyadda ee Maraykank u iclaamiyey sidii ay ula tacaali lahaayeen xaaladda gurracan ee soomaaliya.

Obama ficilkiisa ayaa u oggolaanaya Qabybta Maaliyaddu inay cuna qabatayn hantida shakhsiyaad ku lug leh burcad badeednimada ee xeebaha soomaaliya lagu soo rogo ama malayshiyaadka kuwa ka qayb ah degganaansha la’aanta soomaaliya.

Dhaca badda ayaa xidididda u sii siibay nabadgalyada soomaaliya, halkaasoo kooxo ku xiriirsan Alqaacida aya gabbaad ka dhigteen, “abuura ammaandarro xad dhaaftay oo halis gelin karta maslaxadda nabadgelyo iyo siyaasadeed ee Maraykanka,” ayuu ku yiri Obama qoraalkiisa amarka ah.

Amarkan ayaa beegsanaya qof kasta oo khatar ku ah nabadgelyada, farageliya gaarsiinta gargaarka bani’aadaminimo amaba ku xad gudba Cunaqabtayna QM saartay Soomaaliya oo sharci iyo kala dambayni ka jirin.

Talaadada gelinkii hore, ayaa masuuliyinta Qaybta Maaliyaddu saareen cunaqabatayn ugu yaraan dersin Islaamiyiin malayshiyaad ah oo farta lagu fiiqay, kuwaasoo lagu xiriirinayo inay ka tirsan yihiin ama xiriir la leh kooxda Alshabaab ee Soomaaliya.

Sharcigan cusub ee cunaqabataynta, masuuliyiinta maaliyaddu waxay ku beegsanayaan kow hoggaamiya Sheikh Xasan Daahir Aways, kaasoo ku jira liiska argagixisada ee Maraykanku horay u iclaamiyey laguna xiriiriyey kooxda Alqaacida. Sannaddii la soo dhaafay Aways ayaa yiri waxa uu si dhow ula shaqaynayaa kooxda Alshabaab, kooxdaas mallayshiyada ah oo gaashaanbuur la ah Alqaacida.

Alshabaab waxay dagaal ugu jirtaa sidii ay uga takhalusi lahayd dawladda KMG ee itaalka daran, ee Maraykanku taageero. Soomaaliya ayaan layan dawlad wax ku oola mudda dhan labaatan sano ku dhowaad.
Developed by Jago Desain