Ganacsade lagu dilay Magaalada Boosaaso Saakay

(Ruunyo.com )Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Saaka Waa Barigii Nin Ganacsade ah lagu dilay Gudaha Magaalada Bosaaso Gaar ahaan Agagaarka Hotel Safaari sida ay ku soo waramayaan dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay

Dilka Ninkaasi waxa Fuliyay baa la Yiri Rag Hubaysan oo aan la aqoon habytooda kuwaasi oo Baxsaday markii ay Falkaasi foosha xun Fuliyeen.

Booliska Bosaaso ayaa Goobtaasi
qayla Roorkii ka dib soo Gaaray kuwaasi oo xiray Wadooyinka soo Galaya Goobta dilku ka dhacay waxaana ay Baaritaan ku wadaan Baabuurta Yar yar ee Wadada maraysa.

Developed by Jago Desain