Roobab Lixaadleh oo Ka Da’ay Caluula oo Dad Halkaas Ku Diley

Taliyaha Saldhiga Calluula Maxamed Xirsi Cumar oo Waraysi siinayay Horseed Media ayaa sheegay in Roobabkii isdaba jooga ahaa ee ka da’ayay maalmihii ugu dambeeyay Degmada Calluula iyo deegaano kale kaabiga ku haya ee gobolka Bari uu geysteen khasaarooyin isugu jira Barakac dad,guryo dumay,dad ku dhintay iyo gaadiid badeed la waayay.
Maxamed Xirsi ayaa sheegay in saddex qof oo rayid ah ay roobkaasi ku geeriyoodeen,kuwaasi oo siyaabo kala duwan uu roobkaasi ugu dilay degmada Calluula iyo duleedka degmada Baargal.

Waxaa uu intaasi ku daray in Roobabkasi ay gooyeen Jidadkii gali jiray Degmada Calluula ,Baargaal,Xaafuun iyo deeganada kale ee kaabiga ku haya.


Baargaal laba jid oo laga gali jiray waa go’an yihiin sida Jidka lafa goorayo iyo Coogaag bada dabaylo ayaa ka socda,sida lagu aado goobahaasi aad ayay u adag tahay”,ayuu yiri.

Mar taliyaha saldhiga degmada Calluula uu ka hadlaayay dhibaatada haysata dadka Reer Guuraaga ayaa waxaa uu sheegay in Dadkaasi iyo Xayaawanku ay isugu tageen godad,isla markaasina waxaa uu dhibaatada ka taagan goobahaasi uu ka matalay dhibaatadii ay gaysatay Tsunaamigii ka dhacay qaar ka mid ah Deegaanada Puntland sanadkii 2004.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dadka ku sugan Deegaanada Calllula,Xaafuun,Baargaal iyo Deegaano kale oo ku dhow ay waqtigan cadceeda taagan yihiin.

Ugu dambayntii waxaa uu ka dalbaday maamulka Puntland,Hay’addaha gargaarka bixiya iyo cid kasta oo gacan siinaysa Dadkaasi in gargaar degdeg ah lala soo gaaro.
Developed by Jago Desain