Casayrland : gobol cusub oo boosaaso looga dhawaaqi rabo

Beesha siwaaqroon ee majeerteen ayaa wada dhaqdhaqaaq ay rabaan inay ku helaan Gobol  ay ugu magac dareen Casayrland  si  uu degaankoodu u gaaro horumarin dhaqaale , nabadgalyo , waxbarasho iyo Caafimaad  ,

Beesha siwaaqroon ayaa iyagu ku tilmaamay maamulka puntland mid u adeega dad iyo degaano gaara iyaga oo oo intaa ku daray in waxqabadka maamulka DGPL uu san dhaafsaneen wadada laamiga ah

waxgaradka beesha oo maalmahan shirar iyaguna uga socday magaalada bosaaso ayaa ku eedeeyey in maamulka puntland ay la wadaagaan dhibta kaliya waxayna sheegeen in hada waxii ka dambeeya ay u soo jeesteen dhismaha iyo wax qabadka wadankooda ayna ka  codsanaayaa  Maamulka  puntland uu ku taageero ansaxiyona codsigooda hergalinta gobol cusub oo hoos yimaada maamul,ka puntland 


 waxa kale oo ay hayadaha caalamiga ah ugu baqeen inay gobolka cusub oo u baahan horumarin
 dhaincyo badan ah loogana baahanyahay hay'adaha inay ka  xarumo ka furtaan gobolka cusub oo ilaa iyo hada laysku haysto meeshii caasimad u noqon lahayd 



Isku soo wada duubo ma aha markii kowaad oo ay beesha siwaaqroon ee majeerteen ay  ka hadlaan arinta ,
2004 ayey ahayd markii ay wax garadku beeshu ay ku dhawaqeen ka dib khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo madaxwayne claahi yuusuf ahmed  madaxwaynihii maamul goboleedka puntland xiligaas inkastoo markii dambe la dhameeyey arintaas ayna dhib uga noqdeen



maxamed ibraahim (ruunyo ) 
ruunyo@live.com 
Developed by Jago Desain