Wafdi Rugta Ganacsiga Puntland oo heshiis la Saxiixday Dhigooda Rugta Ganacsiga ee Turkiga..

Waftigii Rugta Ganacsiga Pl ee uu Hormuudka ka ahaa Gudoomiye Xigeenka Labaad ee RugtaGanacsiga Puntland Mudane Maxamed Caydiid Jaamac ayaa Safarkoodii Dalka Turkiga soo Afmeeray iyaga oo xusay inuu ahaa mid is Af Garad Wanaagsan ku dhamaaday, Waftiga oo Xidhiidh dhanka taleefanka ah la soo Sameeyay shabakada ruunyo.com ayaa xusay inay Guul isku soo Af Garteen iyaga iyo Dhigooda Rugta Ganacsiga ee Turkiga.


Sidoo kale waxay Booqdeen Goobahaha Taariikhiga ah ee Ku Yaala Magaalada Ganacsiga ee Istanbul taasi oo ah Caasimada Dalka.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu balaarnaa ay kasoo qeybgalaan tiro Ganacsato Soomaaliyeed oo danaynaya Maalgashi inay ku Sameeyaan Turkiga, waxaa hadal gaaban ku furay kulanka

Mr: Tomer Taskin oo ah Madaxa Hay’ada Xiriirka Dhaqaalaha Dibada ee Turkiga; ( Forien Economic Relation Board), Soo Dhaweyn ka gadaal waxuu halkaasi ka aqriyay xiriirka weyn ee Labada dal Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida iminka loogu Baahanyahay in loo horumariyo Xiriirka ganacsi ee labada Wadan.
Waxa iyaguna Dhankooda u hadlay wafdiga Soomaalida Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Rugta Ganacsiga Maamul gobleedka Puntland Mr. Maxmed Ceydiid oo isaguna ka Warbixiyay wax Qabadka Rugta Ganacsıga Puntlan iyo Ganacsiga Soomaaliya halka uu maraayo.


Ugu danbeyn waxa Shirka ka hadlay Uqeybsanaha Arimaha Ganacsıga Safaarada Soomaaliya ee Turkiga Mr. C/fatax Warsame Rooti isaga oo xuasay wax yaabahii u hirgalay intii uu xafiiskani furnaa sida uu isugu xiray Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ganacsatada reer Turkiya, Mr. C.fatax waxuu ugu baaqay Dhammaan Ganacsatada in ay ka ganacsankaraan Turkiga Xafiiskooduna uu gacmo furan iyo niyad sami wax ula qaban doono.

Gabagabadii Ururada iyo Ganacsatada ayaa Ammaanay kaalinta xafiiska ganacsiga iyo dadaalka weyn uu sameyaya uqeybsanaha Ganacsiga Safaarada Soomaliya ee Turkiga, İyadoo ka qeyb galayaasha Shirka ee labada wadan ay kala Saxiixdeen heshiisyo iyadoo Shirku kusoo gabagabooway isfahan iyo wada shaqeyn.
ruunyo.com
İstanbul-Turkey
Developed by Jago Desain