Kooxda Inter Milan oo qaaday koobka ciyaaraha Champions Leaga

Kooxda Intere Milan ayaa ku guuleysatay koobkii Champions League-ga ee sanadkan kadib markii ay finalka isugu soo bexeen kooxda Jarmalka ee Bayern München oo ay uga badiyeen 2-0.

Inter ayaa waxaa labada goolba u dhaliyay ciyaaryahanka Diego Milito, waxaana ay ciyaartu ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid, Spain.

Taageerayaasha Inter ayaa xalay oo dhan xaflad iyo damaashaad ku jiray, waxaana ooyay markii ay ciyaartu dhamaatay José Mourinho oo ah tababaraha Inter.

Jose Mourinho oo si weyn loo hadal hayo ayaa wuxuu noqday macalinkii sadexaad ee laba koox oo kala duwan u qaada koobka Champions League-ga, wuxuuna lix sano ka hore u qaaday koobkaan kooxda FC Porto sanadkii 2004.



sidoo kale samuel Eto'e oo ah laacib u dhashay dalka camaruun ayaa noqday laacibkii 4 aad ee laba sanad oo isku xiga la qaada koobka Champions League-ga  labo sano oo isku xiga 
Developed by Jago Desain