Burcad badeeda Soomaaliya oo afduubtay dooni ganacsi oo Yemen laga leeyahay.

Wasaarada arimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa maanta sheegtay in ay Burcad badeeda Soomaaliya ay dhawaan afduubteen dooni ganacsi oo shixnad u siday dekada magaalada Cadan.

Warka kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in doonida oo lagu magacaabo Al-Ascaa ayna saaran yihiin 9 shaqaale ah ay Burcad badeedu ka afduubteen biyaha Yemen iyadoo kasoo shareecatay dekada magaalada Mukala kuna sii jeeday magaala madaxda labaad ee Cadan.
Warka ayaa intaasi ku daray in doonida hada ay gaartay xeebaha waqooyi ee dalka Soomaaliya.
Burcad badeeda ayaa sii wada afduubka ay u geystaan maraakiibta ganacsiga wallow ay jiraan dadaalo maxali ah iyo kuwo caalami ah oo la doonayo in looga hortago.

ruunyo.com
Developed by Jago Desain