Yaa Daran ?

Nin ayaa wuxuu u tagay dhakhtar wuxuuna ka codsaday inuu raaco si u wax uga qabto xaaskiisa oo xanuusan, isagoo sidoo kale u sheegay dhakhtarka in xaaskiisu waalan tahay. Dhakhtarkii ayaa ku yiri " sideed ku ogtahay inay xaaskaagu waalan tahay?" Ninkii ayaa yiri " waxay doonaysaa inay soo iibsato neef ari ah " DhaKhtarkii oo yaaban ayaa yiri " oo maxaa ku jaban haddey soo iibsato"

Nikii aad ayuu uga xanaaqay hadalka dhaKhtarka wuxuuna u qaatay in dhakhtarku ku jeesjeesayo, wuxuu yiri " waxay doonaysaa inay ku xanaanayso qolka jiifka" Dhakhtarkii ayaa isna yiri " iska dhaaf ha ku xanaanaysee" Ninkii ayaa yiri "hawada qolka ayaa xumaanaysa" Dhakhtarkii ayaa yiri
" daaqadaha iska fur" Ninkii ayaa ugu jawaabay waxaan ka baqayaa inay qoolaydu iga baxsato" Dhakhtarkii ayaa yiri " xaggey ka imanaysaa qoolayda aad sheegaysaa?" Ninkii ayaa yiri "sariirta hoosteeda ayay ku jirtaa, oo aan mudaba ku barbaarinayay"! Dhakhtarkii ayaa yiri " Hadaba labadiina yaa daran"

Developed by Jago Desain