June 20, 2010

Fooleey Aadan Cali Hareeri

Af-Soomaaligu waa af aad u ballaadhan, hodan ah oo murti iyo maahmaaho badan. Maahmaahda ama murtidu waxay ku timaadaa dhacdo qofka qabsata oo uu shaqsigu isagoo dhacdadaa ka dabqaadanaya hadal miid ah oo maldahan ku cabbiro dareenkiisa. Odhaahda murtiyeysani ma hanaqaaddo dadkuna aad uma qeybo haddii aanay ku dhisnayn dareen dhab ah oo maskaxda qofka xoodaamiyey.

Badanka murtida iyo maahmaahda Soomaalida lama yaqaan ama waa laysku khilaafsan yahay qofkii ugu horreeyey ee ay maskaxdiisa(deeda) kasoo duxeen. Aqoon la'aantaa wuxuu xigtuhu ku saynsaabaa hordhaca ah "Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa..." ama “odhaahbaa waxay ahayd...” Xigtihii maahmaahda daliishanayey wuxuu caddeeyey inuu qof kale murtidii amaahday, laakiin qof gooni ah ma sheegin maxaa yeelay waxay u badan tahay inuusan wax xog ah ka haynin qofkii ugu horreeyey ee murtidaa laga soo tabiyey.

Bal maahmaahaha aan hoos ku taxay akhri, mid ama wadarbana sheeg qofkii ugu horreeyey ee laga maqlo?

· Arrad waa dan usgagse waa dullinimo
· Ragganimo kordhi bay eedday
· Nin maqan tabbidii waa nin jooga ceebtii
· Maan rag waa mudacyo afkood
· Habar fadhida lagdini la fudud
· Hal diidani geed ay ku xoqoto ma waydo

Sidaasi in kasta oo ay hubaal tahay, haddana maahmaaho iyo murti kale oo qofkii ugu horreeyey ee ay ka sugnaadeen la yaqaano ayaa jira. Tusaale:

· Firdi xog ogaal ayaan ku xukumay (Suldaan Cali-saafi)
· Saddexyo ku luudso (Ugaas Xarjafeey)
· Lun adduunow ma maantaa Warneef la iiga soo digay (Sayid Maxamed)
· Caqliyo ayaa reer la martiyaa (Faarax Hoori – Faarax-turuqyar)
· Wasiir isu darawal ah iyo wadaad aan tusbax lahayn midna dadka lagama garto (Cabdi-dhiqle Cali Xaashi - Afcad)
· Waayeel ha u yeedhinee waxgarad u yeedha (Raage Ugaas)
· Wayeel jiraaba waa innagee leebka iyo qaansada inaga dhiga (Xirsi Injirif)
· Badow tuur leh (Suldaan Cali-saafi)
· Adduun i khatal (Aadan Galaydh)

Murtidaasi waxay ka mid tahay xikmadda aan yarayn ee asalkeeda la yaqaano.

Haddaba, dhawr qiso iyo murti ku xidhiidhsan oo hal il kasoo jeeda ayaan qoraalkan kusoo gudbinayaa. Waxaa murtidan loo nisbeeyaa Fooleey Aadan Cali Hareeri oo ugaas caan baxay ahaa, muddo horena ka talin jiray degaanka Ceel Gaab, Doh iyo Doollo.

Waxaa la yidhi...

Niman dableey ah oo dadka uu Fooleey Aadan u taliyo ka mid ah ayaa waxay dileen nin degaanka Muuse Cawl u taliyo kasoo jeeda. Muuse Cawl qudhiisu wuxuu ahaa ugaas caan ah, dhalyo iyo degaanna la wadaaga Fooleey Aadan. Muuse magtii ninkii la dilay ayuu Fooleey uga soo geed fadhiistay. Fooleey wuxuu tolkii amray inay magtaa si degdeg ah u bixiyaan isagoo dhalyaha hoose xeerinaya, dhiig daata oo kale baajinaya, dhawrayana saaxiibtinimada isaga iyo Muuse ka dhexaysa. Hase ahaatee jifadii gacan ku dhiiglaha ayaa diiday inay magtii bixiyaan oo godobo hore oo ay tirsanayeen, tabar badan oo ay isbideen, ama talo xumo shaydaan u horseeday midood indhasaabtay.

Fooleey ayey talo ku ciirtay. Boqol halaad kaligaa ma bixisaa waxay ku nuugto iyo waxay ka nuugtaba ha weydee? Maya, caruurtaada qoodh iyo xero ha caydhaynin. Tolweyne kale arinta ma u bandhigtaa si nimankan khaldan laguula arko? Maya, nin ugaas ah oo sidaada u magac dheer oo raciyadiisii ka amar diiday waa ceeb ee ha is fadeexaynin. Haddaba sideed tolka ugu kala hagoogataa, ayuu is weydiiyey?

Fooleey wuxuu ahaa nin lagu yaqaan rogrogidda tallada iyo u fudho-bixinta hadba xaajadii la saari waayo. Wuxuu goostay inuu xikmadiisa iyo garaadkiisa isticmaalo oo rag talo kama idlaatee hawshan xalliyo. Tolow sideed wax u maaraysaa oo halkeed ka gashaa? Allow ur u bixi, ayaa laabtiisa ka huguntay.

Halkaa arini markii ay ka qandoodsatay, ergadii Muuse Cawlna weli gurigiisa gebran tahay, ayuu maalin dambe wuxuu maqlay hal baadi ah oo ka fakatay jifadii ninka wax dilay oo niman deegaanka Muuse Cawl ah baadi ahaan ugu tagtay, dabadeed ay si Alla u qasheen. Arintaa markuu maqlay ayuu Fooleey faraskiisii jeedladay wajigana saaray degmadii Muuse Cawl.

Maalintii oo dhan ayuu sii socday. Xilli habaynimo ah ayuu kusoo hagaagay qeyradii Muuse Cawl oo uu dabadeed tilmaansaday aqalkiisii. Salaan oo is ogeysii. Muusena waa kuma iyo wuxuu isku daray bannaanka oo uu aqalka uga soo baxay. Waa Fooleey Aadan ee Muusow maxaad sheegtay? Muusena isha ku dhufay Fooleey oo waran iyo gaashaankiisii ku hubaysan, faras fardihiisii caanka ahaa ka mid ahna ku taagan.

Waraysi kooban ka dib, Muuse Cawl oo og habheebta uu kasoo gudbay Fooleey si uu usoo gaadho goobtan uu caawa joogo ayaa weydiiyey waxa uu doonayey. Fooleey ayaa diirka ka qaaday inuu mag doon yahay oo hal niman ay isku qoys yihiin kasoo luntay mag-dhawgeed uu rabo. “Oo hasha magteedu waa imisa Fooleeyow?” ayuu Muuse warsaday. “Waa 100 neef oo adhi ah.” ayuu Fooleyna ku jawaabay. Muuse ayaa fahmay dubaaqa Fooleey iyo ujeedada hoose ee uu ka leeyahay magta uu dalbay.

La is faham oo laba nin oo isku qodboqaad ah ayey ahaayeene habeenkii oo dhan waa kow iyo hagaagta gure. Subixii ayuu Muuse Cawl raggiisii shiriyey oo uu weydiiyey “nin walbow haddii aad maanta Fooleey Aadan aragto maxaad samayn lahayd?” Ileen rag boqolle laga dilay aan magtiisii la siinin ayey ahaayeene, colaad ayey u hayeen Fooleey iyo dadka uu ugaaska u yahayba. Waliba, ogaandarro awgeed, badhkood waxay uhaysteen in Fooleey la go’aan yahay ragga diiday inay magtii marxuumka bixiyaan.

Si uu uga jawaabo su'aashii Muuse Cawl, mid raggii ka mid ah ayaa lasoo booday labaan ka dhigi lahaa haddii aan maanta Fooleey laba indhood saaro. Mid kalaa walee inaan Fooleey iyo cid kale eeqo dambe dhexmarteen oo aan kadabkiisa halkaa ku goyn lahaa ogyesiiyey Muuse Cawl. Mid kale ayaa ma anigaa nasiibkaaba leh ku guuxay. Ninba hadal gundhiciisu yahay waan dili lahaa Fooleey iyo raciyadiisaba ciddii aan ka arko ayuu ku jawaabay.

Muuse Cawl oo aan qariibsanin jawaabaha raggu bixiyey maxaa yeelay qaarkood ayuu uur ogaa ayaa soo celiyey "Fooleey Aadan aqalkan aan hortaaganahay ayuu ku jiraa oo xalay aniguu marti ii ahaa." Waa la aamusay! Aamuskaa gaaban ka dib ayuu Muuse Cawl ka codsaday inuu Fooleey soo baxo. Fooleey oo doodda Muuse iyo raggiisa gudaha aqalka kala socday ayaa mudh soo yidhi. Qoodh iyo xero waa isagii!

Muuse ayaa mar labaad ka codsaday Fooleey inuu ujeedada safarkiisa la wadaago ragga goobta xaadiray. Fooleey ayaa haddaba shaaca ka qaaday inuu doonayey hal magteed. Raggii oo aan ka warqabin wadahadalkii dhexmaray Muuse iyo Fooleey iyo ujeedada qarsoon ee imaatinka Ugaaska ayaa qaadan waayey weedha dhagahooda kusoo dhacday.

Intaa ka dib ayuu Muuse Cawl mar labaad Fooleey weydiiyey hasha magteedu inta ay tahay si uu u maqashiiyo ragga kale. Fooleey ayaa ku jawaabay “waa tiro adhi ah.” Muuse Cawl 100 neef oo adhi ah ayuu isla goobtii in la isugu keeno amar ku bixiyey, dabadeed Fooleey iga tiri ku yidhi. Fooleeyna mar haddii aad adigu tirisay wuu dhan yahay oo kaa daba tirin mahayo ee cid ii kaxaysa igu dar codsaday, illeen ugaas adhi shaminaya daw ma ahee. Saa taana wuu ka yeelay oo war adhiga haloo xerogeliya Ugaaska faray.

Fooleey ayaa cagta dhabbaha saaray oo intii uu sii socday in la eg markuu soo socday qeyradiisii Koonfur kasoo galay. Salaan iyo nabdaadin gaaban ka dibna tiro adhi ah ayaa la daba wadaa oo dadkii fidho, ci, eedaan iyo laaqin wada socota ayaa badankiisii kusoo kacay. Ugaas bal waran? War dhafoor buu ku yaalaaye, qoyskii hashu ka fakatay 100kan neef ee adhiga ah haloo xereeyo! Oo xaggeed ka keentay? Nimankii hasha qashay ayaan magdhaw ahaan uga soo qaaday. Cajiib, waa wax aan hore loo arag loona maqal.

Maalmo ka dib ayuu Fooleey isagu yeedhay tolkii oo ujeedadii uu ka lahaa sheekadan gudagalay. Tolow i maqal, ma nimanka aan hal magteed ka soo qaaday ee dhalashada oo ay xeerinayaan iyo sharaftayda oo ay dhawrayaan darteed saa iisoo hagaajiyey ayaad isugu darteen inaad qoodh-iyo-xeraale ka dishaan, diyona u diidaan!

Arintaasi mid i qabata ma aha, Muuse Cawl mid qabata ma aha, oo mid tolka kala qabata ma aha. Si degdeg ah ninka magtiisii aan u bixino oo 100 neef oo geel ah ha la iisoo tubo saacadan aan joogno. Nimankii way xujoobeen oo si ay wax u diidaan oo kale garan waayeen. Dabadeed 100 geel ah ayaa durba la isu keenay mag ahaana loo guddoonsiiyey Muuse iyo tolkii.

Halkaa ayuuna Fooleey colaad fogaata iyo ciil waara ku baajiyey isagoo xikmadii Eebe Weyne ku manaystay arinta ugu cirbixiyey, saaxiibtinimadii iyo wadatashigii isaga iyo Muuse u dhexeeyeyna ku badbaadiyey. Illaahay baa xakiim ah.

Mar kale…

Haddii laba reer jabo wada degaan waxaa caado ahaan jirtay inay labada Suldaan ee labada qoys u kala taliya aqaladooda ka dhisaan kobta ooda reeruhu ku kala rogmato oo uu raaska suldaan ama ugaas walba noqdo midka ugu baalleeya una xiga reerka kale. Haddaba qisadaa kore ka dib, Fooleey Aadan iyo Muuse Cawl ayaa jabo wada degay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofkii aad rabto inaad barato jabo la deg ama jid dheer la mar. In kasta oo ay saaxiib iyo ehelba ahaayeen haddana jabadan aad ayey isugu barteen oo ninba ka kale rag-ka-roonidiisa iyo dhaliilihiisa arag.

Laba nin oo aan kala dhicin raganimada, geesinimada, aftahanimada, iyo deeqsinimada ayey ahaayeen wuxuuse moogan Fooleey damcay inuu gun-ogaado Muuse Cawl sida uu u arko illeen insaan dhaliil la’aan ma noqon karee. Tolow wax goldaloolo ah Muuse ma kugu sheegi karaa maanta shakiga ah ayuu jawaab u doon is yidhi.

Fooleey ayaa haddaba Muuse weydiiyey, “Ina Adeeroow, raaskan intii aynu niilay waynagaa darisnay, shaxnay, wada cawaynay, gar wada qaadnay ee maxaad wax dhaliil ah igu sheegi lahayd?” Muuse oo aan hadalku dabamarin ayaa si degdeg ah ugu jawaabay "waad samir xun tahay!" "Oo sideen u samir xumahay?" ayuu weydiiyey. "Boqolle intaad dishay ayaad adiga oo aan magtiisii wali bixin neef geel ah oo kuray geeljire ahi qashay magtiisii iisoo doonatay!" ayuu Muuse ku jawaabay.

Gartay ayuu Fooleey yidhi isagoo wajigiisa garawsho ka muuqdo. Muuse ayaa moogiisii isna u celiyey adigu Fooleeyow "maxaad wax dhaliil ah ii haysaa?" Fooleey ayaa Muuse kor iyo hoosba u dhawray. Saa wuu kaba la’a yahay. Dibbuu ugu noqday intay degaanka wada ahaayeen. Saa wuxuu xusuustay inaan Muuse salaadda aad u tukan jirin. Kolkaa ayuu ku jawaabay, "Muusow adduunkana u kaba li’id, aakharana u salaad li’id." Waa lagu kala dhaqaaqay, ma hadal dambaa yaala.

Waa kow…

Mar kale ayey colaadi dhexmartay Fooleey tolkii uu arimin jiray iyo reer kale. Dagaal ayaa foodda lays daray kolkaa ayey Fooleey iyo raggiisii guulaysteen. Iyagoo dagaalkii markaa kasoo baxay oo warmihii iyo seefihii wali midigaysan, dhiiguna tifqayo ayuu Fooleey yidhi "war aan tukano?" "Oo Ugaas maxaan tukanaa saw annagaa dhiigga Islaameed ku cillaamanay ma aha!" ayuu mid dagaalyahan ahaa oo calaacashiisii midig iyo seeftii dhiig isku kooleeyey usoo celiyey. “Mareexaan baanu collownay ee Illaahay maanaan coloobin ee aan tukano” ayuu Fooleey halkaana ka yidhi, raggiina iimaam ugu noqday. Tawajahnaa ilaa beytulaahil Xaraam, usalii Lillaahil kariim iyo salaama naqsi ay kolba dhinac dayeen.

Dabadeedna…

Waa kale ayaa Fooleey oo duullaan ku maqan col reerkiisii usoo dabamaray oo dukumdaakum ka dhigay. Reerka colku galay waxaa ka hadhay oo ay Fooleey iyo ilaaladiisii jabadii ugu yimaadeen xaas kii ahaa oo xaamilo ahayd. Wuxuu arkay isbadel weyn oo ka muuqda reerkiisii. Wuxuu kaloo arkay haweenaydii oo aan siddii hore u humbulayn. Sidaa oo kale, waxay ishiisu qabatay saddex nin oo sac waalan wadda. Wuxuu haddaba damcay inuu haweenaydii waraysto wuxuuna weydiiyey “naa waa hawoo lama daayee maxaad dhashay? Waa hunguri oo lama daayee maxaa dabka kuu saaran? Oo waa hadal oo lama daayee maxaa reerkii galay?” Xikmaddaa oo aad u faaftay sheekooyin badanna Soomaalidu ka bixisay.

Allow ha ku mudin…

Mar kale ayaa waxaa la wariyey in Fooleey Aadan xoog istaawiyey, tolkii iyo dagaalyahanimadoodana aad ula dhacay, aftahanimadiisa, garashadiisa iyo dood aqoontiisana mahadiyey. Reer Aw Axmed Jiin qoys la yidhaahdo oo dadkii uu ugaaska u ahaa ka mid ahna quraan ruugnimadooda iyo diin aqoontooda la dhacay. Kolkaa ka dib ayuu reebay hadalka gadaal caan baxay ee ah “Dood aan afkayga u haysto, dagaal aan Cali Biciide u haysto, iyo diin aan Reer Aw Axmed Jiin u haysto ninna oogama dambeeyo.” Cali Biciide waa laf hoose oo tolka Fooleey Aadan ku aroorta.

Allow aadan beerka u dhimanin…

Ugu dambayntii, niman kale oo Reer Muumin la yidhaahdo oo Fooleey la tol ahaa ayaa dacwadoodu ku badatay. Hebel ayey dileen, hebel ayey dakhreen, iyo hebel kale ayey daaneeyeen ayaa kusoo noqnoqotay. Gar joogta ah iyo dacwo aan dhammaan ayuu ka bixi waayey kolkaa ayuu saaxiibkii Muuse oo ay wada tashan jireen weydiiyey su’aal. Wuxuu yidhi Muusow:

· Taladaada ma yeele
· Tiisa ma mahadiye
· Tuu falaba ku qabsatay

maxaa laga yeelaa? Muuse ayaa ugu jawaabay “waa layska daba luufluufaa” Fooleey ayaa kusoo celiyey “oo maxaad ula niyoon?” Muuse ayaa ku jawaabay “kaasi meel walba wuu joogaa. Adigoo kaagii xumaa ka yimid, ku kiisii xumaa wata ayaa ku dili.” Xikmaddaa Muuse ee ku dhisan maamulka iyo hawadinta dad badan oo kala duwan ayuu Fooleey qaatay, nimankii Reer Muumin ee dhibayna dadnimada iyo dugsiga kale ee uu ku qabo tixgaliyey, shaqaaqada yar ee ay abuuraana ugu dulqaatay.

Innaga oo aan soo koobi karin xikmadaha Fooleey Aadan Cali laga soo tabiyey ee maahmaahda iyo murtida isugu jira, aynu intaa uun ku xaalxaalno qoraalkan. Waa inoo mar kale.

Adigu maxaad ka haysaa murtidii iyo sheekooyinkii dhaxalgalka ahaa ee ka hadhay Fooleey Aadan iyo Muuse Cawl.

Qore: Cawaale Xuseen
awalle@gmail.com
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner