Ciidamada Yeman oo gacanta ku dhigay dooni siday hub ku wajahnaa dalka Somaliya

ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yeman ayaa gacanta ku dhigay dooni hub sharci daro ah siday, taasoo la sheegay in ay ku soo wajahneyd dalka Soomaaliya.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada badda Yeman oo la yiraahdo Abdullah Rase'a ayaa u sheegay Wakaaladda wararka dalkaasi in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen dooni nooca kalluumeysiga oo ku rarnaa hubka casriga ah ee dunida laga isticmaalo iyo shaqaalihii saarnaa oo tiradooda gaareyso 14 qofood isuguna jira Soomaali iyo Hindi.

Sarkaalkan ayaa sheegay in doonidan laga qabtay inta u dhaxeysa Ras Amran and Khur al-Amirah, Cwuxuuna intaa raaciyay in xiligan su'aalo lagu weydiinayo dadkii saarnaa doonidan dekadda Cadan, isagoo yiri "Waxaan sugeynaa baaritaanka ay wadaan saraakiisha sirdoonka".

Warbixinada hey'addaha la socda cunaqabteynta hubka saaran dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegaan in hubka ugu badan uu ka yimaado dalka Yeman oo qaab ganacsi ku soo gala Somalia, iyadoo laga soo dejiyo dhulka xeebaha maamul Goboleedka Puntland.
Developed by Jago Desain