Dadweynaha Somaliland oo u Dareeray Doorashada Madaxweynaha Somaliland

Iyadoo ay saaka ku beegantahay maalintii loo iclaamiyay in ay si toos ah u qabsoomidoonto codeynta doorashada madaxweynaha deegaanada Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxaa lagu arkayaa magaalooyinka gobolka waqooyi bari Soomaaliya ugu waaweyn dad faradab oo u dareeraya goobaha cod bixinta doorashooyinka madaxweyne nimo.

Waxaa ay dadka reer Soomaaliland dooranayaan mid ka mid ah 3da musharax ee kala ah madaxweynaha iminka ka degaya xilkaasi ee Daahir Riyaale Kaahin, gudoomiyaha ururka Mucaradka Ucid Feysal Cali Waraabe iyo kan kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo .

Dhamaan deegaanada gobolkaas ayaa ay dadka u dareereen goobaha codbixinta iyadoo ay xaaladu tahay mid degen islamarkaana dadku ay ku codeynayaan jawi degen oo nabadeed.

Mudooyinkii ugu dambeeyay aya siweyn loowada sugayay doorashada maanta dhaceysa iyadoo la isla soo maray marxalado loolan kala duwan oo ay xisbiyadaasi ugu kala tartameen codka dadweynaha Soomaaliland.
Developed by Jago Desain