June 30, 2010

Maansooyinka Dhoodaan:: Maansooyin Qosol iyo xiiso badan


1-B Alla tuug |2-C Aweytin | 3-C Callaamo | 4- Daba la' 1976 | 5- Dalxiis | 6- Dhab ka hadal| 7- Dhugasho
8- Digasho 1977| 09- Durraaqsi | 10. Falaadkii | 11- Feero dhagax 1963 | 12- Furdaamis 1980 | 13. Gar darro
14- Gar naqsi 1974 |15- Gocasho| 16- Ha midowdo | 17- Ha u liicina| 18- Hadii amxaaroy | 19- Halgaad 1979
20- Higlo| 21- Isweydiin | 22- Jagya luuf |23- Jilbo riiq 1973| 24- Jeeraaro 1973 | 25- Likaaco |26- Mardabaalow
27. Maxaa iigu jira? | 28- Mujaahid | 29- Ogaysiis| 30- Qalbi karbaash| 31- Qarjamuudle | 32- Qaydaraan surad
33- Qodob | 34- Saleello 1974 | 35- Shaamareeb| 36. Takartii maroodiga| 37- Toosoo kacaay 1962 |38- Tusaale
39- Uguma maadeyn | 40- Uneexo 1962 | 41- Uus duugad| 42- Waa la mulkiyey| 43- Xaajadii 1976| 44- Xaawiyo aadan
45- Xullub socod 1975 46- Xuuraa baf | 47- Yaa dirsaday?? | 48- Yaa kasbaday? 1978


01. ALLE TUUG 1974



1974kii Cabdullaahi Dhoodaan markii uu eegay xaalka Soomaalidu sida uu yahay, dhulkii Soomaaliyeed oo qaar gumayste
gacantiis wali ku dambeeya, dadkii la rabay in ay raacdeeyaan oo aan uba soo jeedin, dhallinyaradii oo si xun u wada ilbaxday
oo sigaar, turub, iyo qaad la ruugo door biday, dumarkii oo asturaaddii iyo xishoodkii ka xuub siibtay, sakadii oo la
bixin diiday, culumadii oo la istikhfaafsaday, ayuu wuxuu dacwadiisa u bandhigay ilaahay oo uu waydiistay in uu ummadda
soo hadeeyo, kheyrka iyo wanaagna ku soo dabaalo.

WUXUUNA YARI:-


Boqoroow Allahayoow adaa baaqiyoo jira e

bari iyo adaanay Galbeed kula balaadhnayne

sawaariikhda adigaan ka baqin oo iska soo baxa e

adaanay bir orod dheer ku helin amase baabuure

baylood cirkaa mari adaan buur ka hoos gEline

adigaa wixii aad burburin berina joogayne

baryadayda ii yeel adaan kuu bandhigayaaye.



Barashada cilmiga diinta baan baafiyaa waliye

mas'aladi la baadhoo dhan baan baal ka taagnahaye

in aad diinta ii badiso baan kaa baryahayaaye



Nin waliba bilaadiisa wuu barako maalaaye

baradaydi gaal baa fadhiya buuran tabarteeye

man badheedhi karo ninkaa baaqsadaan ahaye

inaad iga bixisaan raboon kaa baryahayaaye



Boqollaal rag oo wada fadhiya badhaha suugyaasha

oo turubka baandhayn hayoo adigu ii baaq leh

oon baabka waysiyo salaad boqonta maydhaynin

bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye

ummad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??



Bangi lacaga geel badan rag loo adhigu uu buuxo

ooy baahi haynoo lo'dii bowdka miranayso

oo aan bakhaylnimo sakada barina dhiibaynin

bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye

ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye



Xerow aan billowgii cilmiga baran kitaabkiisa

oo imaamyadii wada billaa belo ku sheegaaya

isaguna inuu baastar yahay baabka lagu sheegye

barqankaa inaad bi'isid baan kaa baryahayaaye



Barbaar aan cibaadada alliyo boqor addeecaynin

oo baarka siinaay kalkeer bal u budlaynaaya??

oo buuri nuugoo ilkaha dabarku uu buuxshay

inay bohosha naar galahayaan baabka lagu sheegye

dhallin aan ibliis bi'inin baan kaa baryahayaaye



Bogga kale haweenkiyo haddaan baal kale u leexdo

iyadoon Billaaahiyo islaan nimo ku buuraanin

asturkii kolkii laga baxey sii burburiyeene

waxay baratamaayaan kob aad uga ba'aysaaye

boggaa qaawan bowdada cad iyo naaska badhidiisa

barta xaluska kaga taala iyo bari dabkii gaadhay

adoon baadhin baad heli kartaa booska uu yahaye

hablo badanka soo wada qarshaan kaa baryahayaaye



Beeshii haddii aan wada maroon baal walba u eegay

biyo lagu rogyaa iyo Jibriil baalka mariyaaba

in halaag kusoo beegan yahay baabka lagu sheegye

bulsho kheyrka wada raadisaan kaa baryahayaaye

Aammiin
-----------------

02.AWEYTIN 03. CALLAAMO



Waa taan cadaadley ka guday xalay cawayskiiye

caado iyo intaan sirow tegaan caano geel dhamaye

cosob iyo markaasay maryama ila ciyaareene

citiraafna waan helay sidii dawlad caadila ahe

Waana lay casuumaday sidii caalim soo dagaye

ragna inuu catrado ii dhisuu iila ciil qabaye



Cisigaa anoo heli karoo cudur la'aan seexday

turumbadu markii ay cidee waaguna caasaaday

cirkii iyo camuudii markaan cayn kastaba dhawray

rag calool xun goortaan arkiyo calalo taanbuuga

carmis inan ag joogaan gartiyo wali ciqaabtiiye

caku aniga goormaa wajaaf laygu soo celiyey ?



Carradii biyaa iga xidhoo waxan cabbaan waayey!

cadar bay ahaydoo intaa caga-gubyey haysay!

cagaag baa i mudayoo kabaan cidhibta saaraayey!

shan nin bay casuumaysayoo fiidkii ma cashaynin!

batar Ceerigaabaan ku jabay mana ciyaarayne!

cirka iyo baqoolaan ku tegay cadale meeshiisa

cusbalayna waan soo mariyo Ceelis gudaheeda

cimrigayna meeshaan fadhiyo kama carraabayne!

cawdaan ku jiifiyo hurdada caawa kama toosin

sidaan u caweysimaayuu waagu ku caddaaday!

niman bay canaantoo haddana ii calaalcalayey!

ceeb baa la ii faafiyoo la ima caayaynna!

hadalkaa calaamadale waad la cajabaysaane

caynkaana waxa iigu wacan ciilka aan qabaye

..........
..........
--------------------

04. DABA LA' 1976



Dabayaaqadii 1976kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan rakibay gabaygan isaga oo ugu jawaabayey niman dawladii
Maxamed Siyaad ergo u ahaa oo gabayo usoo diray, nimankaa oo aad magacyadooda ka heli doonto gabayga
dhexdiisa. Waxaa ka mid ahaa, haddii aan dhawr xuso, Yuusuf Dheere Maxamed Sugaal, Cabdi Sheekh Biixi,
Siyaad Daa'uud, Yuusuf Colaad iyo kuwa kale. Gabayada raggaasi tiriyey waxaa ka mid ahaa Hooskii, Dalka
Hooyo, Wargubtaanyo iyo mid Caynley la baxay. Jawaabtii Macallinkuna waxay ku billaabatay:


Asalkiina hadal aan dadnoo daahle, inaan sheegno
Iyo ku aan daboolayn inaan, dibadaha u saarro
Labadaa dariiq baa miduun, dawga ku haboone
Markii docadocays loo waday, daala dhaaf imane

Sidaa iyo darted maansadii, layska daba keenay
Ma diidaniye qaar waan hubaa, daw inuu yahaye
Hayeeshee badhkeed waa daleen, amase deel-qaafe

Kama dhigin macnaha doodif iyo, deero ka hal wade
Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is dabayaacay
Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane
Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duq baan ahaye

Deleb iyo shax labadaa mid baan, dheel u degayaaye
Dixiyo dareemiyo ridhmiyo, duurba kala jaade
Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo, dogobna waa geede
Haddaan damal ku weydiinayood, dhir isku duudqaado
Dur iyo daabacay kala noqdaan, haysku daar toline
Ninkii awr dibjiray goobayoow, duunyo hay odhane!

Inaad doomanaysaan kolkii, gabay la doonaayo
Hal duwaaya dulucdaad rabteen, looma daawado e
Adoo xubinta sii daawadayoo, tii macna leh doortay
Waa in midhihii lagu daabacaa, ha is dabooleene

War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay
Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa
Halkay daaranayd waa sidaa, dulucdu Caynleeye
Mar labaad kolkaan dayo tixdii, deel ku soconaysay
Kollay damacu waa fiican yahay, oo ku diirsadaye
La durduri fariintaad lahayd, xuurtii dalandooshay
Walow ujeedada duleed kaa, dadaal noqotay
Waxaa jiray odhaah kaa dustoon, laga digtoonaane

Doqonimiyo badow laysku sheeg, oo dacaayad ahe
Kaftankii duleedada markaan, taa isaga deyno
Daliil run ah markii lagu socdeen, daacadda u baydhno
Diirdiiranaanshaba haddii loo, dacwiyo maanta
Amaan lagu danbaabayninoo, beenta laga daayo
Taariikh aan dumayn baa, u taal degalladeenaase

Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu, waaba kala duufe
Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo, duudo iyo laago
Docda Nogob ah togag soo durdura, daacadii webiga
Hadday tahay dhul reeruhu degaan, amase daaqeen leh
Ama dooggii haro buuxsantiyo, ceel diraac-shubad leh
Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay
Dabdhac geesinimo loo qiraa, waa intuu dego e
Geerina dadkeenaa ma jiro, ruux ka didayaaye
Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey
Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo, waan dareensadaye
Dogob iyo gidaar kugu dumiyo, daad ku jiidanaya
Naftu wixii dardarayoo kalay, dhaax ka durugtaaye
Marse hadduu dad kula qayr ahaa, sharaftii kaa diirto
Siday kuu dulleeyaan haddaad, cadho la diihaasho
Adoo dibinta ruugiyo isagoo, kibir la diidaaya
Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa, dacar ka leeftaaba
Waa inaad dubaha qaadatood, kaga dig siisaaye

War duudkaaga ceeb saran iyo, diilintiyo jaaha
Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufa ahe
In kastood difaacdo oo warmaha, lagugu daaduunsho
Siday kuu danqaan nabaradaa, diifta kugu reebay
Isagaba dilkaagaa u dhibiyo, dakharadaadiiye
Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee, digirta siinaysay
Kamaad daadinayn dheef duxliyo, doobi caano ahe
Waaba digo ka saydh taasi oo, darib u geedeeye
Wararkiinii daanyoon markii aan, isla doondoontay
Rag dayuurad iyo taangi loo, Saam ku diriraaya
Oo ciidan soo dumi karoo, dawladnimo haysta
Iyo qalab rag daydayan hayoo, dalal xoraynaaya
Oon dunida loo sheeginoo, doocba laga haynin
Oo hoosta laga duugayoon, dibadda gaadhaynin
Oon deeq rasaaseed helayn, daynna cidi siinin
Oo wali dakanadii maqnayd, diilalyo u hayso
Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan, lagu dadaabeeyay
Labadaa dariiq baad miduun, degashanaysaane
Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone

Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay
Malaha wiil kun-doofaarre oo, maal dudada buuxshay
Oon weligii doog iyo abaar, darar ka waayaynin
Inuu buur dilaacshana karoo, xoog dardar ah haysta
Oo guurkii dacar loo marshayoon, dumarba eegaynin
Doob-guun sidaasuu rabaa, inuu duraantaaye
Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye
Nin da’ yari hadduu soo tirshooy, maanso xagal-daacdo
Daldaloolkii ay yeelataa, laga dulqaataaye
Kuwa lala degdegiyee dhawaan, dilaya taariikhda
Haddaan madaxu idin daalanayn, amaan la doorsoomin
Hal delagan maxaad ugu darteen, waa duntii gabaye

Wararkiinii dayraa markii aan, isku duudqaado
Haddaad dayr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso
Dabalaay inaad gugan dhashaa, taladii loo daystay
-------------------

05. DALXIIS GEYN


Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada iyo qaninimada dhulka loo yaqaano
Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed. Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada naadir ka ah ee Dhoodaan.



1. Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
2. Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaafsiine
3. Ila daawo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne

4. Hanfi dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
5. Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
6. Daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e

7. Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
8. Mana doosho duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
9. Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
10. Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne

11. Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
12. Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali dafoo buuxa
13. Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daaca
14. Biyaha daadku dooxiyo hundaba, way dindimayaane
15. Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye

16. Ma dardugin farsamaday shacbigu, tacab ku doontaane
17. Harqoodkii dushiyo kootar adag, dacal u saaraane
18. Jiqirtidaan dabcayn Nugi durtiyo, kooshi loo dadabye
19. Minaaq daloolay baa marashadii, loo dusinayaane

20. Digiraday dafsiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
22. Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, laysku wada duubye
23. Sango dacayan dagal kaw sudhoo, lagu dabaabeeye

24. Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane
25. Alaabtaa carada dooxi bay, dibidu jiidaaye
26. Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane

27. Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
28. Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
29. Dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
30. Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiin kara e
31. Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnayde
32. Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
33. Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
34. Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeere
35. Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e

36. Mudday laydh dabaalane kolkay, diir-cadaad noqoto
37. Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
38. Looguma darree beerta waa, laga daryeelaaye
39. Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
40. Qofkii oon degmada gaadhin bay, sii dibiriyaane

41. Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeere
42. Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guuse
43. Bakaar duugte xero oodan dayr, oo karoor dade
44. Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diqdiqayaaye

45. Dhulkani deeq Allaalehe intuu, naga durduursiiyay
46. Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
47. Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
48. Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed maraye
49. Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
50. Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e

51. Inkastoo darraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
52. qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
53. Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
54. Dango malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
55. Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge

56. Iga daase hadalkaan damcay, tani duwaysaaye
57. Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine
58. Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
59. Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge
60. Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo doogga
61. Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne

62. Sheekada aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
63. Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
64. Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane
65. Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline
66. Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye

Cabdi Xiis ayaa gabayga ka qoray cajaladdii uu ku duubnaa. Mahadsanid saaxiib.
----------------------

06. Dhab ka hadal


Gabaygan khatarta ah ee ay ka dhexmuuqato inuu Macallinku mariyey kolkii uu ka baxsaday dawladii Maxamed
Siyaad iyo taariikhdiisiiba soo raadi oo nasoo gaadhsii muggii aad hesho.


Dhabbe saxan dhayaalkii makrigeed u dhalandhooshay

Fikradaad dhiraandhirin jirteed dhaaxa daba joogtay

Halgan dhanba adoo bari dhexgalay oo kusoo dhididay

Inaad dhaliso gool iyo inaad dhimato mooyaane

Dhexdhexaad inaad kaga hadhaa waa dhabcaalnimo e

Fikradaad dhiraandhirin jirteed dhaaxa daba joogtay

Dhukusaad mar bay yeelan iyo dhuudis gaadmo ahe

Kolla orod dhabaabaca noqdiyo waa dhakhso u roore

Dhadhaab kaa horjeediyo adoo dhiibo filanaaya

Dhiigiyo naftaadana huroon dharabo eegaynin

Oon dad nacabku dhaansaday hadhow yeelan dhaxalkaaga

Dhadhamiyo dhamcaatiyo adoon dheef u xilanaynin

Dhammaanteed adoo saa u garan ama u dhawraaya

Halgan dhaawac loogama hakado dhimasho yeelkeede

In dhawayd dhawaaqii badnaa waanigii dhimaye

Mase dhoofin mana dhuuman mana dhaqaaq dayne

Ma dhabarin is dhuudhuubiduna ma aha dhalankaye

Dhajiyaha xinjiro dhaadhigiyo dheri karshaagiisa

Af-weynaha dhargiyo kaan la dhiman dharagse diidaynin

Wax kalaa dhuftay leeyihiin malaha Dhoodaane

Dhankalaaso waanigii aqiin tuugu dhaygago e

Dharbaaxooyinkaygii cuslaa waan la dhacyaaye

Intaan dhabarka kaga joogsadoon dhiico ugu yeelo

Waa inuu dhafoorkuba qarxoo dhaga dilaacaane

...

---------------------

07. DHUGASHO 1972


1. Soomaalidaan dhiidhiyay, ugu dhamaynaayey

2. Dhan kastaba ha joogtee dadkaan, dhiirigelinayaayey

3. Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey

4. Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

5. Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey



6. Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

7. Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

8. Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe

9. Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e



10. Shaydaankay dheesha u tumaan, wuu dhakaandhabiye

11. Umaddan dhabaalyeyn jiree, aan u dhawaaqaayey

12. Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee



13. Dhaqankiyo asluubtaan macanaha, kugu dhansiiyaaye

14. Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne

15. Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay

16. Dhinacyada hadduu kaaga jiro, nacab ku dhaylyaaya

17. Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya

18. Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo

19. Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane

20. Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e



21. Markaad hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna

22. Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheef ka raadsade e

23. Macnuhu waa dhiggaa lama beryee, ceeb ka dhawrsade



24. Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda

25. Wax dhulkeena lagu dheehay oo, dheeriyaa badane

26. Inkastoo dhallaan iyo gabow, ciidda lagu dhaarto

27. Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu, wali ku dheereynin



28. Dhallinyaradii aan sheegaayiyo, taan dhegaabinayey

29. Maskaxdaa dhan hadalkiina, way dhihi yaqaaniine

30. Dhimir iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne

31. Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dheygagiye

32. Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye

33. Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane

34. Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay



35. Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

36. Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

37. Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

38. Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

39. Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye



40. Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana

41. Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye

42. Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye



43. Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

44. Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

45. Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye



46. Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

47. Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

48. Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane

49. Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso

50. Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

51. Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

52. Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne



53. Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waysku dhoon kaniye

54. Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe

55. Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaaliyine

56. Ruuxii i dhageystow macnihii, waan ku dhaadhicine

57. Cudurada wax dhaawaca jirrada, lala dhukaamayo

58. Ee sida dhinbiilaha dabka ah, kaga dhagsiinaysa

59. Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa

60. Oo inuu dharkaba kaa furtiyo, dooni dhaxalkaaga

61. Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele

62. Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro e



63. Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa, taaba maan dhuganno

64. Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye

65. Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir soo hoorsho

66. Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka

67. Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo buuxsho

68. Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo

69. Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene

70. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?



71. Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda

72. Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho

73. Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye

74. Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa

75. Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana u geeyo

76. Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo buuxsho

77. Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye

78. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?



79. Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo

80. Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo

81. Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo

82. Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo

83. War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro

84. Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho

85. Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno

86. Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo

87. Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto

88. Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey

89. Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash! kaga siiyo

90. Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye

91. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?



92. Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa

93. Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline

94. Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

95. Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?
------------------------

08. DIGASHO 1977


Digasho wuxuu Macallinku tiriyey dabayaaqadii 1977kii. Dawladii Soomaaliya markii ay si buuxda dagaalkii
u dhexeeyey Soomaalida iyo Itoobiya usoo gashay isla markaa ay inkirtay inay dagaalka ku jirto ama
ciidamadeedu si toos ah uga dagaalamayaan Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaadeenya) ayuu wuxuu Dhoodaan is
yidhi hadda ay dawladdii Xamar taladaadii qaadatay ugu yaraan sida ay muujinayso. Kolkaa ayaa isaga aad
ugu faraxsan sawirka Soomaaliya bixinayso Xabashidan ku diganaya wuxuu yidhi:Wixii daalo dhaaf badan yaqaan
amase doolaalo


Kolkuu dabar go'aa way dhawdahay, ee la dumiyaaye

Isticmaarka geeridii dishaa, waa damaaciga e

Amxaaradii wax badan daanyada iyo, nabadda diidaysay

Darandoorigiyo weerarkaan, dhab u dabaalsiinay

Xabbadihii sidii roob ku da'ay, ugu darooraayey

Duloow hoose middaan ugu ridnay, ee ololka daacaysay

Dab markaan liqsiinay ee cadaab, daamanka u galinay

Uma daxandaxayno ee kolkaan, gowrac kala daallay

Ha la dooxo mooyee kolkay, diir u naxa weyday

Amxaaradii dabuurtiyo ahayd, gaalo dabaqleyda

Dafuufane wataa laga dhigay iyo, meyd dibiro weyne

Allay lehe nabsigay darariyeen, waw danbariyeene

Baggaa dhiig xun laga daadiyey, oo la dafirayaaye

Dab cadaab ah lagu jiifiyoo, shiil la daba qaadye

Dameeraha cidoodoo kale iyo, nolosha daanyeerka

Daqsi iyo haddii xoor duburi, eyna lagu daabo

Dabeecada ibleys waalan iyo, garasho daanyeera

Haddii shayba shay lagu daroo, laysku wada daabo

Intaasoo jid lagu daabacayoo, diin qalbigii taala

Xabashida dubaaqeedu saa, kama dunnaadeene

Waa waxaa Ilaahay dilay een, diintuna anficine

Een xeerka aadmiga dabriyo, qodob dabaalayne

Ummadaha waxay kaga durkeen, sidaa daraadeede

Afrikana duqay waanisa oo, diiran laga waaye

Oday xumaha daanyeyn kariyo, daacad baan jirine

Doqonta aan dulmiga baaji nidhi, wayba noo dudiye

Laba dirirtay waa duuf inay, kala daweeyaane

Daanyadooda waanu iska dayn, doofillada baase

Inaanse dayanno waa dacatiyee, diirmadoobidiye

Afrikadan dayacan kii la daga, ama la daaweysta

Ee daris walaalnimo ka suga, wuu dib-jirayaaye

Jabhadse loo diryaa iyo madfaca, lagu duqeeyaaba

Diintii Rasuulkiyo sharcigu, nala dabaalaaba (scw)

Diirdiiranaan loo dhashiyo, duca ku laynaaba

In kastooy durbaanka u tumaan, daalinkiyo tuuggu

Annagaa kasoo deldelan, waxay ku diiqaane

Allaba waa dawacii Kastaro iyo, Ruushka dawdaraye

Hadday dunida oo dhan u tidhaa, sharacalee daaya

Xaqaygii daboolaa anigoon, diirka ka cadaynin

Dagaal jooja waa nagu danbiye, ciddina yey daalin
---------------------

09. DURRAAQSI


1982 markii ay ururo badan oo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Maxamed Siyaad, jabhadihii gobonimo doonka
ahaa ee Soomaali Galbeedna ay amarkiisii diideen, arintuna ay ku ciirtay ayuu wuxuu is tusay in sidda
kaliya ee ay dawladiisu ku badbaadi karto ay tahay in uu Soomaalida iska horkeeno oo uu qolo qolo iyo
qoys qoys u qeybiyo iskuna dirro. Wuxuu haddaba abaabulay dicaayad ah in dowladu Daarood tahay dadka ku
kacsanina ay yihiin Isaaq iyo Hawiye. Wuxuu Daaroodkii ugu dacwooday in laysku dirayo, in la falay, in la
asmeeyey, iyo in uun iyaga duulaan lagu yahay oo la baabi'in doono.

Wuxuu haddaba isugu yeedhay niman badan oo gabya, xaafado ayuu goglay oo lagu hilbo qashay wuxuu amray
nimankii gabyi jiray inay gabayo tiriyaan kuna raad goobaan midnimada Daarood. Waa kaligii taliye iyo
gadiisiiye, wuxuu damcay inuu sharciga Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu dabadeed isagu dhex ku bari
noqdo. Waa madax weyne oo runbuu sheegayaa bay is yidhaahdeen oo sidii uu faray ayey yeeleen.

Gabayo badan ayey tiriyeen. Waxaa kamid ahaa kuwo ay ugu yeedheen Deyro Abwaan, Dood Nin Leh, Durbaan
Dhiilo iyo mid kale. Gabayadii waxay ugu wada yeedheen Ergo Daarood. Cajalad ayey ku duubeen oo
dabadeed mashriq iyo maqribba u duuflaaliyeen. Cabdullaahi Macallin Dhoodaan oo mudo dheerba ku kacsanaa
mucaaradna ku ahaa dowladda gabayo badan oo cambaarayn ahna ooda kaga soo qaaday ayaa cajaladii loo geeyey
isagoo joogo magaalada Diri Dhabo. Kadib markuu dhagaystay cajaladii ayuu jawaab halkaa kasoo diray oo
intuu cajalad kusoo duubay usoo dhiibay safaro Xamar usoo jeeday.

Gabaygii jawaabta ahaa ee uu Dhoodaan tiriyey wuxuu u bixiyey Duraaqsi oo uu ula jeedo in aysan dhibaato
kale Soomaaliya ka jirin ee ay tahay uun xukunkii Maxamed Siyaad oo cantatabay dhinac uu u ciirsadana la'a,
Soomaalidana inuu isku habaabiyo oo uu Irir iyo Daarood, Isaaq iyo Daarood iyo wax noocaas ah u qaybiya rabba.

nasiib daro siiqada uu ku qaadayo ninka duubay daraadeed way adag tahay in wax badan laga fahmo. Bogga dhagaysiga ka eeg Ergo Daarood
oo dhan. Haddiise aan halal kooban kuusoo qaadno waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood:

Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye
Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye
Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye
Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye
Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn
Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay
Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh
Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe
Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye
Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga...................
Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan
Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta
Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda
Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e
Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye
Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood.

Jawaabtii Dhoodaan waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su'aalo
u badiyey gabaygiisii. Wuxuu yidhi Dhoodaan:


1. Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay
2. Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh
3. Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo
4. Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta
5. Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye

6. Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga
7. Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay
8. Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene

9. Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige Naato
10. Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene
11. War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala
12. Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane
13. Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye
14. Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode
15. Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine

16. Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine
17. Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta
18. Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona
19. Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya
20. Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda
21. Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta
22. Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo?

23. Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay
24. Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay
25. Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane
26. Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise

27. Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin
28. Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin
29. Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin
30. War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin
31. Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin
32. Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu
33. Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid?
34. Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey?

35. Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay
36. Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay
37. Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale?
38. Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu?

39. Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye!
40. Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso
41. Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso
42. Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka?

43. Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye
44. War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin
45. Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee
46. Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?

47. Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco
48. Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan
49. Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?
50. Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay?
51. Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah
52. Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay!

53. Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe
54. Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye
55. Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede
56. Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay?

57. Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye
58. Dabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliye
59. Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe
60. Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee
61. Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday
62. Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye
63. War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray?
64. S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan
65. Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda
66. Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?

67. Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay
68. Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene
69. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo?

70. Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada
71. Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye
72. Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa
73. Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay?

74. Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya
75. Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay?
76. Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye
77. Waxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii e
78. Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay?

79. Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka
80. Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso
81. Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay?

82. Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e
83. Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye
84. Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay
85. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?

86. Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo
87. Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e
88. Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh
89. Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh?

90. Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda
91. Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda
92. Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?
93. Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!

94. Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano
95. Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare
96. Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan?
97. Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto?

98. Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e
99. Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha
100. Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse
101. Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?
102. Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha?

103. Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa
104. Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday
105. Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin
106. Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?
107. Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka
108. War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca
109. Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?

110. Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo
111. Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye
112. Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye?

113. Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba
114. Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye
115. Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya?

116. Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay
117. Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne
118. Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise
119. Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh
120. Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye
121. Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday?

122. Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato
123. Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya
124. Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya
125. Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene
126. Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin?

127. Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye
128. Gardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontay
129. Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh
130. Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo
131. Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane
132. Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye
133. War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?

134. Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo
135. Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado
136. Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye
137. Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh?
138. Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay?
139. Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo?
140. Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e?

141. Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee
142. Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi
143. Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye
144. Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna
145. Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e
146. Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye
147. Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga
-------------------------


10. FALAADKII


Gabaygan khatarta ah wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii sanadkii 1973kii. Ma furfurin abwaanku
gabayga oo siddaa duuduubka ah ayuu u socday. Dowladdii Ina Siyaad Barre iyo falaadxumaday kula dhaqmaysay
dadka Soomaali Galbeed ayuu yoolka gabaygu ahaa. In kasta oo ay adag tahay in gabayada Dhoodaan mucdooda
iyo macnahooda qaaliga ah aan wada fahano, haddana waxyaalo badan ayaa ku tusaya xariifnimada iyo aragti
dheerida uu isticmaalayo Macallinku si uu u mucaarado dowladii manaxdada ahayd ee uu hoosteeda ku noolaa
xilligaa isaga ah. Wuxuu yidhi:


Falaadkii adduunyada haddaan, fiiro ugu laabto

Ilaahay farsamadiisu waa, ta ugu fiicnayde

Eegana haddii laga fakaro, say u fududaatay

Fasahaaad inay gaadhay baa, laysu furayaaye

Waxse kuma fillee meel xunbuu, fallagii haystaaye

Fahmaddii wareer baa ku dhacay, faylasuufiga ee

Garashadu markay foorarteey, faalo dhimataaye

Kol hadday finiish iyo fanaash, geed walba u fuushay

Danba haatan kii faalin jiray, woow fadhiyi meele

Fooruhu ayaantuu kacee, fiintu ciyi wayday

Fiidmeerta shaadhkii maxaa, looga wada fayday?

Caanaha falleedha leh maxaa, loogu fura gooyey?

Isagoo faraadhyo leh maxaa, udubkii loo fiiqay?

Fongor buuxda sowtii lahayd, fanaxda yoow jeexay?

Ragaad bay fadhaayeen shantii, wiiga fooraraye

Kuwa falanfalxada maalayaa, ha isu fayteene

Beertii faraacida haddii, faashka lala seego

Qudahay fajaastee biciid, ma u fangali wayday

Fiddidiinka cawshaan hadduu, fiidkii soo tagaye

Wayba faraxsanaayeen kolkay, ceebta fuliyeene

Kii u feedha buurraa sidday, Faadumo u diiday

Fanacowdu qaarkood armay, ficil darro u gaysay

Shirkii dooda culus faanbiyee, dooda kulul faagay

Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad, kala faqaayeene

Arintaa fadhoociga ku jirra, yaa fashilin doonee

Fardo gulufa bay fuushan tahay, oo fariin wada e

Hayeeshee ninkii fiirsan jiray, faalkii garan waaye

Feedh bay ciyaar ugu jiraan, fuusto riixyaduye

Gugii Furuqle fooxay shideen, qiiq fatahi waaye

Hilibkii fantada loo karshaa, xuudku faanbiyeye

Jinni fuudkii laga daadiyoo, fiixdi laga boobye

Sheydaankii fuuqsaday waxbaa, foodda kaga yaale

Kuma jirro findhicilkaad ogayd, foolasha Iblayse

Waxaa faanka lagu eedayaa, faarafaaraha ee

Farsamooyin adag bay dhashaa, fookanayntuba ee

Falxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahee

Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene

Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni

Iyadoo fidoo kala baxdeey, qaar u fidhayaane

Fayoobaanta Eebow kariyo, inuu furdaanshaaye

War faa’iido waa tii Allee, ha i fadqalalaynin

Gabaygu ma dhamays tirna oo intan in la eg ama ka badan ayaan maqan ee Haddii aad hayso ood jeceshahay
inaad nala wadaagto fadlan nala soo xidhiidh.
----------------------------

11. FEERO DHAGAX SAAR 1963



Gabayga inta maqan iyo taariikhdiisa doon:-


Indhawayd farsamo gooniyaan, aad u faaqidaye

Sidii facaylkii waa, baan ka fooraraye??

Faqa kaligay baan meel cidla ah, ula fogaadaaye

Feker iyo wareer bay diliyo, faal aan ii bixine

Laakiin ficil idaariyo ma jiro, cid aan ku foognaaye

Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye

Furaashkaba haddaad weydo waa, feedho dhagax saare

Foor tawsan xaajaan arkaa, oon la filanayne

Inta hadalka laga soo furtiyo, feedhaha iyo uurka

Waxay faaladii uga tageen, way fajacayaane

Faruuryihiyo afkuna way naceen, faafi sheekada e

Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye

Fariid nacas xun waa laga dhigaa, fool adkaan jiraye

Fulayna geesi waa loo rogaa, fadallo waynaaye

...

Furuut iyo farshiyo caano iyo, fuudna lagu qooshye

Biyo faar leh maantaan arkoo, fudad dhexyaalaane

Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye

...



Tixraaca: Garnaqsi, Qore: Maxamed C. Gurxan
------------------------------------

12. FURDAAMIS 1980



Fadxi-Laahi kama quusaniyo, farad uu keenaaye

Anoo nabi fadligii Eebaheey, noogu fududaynin

Waxaan kaaga faaloon hayaa, xeel aan fududayne

Intuu finanka ciil iga baxsheen, cadho la faadhyoomay

Fakaloolkii igu gaaxday iyo, murugadii faartay

Afkii nala fureeyiyo xaqii, waayo laga faagtay

Fursad iyo wakhti baa ii dagmiyo, goor fateelin ahe

Firaaqiyo rag saan kula falamo, falagu ii keenye

Waxay foolataba eega, waa haysku foodhido e

Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne

Soomaaliya fakaag waan u rabay, loo furfuro buugge

Waxay fadhato xidid fiilo dheer, nagu fogeeyaanba

Maantaan u fooqfooqyo goyn, oon fujinayaaye

Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiise

Dagaal inaan u faytaa maryaha, saaka waa faral e

Dadkay naga fidmeeyeena, waa inaan furdaanshaaye

Waxaan kaaga faaloonayaa, xeel aan fududayne

Amuur sida faleedh iyo dhega, baan haatan faaqidiye

Waana laba farqiye, tii horaan kuu fasirayaaye

Cadow taladii faahfaahiyoo, fiiro badan yeeshay

Oo falaadha iyo tooridiyo, waranba kuu fiiqday

Feedhaha markuu kugu dhuftee, faysha kugu gooyo

Tumaatida fashliyo widididii, kugu fashaaqaaya

Oo farsamaan aqaan oon hadhow, kugu fayoobayn leh

Sidaa nacabku faro kii fishaa, soo wax falan ma aha?

Faqa soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo

Nacas fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare

Fariid kamaba suurowdo iyo, geesi fool adage

Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan

Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye

Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga

Soomaaliyaad faa'iido u tabciyoo, way ku faraxdaaye

Garaadiyo fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane

Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe

Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay

Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso

War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

Qofkii beero faagtiyo midkii, xoolo foofsanaya

Faruuryahooda waxa kuu diree, dhawr leh fanaxdooda

Ee yidhi lacag baan kuu fatihi, ee jara inta u fiican

Firxad iyo figtiyo tooxsigiyo, caydh la kala fiijo

Markay fudayd dadkaagu u madhaan, eed firkaba goyso

Alif weeye waxay kuu fidshaan, eed ka filataaye

Fadhato u shaqaysaye, maxaad adigu faa'iiday?

War ma facaayilkaa baan, anfaco kugu fadeexaynin

Falsafadaadiiba way, kaa fasaqayaane

Soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

Fanacowdu maxaa taa, inaad fahamto kuu diiday?

Faraacida malayn ee, waxbaa Eebe kuu fadaye

Kiina feeyigaadaba markay, godad u faadhfaadho

Foodanna ka toogta idin tidhi, keena tala fiican

War soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

Oo soo fidaa'igaad sheegataa, kaa fashilan ma aha?

Fanna cawdu maxaa taa, inaad fahanto kuu diiday?

Faataa dhuglayntaa batiyo, Xamar faduusheeda

Amarkaa xuneey idin fareen, kiinii fulin waaya

Ee foolax-goodiga nacee, diida Reer Filigga

Fikrad waajibuu helay, qofkaa faataxaysanuye

Waxba nimanka fiidhoon, anoon tooda sii fananin

Ragbaa xamar la fuulo u noqdiyo, farasba qeyrkoode

Nacabka soo fangalayeey, dhulkii uga fataalaane

Faliidh naga dhex duuluu iblays, faagtayoo qorane

Filgin buu noqdaa iyo hangool, kuu faraadhyo lehe

Fujaasadu markaasay dhacdoo, fool la daray dhiige

Siddii falanfalxada dhayda iyo, caano furar yeeshay

Wuxuu fiitanayn kaasi waa, fuudkii hooyadiiye

Fujaan ehelkii lagu fiiqsadiyo, waa fundhaal cadowe

War feenfeeno gacalkaagiibaa, fiicni loo baraye

Waxay facalal kheyrka u tusaan, waa fadqalalayne

Maansada farshaxan liiliyoo, faarisaa wada e

Falkin weeye xaajadu ninkii, fahan wareeroowe

Faleedh iyo dheg oo laba farqiya, yaan mid faaqidaye

Ilasoco fannigii soo hadhaan, kuu fasirayaaye

Dameer laba qof wada fuushan tahay, ii fansaar ma lehe

Soomaaliya fakhriga haysta, iyo fadha-madhnaanteeda

Dhulkeedoo fush iyo xaaluf iyo, faaruq iyo xeeba

Falaadkoodii waa waxa ka dhigay, kii falaagada e

Eey dunida sidii ruux fanto leh, uga faquuqmeene

Amay qoloba fay ugu xidhaan, fiidba waa dhinace

Markay dawlad shalay faaniyeen, maalmo furin siisay

Fujuq laga xanaaqiyo intay, cay ku foorariso

Fagaarihii la joogaba af-xummo, tay ku figix siiso

Iskagama filaatee barreey, faragad weydiine!

Wadan talin fadaro maamuloo, dani fadeexaysay

Doqon baw faxaaxsada waxbay, kuu faraqayaane

Waa xukaamad fidhiqowday oo, loo fongoray ceebe

Madaxdaa adduunkii fajacay, faasuqnimadooda

Falxad iyo rasuulnimo kuwaa, sidii Fircoon sheegtay

Fasahaad intay nagu rideen, oon fiinbabaa noqonay

Ooy firinbi noo yeedhisay, bay firiq na siiyeene

Fadhfadhle iyo tuug kama cabsado, duul fakarayaaye

Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne

War foocaaligaa beenta ah, iyo Xamartan fawfaw leh

Faanoole sheegiyo waxbaan, soo fatihidooda

Fujur iyo fashlaha wiiq leh, iyo gabadha fiidmeera

Fatatooshka iyo heesahay, faashle ku amaani

Afar fooq ha joogtee wax kale, uguma feestayne

War fuuf fuuf cidla ah bay waddaa, fookanays badane

Firdhin iyo balaayiyo intay, weerar nagu foogtay

Markay fidhadu duushay ee, shacbigii gees walba u fiigay

Kuwaa fiitamiin naga dhigtiyo, faanto la cabaayo

Ee shacabkanagii faasexdee, nooga dhigi feefar

Fulaan fulaanto waa magacyaday, nagu fideeyaane

Soomaaliya faceedaa yaroo, looma fiirsado e

Fallise oo gumaysiba ka weyn, aafaday faliye

Muqdishuu fadhoociba degiyo, tuug fadlinayaaye

Falkin maayo hadal faasidoo, layska faanbiyo e

Aadna waaban uga fiirsadaa, faaladaan jirine

Intii ila fahmaysiyo ra'yigan, wixii ku faayoowba

Markhaati baad sidaa iigu furi, fulayna yeelkiisa

Sidaa maragga waad iigu furi, fulayna yelkiisa.
-------------------------

13. DAR DARRO


Gabayagni wuxuu ka mid yahay gabayada uu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii 1972kii, waxa uuna
ku sifeeyey gardarada iyo dhibaatooyinka ba'an ee ay dadka u gaysato. Waa gabay sheekada uu gardaro
ka sheekaynayo ay u dheer tahay wadaniyad iyo kicin guud oo uu Soomaalida ku kicinayo. Ujeedada
gabayga ayaad ka famaysaaye, wuxuu yidhi:



Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e

Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye

Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e

Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye

Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye

Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e

Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene

Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay

Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane

Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e

Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye

Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e

Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee

Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye

Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye

Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye

Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto

Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane

Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane

Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba

Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba

Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba

Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo

Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago

Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e

Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye

Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye

Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya

Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala

Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede

Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e

Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye

Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo

Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye

Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo

Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro

Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho

Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye

Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere

Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye!

Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye

Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane

Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye

Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye

Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye

Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e

Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye

Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye

Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye

Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee

Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne

God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba

Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene

Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane

Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye

Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane

Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye

Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee

Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye

Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba

Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo

Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye

Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey

Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray

Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday

Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay

Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay

Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay

Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee

Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay

Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya

Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe

Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya

Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay

Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya

Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide

Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba

Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray

Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye

Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye

Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye

Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay

Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e

Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye

Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba

Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay

Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye



Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey

Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye

Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane

Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin

Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde

Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne

Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye

In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye

Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane

Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye

Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe

Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye

Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore

Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye

Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede

Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye

Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay

Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye

Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine

Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye

Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane

Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo

Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye

Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay

Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay

Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho

Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye

Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay

Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane

Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne

Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye

Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee

Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye
-------------------

14. GAR NAQSI 1974



Garnaqsi wuxuu abwaanku tiriyey 1974kii. Dawladdii Maxamed Siyaad ayaa jahawareerisay ururadii gobonimo
doonka ahaa ee gobolka Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ka dagaalamayey. Cabdullaahi Dhoodaan sida ay
dawladdu u majara-habaabisay dhaqdhaqaaqyadaa in badan ayuu ka hadlay mawqifkiisuna wuu caddaa laga soo
billaabo 1963kii. Shacabka gobolkaa iyo dawladdaba tusaalayaal maangal ah iyo digniino wax ku ool ah
ayuu siiyey. Wuxuu jeclaa inay dawladdu madaxbanayso Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya si caalamku ugu arko
mid gudaha Itoobiya ka kacay oo xukuumadda Addis Ababa iyo dulmigeeda ka gadoodsan. Wuxuu diidanaa in
jabhaddu ugu muuqdo wadamada caalamka gaar ahaan Midowga Afrika, Midowgii Sufeeti iyo Reer Galbeedkaba
ismaandhaaf ka aloosan xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Indheergarad gobolkaa
ka soo jeeda ayaa dowladda la xaajooday iskuna dayey inay fahamsiiyaan muhiimadda ay madax-bannaanida
jabhaddu u leedahay shacabka gobolka iyo dowladdaba laakiin Maxamed Siyaad arintaa wuu garan waayey wuuna
diiday in halganka Soomaali Galbeed uu madaxbannaanaado. Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo tii Arimaha
Dibadda ayuu si toos ah gacanta ugu galiyey maamulkii Jabhadda Soomaali Galbeed.


Sidaa iyada oo ay tahay, ayaa 1974kii waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kalfadhigii sanadlaha ahaa ee
Midowga Afrika (OAU.) Damacii dadweynaha iyo doonitaankii waxgaradka gobolkaa ayaa haddaba dardar hor leh
ay rag door ahi galiyeen iyaga oo is leh ka faa'iidaysta kulanka madaxda Afrika. Raggii arintaa waday ayaa
dhammaantood xabsiga loo taxaabay si aanay si qarsoon ula kulmin qaar ka mid ah madaxdii gebranayd Jubba
iyo Curuba. Ragga xabsiga la dhigay waxa ka mid ahaa Maxamed Diiriye Uurdoox, hoggaamiyihii hore ee
Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya oo la xidhay April 1974kii. Uurdoox waxaa si toos ah xidhidiisa u amray
Maxamed Siyaad. Khilaaf hore oo ka dhashay maamulka jabhadda ayaa keenay xidhayga Uurdoox. Sidaan soo
xusnay, Siyaad wuxuu doonayey in jabhadda 100% laga maamulo madaxtooyada iyo laamaheeda kala duwan,
Uurdooxna, sida Dhoodaan, wuxuu doonayey dhaqdhaqaaq madax bannaan.


Nimankaa marka gaalshireha loo dhaadhicinayo Cabdullaahi Dhoodaan wuu xanuunsanaa oo wuxuu jiifay
Cisbitaalka Digfeer. Cudur dhakhaatiirtii caajis galiyey oo ay saari waayeen ayaa hayey. Caloosha ayaa
barartay oo sidii buufimadii in badan ka hormartay jidhkiisii soohnaa. Maalin maalmahii cisbitaalka uu
jiifay ka mid ah ayaa waxaa soo booqday laba nin oo ay saaxiib ahaayeen. Nabdaado gaaban ka dib, wuxuu
Cabdullaahi Dhoodaan butaacay gabaygan oo uu nimankii ka codsaday inay Xamar ku baahiyaan. Maalintaa tii
xigtayna fay ayuu yidhi oo lugihiisa ayuu cisbitaalkii kaga baxay, cudurkiina dib looma arag.



Garnaqsi wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay adagtahay in la kala hormariyo kuwa ugu horreeya.
Haddii gabayada Soomaaliyeed mar uun la baratansiin lahaa, waxaan qabaa inuu kaalinta ugu horraysa galayo
sida ititibsan, maangalka ah, inna aan wax turxaan ah lahayn ee uu u garnaqsaday iyo mahadhada uu reebay
ee uu anfacay qof walba oo mid kale wax ka tirsanayey awgeed. Garnaqsi dhexdiisa waxaad ka helaysaa ugu
yaraan10 maahmaahood oo midiba ta kale ka daran tahay, lix sheeko murtiyeed mid kasta kaligeed cutubyo
laga diyaarin karo, iyo 19 balan-fur ama khayaano oo gobolka Soomaali Galbeed ay ku sameeyeen nimankii
Jamhuuriyadda ka talinayey iyadoo waliba dadka gobolkaa kasoo jeeda ay daacad u yihiin. Reer Soomaali
Galbeed qudhoodu ma eed la’a sida ay Cabdullaahi Dhoodaan ugu muuqato bal wuu dhaliilayaa oo wuxuu u
arkaa inay gebidhaclaynayaan, taladiisiina ay diideen. Wuxuu ku laabfayow yahay inuu yahay libaax ninkii
ganay iyo kii galladay kala garan og, inuu si hufan u garnaqsaday gudoonkuna u yaalo Soomaalida ama
dhagaystaha iyo inuu qaawiyey oo qeexay khayaanadii qaran ee ay ku kaceen nimankii dalka hoggaanka u hayey.

Wuxuu yidhi:



· Cabdi Gorad garaadkii markuu gabayga saaraayey

· Gablan talo adduunneey wuxuu ugu guraabaasay

· Macnahuu ka gooraamayaan Biixiyoow galaye



· Kol hadday garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo

· Inaad gebi dhacdaa way xuntahay ood galgalataaye

· Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raace



· Ha yeeshee gadnaan doodifeey geeri loo dhalaye

· Kurus gool sideed jira mar bay guduri dhaantaaye

· Guduudane marbuu kuu noqdaa aar gaboodyo lehe

· Gendi weheshad baa kaaga roon xuunsho guluc dheere

· Gudcurkiyo caddadu waa midkaan gibilku saarayne



· Gojoxada ka weynee guntiga lagu gufaynaayo

· Iska gudub gantoobkeedu sheeg taana way gabiye

· Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga gu'i waaye

· God-dhaw goori iyo gawracdii laysla garan waayey

· Cilmigaan ka goodiyahayaa taa ka guda weyne



· Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase

· Gucunkeeda maansadu halkay gacan-toglaynayso

· War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay

· Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane

· Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile



· Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

· Gocorkiyo ardaa niijiyoow hooy gabaan idhiye

· Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

· Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye



· Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye

· Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh

· Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye

· Gamuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa

· Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e

· Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone

· Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye

· Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede



· Giddigiin ka soo guda halkaa goor horaan idhiye

· Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban

· Guddoon waxaad u sheegtaa ergada kii aad garan weydo

· Galoofyahow garaadkaa intaad gaar isula shawrto

· Shaki hadduuba kaa galo adoon goolka dhalinaynin

· Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girin dheh



· Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay

· Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saaray

· Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu

· Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane



· Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan doontaane

· Gorod iyo gammaan iyo lo' iyo xiliyo gaadiidba

· Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye

· Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye

· Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye



· Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonidaw nahaye

· Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga gaaray

· Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado

· Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey



· Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya

· Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye

· Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye



· Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey

· Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey



· Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey

· Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey



· Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay

· Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey



· Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay

· Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey



· Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray

· Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey



· Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey

· Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey



· Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey

· Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey



· Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay

· Isaguna hashaydii gujaan gacalkay moodaayey



· Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey

· Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey



· Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey

· Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey



· Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay

· Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey



· Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay

· Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey



· War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay

· Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay

· Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey



· Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey

· Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday

· Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey



· Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey

· Ee gunteeda iga sheemayaan gacalkay moodaayey



· Hadba gooshigeedee markuu libin ku geeraaray

· Ninkaa igu garwaanlaystay baan gacalkay moodaayey



· Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirkaw celiyey

· Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya

· Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey



· Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay

· Een geedankiisii noqdayow waxaad i gaadhsiisay

· Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye

· Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye

· Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe



· Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey

· Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay

· Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey

· Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday

· Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene



· Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye

· Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato

· Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye

· Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne



· Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise

· Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin

· Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo
--------------------

15. GOCASHO


Sida muuqata, gabaygani wuu dhutinayaa oo ma dhammaystira, hubaalna ma aha tartiibta ay meerisyadu u
kala horreeyeen. Taagtaydu intan unbay hadda heshay. Qaybta maqan keen inta hoos ku qorrana soo sax
haddii aad taqaan. Wuxuu yidhi:

...

Agoow gabadhkii qowqowle da'ay, sahankii guureeyay

Geeddiyo nagaadiba mid way, ugu gudoonsheene

Gobonimada way sheegayaan, garanna maayaane

...

Godobtu uma soo waaridiyo, eed la ganac haysto

Garashada baqaysiyo inuu, geesi fulayoobay

Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay

Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne

Miyaan kaala gaabsaday maxaad, iila garan wayday?

Tanood gudubto guul weyn inaad, gaadho la arkaaye

Gorayadu ciyaarta lugtooy, galiso mooyaane

In ayna meesha gaynayn ta kale, soo ma garanaysid?

Awr-gaal nabarkuu og yahay, la gagabi waaye

Gafarkaan la jiidayninee, goofka lagu tuuray

Gunta dharo ka jeexnayd baruur, gadowga loo saarye

Gaajada qamaamaysa waw, gaardaymiyo ceebe

Fardo guul aroor iyo cokani, looma kala goyne

Geelaan ceelka tubay looma darin, gaawe maax kulule

Gargaar Eebahay baa la siin, sharaftaa goomoone

Gudguduudkii waagaa u baryaye, galabba ma ahayne

Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

Gar fidaa'i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye??

Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

Haddii awal gafuurkii xidhnaa, jiitin laga gooyey

Gabayadaan kusoo sheegi jiray, gool xawariyoobay

Iyo guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

Garnaqsiba intaan kuugu daray, geed ka fara weyne

Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

Lib gadaanka saarnayd majirin, ood u gaardidaye

Hashaan soo godlaayeyba markii, layga gaagixiyey

Miyaan kaala gaabsaday maxaad, iila garan wayday?

Gurmadaha run sheegiyo itaal, beena geedada e

Gulufna raadkay hayaan waa curyaan, daba gurguurtaaye

Godobtu uma soo waariddiyo, eed la ganac haysto

Gabowgoobi inay soo wadoo, laaska gudhinayso

Imisaan galbeedka uga digay, waa gu'yaal badane

Wakhti aan gadoodaba dan baa, iga guclaysiine

Aqoon dheer haddii lala gabado, xeeshu gaasirane

Kolley mooyi sida loo gadiyey, garashadaadiiye

Gargaar iyo gunaad igu dartaa, kii ku gowracaye

Siddii wuxuu gandaal kuu sidaad, daba gablaysaaye

Meel unbaad ka gaasirantihiin, guulahay magane

Gagabada malihiina kale, waa il-gabadhlayne

Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

...

War gaaraabidhaankuu la tagay, waa gugubihiiye

Xuunshadii guyaal badan fadhiday, garaska baalkiisa

Goodaado inay raadgadoo, good ku soo fidhiyey

Intaan idinku guubaabshay waad, gama'sanaydeene

Waliba qaar gadaal soo socdoo, geesaasa kaa bixiya

Ood cadho garaarta u dhacdoo, kaa gilgilasiiya

Iyo gocondho kuu muuqataan, goor dhow filayaaye

Waxba kama gadayn faaladaan, jeer gunaanadaye

Tixda eraygaa gaashaamaneen, kaaga soo gurayo

Gedgeddiga saddexan baan rabaa, inay gorfeeyaane

...
----------------------

16. HA MIDOWDO


Tix gammuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay

Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saari

Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu

Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane


“Dhoodaan waa adiib weyn, waa nin naqdiya waxa jira, gabaygiisuna ma laha waxa loo yaqaan ‘laqsiga’
sida naago ammaanka iyo jacaylka. Waa nin ka hadla dhibaatada jirta sida khiyaamada, axdi ka baxa,
caddaalad la aanta, is gumaysiga, iwm. Wuxuu gabaygiisa ku muujiyaa in axdi ama ballanqaad la galay
laga baxay. Waa abwaan weyn oo adeegsada qaabka balaaqiga… Ma qabo inuu jiray abwaan aragtidiisa oo
kale lahaa oo maanso ku cabbiray naqdigiisa, mid hore iyo mid hadda noolba. Waxaase ku dhaw dhaw
Sayid Maxamed Cabdille Xasan.”[1] Sidaa waxaa yidhi Professor Faarax Dhaameel.



“Miisaanka gabayga Dhoodaan, iyo lafta iyo luddiisa waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay kan ugu sarreeya
ee gabayga Soomaalida. Intaa waxaa dheer waddaniyad uu ka daacad yahay” [2] Sidaa waxaa yidhi Halabuur
Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan.



“When dealing with weighty social and historical circumstances, Abdillahi Dhodan’s command of Somali
language and poetic insight is in the same league as the legendary poets, such as Ragge Ugas and Qamaan
Bulhan.”[3] Sidaa waxaa yidhi Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi.) Hadalkaa waxaa si aan rasmi ahayn loogu
tarjumi karaa "marka laga hadlayo waayaha bulshada iyo kuwa taariikhiga ah ee miisaanka leh, Cabdullaahi
Dhoodaan kartidiisa xagga luuqadda iyo xirib-dheeridiisa xagga gabayga ahi waxay la heer tahay midda
gabayaagii hore sida Raage Ugaas iyo Qamaan Bulxan."



“Dhoodaan ma aha dadka gabayga laga keeno ee waa ilhaan markii uu wax tabo ama dareen ku dhasho gabya”[4]
Sidaa waxaa yidhi Muxumed Baaruud Guraase.



“Gabayga Dhoodaan tolkay wuu ku ciil baxaa ee wax kuma qaato”[5] Sidaa waxaa yidhi halabuur Cabdi
Sheekh Biixi.



Yuusuf-dheere Maxamed Sugaal oo ah gabayaa caan ah ayaa gabay mariyey: Faylasuuf ka weyn ma dhalan,
faxalkii Dhoodaan e. Gabay kale Yuusuf-dheere waa kii ku lahaa kadib markii uu taxay magacyada ragga
gabayadooda Soomaalidu ugu jeceshahay: sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye, eeggana waxaa
laga tabshaa adiyo Dhoodaane (adi wuxuu ujeedaa Hal-abuur Cabdi Sheekh Biixi)



Maxamuud Cabdi Kaadheeri waa kii lahaa isagoo u digaya nin isku dhereriyey Macallinka asii Kaadheeri ugu
muuqday nimaan Cabdullaahi Dhoodaan la heer ahayn:



Boqorkaan dhacaynee murtida baarqabkii gabayga

Billaddeeda wiilkii hantiyey barrihii suugaanta

Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta

Naf aad birqooshaad siddaa ood budkaw qodiyee

Is biimaynta qaarkeedna waa kuu baraarnimo e

Ma gaadhaayo bayd aad furtaa Boqorka Dhoodaane

Anaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaaye

Billaawuhu markuu kugu dhaciyo baaska daba jooga

Barkad-naxa barriiqada siddii bilista how yeedhin?



Isaguba, waa Dhoodaane, waa kii lahaa:



Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye

Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye



Annaguna waxaanu leeyahay, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan wuxuu ugu horreeyaa halabuurka Soomaaliyeed
kuwii tegay iyo kuwa casrigan ahba. Aragtidayda, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ma ahee, ilama aha
inuu jirro hal-abuur la miisaan ah Cabdullaahi Dhoodaan. Waxaa la odhan karaa wuxuu gaadhay fidha
ugu sarreysa ee halbeegga gabayga. Sidoo kale wuxuu yahay xeeldheere dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed,
taariikhda iyo sooyaalka ummaddeena iyo Geeska Afrikaba. Waxaa intaa waheliya waddaniyad niyad ka ah
iyo gumaysi iyo gardarro nacayb dhalamad ah. Wuxuu ka mid ahaa dhalintii u guntatay aasaaskii iyo
abaabulkii xisbigii Nasru-Laahi. Xisbigani wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka unkamay
gobolka Soomaali Galbeed. Xawliga iyo xarbahu haba kala duwanaado e, nus-qarnigii tegay wuxuu si aan
kala hadh lahayn ugu hawlanaa halgankaa.



Gabayada Cabdullaahi Dhoodaan mid walba kaligii ayaa buugag laga qorri karaa. Gabay walba oo uu tiriyo
abwaanku waxaa si gaar ah uga dhexmuuqda xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo
tarkiib yaab leh oo cid lala simaa aysan jirin. Carroqaadkiisu waa ugub, murtidiisuna waa agan, sida
uu isba sheegay: gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muuqdo, waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abbaaraaye.



Markasta oo aad gabay uu tiriyey dhagaysato ama akhriso, waxaad is leedahay gabay kan u dhigma waligii
cid tirisay lama sheegin. Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xiga ee ay isku cajalka
ku duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay daqiiqado ka hor oo aad
kan dambe u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu cuslaa ee aad waligaa maqasho. Sababtu ma aha in adiga,
dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca maansada. Sababta
arintaa keentayi waxay hubaashii tahay gabayada Dhoodaan oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana
cibaaro iyo cilmi qodan yahay, in la kala hormariyona ay adag tahay. Kolka ninba dookhii iyo danta gaarka
ah ee uu ka leeyahay gabayga ayaa kala jeclaysiisa.



Waxaa lagu doodi karaa 100% gabayada Dhoodaan inay wadani yihiin. Waxaa la arkaa in la helo qof Macallinka
ku khilaafsan mowqif siyaasi ah oo uu qaatay ama sida uu u cabbiray xaalad siyaasadeed oo xillli gooni ah
jirtay. Waxaanse marna la arag ama la maqal qof dhaliila awoodiisa aan dhigga lahayn, aan gunteedu muuqan,
awoodiisa la odhan karo waa awood caqli-ka-fooq ah ee gabayaanimo. Ma arkaysid meeris Cabdullaahi Dhoodaan
ka sugnaaday oo aad isleedahay allow yaa kaa baddala ama muxuu saa u yidhi oo uu sidaa kale u odhan waayey.



Intaa waxaa dheer inuu leeyahay codad iyo naaxiyado kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda
Soomaalidu aad ugu xasisho. Sida uu ugu luuqeeyo iyo siiqada gabayadiisa ayaa waxay tahay si aan laga xigan
karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu sidaa keeno. Bal dhagayso: Yaa dirsaday, Salleelo, Garnaqsi,
Salleelo, Gardarro, Xaajadii, ikk. Ku luuqaynta gabaygu, gaar ahaan kolkii ay sida ta Dhoodaan u hufan
tahay, waxay leedahay qiime iyo muhiimmad gaar ah maxaa yeelay marar badan ayaa waxaa la arkaa nin gabay
fiican oo haddii gabaygiisa la qorro murti laga dhadhansan karro. Laakiin markii uu ku luuqeeyo aanu sidaa
dhadhan u lahayn.



Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase

Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay

War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay

Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane

Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile



Dhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca maansada ka midka noqday ee loo yaqaano
Jacburka. Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan
danaheeda ku gudatay. Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay Soomaalidu aad ugu qoslaan
uguna raaxaystaan. Waxaa xusid mudan inay jiraan hal-abuur badan oo Cabdullaahi Dhoodaan kaga dayday
samaynta jacburka sida Cabdi Saahid, Yamyam, Hadraawi iyo Shube, ikk.



Badda riinjiyee baa u daran hawlaad qabataaye

Xisaabtana dabayshood qortaa kuugu fara weyne

Nin sigaar cabbaa wuxuu yidhaa anigu waan dayne

Kolkuu dhammaystuu haddana laba midh doontaaye



Gabadh aad jeclayd oo haddana gaadhi kula fuushay

Oo dhinacan kaa soo fadhiyo ruuxay garanayso

Ama aad guri kusoo booqatay lana ciyaarayso

Hooyadeedna ay joogto oo waliba soo jeedo

Adiga iyo inantaasi waad kala xishootaane



Yaabbaa adduunkii ka dhacay wiiga maanta ah

Dhulkii lagaba guuryoo cirkaa loo tartamayaaye

Xiddigaha dushoodaa dhawaan la isku haystyaaye

Aboole kow iyo toban baa kharibay dad aan la koobayne

Suuqaa markii aad u degtaba buuq haddaad maqasho

Dayaxay tageen iyo ma tagin muranku weeyaane

Wadaadadii jiboodiyo casrigu way is dilayaane

Ilkihii rag laga daadiyeey galabta sheegeene



Yurigaa Giriigbaa la yimid hawshan oo idile

Isagaa wareerkaaba baray dunidii fiicnayde

Awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye

Hadda unbay xaqiiqaynayaan waana la hubaaye

Armstaroonba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye

Luna iyo Aboolaana dhigay calamadoodiiye

Haddaynaan ina guurin oo meel kasii dayanin

Afrikaanku baashuu lahaa waa la dagayaaye



Haddaba talogalkeenu ma aha inaan taariikhdii Macallinka soo koobno, sifayn badan oo kale oo uu u
baahan yahayna ma jirto. Waxaan kaliya doonaynaa in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi
Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan. Intaa yar ee gibinka ah ee aan kor kusoo qaadanay masoo koobi
karto taariikhdiisa iyo gabayadiisa baahay ee nus qarniga socday.



Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye

Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh

Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye

Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa

Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e

Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone

Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye

Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede

--------------------------------------------------

[1] Professor Faarax Dhaameel. Garnaqsi, Maxamed Gurxan

[2] Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan. Garnaqsi, Maxamed Gurxan

[3] Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) Interview by Dr. Ahmed I. Samatar, December 27, 2007. London.

[4] Muxumed Baaruud Guraase, Garnaqsi, Maxamed Gurxan

[5] Cabdi Sheekh Biixi, Garnaqsi, Maxamed Gurxan
-------------------------
-------------------------


17. HA U LIICINAAY


Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada Cabdullaahi Dhoodaan uu tiriyey xilliggii uu guubaabinayey waxna
ka abaabulayey dhaqdhaqaaqii xornimo raadiska ahaa ee ka socday gobolka Soomaali Galbeed, waa 1959kii.
Xilliga uu Cabdullaahi gabaygan tirinayo wuxuu ahaa 17 jir wuxuuna joogay Xoddayo oo ahayd madal ay
isugu yimaadeen rag badan oo halganka gobolka ku hawlanaa oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyihii Xisbu
Taxriir Nasrullaahi fii Iqliimi Ogaadeenya (OLF) Cabdinaasir Xaaji Maxamuud iyo Ibraahim Xaashi Maxamuud.

Cabdullaahi Dhoodaan shirka si rasmi ah ayaa loogu martiqaaday oo waxaa loo diray gaadhi khaas ah oo
kasoo qaaday Walwaal oo markaa qoyska Macallin Axmed deggenaa. Mar haddii uu 17 jir yahay, shirka
aqoonyahanada, culimada iyo indheergaradku isugu yimidna laga casuumay oo weliba aad loogu adkeeyey inuu
kasoo qaybgalo, waxaad garan kartaa inuu ahaa gabayaa warkiisa iyo gabayadiisaba horay loo maqlay oo eray
quwad leh iyo aragti hufan lagu xushay.

Kolkii uu tegay shirkii Xoddoyo wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan la kulmay waxgarad, mutacalimiin iyo dhalinyaro
badan oo ka kala yimid dhammaan degaanka Soomaali Galbeed. Cabdullaahi aad ayuu ugu farxay abaabulka iyo
agaasinka Xoddayo ka hirgalay wuxuuna mariyey gabaygan oo aad u dheeraa halkudheg badanna leh. Waxaa lagu
garan og yahay meeriska ah: Haw liicinaay Xabashi waan lagatamaynaaye. Inta yar ee gabayga aan ka hayno
waxay tahay:


Inaan laaqsho mooyee waxaan, meel u ladi waayey

Leyl iyo nahaarkii waxaan, maansadaw laliyey

Lushna shira dhexdeedaa waxaan, uga likaysnaaday

Isticmaarku siduu noo lunshaan, laxaw ku sheegaaye

Wallee inayna laakiin ahayn, laydha socotaaye

Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe

Lalabahaa waxaa shiday raggay, looxa u dhigeene

Shacbigii lulmaysnaa wakaa, qaylo laasimaye

Lugbaw kabantay Soomaalidii, baratay luufluufe

War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay

Intay legaga buurbuuranyiin, luun iska ahaad

Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora

Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina

Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda

Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda

Quruumaadka laydhiga Carbeed, laabis kala qaata

Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba

Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e

Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa

...

Laakiinse maantaynu layn, waa laf-qabaleeye

War haw liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

...

----------------------

18. HADDII AMXAAROY


Gabaygan qiimaha badan abwaanku wuxuu badankiisa kula hadlayey uguna digayey Itoobiya. Wuxuu ka
mid yahay gabayada uu wax ka badalay Cabdullaahi markii uu ka quustay dawladii Maxamed Siyaad ee
uu dalka ka goostay. Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha daayee:



Hal-abuurka maansada ninkii, aadba garanayaa

Mar haddii aftahan loo yaqaan, amuu abwaan sheegto

Wax if jirra wax aakhiro jirriyo, waxaan la eegaynba

Waa inuu ogaadaa sidii, uurkubaalaha e

Afar-iyo-lixdankii anigoo, Eebe dhaawanaya

Asgaruhu dhawaan ha is arkeen, waanigii idhiye

Ayaantaa ayaantii xigtay baa, laysla oogsadaye

Ajal dhimatay waatay xigtiyo, aalad qaraxdaaye

Haddaan eegay eegana waqtiga, amaan ilaaleeyey

Siddii ay dharaartaa ahayd, waw ekoontahaye

Aadmiguna wuxuu aawilaa, dhaaxba la arkaaye

Col iyo dhaanba inay kaaga iman, dhannaad u iilaysay

Odayadii dhintaa sheegay iyo, aaqiliin hore e

Amin soo socdaan wuxuu ahaan, waad odorostaaye

Inta badan aqoon gaabantii, aan u ergaynaynay

Ilyar gabagabay taagan tahay, waana eberkoode

Aweytina aan sii raaciyee, ududsan maayaane

Inaguna arimahaan wadniyo, uruursanaanteena

Inshaa Allaahu Soomaaliyey, waynu aargudane

Abshir baaba ii muuqatiyo, guul agteena ahe

Wax soo aadan kheyr Eebahey, noo abaabulaye

Ammuur weeye laynoo aqbali, oo ijaabo lehe

Allahu akbar waxaan haysanaa, diin awood badane

Islaanimada awgeed Kufriga, waynu ka adkaane

Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh

Gaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuye

Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye

Walow aan sidaa aaminiyo, idam Ilaahayba

Eebada markii lagu darey, na anfacaysaaye

Geelii irmaana markii, oonka lagu daayey

Ee qaalintii igadh ahayd, oloshay ee reentay

Inankii yaraa waysagii, uubta dheer qodaye

Dabeedna Araweeluu ku dilay, uumiguu shidaye

Xaajana hadday awdantoo, talo asheedowday

Aynigaana wixii aad lahayd, adiga kuu diido

Ergo iyo asluub iyo haddaad, aayar kaga weydo

Ashkatiyo adeertaba haddii, lagaga ay waayey

Asxaan diid inuu yahay markaad, dhab u ogsoonaatay

Itaal iyo sidii kuu eg, waa inaad la aadaaye

Oo wuxuu abaalkiisu yahay, lala abaaraaye

Ablaydana tus ileen waa kii, tuuray aaqibo e

Oogadiisa waa inaad gubtoo, arami gaadhaaye

Adoo umalsan goortuu arkoo, aano gudanaaya

Istaaqfurulaa waa inuu yidhaa, edebna yeeshaaye

Nabadda anbatana waa inuu, iib ku daydayo e

Intaasi wayga arartii sokiyo, oodo dhacameede

Ujeedada shishiyo waa inaan, ubucdii jeexaaye

Dadkayaga adduunyada dhaqdiyo, beerta ka aslaaxda

Ardadii magaalooyinkiyo, aaddanoow shicibka

Iyagoo hawlahoodaa watoo, aanay noo imanin

Artaleerigaan haysaniyo, aarmigaan sidano

Iyo ciidamada loo unkiyo, xooggii la aasaasay

Abtirsiga dagaalkana la baray, oo arma aqoon ah

Calankana axdigii ay mareen, ugu adeegaaya

Asalna geesinimada u dhashoo, sidii awowgooda

Askar saas ah baan leenahoo, aad u miidhan ahe

Utunna waaban kuusii qabnaa, aamanuu sabane

Eediyo qolloocaan wax badan, kaa ebhinaynaaye

Eeqooyinkii horre raggaa, kugu arqoofaaya

Eed uus-xabaashaan nahaye, aara doonka ahe

Onkod iyo hillaciyo intaan, uuro soo kicino

Xabbad lagu asqoobiyo intaan, ololba soo tuuro

Alaab waxaan ka hayniyo intaan, Idibal soo dayno

Boodhkiyo awaaraha intaan, awdo samadoo dhan

Argagixiso weyn iyo intaan, mawjadda afuufno

Gummuca aalanaaxdiyo ka weyn, awrta madaxeeda

Usgag badan lahaataye intaan, idinku aafayno

Asuushiyo intay garashadii, idinka aynfaado

Haddii aadan Amxaarow, Qarbiga oohin kula yaacin

Eygaa Maraykana haddaydaan, aqalada u xaadhin

Ingiriis haddaydaan u tagin, sidda ugaaskiinii

Arligayga daayoo haddaydaan, tiinii ka abraarin

Addis iyo haddaydaan Shawaba, orod kusii dhaafin

Undurbaan haddaydaan wax badan, Laaji ku ahaanin

Amaydaan ag tagin Kenya, waa ina-adeerkiine

Iyana waa uduufee haddaanay, kuu arxami waayin

Malaayiin unuun go'an haddaydaan, aydan kaga dhoofin

Omoska dhaawicii yiil haddaan, boogtu ku abloobin

Haddaydaan abxado Daafiyo, agab lasii roorin

Aaran uu libaax gooyey iyo, adhi uu weer laayey

Injir badan lahaatee haddaydaan, dhaaxba u ekaanin

Ayaxii sunaysnaa haddii, laydinka aqoodo

Haddaydaan ilamaha tuurin, oydaan maatada iloobin

Ubadkiina meeshaa haddaan, lagu agoomaynin

Oydaan naaga uurliyo ka tagin, aabihiin gacale

Ooridda qurxoon iyo haddaydaan, inamihii waayin

Anagaa aroosiye haddaanay, Macatabkii aasin

Haddaanaan qur'aanka u akhriyin, oyna ku islaamin

Isticmaarsan maynee haddaanay, waayo na adeecin

Ashnaaqash taad lahaydeen haddaanaan, Aaminow bixinin

Aagaba haddii aydaan ka tagin, siddii ugaadh fiigtay

Geeska Afrikaad iyo haddaydaan, baashan ka irdhoobin

Asxaabul-fiil sidoodii haddaanaan, kugu alalaasin

Waa haddaan abuurinkayagu, dhab u aloosnayne

Buntukh ugub Amxaarooy markaan, kaa afurinayno

Annaga arrad bay noo tihiyo, barigii iideede

Oo waa maalintay noo umuli, guul abeer uhuye

Siddaan oofta kuu kala jaree, adhaxda kuu goyno

Inaydaan dhaaxo soo oollin baa, loo afbadiyaaye

....
----------------------

19. HALGAAD 1979


Ciidamadii Soomaaliya markii ay kasoo baxeen gobolkii Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ee ay sida
orodka ah uga qabsadeen, waxay si aan qorshe iyo aabayeel lahayn meelo badan kaga carareen askar
badan oo dhaawac ahayd oo u gacangalay ciidamadii cadowga. Ragga dhaawaca ah wixii ka badbaada
cartanka iyo cadhadii Itoobiyaanka jiidda hore waxaa loo dhaadhicin jiray magaalooyinka waa weyn
oo daryeel caafimaad ay ka heli jireen.


Dabayaaqadii 1979kii ayaa Macallinka oo fadhiya hoteel la odhan jiray Hotel Harar oo ku yaalay
magaalada Addis Ababa waxaa u yimid Dhamme Xuseen Jaamac. Xuseen wuxuu ka mid ahaa saraakiishii
Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku qabtay iyaga oo dhaawac ah dabadeed isaga oo dhaawicii
ka bogsaday ayuu si caadi ah ugu noolaa Addis Ababa. Sheekaysi gaaban ka dib, Macallin Dhoodaan
isaga oo ka xun dhammeha iyo raggii la midka ahaa wixii qabsaday, dhulkii markii horre dhubuqdhubuqda
iyo siyaasad xumada lagu soo galay, markii dambena sida baraqnuglaanta ah looga baxay, shacabkii
degaanka waxyeelooyinkii loo geystay, iyo kala-dhantaalkii ciidamadii Soomaaliyeed gaadhay ayuu
Halgaad tiriyey. Wuxuu yidhi:



Rag hawaystay qaar kale hantidood, oo habaabinayey
Hindisay wateen lagu hirgalin, himiladoodaase
Wax la yidhi habeen niman dhac iyo, bowdfur ku heshiiyey
Hayin reer intay xadahayeen, ama horweynkooda
Hablahoodii qaarbaa hurwiyo, heello sii tumaye

Hadda waxaa hilaadii ku yimid, ama hannaankii leh
Soomaaliya intay ku hamiyeen, say u hano qaado
Iyagoo markaa nala hubsaday, dawladii hurudday
Xafiis iyo hareertana ma garan, hogagii xeeleede
Markay horror kasoo hoyo tidhiye, haasta nagu qaaday
Hoboow heeda waagay tuntaye, nagu hilaabowday
Hiyi kaca danaysiga aheey, nagu hanqaaraysay
Hal-jir iyo nin harag dhoofsadiyo, beer ku haramaysta
Habarwacashadoodii intaan, laba ka haasaawin
Hawhawdii Xamar ee sidaa, noo hawadinaysay
Hantaqa waa markaan ugu dhacniyo, goof hadoodilane
Huf iyo been hadh kaga saar ah bay, nagu hungeeyeene
Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne

Dadkeenii hayaamayee xaggaa, loo habqaminaayey
Waa isaga hanbaabicin jiree, waxa u hooseeyay
Hanbooriba inay nagu wadaan, oo hurgumo jiifto
Oo halaag Soomaaliya tihiyo, halis inoo baaqday
Lama hadin hubsada ee aayar baa, loo hogaansamaye
Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne

Halligaad inay nala damceen, had iyo goor taagan
Hingalahay dadkeenna u xidheen, haatan ood aragtay
Wali hanuunsigiyo beentii bay, daba hublayn qaare
Rag haydaartadeenuba u tahay, halabadii guusha
Hamhamtiyo warkoodii aan jirin, kama hadhaysaane
Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne

Keenaa hulaaban baydin hodoon, hiiqin waligiise
Markaasaad hadhuub caano iyo, hilibba siisaane
Hararkiyo darmana loo goglaa, hadhacaad waabtaane
Hadhuudh iyo qaxwana loo karshey, habacsan dhay geele
Ragna hebadka waxa nooga dhigi, waa hangoolada e

Hubkaad sidato badow haysta iyo, hoorri kugu dheelye
Isagoon hallaba kuu ogayn, jaahil ku halleeyay
Oo idiin hanjabayaad waqiin, u habranaysaane
Hus baad odhan lahaydeene, waa leys hagranayaaye
Hadhowto iyo Soomaaliyaad, haybadda u siine
Hiiraan iyo Hargaysiyo asgari, dhaafay hilinkooda
Oo haadkaagii soo galay markaad, hiil u daydayato
Halladaad haday nagu tumeen, hubanti waad siine
Hobyo iyo hadday tuugga Xamar, idin halaakaysan
Halkana qaaqlihiinii ka tagay, lagu hagaagaynin
Ummad hoogi baad ila tihiin, huuti yahay baase

Garashiyo haddaad hadur ka tahay, maamul heer sareba
Gobonimadaad haabhaabanee, lagu hadaaqaayey
Haddaan hororba laga waabiyeen, kugu haliilaaya
Maba hanan karayside maxaa, taana laga haybsan?

Hayeeshee haddaad ku hammidaan, hodonso ciidaada
Halyeynimana lays bidahayood, haysan kari doonto
Hanti waaba lagu leeyahiyo, hoo adays ka lehe
War heelada iblayskaa mindhaa, idin halmaansiine

Muqdishadii habeediyo qalbiga, haarufta u yeeshay
Hanbaggiyo war ay kugu qubtaad, hooy u leedahaye
Haloosiga Af-weyniyo jinbaad, la hidiwaasteene
Wixii idin haboowshaa badhkiin, sii hiigsanayaane

Hagaga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso
Xukuumadaa haraadka u bakhtiday, way hantaaticiye
War hawl yari dhulkay maaganayd, inay ku haaneedo
Ee habeenno shicibkii lahaa, lagu hor maalaayey
Inkastoo dad yari hawd galayoo, taagii hudinaayey
Halaqiyo hangaralahuu dirtiyo, haramacadkii waashay
Humaajooyin way nagu dhufteen, haayirka i boobay
Hollin ma aha koobaade, way nagu halaaqeene

Annagoo habsoow nagu dhacayoo, hiil isaga baahan
Hanadadii Ogaadeenya oon, iskuba hawlin
Horusocodkay noo soo dirtoo, haaligaa yimide
Horimada malaysiyada iyo, wiilashii hudmaayey
Hakin mayso fadhatee raggaa, oo hamuun qaba e

Halhaleel cadaab ugu shidiyo, haawiyoo kale e

Dadkay naga habawsheen walow, qaar hufadu jiidhay

Ammase uu hareeraha gubayoo, heera badan laayey

Haakaale waan rabey inay, fadhato hoogtaaye



Madfac higliyo taangigaad, roob hanqadhi moodo

Iyo holac dayuuraddu riddiyo, hawsar lagu boobye

Kolkuu miig hadhkii aad u tumay, ammuu habeen laayey

Ee taangina hawada baarashuud, kagala soo hoobtay

Higtaa lagaga saaraye kolkay, hamugtu yeedhaysay

Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, hoobatee oloshay

Haaheey dharkaa la huwadiyo, hub iyo gaadiidba

Waxay heeladkaba soo dhigtee, ciidanna u haysay

Shayna kalamay hoyan meeshanay, kaga hulleeleene

Hiddina waayeen qalabkay, ka hanfariireene

Hudh-hudhii badnayd iyo wixii, lays hiddiginaayey

Himbiriirsi oybaa xigiyo, dib u hashlayntiiye

Iyagoo hagoog foolxunoo, hayla jiidanaya

Oo heema duufliyo ilmadu, hibitiqlaynayso

Oo heedadaabayoo dagaal, hoorin kari waayey

Kornaylkii habraha boobi jiray, dib u humbaalleeye



Saraakiil huruur xumi iyadoo, Janan habaarayso

Halkaa dhaawacay kaga tageen, Saajimmada hiifay

Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, dan u haraayowday

Waatii halbawluhu go’ay, sii hundhudhayeene

Dhir hoosteed shalay kaga tageen, hebelladoodiiye

Wiilal heetinaayoo dugaag, loo huraa badane

Hilibka askartoodaba intay, haadda uga yaacday

Raggii laga hayaamaa badhkood, nala hadaaqaaye

Hoggii lagaga yaacay xusuus, wada hunqaacaane



Haghagga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso

Dagaal waxay ku haybsanee, haybad iyo xoog ah

War heeg dheertii may kaga gurtaan, bahalku hiigaayey



Soomaaliya nafteeday hafriyoo, kugu habtaa beene

Dhulkii ay hankaaggiyo dorraad, hoogga kala luudday

Hadday haatan leedahay berri baan, dirir ku hoomaayi

Hurduf iyo harraatida raggii, shalay ku haylhaylay

Ee halacsadee caydhiyee, hoorka kaga yaacshay

Oo heegan maantana ah baa, jooga hilinkiiye



Kuwaas oon heshiinnay oon, annagu uga horreynaynno

Dadka heemin doonaan nahayoo, hiija weyn qaba e

Hurduf inaan la gaadhniyo mar kale, laad aan ku harjaasno

Nasiib iyo hibay noqon lahayd, taa haddaan heliye



Haghagga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso

Soomaaliya nafteeday hafriyoo, kugu habtaa beene



Shuftada aad sidii bahal higliyo, habas xun moodayso

Hurdo dakharta gurigiinna kaa, soo huluulanaya

Kaa idin huruufiyee cidlada, idin horeynaaya

Haleeladana kaa gawracee, heegga kugu jiida

Ka dirqiya hablihii aad dhasheen, amma haweenkiinna

Jabhadnimo habkeed iyo xorriyad, loo halgami tuure

Wuxuu kugu hagaa hilay baasiyo, hadaf la’aan taase



Gobonnimaan u heegnahay ka lehee, hawdadka ordaaya

Halkan imaadda dhaha haddeer, waaba la hayaaye

Hadalkiyo haddaan waanadaa, Eebbe ku hagaynin

Hargab cudura kaasaa noqdee, huriya ruuxiisa

Hud-hud iyo Afweynaa dirtaye, beerka ka halgaada

Taariikhda gabayga si aan u saxo waxaan eegay buugga Garnaqdi ee uu Maxamed C. Gurxan ka qoray maaso
halgameedkii Cabdullaahi Dhoodaan. Gurxan iyo ciddii uruurinta suugaanta qaaliga ah ee Macallin
Dhoodaan waqti galisaba aad ayaan ugu mahad celinaynaa.

----------------

20. HIGLO


Xasanoow higlada waan arkaa, soo hadoodilane
Celeen hamash ah waatii lahayd, roobna wuu helaye
Had iyo jeerba waa lagu yaqaan, higilka doogga ahe
Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
Hiyiguuse daaq buu jeclaa, taana hidin waaye
Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
Kaasay hangaralihii dhulkiyo, habasna laaceene

Jiilaal hawaarsaday abaar, laysku wada hiifay

Habar-adhi humraa soo dhaciyo, hogo kaliileede

Hanqadh iyo hillaac baa xigiyo, daad haraaciye

Dhagar heetisaa meesha ay, ku hangalaynayso

Honboboro-libaaxeedda waad, sii hannaan garane

Dab ay huriso waa la arki jiray, digo hulaaqdaaye

Hudubaan khasaaraa ugu jira, ciirta uu helaye

Dafo hiilinaysay ahayd, taa hagooganiye

Haataadhus-laysaye waxay, beeni huguntaaba

Hurgumadiyo maashiyo wuxuu, nabar hafeeftaaba

Higashiyo waxay heedadoow, ku hunbulaataaba

Mid bay huri hillaacyada bariyo, hawda karameede

Haylaha casaaduu arkaa, galowga heesaaye

Halabada bislaateey ogowd, haaddan socotaaye
Boodada haldhaagaa ka weyn, haara faashadaye
Barruu haramacadkii dhaansanaa, cowl hogaansade
Hareeri iyo galool saadambay, caws huwanayaane
Hurduf jiije kii doortay bay, hadi ku saaraane
Nirig hadaftay iyo hooyadeed, way is helayaane
Haddaan haraga haasaawihii, kaaga wada hoolo
Harar iyo Halloobiye mar iyo, Helele meeshiisa
Heerahaad la taaliyo dadkii, howdka kula joogay
Umaddoo dhan haysugu halayn, kaasi waa hebel e
War suugaanta hano yaan adeer, haybadaa lumine
Qaarbaa gabaygan maqan, adigaana haya soo ma aha?

Noosoo gudbi, kheyr baad helaysaaye. Hoos baan kaga soo qoraynaa in aad adigu soo dhamaystirtay gabayga.
---------------------------

21. IS WEYDIIN


Dabayaaqadii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey gabaygan la magacbaxay Isweydiin. Gabayga waxaa
ku jira ugu yaraan 62 su'aalood oo uu abwaanku weydiinayo ummadda Soomaliyeed, doonayana inay jawaabaha
su'aalahaas raadiyaan si xalka dhibaatadii xukunkii kaligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad madaxda u ahaa
loo helo. Maadaama oo uu gabaygu gabay naqdi ah yahay, waxaa la yidhi Maxamed Siyaad iyo dawladiisiiba
gabaygan ayey ugu nebcaayeen dhammaan gabayada Cabdullaahi Dhoodaan.

Waxaan filaynaa in gabayga qaar maqan yahay, laakiin inta aanu hadda hayno wuxuu yidhi:


Kolba gabay warshadahaygii oo, waayo horre sheegay

Oo waayihii dhacay i iloowshaa, waaba qaar heliye

Kol haddaan shalay wuxuu ku yimid, milaygu waydaaran

Waldhan kabina waa u yaal, haddaan waayo qaarkiine

Waa tanee sidaa aawadeed, maqal is weydiiya

Sidii calanka wilicdaa ahaa, wacanba loo taagay

Wiil iyo haweeneey dushaa, lagaga weeraaye

Waligiinba Soomaliyeey, wadar ahaantiinna

Wacdi iyo waxsheeg baad waddiyo, waana abidkiine

Hadal lagu wardinayaan intaa, weeye leenahaye

Qof kastaba wanaag bay u taal, weedha uu yidhiye

Erayadii wacnaa dhagaha waa, laga waraabshaaye

Waddan iyo wax qabadkii, markaan dib isu weydiino

Waxoogaa intaan fiiriniyo, suu wakhtigu yeelay

Wixii laysku wada waafaqiyo, wixii is weydaarsan

Waa in lays waraystaa sidduu, waajibkii yahaye

Walow laga wahsado howshiiyoo, been la warinaayo

Wanlaweyn wayiig haba dhex galo, reer Waqooyiga e

Wid dee ha is yidhaahdeen illaa, woodkii berigiiye

Siimaba wafaysnayn haddana, waajilaadduba e

Is waabwaabin fudud bay ahayd, oo walaalnimo e

Waliba way wateen doodo gobol, oo iswaansi ahe

Ha yeeshee waldaafyeynta guud, la isma waayayne

Iyagoon wad kala eersan iyo, weerar dibadeedna

Labadaba ku waydhooqsaday oo, wiifsadaa helaye

Iswaaciidsi meeshay rabtaye, horu-wadka ujeedday

Wantatacoowba lama waayin iyo, waytabaaqsaniye

Ballantoodii waafiga ahayd, yaa u rogay weyda?

Arrimihii rag horre waa baxsheen, yaa wanjeecinaya?

Yididiilo way waakataye, yaa wajaaf mariyey?

Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay?

Nolosha dooni inay waarto, yaa waasac uga dhaartay?

Nafta sii waraaq wiigag jecel, yaa udardaar-wariyey?

Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?

Waddo horumarlay sheegataye, yaa iska weecday?

Dadkan woohabaynahayiyo, shacabkii yaa wiiqay?

Shaqaalahan wasiisigu ku dhacay, yaa ka weyrixiyey?

Waraar hoose yaa qodahayoo, geedo sare waabay?

Yaa intuu wadaagii qawaday, keligii weel miistay?

Wiyeel ceel waddaniyiin lahayd, yaa wir dhaansada leh?

Yaa irmaan waraabsiga tabcayoo, kiisu wagab yeeshay?

Wadaamihii aroor kale sitana, wabaxa yaw diidday?

Soomaliya wayaakadii u tiil, wagare yaa boobay?

Waxoogaayadii baanankiyo, weelkii yaa madhiyey?

Qabiil uu ka waantooba yidhi, yaa ku waliimaystay?

Waabeeyo shiil baa jiree, wadhidan yaa geystay?

Kumaa walam xafiis weyn yidhiyoo, boqol u wiidaystay?

Wanbarkuu fadhiyey eexo, yaa kula wareegaystay?

Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widwid ah rooray?

Walaa-xawla iimaan la'aan, yaa u wehel yeelay?

Waxyi been ah yaa soo maqlay, oo wahab u sheekeeyay?

Intuu warar ibliis qaato, yaa gees wiyila fiiqday?

Wadaad sharaf lahaayoo dhan, yaa weylo koriseeyay?

Cadaaladdan wafaaqaysa yaa, wagaradka u siibay?

Waalidkii xurmada loo ogaa, woodhaq yaw bixiyey?

Ummad aan walaac badan lahayn, yaa wareer galiyey?

Qalbi wabadar kuma fiicanee, yaa waswaasinaya?

Walbahaarka laga soo cawdiyo, wahanka yaa beeray?

Weedhii Alliyo diinta yaa, naga wadeeceeyay?

Wahaabigu run kuma dhaaranine, yaa wallaha jiidhay?

Soomaalida widhiidhigu dhexgalay, weercad yaw xidhaya?

Walaalooba waa taan maqlaye, wadajir yaw diiday?

Sheydaan walhinayaa jiree, walafka yaa oogay?

Wakiil madaxa yaa isaga dhigayoo, reero wadhaf tuuray?

War qaylaa willane yaa dadkii, waydan kaga yeedhshay?

Siddii waylo baadi ah maxaa, kaga wadhaac siiyay?

Waraabaha qarsoon yaa noqdayoon, ruux wajiga moodnay?

Dadkoo wii leh gaajana witigay, walanqo yaa ruugay?

Waageeni badi yaa ka dhigay, oo walleedh koriya?

In yar baa kuwada wiirsatee, yawgu wacan beesha?

Waadi hadhac ah yaa laga fishoo, bacad ku weeteeyay

Wabi malab ah yaa laga fishoo, sun u walaaqaaya?

Wanaag iyo xorriyad waa dadkuye, walaxdii yaa qaatay?

Wareegto iyo durbaan yaa tun yidhiyoo, walasaqo u dheelay?

Intii ay wilwilo boodayeen, wiishka yaa sudhayey?

Waleecaadka yaa u laba rogayoo, weehataye laalay?

Wasakh laabta yaa kaga shubayoo, waa baryaba ciilay?

Waddan caasi lama doonayee, wacadfur yaa keenay?

Wirigwaarigtii xeesha Yurub, waligii yaan daynin?

Garasyaani wiil yaa u noqdiyo, wariyihiisiiba?

Fariid waraca hoos yaa u dilay, ama wareenteeyay?

Waqii siddii Kamaaludiinna, yaa wadaraha u laayey?

Ma waayeelo jaajuuse, yaa wiifin jiray Leego?

Wecelkii gumaysiga ahaa, waliga yaa mooday?

Inaan waran la gaadnaan rabnayee, wananka yaw loogay?

Sirta niman walwaalaa jiree, yaa warqado dhiibay?

Wakhti horre waxyeeladu ma tagin, heerkan waligeede

Wigta qonofka dibirtuu rag waday, wagagacdaa yeedhay

Wax la is weheshan iilama ekee, ways waddacitaane

Haddaan madax wakaaladi samayn, amaan wasiir yeelin

Narsaallida wagdaha laa og iyo, xuur wijiirida e

Dusha muxuu ka waandhooliyaa, wuu wajaqiyaaye

Runtii inaad wadnaha taabataan, kuu sakaar wadhiye

Wadhafkiyo huluumbaha sidaa, wax u warjeefaaya

Arrin lagaga soo waaqsan karo, bal aan isweydiinno
-----------------------

22. JAG IYO LUUF


Laamlaydan taariikhdeeda haddii aad hayso fadlan nasoo gaadhsii. Wuxuu yidhi:


Dhallaan jagiyo luuf dheelayaa amase leylaystay

Mid la yidhiye waxay looli waa laba ciyaaroode

Dhir bay labi galool wada yihiin kalase liil roone

Lammadaadi ilig sooh ah iyo jaro shan laagood leh

Isku ladhay leg iyo caynka oon liig madow sudhiye

Afka xadhigle way kala nuglaan luuntu waligeede

Gabayguna lud iyo dhuuxba waday laaxina u dheere

Isba ma laha waxaad leedihiyo laabatiyo seede

Kala liiday waana isku magac eraygu laakiine

Anna kuma laclaafee haddaan tuduc laqmaynaayo

Kuma daro naxwaha laangadhiyo weedh laleemo lehe

Waxse aan laba lagdeeyoo naxwadi igu liqdaaraydba

Kanay lahashadiisii soo riddiyo laafa lugudkiiye

Lahjaddiyo lisaankiyo codkay laabtu garanayso

Reedhyoowga soo lalinhayiyo laaqda iyo heesta

Lixdankii xornimaday heshiyo calankan laalaada

Soomaaliya intay luuqda dheer noo lalabayeenba

Qalbi lulidu waa xeelahay nagu lug gooyaane

Lilaahida warkaan moodno way nagu liqaayaane

Tabtay nagu lisaan waa anaa laanbad kuu hurine

Luflufaaga gaadhigu rartiyo lacagta soo duusha

Laboodkeena waxaan dhaafsaniyo lo' iyo geeliiba

Lurka iyo dhitaan quudaniyo xoolahaan lumino

Waxba kuma lilaynee sidii loofar baan nahaye

Soomaaliyey ladnaansho u noqdeen oo ladaab heliye

Oo waa kay ladaadyadii nimcada laqanyo daacaane

Waxay nagaga liibaanayaan looxa beenta ahe

Lohloh iyo mardabaday gashee libinta noo diida

Liddinimada taasaa ugu wacan leedda fuulka ahe

Markaasaay na looyaamin ooy nagu likaacoone

Wax lafteena ruugana iyagaa noogu laad culise

Lubbi iyo haddaan sharaf lahayn way libdhinayaane

Waxay labac jirjirin baydibay nagaga leefaane

War dhaaxay na luuseen siddii laxam baruureede

Soomaaliyaay cadkaan laaci waan kaa libdhinayaaye

Adaa lahan qabee mooyi saad laalufka u dayne

Ku laqwide dadkay hadduu seeftii looshadaye

Ligligaanu qaban baydidaad libiqsanayseene

Luxluxa ay ku faa'iidayaan Xamar lamaankeedu

Lingax adag intaan kaga xidhnoo laama kaga oodno

Luqluq kama helaayaan biyood luumashana daaye

Lulumayntii horre waanu goyn ee rag laasimaye

Waliba soo laayada oo waad laba kaclaysaane

War leecaansigii maanta waa lee'ashadiiniiye

Mase jirin laxaad kiin ah ood nagu lagdayseene

War Xaylaa na loogaye duqii laalufka ahaaye

Lowyaha intuu naga xidhuu ciiddan laayacaye

Loolida markuu naga ridee laydhkii noo damiyey

Dalkanagoo lushaad kiini saa igu lifaaqdaane

Kolse hadday lucuumeen qofkii ma ihi luufluufe

Dibna nooma leeleelin karo baaq labeebuhuye

Soomaalidaa liciinka ah haddan liilin karayaaye

Lambarkiyo sharcigii aadmigay laad la dhacayaane

Xuduudkan ayse liiliijin waa limitka Baarliine

Wixii laydha soo gala xadka ee lugaha soo saara

Waa sidii libaax baadi helay inaan u laynaaye

Af-weynaa na liicshayoo sidii awr na leylyadaye

Isna waw larbaynaa si uu mar u liciifaaye

Labxashiyo walaalnimo dhintiyo laxawsigii beere

Laamadoodin maynee rag waa liifada u saare

Isu lexejecloon maynee waa inaan is laynaaye

Leeb sun ah Soomaaliyaay ragaad luuqa kaga saydhay

Ma ladaan xigaalooyinkood mana lulmoodaane

Casrigii laqmaday baa tolkood liili murugoone

Kugu ligan ladhkii aad badiyo laxawga jiifaaye

Adigana laqdabo waa ka duuf tooda soo laliye

Oo liishaana way kaa badshaan ama lihiin dheere

Kugu ligan ladhkaad soo badiyo laxawga jiifaaye

Rag leegleegsanahayoo maxaa liinbasho ah taagan
-------------------------

23. JILBO RIIQ 1973


Macallinka waxaa laga wariyey in uu yidhi hadal macnihiisu ahaa dhamaan gabayada aan tiriyey, waayaha ina
soo maray iyo wacdaraha haysta dadka af Soomaaliga ku hadla waxaa laga dhex heli karaa gabaygan hoose ee
Jilbo Riiq la baxay. Wixii aad halkan ka weydo, ama ku jira eed fahmi weydana, ka dhex doon Falaadkii
Adduunyada gabayga la baxay ee isna ku daabacan . Wuxuu yidhi:


Riddii dabada laabnayd kuwaa, rimayda moodaaya
Ridinriib sideedaan idhaa, ha u riyaaqaane
Riyada way habaabaan dadkii, run u maleeyaaye
Ruqo dabada laga fuushan yahay, ruuxna kicin waaye
Haddaan ribada kii doonayaa, rixin ka dhowraynin
Raqba wa rageediina sow messhu kuma roona

Waraabaha ku ruugaaya iyo aar, ku raamsanaya
Siday kuugu kala roon yihiin, maad u kala rebtid
Ninkii rodalna miisaama ee, kiila raajiciya
Ee raasamaalkuu helaa rubuc, ka hooseeyo
Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha

Kol haday jilbaha riiqatay oo, rabashku dayn waayey
Runbaa tidhi ragaad baygu go’an, marisna way raagtay
Riyaa booday raacday gashoo, rays u tagi wayday

Raqbaa dooday raasbay cuntoo, beenna way raratay
Rugbaa xiintay roobaa gubtoo, raacataa damisay
Risbaa ciday ramaasbaa hadloo, raydab baa shiriyey

Hudbaa riixan jiicbaa runduda, gumarna wuu ruugay
Rashbaa qaraxday raamaa isku dhacay, ragagax baa yeedhay
Midbaa rimiyey riir bay ahayd, xuudna way ramatay
Jinnaa rudhay balaa raamsatoo, raalibay noqotay

Baddaa ruxantay, daad baa rogmaday, oo rajaa samirtay
Kala roore beel iyo ribbee maa, la kala raysto
Raxan ururtay reerkay liqeen, uga day raandhiiska
Rabbigii adduunyada lahaa, suu rabay noqonee
Qofba wuxuu raaracshaa, lagu risaaqaaye
Hayeeshee il raxankaa samayn, laab riyow timidee
-------------------------
24. JEERAARO 1973


Sannadkii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan gabaygan la baxay Jeeraaro tiriyey. Wuxuu joogay magaalada
Muqdisho. Ma dhanna gabaygu, na soo gaadhsii haddii aad inta maqan hayso. Wuxuu ku billaabay:


Jeeraaro boodayeey wataas marisay jeegaane
Jillabba suu jadeerka u fantay ee jiic isula fuulay
Ee jinaw aroortii macaan looga jaranaayo
Qofkii waayo badan soo jiree dunida soo joogay
Dul iyo hoos markuu jeleecada jaad walba u dhawro
Isba wuu u jeedaa inay jeerba cayn tahaye
Siduu bidiqa waala u jabiyo waa jigloo kale e
Ama waaba jarihii shaxdee nimanku jeexdeene
Maray kaa janjeedho o ocabbaar talo kaa jiifto
Iyo maalin lagu jaajiyo ood dunida jiidhaaba
Jirjirayn adduunkaa yaqaan waaba jaah sida e
Ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo e
Non kastaaba jiilaal ogaa jeenafliyo oone
Ha yeeshee jir weyn baa ka da'ay meel jidhaamo lehe
Ninba jago abaara yuu ka kale jooji leeyahaye
Taasay jidkeediyo arkeen jiir la sii maro e
Markaasay jujuub iyo dhasheen jimo la buurtaaye
Oo waliba la isugu jacburin jaarri iyo xeele
Raggii jilicsanaadaa hadhoow meel xun jamaslayne
Jaaqudhun harraaday wallee abid ku jeelaane
Doqontii jahjahanaysa ee juuqba celin weyday
Jucuurnimada markii lagu bartiyo jaahilnimadeeda
Nacabkeedii juubaha sitee jaaha miranaayey
Oo jimiricaayaa heliyo junni qarsoonayde
Wallee cadwona kii loo jabaa malaha jeefaafe
Jirrida iska eeg dhuuxa way jabaqsanaysaaye
Maskaa jiitama yuu sidii jiis ku caabiyine
War yaan jararta qayrkaa ciyoon kugu jillaabayne
Jingil adiga yey kaa samayn xuurtan jeellaniye
Juxuusaaba yuu kuu imaan saa jinnaa dhalaye
Adoo jaara caana ah dhigtay oo jiija malabaystay
Jilqurkaa h amoogaan yuu jowhar kaa madhine
Intuu bacad kusoo joojo yuu jaanta kaa xadine
Cagtaadoo jilfo leh yaan hadhow jeerin kaa mudine
Jilbis uriyo goodaado yay jeebka kuu galine
Nabi Maxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (scw)
Isagana waxaa lagu jirabay inuu jahaadaaye
Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ku damacdeene
...
------------------------

25. LIKAACO


Likaaco wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan mariyey horraantii 1970aadkii, wuxuuna ku tiriyey Muqdishu. Likaaco waa
gabay aad u murti badan. Wuxuu ku billaabay hordhac gaaban oo sifanaya in dunidu galabba ninley tahay.
Waa dadow badane oo wuxuu leeyahay way is dhex fadhidaa; nin libin la hoyda, mid ciil la luuda, mid libaax ah
iyo laga roone aan inna waxtar lahayn, nooc walba. Isagoo anshaxa iyo asluubta gabayga iyo midka dhaqanka
Soomaaliga ee qofka ku dhaliila inuu is ammaano dhawraya ayuu wuxuu raaciyey inuusan isagu, Cabdullaahi ahaan,
labadaa nin ee dambe midna ahayn – Anna labada cayn kuma jiree laan badhaan ahaye.

Hordhacaa ka dib, wuxuu soo qaatay 12 arimood oo midiba mid lid ku tahay. Nin addimadu foyow yihiin aanse
dhaqaaqi karin, nin garaad iyo dhimir buuxa leh hase yeeshee aan garasho fiicnayn, nimaan gacantiisa iyo afkiisu
kala go’ lahayn haddana aan waxba dib u liqaynin, nin laqanyeysan subag iyo baruur uu cunaynay aanay jirin, nin
lexejeclo iyo daryeel badan haddana loofar is nacay ah iyo ugu dambayntii nin ciddii ay wada hadlaanba ku durduriya
islamarkaana kii ay lagatamaanba intuu qonof dhexaad sudho oo uu la hangooleeyo bogga uu kaga dhaco ayuu isku
sifeeyey. Inkasta oo uu isagu isku halqabsaday, haddana wuxuu hadalku u dhacayaa waa Soomaaliya guud ahaan.
Falsafad iyo sarbeeb gun dheer oo aynaan si fudud u dhuuxi karin ayaa ku duugan meerisyadaa aan sida aan cadliga
ahayn isku dayey inaan faalo uga bixiyo.

Intaa kadib, wuxuu u gudbay gundhacii gabaygiisa isagoo tilmaan ka bixiyey luggooyada joogtada ah iyo khayaanada
qaran ee dawladii Soomaaliya ay kula kacday dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ahaa ee Soomaali Galbeed. Wuxuu ku
gudhiyey inuu, Cabdullaahi Dhoodaan ahaan, ogaa kana digay dibindaabyada ay xukuumadii Jamhuuriyadda Soomaaliya
ku haysay halgankii Soomaali Galbeed. Wuxuu yidhi:

× Aadmiga hawaa lagu larbee, waxa u laacaaya
× Kolba libinta qaar Eebahay, waa u liilgaline
× Qofna lurkiyo ciilkaa bartoo, luun afkaw mariye
× Ragse laqan fariiduu noqdaa, amase waa liide
× Ana labada cayn kuma jiree, laan badhaan ahaye

× Nimaan luggi jabnayn baan ahiyo, xoogga lawyadu e
× Hayeeshee laxaad kuma socdee, laangadhaan ahaye

× Madaxiyo laabtay fayow, oo xiskay ladane
× Waxse kuma lilloobaane, waan garasho liitaaye

× Loog kama qadoo dheefta, ways kaga ladaabtaaye
× Waxaanse luumanayaa majiro, amaan liqaayaaye

× Anoon lag iyo darib quudanayn, subagna leefaynin
× Nin ladaadyo qabataan ahoo, laqanyo haysaaye

× Ma laafaalugdo xoolohoo, waan lexejeclaystaaye
× Anunbaa kuwaygana lunshoo, loofar baan ahaye

× Dadka sidii libaax dhiidhiyaan, wadar u laayaaye
× Hadbase kaanu wada looltanaa, way lagdahayaaye

× Soomaaliyaay liciif baad ka dhigi, laqan ahaantiiye
× Lac midka u yidhaa ceelashee, laaska dhurayaaba
× Ligligiyo wadaamaha kaluu, gadawga laacaaye
× Oo maax lo'yowga u dhurraa, ama laxdiisiiye
× Oo ladaabsi dhaankana xareed, ligica siiyaaye
× Taydana ma liibaanahaa, laayacaa helaye

× Waxba liiga tagay yuu sarmaan, ii ladqabatayne
× Amase yayna lii-liijin say, noo lingaxayeene
× Loolida qarsoon tuug rasaas, nagaga liishaanye
× Waxba liigii tagay yuu sarmaan, noo ladqabatayne
× Likaacadan horteed baan ogaa, leebbabkay mudaye
------------------------------------

26. MARDABAALOW



Maahmaahdu siday tidhi
Malkadiyo kuguma simo
Mantag meel aad dooniye
Muujis iyo maqaarsaar
Maskax noqotay maydhaan
Mihintiyo u mohoshada
Maag iyo ismoodsiis
Murti macanjilaysaa
Isku maranee ma og tahay

Markay jilib cariyo garri
U dambays maxkamad tahay
Maqaawiir ka talisiyo
Xeerbeegti loo madhay
Mudac iyo mudac calayhi
Milladiyo markhaatiga
La miisaamay hadalkaa
Ku cadaysa madal oo
Miidaan ku toosnaa
Waa in lagu maqiiqooy
Kala miirdilaacdee
War xaajadu mug weynaa

Tu lamid ah masaladaa
Masaalkii aan mariyee
Miyirdiinka waayaha
Iyo macangagnimadaa
Muuqataa su’aalahan
Iga soo malmalayee
Weedh lagu margadiyo
Maroor iyo afxuma iyo
Waxaan meesha la ekayn
Maansadaydu ma ahee
Mindi mindi ku taagiyo
Maldahiyo sarbeebiyo
Madhoodhiyo jawaabaha
Muranba howgu talagalin
Ka ilaali murugana

Magowdaye su’aal hoo
Muqdishiyo Hargaysiyo
Magaalooyin ula mid ah
Dadkanagaa kuwada maqan
Imisaa mulkiiliyo
Xamar madax u talisiyo
Mudaniyo wadani ku ah?
Imisaa miskiiniyo
Mucsur iyo ajnabi iyo
Martinimiyo laaji ah?
Masagiyo in shuura ah
Kuwa loo mitamiyee
Qaxooti baan masruufnaa
Mana sheegad lagu daray
Imisaa madluun ahoo
Meehanowda suuqyada
Masawiraa aduunkuna?

Marka ay siddaa tahay
Umaddaa meel kawada timid
Sidee mudane sharafliyo
Martida looga kala dhigay?
Macnihiyo ujeedada
Hoos ma loo miliilicay?

Tan maraye mid kale qabo
Maan gaab wareeriyo
Haddii reer miyiga iyo
Manfac doonka laga tago
Waxaan maansadaydaa
Maqashii is leeyahay
Amaan meeda ku hayaa
Waa mutacaliminta ee
Muxuu labadan magaceen
Layskuba macnayn karin
Makrigiinu ku aqbalay?
Miyaan wali mushkiladaa
Hoosba loo miliilicin?

Meertada lasoco kale
Muda hore dhulkiisii
Muudaha isaga tagay
Ee mushaar xuduud kale
Waligiiba ka miistaa
Muraad kiis ah mooyee
Wadan uu ka maqan yahay
Ma maqoorad cidi odhan?
Maysagaa matali kara?
Miyaan wali mushkiladaa
Hoosba loo miliilicin?

Markuuse taa macaamilay
Wuu mala habaabaye
Sidaa yowgu macallin ah?

Masiibooyinkaa iyo
Mindi raacisnimadaa
Ma moog yahay Maxaa-Wacay?
Ama yaa macaansaday?
Mindhaa meher xadbaa jira
Maansadaydu waa rune

Tan marshaye mid kale hoo
Maamuusta aadmiga
Lagu kala mastuursado
Malafsiga xadgudubkiyo
Mustalaabid ma ogola
Mar hadday siddaa tahay
Dadka magane xeerkii
Kala madhayey dunidaba
Minute minute u jabiyoow
Marsadaad dagaysaan
Mamnuuc ma aha kiinuye
Inaynoo mubaax tahay
Ma og tahay masaladaaa?

Gafka miidhan waligiiba
Midka meherad moodoow
Magligiyo qaloocuba
Hadduu malab idiin yahay
Nooma aha anana milix

Gaf in lagu macaamilo
Sharci idiinku marag fura
Mahaysaan aan maqalnee?
Muluh malah bilaash ahi
Cidna kama maraysee
Haddaad maya jawaabahan
Kala maarmi waydaan
Miyigiyo dadwaynaha
Madaxdiina sarre iyo
Mas’uul baan idiin nahay
Maalkoodi lagu cuno
Kii madaq sanaayoow
Musuqmaasuqnimadaa
Kaa muuqan doontee
Mardabaaloow inaad tahay
Sow markhaati kama tihid
-------------------

27. MAXAA IIGU JIRA? 1968



Gabaygan taariikhdiisa soo raadi. Wuxuu yidhi:


Indhawayd mabaadii kalaan, mihindisaayaaye

Maaweeladii iyo ka tagay, majadii gabaye

Ceel maaxsan baan shubaayaa, maalin iyo leyle

Ii muuqan maayaan waxaad, idinku moodeene

Maadooyinkaan fiiriyaa, waaba meel kale e

Anoo maqan haddii la i arkoo, madaxa laalaadshay

Miisaanadaan beegi iyo, rodoladaan miiso

Markab aan xambaartiyo ka culus, moodhar aan sido e

Mashaariic sidaasaa igu furan, Eebahay magane

Murug iyo wareer baan qabaa, layna moog yahaye

Calool muusanawday dishiye, ima maqalaysaane

Nin marqaan u jeediyo xarrago, hay malaynine e

Maxaa yeelay maamustii way, macangagaayaane

Maar dheeshay waa lagu hubaa, miridh aroortiiye

Mooraal habaas yeeshay baan, maydh is leeyahaye

Militariga Soomaalidow, bal laan ku maaweelsho

Malkada ugu horaysana haddaan, madaxa guubaabsho

Margi balaqa awrkii hoggaan, lagu makaabeeyey

Kan xidhiidhka la isugu maree, daba mushaaxaaya

Tallaabadiyo miidaankuu socdaa, ways matalayaane

Oo geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtay

Miyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar ahe

Maahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheene

Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba

Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey

Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye

Masaladaa halkaasoo kalaan, kaaga maakibiye

Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye

War gaadhigan marsada kii hayee, waday mashiinkiisu

Mitir maylka shaallee hadduu, maanka ka illaawo

Amase uu jidkuu marin lahaa, miino kaga aaso

Mashaqiyo dadkii fuushanaa, mawdba waw halise

Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo

Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo macaamiliyo

Masiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaaye

Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye

Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye

Dadka magaca Soomaaliyee, meel kastaba jooga

Ee ministarada qaar yihiin, madaxda loo sheego

Ee qaar masuulka yihiyo, mudanayaashiina

Ee qaar maxkamadii noqdeen, moodeeyno xukaanta

Ee qaar shaqaalaha markaa, miisa yahay hawsha

Ee qaar iskuulada murtida, looga marinaayo

Ee qaar macallimiin yahee, wax u micnaynaayo

Ee qaar magaalada dagee, qaar miyiga joogo

Ee qaar mushtariga yahee, moodka gadanaayo

Ee qaar musheekhdii yahee, dhigaya Mowliidka

Ee qaar gumaysigu mutee, dhiiga laga miirto

Ee qaar maatada yihiyo, muunadaa dhalatay

Ee qaar mardaadiga xarrago, wada mushaaxaayo

Ee qaar maxaabiista yahay, manida tuugaysa (money)

Makhluuqaa aan soo sheegayee, kala meeqaan liita

Cudur wada maseeyaa jiroo, aan mid uga laabnayne

Maxaa iigu jira weeye oon, maaro loo heline




Tixraaca: Garnaqsi: Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan
-------------------------

28. MUJAAHID



Gabaygan iyo masiibo ayuu abwaanku isku maalin tiriyay, isku ujeedo iyo hadafna
way ahaayeen. Hadaad rabto inaad ogaato ujeedada gabaygan abwaanku u sameeyayna,
waxaad eegtaa hordhaca gabayga masiiba.

1. Intuu horay musheekh naga daldalay ama masuul fiican
2. Ismaqiiqyo jeerkii hadaan dhuunta mudi waynay
3. Kolba intuu muftiga weerariyo macalimiintiiba
4. Oo masaajidkii naga dunshiyo mawlacoo idilba
5. Kolkii mood Afwaynow layidhi waaba mudankeene

6. Midabkiyo codkuu uga egyee ma'aha Soomaali
7. Maqsadkuu ujeeduu matali milayba waa nooce
8. Mana aha mu’minnee gaalka waad isaga malayseene
9. Muslinnimo Habaar-biiray baa muudsadoo cunaye[1]

10. Musaliini baa u sheekh ahaa waana maafiyo e[2]
11. Waa inagu maxaabsaday waase tuug Majuusiya e
12. Mufsid iyo basaas buu ahaa maakhadayn jiraye
13. Kol haduu masiixigii ladilay uba masayraayo
14. Masaafada uu galay muuji caawaba e??
15. Madfac kula tagyaa iyo shacbiga la isku madhiyaabe
16. Inkastoo miyiyo magaalaba badiyay mayd kooda
17. Makhnuudka makhluuq badan kadhigay muu'dal kiristaana
18. Wuxuu saaka marayaa inuu maydho diintaba e
19. Quraan kana hadaynaan mintidin wuu masaxayaaye
20. Mashqac buu hortii nagu dayiyo madaqsi xeelleede
21. Maqadhooyin kuu xidhay siduu noo mashquulinayay
22. Hadba wuxuu miiq nagu hubsado oo mus noo galaba
23. Iyo wuxuu maluugada rogoo xadhig maleegaaba
24. Ayaamahanba waa ka is mutaxay Ina-makaaryoose

25. Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
26. Malmaloogii baa dhalay inay murugto hawshuye
27. Magaceena Soomaaliyeey wuu murdudayaaye
28. Waa inaan u miciinaa wakaa muusanawga ahe
29. War guul ma'mutihii hadaad kala mildhawdaane

30. Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
31. Habaar ba'ayna madaxa ha isqoree malaha meexcaade
32. Wuxuu abidkii noogula maqnaa waa mu'aamarade
33. Sidii muuq wayn lagu lahaa waa midnimadiiye
34. Maqrib iyo mugdiga fiidka iyo muuni subaxeed ba
35. Muriidkoo madiixiyo ladiid mu'adimiintiiye
36. Mu'saliina salaad uma mohdee maarta ka cabsooye
37. Islaamkii mudici waa haduu gaal makaakiyo e
38. Naf aad mahadisaa kuuma hadhin kii Muslin ahowe
39. In mujaahid la isugu baxaa waa inoo madale
40. Mucdigaa Habaar-biiray iyo kii maciisa ahba
41. Hada inaan makalo goyno waa lagama maarmaane
42. Muqdishaba in lagu weeraraa maanta ku haboone
43. Mataa faraha beentuu hadhow macanjilayn doono
44. Maslaxaad markuu sheego ee hadal madhoodheeyo
45. Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore

46. Maraadkiyo mallees kuu watiyo muunyo uu diraba
47. Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore
48. Maareeye buul ah iyo wasiir loo maxlallayaaba
49. Magmagow sayaa iyo shaxaad daba manuus yaaba
50. Kolba qaar masuuliyad aan jirin lagu mashaysiiyay
51. Madiido u samee khaa'in kii macasha dheeraaye
52. Maqlise mayno baan leenihiyo maya sagaal goore

53. Bal aan mihindis kaygii kudayo inaan majiiraaye
54. Muslimkii xaqiiqada ahaa ways makaabsadaye
55. Masa garan Mareexaan wixii mawqif kooda ahe
56. Xog maldahani way soo mudhbixi maragna taariikhe
57. Mooraduugyo Soomaalidii dhiiga laga miirtay
58. Qoladaan mandabo loogu shubbin amaanse loo meerin
59. Iyo madax kuwii looga dhigay lana mihiib siiyay
60. Kolkay miirdilaacaysay waa moogan dabadeede
61. Soomaalidu mulkiga ay lahayd moodka iyo noolba
62. Mabtii iyo dadnimo dayda iyo mooshin dawliyada
63. Mac suruhu waaka lag joojiyee meehanawga ahe
64. Mareexaana waa gooni oo lala masayn waaye
65. Inkastoy u miidhaan misheen xaqii nalaga maydhaamay
66. Kolkay miirdilaacaysay oo moogan dabadeeda
67. Dadkaasay la meeqaan yihiin lagama miidheene
68. Musqaad kale hadii laga heliyo mugucyo dheeraad ah
69. Mareexaanka soomaali waa laga madhaayaaye
70. Lana garay muraadkooda iyo muxurtadoodiiye
71. Muddana waa inaan majiijinoo seef la mariyaaye
72. Markay dani minjaha soo xidhee uu mulindiyaynaayo
73. Ama uu macatabkii gooye ee maandhaw ku cataabo
74. Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore

75. Soomaaliyo Mareexaan kolkii aad isu miisaanto
76. Meelmadhan inay noqonayaan kama murmaysaane
77. Maryihii guduudnaa kuwii madaxa loosaaray
78. Muftiyaashi iidana ladhacay mootehiyo baaska
79. Ee boqol masiixigii u dillaan murugsan doonaaye
80. Mashaqada intaa le'eg haduu falay Mareexaanku
81. Malcuunkii Habaar-biiray bay midigta siiyeene
82. Maroorkiyo xumaatooyinkii uu macaamillayay
83. Dadna waa ka wada maagtay way is kala mukhuurteene
84. Wuxuuse u hormuudaaba waa moolki geerida e
85. Oo ma malakumawd kiini baad malabsanaysaane
86. Mardhaw waxaan filaayaa kuwaa dawlada ismooday
87. Inay magac yadoodii dafiri amay mamnuucaane
88. Amay niman Mareexaan ahaa ay midgaan qirane
89. Maslax iyo mindhaa Xoosh-kibroo laba madqaal sheegtay
90. Kola mudashaday kaa aqbali maanka yay galine
91. Salxaanoo madhmadhayaaban show biri masuugayne
92. Macdallaa maqaawiirta dhaaxa kii masruufsadaye
93. Maraykan iyo Carab kii tagiyo Moosko iyo Jayna (China)
94. Ee qaba mag Soomaaliyeed miinadow dabane
95. Maraydayda qaar waa lakiis maati dooxyadu e
96. Waana mudh iyo deebaaq waxay mala bullaysteene
97. Isxaan in laga aqbalo maanka yay galinnin
98. Ama musaabaxaad laga aqbalo maamku qori waaye
99. Mardabaale waa inuu dhintiyo miila boob yaduye
100. Mitad diidki dheeraad hayaa wow mandadayaaye
101. Idinkiyo manqada kii siraa muufadii xadaye
102. Laadaa danbigu waw manaa maasuqiinta ahe
103. Masiifaha xun waran maylin iyo malag adeegaaba
104. Kursiguu miskaha saari jiray waa la maanacaye
105. Dabadeedna kii miliqsadaa loogu malaqsiine
106. Dadka kale marqaan haw dhashiyo mahadnaq Eebow e

107. Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
108. Hadba waa tilmaan muxubadoon yaraha muusoone
109. Maskax waayo arag baa kolay maaxatoo furrane
110. Magrigiyo xusuustaa qalbigu mawjad soo kicine
111. Soomaaliba masiibada heshee kaga madluun siisay
112. Waxaa ka mid ah maqaarsaaradiyo minister beenaade (wasiir beenaad)
113. Miidaan qarisku waa magac-uyaal kuu magoogani
114. Masawir iyo waa moobayaal ama mayeedhaane
115. Maxbuus taliye lagu sheegayaa wuu ilmiriglayne
116. Haka suggin magdabin uu wanaag soo madaahibo e
117. Manqas buu la daba taagan yahay kii maqooradaye
118. Oo miinshaartii Habaar-biiray bay maylal ka arkeene
119. Ninkuu mudiba suu u lahaa mudaca kaasaa leh
120. Mid waliba inuu madi noqdoo kaligi meeraysto
121. Marxabeeya say ugu noqdaan wuu u maamulaye
122. Ooy maraga beenta u furraan maansolugalayda
123. Maradhaaro kala joojiyoo waa majaloseege
124. Anigoo sheegay inuu moolihii yahay gaal maliyi raaca
125. Alla magane waxay kaa martiyi maansadaan tiriyay
126. Mullaaxada dhankale ha u gadiyin oon mashiiqsado e
127. Uma gar amaanadaa jirtoo waan mudacayaaye??
128. Mucjisada Afwayniyi qabkii haba maquunsheene
129. Musaraardillaac iyo waxaa maanshoreer adag leh
130. Soomaalidu maraan iyo inay noqotay maansuuq e
131. Dhamaan teedna uu mehersadaa reer miskiin ahuye
132. Ma min sheegaba wiil kii dhashaa loo mashxaradaayay
133. Rag mutacalimiin iyo sargaal meeshidood gaba e
134. Askartii madfaca ay daddiyo kaarahiyo miiga
135. Ama kii maraaya badiyo qaybta minawaarka
136. Laga waa sargaal soo mudh iyo maahir geesiya e
137. Mid waliba malkhabadduu xidhoo wayska maarsadaye
138. Mushtarkaan isugu qayshaniyo suuq magaagyada e
139. Dibjirkiyo malaalliinta iyo maxasta ooyeysa
140. Iyo kii mucaaradi jiriyo ururradii meeye?

141. Mareexaanka eeda leh markii aan iska miihaaho
142. Maariin san dhuubanniba waa ruux mataanka ahe
143. Masaartiyo magliga xiirayaa ama mariid dhooban
144. Waa in lagu madkeeyoo dagaal ugu maliiqnaaye
145. Inteenii kaloo mid ah jahaad miigan aan u yaacno
146. Minjoxaabo kii nagula kaca amase miirshowle
147. Umadana muddaahano ku wada ee murkucinaaya
148. Ismul-maalig waa inaan ciyoon ugu marreeyaaye
149. Masuubiyo waxaan kuu hogsaday macadhar Eebahaye
150. Inta mi'ah mid uun laga dhimee magac Illaahay a
151. Toban miim ka kacayoon cuskaday lagugu miineeye
152. Murtidu waa Habaar-biiray iyo kuu miciinsado e
153. Wixii nagu maraardayan hayow madal ku ceebow e
154. Maskaxdiyo mariiqaba adoo madhan lagaa yeelay
155. Adoo moxogga uurtiyo wadnaha malax lagaa yuuqay
156. Minjahaad ku roortiyo adoy midigtu naafowday
157. Maalka iyo moodkaba adoo maalin lagu dhaafshay
158. Adigoo masruufkaad liqdaa dhuunta mariwaayay
159. Dhuunigii kuu macaanaa allow malaxdu kuu dhaanto
160. Afwaynaa maraaqiyo ku guban moobahuu shidaye
161. War ha maqaalufaysteen umaduu kala maqnaan siiyay


Cabdi Xiis ayaa ku deeqay. Aad baad u mahadsan tahay saaxiib.
-------------------------------

29. OGAYSIIS


Gabaygan abwaanku wuxuu tiriyey 1980kii. Sababtiisu waxay ahayd, Raadiyihii Harar ka bixi jiray
ayaa waxaa sanadkaa maamulkii gobolkii Hararghe la odhan jiray oo kan Soomaalidu degto ah lagu
daray qayb cusub oo Af-Soomaali ku baxda. Madaxdii gobolka oo uu horkacayo Bashiir Sheekh Cabdi
ayaa Macallin Dhoodaan ka codsaday inuu gabay ku anqariyo xafladda furitaanka idaacadda. Codsigaa
madaxdii dawladdu usoo jeedisay abwaanku wuu yeelay wuxuuna tiriyey gabaygan Ogeysiis la baxay oo
noqday codkii ugu horreeyey ee laga sii daayo idaacaddaa. Wuxuu yidhi:


Gabayadii horeeteen ebyee lay af garan waayey

Labaan ina yaryar ah kuu akhrini ararahoodiiye

Anoo niman abhinayaan ku idhi edebna siinaayey

Waloow abaahiisii dhintoo gabay agoontoobay

Maahmaah asaliyaa jirtoon ciddi iloowayne

Abwaan hore miduu sheegay baa ina odhanaysa

Ri’ isnuugtay meel uga ekaa nin is amaanaaye

Anoo erayadiisaa runta ah dhinac ka eegaaye

Oo aanan rag oo idil xikmadda ka asaraareynin

Ama aanan aqoon dheeridaa uurka galinaynin

Aalaana maanso aan unkini aamus kaba doortay

Anshigiyo asluubtaydu faan ma ogolaadane

Murtidii idlaatayoo filkay waana ku asiibay

Ee soo abaadiyo ma rabo sheeko oolin ahee

Kollayse irideeday xidheen taan abda la haaye

Dundun iyo aboor buu nin yidhi wayla amakaage

Gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muqdo

Waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abaaraaye

Ayaan kale astaan lehee waxaan arar ku faaleeyay

Ruuxii aftahan loo yaqaan ama abwaan sheegtay

Wax if jirra wax aakharo jirriyo waxaan la eeganba

Waa inuu ogaadaa siddii uur-ku-baalaha ee

Aadmiguna sidduu aawilaa dhaaxba la arkaaye

Amin soo socdaa wuxuu ahaan waan odorosaaye

Odhaahdaa markaan jeediyayeen erayadaa sheegay

Ma inkirin Illaaha I khalqiyo amaradiisiiye

Umuna jeedo wali aadan iyo awliyaan ahaye

Ardaal xun iyo ay garad midduu eeba kaa dhigiba

Adduunkiyo arlada Eebahay uumiyaha jooga

Rag iyo orri heer oday, niniyo ooga ku xiroole

Qof waliba ujeediyo markuu hadal abaaraayo

Caqligiiseey meel uga ekaan odhaahtidiisuyee

Anna abidkay lama aamusayn tii aan aawilaye

Ohobayntii Soomaliya ee nalagu ay gooyey

Ogaadeenya aayaha xuneey kula aroorayso

Argagaxay ayaantaa markaan eegay xaajada ee

Aarkii dabooliyo shacbiga uubatada raacay

Markaan idhi dadkiinaa anbaday uga al-oolayso

Een bari siddaa awaadeed Xamar ka ooyaayey

Nin agjoogay cadow baan ahaa kana irdhaysnaaye

Awal horre ishaariyo sarbeeb urursan mooyaane

Cabsi aadmi hadalkaan in badan u afra duubaayey

Addis Ababa maantaan imide ooda kaga qaaday

Waataan xaqii ugu adimay siddii axkaaneede

Ikhtiyaarkay anigoo hadliyoo aashay soconaaya

Ogaadeenya nimankii af-xidhay waan ka aarsadaye

Aqalkaygii anigoo ku jirra oo Itoobiyana

Eegana idaacada kaleen kaa afurinaayo

Irrideedu waagii horeey inaga owdnaydee

Iyana waa albaab noo furmiyo Adarideeniiye

Eegiyo dabeed inaan iyana ku isticmaalayno

Ooy na anfacaan raadiyaha laba irmaanaatay

Oo kacaan agaasimi yaqaan wada aloosteeda

Dadkanagii la aafayn jiraa loo abaabuliye

Iblayskiyo ibtiladaan u jabin war ay afuufaane

Waxay fadhato eedaaba waa noo udgoon yahaye

Ku abshirada hakana oolin waa naga ogaysiise


Taariikhda gabayga waxaan ka saxay Garnaqsi oo uu Qoray Maxamed C. Gurxan
-------------------------------------


30. QALBI KARBAASH


Xaflad lagu maamuusayey daahfurkii Kulyadda Lafoole, kolkii ay noqotay kulyad madaxbannaan badhtamihii
1970aadkii, oo isla Lafoole lagu qabtay ayuu Dhoodaan gabaygan ka tiriyey. Maxamed Siyaad iyo madaxdii
Kacaanka midi kama maqna, seefta Tawradduna way xiiraysaa. Billowga wuxuu gabayaagu ku halqabsaday nin
wadani ahaa oo la odhan jiray Maxamed Ismaaciil. Ninkaa Soomaalidii Ingiriiska dabadhoonka u ahaydi
waxay ku naanaystay Balaayo-cas, kolkii xornimada la qaatayse waxaa loogu baddalay Barkhad-cas. Isagu
wuxuu nebcaa bisha Febraayo oo wuxuu xusi jiray wakhtiyo badan oo uu gumaysigu Afrika hoojiyey bishan
dhexdeeda. Sanad walba markay Febraayo soo dhawaato ayuu isla kacaa oo uu ku balweeyaa


Bishani waa bishii tolkeen ba’ayey; bishani waa bishii balaayada eey


Dhoodaan isagoo ujeedadiisu tahay in ninkaa taariikhdiisa la muuneeyo ayuu gabayga billowgiisa ku xusay.
Dabeed wuxuu ka hadlay qodobo badan oo uu Kacaanku ku dhawaaqay, hirgalintoodana balanqaaday hase yeeshee
aan waxba ka fulin. “Waa la yidhi ee ma yeeleen ayaa meesha ku jirta. Waa maya.” ayuu Dhoodaan yidhi.
Erayo ammaan u eg asii gabasho ah ayuu ku hormaray. Ninkaad gaadayso ninbaa loogu gabadaa, sidaa darteed
dhufays ayuu qaadanayaa oo inuu isa soo mutuxo dabadeed ay seefta waalidu la tagto, ama uu u ilduufo oo ay
durba fahmaan oo ay yidhaahdaan ninku saw kii saa yiri ma aha ayuu diidan yahay. Wuxuu doonayaa inay
fahmaan mar uu ka tashaday oo uu Jawhar kor u dhaafay.


Intaa ka dib, wuxuu u gudbay hadafkiisii dhabta ahaa oo uu weerar ku qaaday Maxamed Siyaad. Bishimo
gaabnaha iyo burjuwaasiga ciilka qababa waxay ku dhacayaan Ina Siyaad. Dabeed wuxuu u gondodegay xalkii,
waana halkan meesha uu gabaygu afgembiga buuxa noqonayo. Wuxuu ku dirayaa raggii saraakiisha ahaa ee
dhuunta wada casaa oo uu leeyahay ninka dadka iyo dalkaba ka qabta.


Markii uu Harar tagay ee ay gabayadiisii badnaa ka baxeen idaacadihii Addis Ababa iyo Harar ayaa wuxuu
Kacaankii Xamar ka talinayey afarta fool iyo afarta adinba isugu geeyey sidii uu u heli lahaa gabay uu
Dhoodaan ku amaanay Tawradda. Rag badan ayaa la hawlgaliyey oo xataa Jacburkii ayey ka baadheen. Waxay
u daydayayaan oo ay muhiimaddu tahay inay isku garaacaan gabayadiisa ka baxa Harar iyo Addis Ababa iyo
kuwii uu horay uga sii daayey Soomaaliya, sidii ay isu garaaci jireen maansada rag kale oo badan oo uu ka
mid ahaa Cabdi Muxumed Amiin. Cabdi waa kii Xamar kaga heesi jiray: cimrigii jiryow caynaanka hay, hay, hay,
waligaa hay, kolkii uu Itoobiya tagayna waa kii lahaa: cimrigii jabyow caynaanka daa, daa. Laba-aflayntaa
ayey ka faa’iidaysteen oo intay rag aftahamo ahi isu dabamaraan ayey odhan jireen “Cabdi ma hadda oo uu
cadowga u galay ayuu quman yahay mise markii uu sidan halkan ka lahaa ee uu Xamar joogay ayuu qumanaa.”


Daydaygii waxay kusoo heleen Qalbi Karbaash. Aad iyo aad ayey u riyaaqeen oo telefoonkii iyo fariintii
ayaa waashay - isu kaalaya waa kanee. Qalbi Karbaash aad ayaa loo dhagaystay. Wuxuu soo maray Oktoobar
Kacaankii dhashee baylahtiray ciidda, nimankii noo baaqay arintoodu way fiicnayd, nimankii saa yidhi ee
saa yidhi, ee taa yidhi ee taa yidhi oo waxay yidhaahdeen oo miidhan ah. Kolkii uu gaadmadiisii bogtay
ee uu soo gaadhay:



Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey

Eee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye



ayuu dhaylaaskii qaayisay oo dib u gudhay. Afkaa dhagta laysu wada saaray, hooga, adoogaa Alla shid, war
ma gabaygakan baa taageero ah! In gabaygu afgembi buuxa yahay ayaa layska dhaadhiciyey.



Intaa waxaa weheliyey Dhoodaan oo idaacadii Harar gabaygan iyo kuwo kaleba kasoo macnayn jiray isagoo
Maxamed Siyaad ku leh “kuwii ku ag joogay ayaa fahmi waayey ee gabaygu waa afgembi buuxa.” Si kastaba
ha ahaatee, Kacaanku waa uu waayey, hal gabayna Allaha ka dhigee, mid gabayada Dhoodaan ka mid ah oo uu
ciirsado. Qalbi Karbaash wuxuu ahaa:



· Abwaankii buxuur ihi markuu, gabayga baandheeyo

· Bidili[1] weeye bayduu ka tagay, ood bedeletaaye

· Rag horaa bisleeyeye intuu, gun iyo baar sheegay

· Markhaatiga bakhayl yaanan noqon, uga ba’aayaaye



· Barkhad Casba sidduu Feberweri, bacawnimow saaray

· Sannadda isku buuxda intay, kaa dul bilanayso

· Mid bay bilidu kaa foorartaa, oo balaayo ahe

· Midna badhaadhihiyo khayrba, waa lagugu beegaaye

· Bishan ay tilmaameen iyadoon, dhawr kal barakownay

· Mar ay laba tobnaad buuxsantayoo, barina sii dhaaftay[2]

· Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida

· Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay

· Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay

· Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay

· Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay

· Ee baankii noo soo dhacshiyo, waliba batroolka[3]

· Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, aan runta u baydhno

· Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno

· Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye

· Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida

· Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane

· Innaba beero aan yeelanee, badar inoo shiida

· Ee yidhi jahligu waa balee, aan tacliin barano

· Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh



· Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday

· Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye

· Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e



· Haddaan nahay bar iyo hawlwadaag, bacad kasoo guuray

· Amaan nahay walaalihii la baxay, tawrad barakaysan

· Durba si aan baqoolaha filkeen, baac u wada dhaafno

· Waa inaynu boogtoo dhan iyo, bararkii doonaaye

· Dabeedna ay bogsootaa halkii, cudur la buurrayde[4]



· Balan adag sidii loo dhigtayeen, daacad ugu baaqnay

· Ama hawsha laysugu barteen, barantankaw yaacnay[5]

· Bilcan iyo duq booshiyo dhallaan, ama barbaar wiil ah

· Nin beerliyo nin baadiya jiriyo, balad wixii joogay

· Burhaantii Siyaad noo marshiyo, baaqii golaheenna

· Bayaan amarkii way noo fareen, badhaxna ma ahayne

· Laakiin bishimo gaabnihii dib, u biqlaynaayey[6]

· Ee bariba nooca u ekaa, haatan soo badaye



· Burjuwaasigii ciil qabay baa, buul madoow galaye

· Hadba wuxuu mid soo buufiyaa, amuu bilkeydaaba[7]

· Badhar jaad ah madax loo gadoo, biir cabtuu helaye

· Markaasuu barkimadow dhigtoo, been ku duufsadaye

· Basarkaa inay suubiyeen, waxaa buruufkii ah

· Ha bariidsan beecqaali iyo, badaw cabaadkeeda

· Barbar kale markaan fiiriniyo, suu dadku u buuqay

· Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii, baaqiga ahaaye

· Gardarro loo badheedhaa jirtoo, laga baroortaaye



· Shaqaaliyo reer balad qofkii, bayr la galansiiyo

· Madaxduna u baantaa xafiis, wuu ka baygagiye

· Xaq bidhaamay oo jira qofkii, laga bacaad saaro

· Wax baan kuu bannaanayn haddii, lagula soo boodo

· Waa si ay niyada baariga ah, uga baduugaane[8]

· Berri maxaan sameeyaa unbuu, baaqi ku ahaane

· Inkastuu bad qabay ruuxu sow, dan u bukoon maayo[9]

· Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo?



· Boqno-gooye saasaa jiroo meel, u baarqab ahe

· Dhawr[10] badatay iyo reer haddaad, bahal ka oodayso

· Bilcil iyo haddaad geed quwaax, buuran ku adkayso

· Dugaagii baruur cunni jiraa, bawd ka soo dhiciye



· Buntukhaagii fiicnaa adigoo, boodhka ka afuufay

· Bariisada haddaad raadsatiyo, waaga barigiisa

· Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo, buruqdii kuusnaydba

· Buur iyo dhul baadlaba intaad, bixiso raadkiisa

· Barbarkii dabayshiyo urtana, aad isaga buusto

· Isagoo bogga cadaynayoo, geed barqadii jiifa

· Intaad bidix kasoo toogataad, balaq ka siisaaye

· Sidaasaad libaaxii ba’naa, kaga badbaadaaye



· Kuwii baday dadweynaha sidaa, amaan ka booyayno

· Raggiina aan baqayninoow inaad, baafisaa jidahe

· Oonu booca saad ugu dhegtaan, baga nidhaahnaaye

· Haddii kale baq dhay lagu daraybaa, barradii noo yaale

· Buqbuqood hadduu subag burcada, dhali baxnaaneeya




------------------------------------------------------------

[1] Biddili waa wax yar oo dhif ah. Wuu ku xaalufin oo hadalkuu kaa dhammaysan sidaa awgeed ma helaysid
meel aad kasoo gasho oo goldaloolo ah.


[2] Oktoober 21keedii ayuu dhufays ka dhigtay.

[3] Waa markii ay Tawraddu qaramaysay bangiyadii iyo shidaalkii dalka soo geli jiray. Talyaani ayaa
hore u haystay labadaba.

[4] Wuxuu u arkaa in Kacaanku milil korkii dhayayo.

[5] Waa bacaad-celintii iyo wixii faa’iido la’aanta ahaa ee dadka lagu mashquuliyey.

[6] Ma doonayo inuu yidhaahdo laakiin bishimo weynihii oo waa la fahmi haddii uu sidaa yidhaahdo.

[7] Amuu yoolbaadhaba.

[8] Dadkii waxay yidhaahdeen raacay ayey qalbi-karbaashayaan.

[9] Qofkii isagoon Kacaan-diidba u qasdin sow kaa dan u bukooday ma aha.

[10] Dhawr iyo dugaag waa isku mid. Waa so’ ku noosha dawaco u yar tahay libaaxna u weyn yahay.
Oodaay dhawrtiyo dhaxantaba celi ayey reer miyiga xoolaha oodayaa ku heesaan.
--------------------------------

31. QARJAMUUDLE Jawaabtii Cabdi Iidaan


Gabaygan wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii Siddeetamaadkii. Waxaa dhacday in xukuumadii
Siyaad Barre ay u adkaysan wayday gabayadii qirada weynaa ee uu Cabdillaahi Macallin Dhoodaan ka soo
lalinayey laantii Af-Soomaalka ee idaacaddihii Itoobiya. Haddaba Wuxuu taliskii Siyaad isugu yeedhay
wixii abwaano ahaa ee markaa dalka ugu turuqyo weynaa si loogu gabyo, loona joojiyo baddii ka soo
burqanaysan Dhoodaan oo halis galisay xukuumadii kali-talis ahayd.

Wasaaraddii Warfaafinta ayaa waxay abaabushay barnaamijyo suugaaneed lagu dhalleecaynayo
Dhoodaan dadweynahana lagu indha-duubayo. Barnaamijyadaas waxaa ku dheehnaa maansooyin ay tiriyeen
rag door ah oo ka shaqaynayey idaacadihii Muqdishu iyo tii Hargaysa. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cabdi
Iidaan oo uu Dhoodaan gabaygan si gooni ah ugu ridiyo.

Haddaba Dhoodaan isagoo nimankaa u jawaabaya, Cabdi Iidaana tusaalayaal badan siinaya, sidii caadada
u ahaydna qaawinayana ujeedadii iyo siyaasadii iskudirka iyo iska horkeenka ku dhisnayd ee xukuumaddii
Siyaad ayuu mariyey maansadan uu ugu magaca daray Qarjacmuudle. Wuxuu yidhi
:


Qalqaaliyo qandiga faaruqee, Xamar ku qawlaysan
Qaldaankii qabyada soo unkiyo, qaatil socodsiiyey
Siyaasadu qisaas lagu mutiyo, qool markay galiso
Xaqay naga qudh-qudhiyeen baan kaga qufaynaaye

Dhirtase geed quwaaxii qalalan, qodob aboor yeeshay
Qabadiyo Dharkayn qolof ritiyo, Qaranri oodeeda
Qoddax taag yariyo qoofalkiyo, Qocondhiduu dayrtay
Qarjajabo Qudhaanjadu gashiyo, qori jabkuu daadshay
Quwad malaha ay kaga qabtaan, Aar ku qawdhamiye
Miyey qarin qoqobohoodu waa, Qaran gallaydaase
Qaran-qaaro nama joojisee, waa bir qalaxdaase

Qod-qodeeye ka ay qasbina, haw qayilo wiige
Dawac maanso quud kaga rabaa, haw qaloombiyo'e
Dayax shan iyo tobankii qadimay, galin qarsoonaaye
Gudcur Qammah habaynkoo qafillan, qaybta fiidnimada
Iyadoo bil sii quluulatay oo, qiro yar moodaysa
Sida Qarandidii kow dheh tidhi, qammar caways kaahay
Qof la mid ah horaan ugu qadaray, ma aha qaangaadhe

Ballaayada ku qamardaadsatay, moodi qayo roobe
Qasaariyo qabiiliga liqaba, dad u qushuucaaya
Ragga qoodan ee ka u qoslina, ugu qalaalaayo
Doqontaa qufici een aqoon, meeshii lagu qoomay
Ma qanciyo wax kama quustahaa, qaayo kale seegay
Ma qummani qudhayduba haddaan, kaa qallooc bida'e

Qolqolada caytama sidii, qaafadii dumarka
Wax la qaab ah qoonkii shubaa, ima quseeyaane
Af-qadoodi jaariga baraan, weedhuu qaayibine
Ka qab weyni oo lama qastee, waaban quudhsadaye
Isma qabano iimana qalmaan, oo ma qayrsado'e

Kuwase fadhato qawlkaan idhaa, uga qareemaaya
Ee maanta ii qorinhayaa, qaammudkood galaye
War qaash lagu wareemiyo, anoon qalab u sii doonan
Qammaan iyo siday sheegayaan, qodabadii Raage
Markaan qallimadoodii cuskaday, qoomamkaa horana
Qofka cune qadaadkiyo la raba, qowrac luquntiisa
Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne

Qarjac-muudle waysaga qadimay, qiilna waw hadhaye
Ha qaldamin qarqoorkiyo ma baran, gabayga qaydhiine
Eeggana Rag suu noo qashaye, noogu qarafaystay
Si qayaxan qayaamada guracan, maan u kala qeexo

Dad qayuucsanaan jiray waxay, qurubsi luudaanba
Cadho wuxuu qamiiroo wajiga, qiiqu kaga yaalba
Kolluun bay qallibantaa mardabo, ooy qumbucataaye
Soomaaliya dadkay qaxar badayee, qiiro ugu baaqday
Qandhuufooyin xaajadu ka wayn, ay qatalantaaye
Qardoofaha marooray waqood, nagu qorsheeyaane

Badow qarawsan bay nagu qastiyo, waray u qooshaane
Qardajiidh xaqiiqada gafay, qooq kulaa tidhiye
Qab-qab dhaafay waa joogi jiray, tan iyo Qaabiile
Waxaanse Aadmi loo quudhin iyo, waa qamaar taniyu

Qurraacooyinkoodiyo sidaan, uga qammuunyoonay
Qurub-qurub anow kala dhig-dhigi, taa qotada dheere
Qabir galinta qulubaa gadiga, amase qiilqiisha
Qallaciyo Qamaanyada sankiyo, ula qalwayntooda
Quturkiyo rag nala qayr ahoow, qadaf samayntiina
Qoqobkiyo qabiilo u dhiskiyo, qoof u kala geynta
Qofna yuu qof aamininta iyo, kala qandhaysiinta
Qosolkiyo qaraami u tunkiyo, qaylo maqashiinta

Qar-qarsiga dushiyo qaawintiyo, qonof ku taageerka
Qoryo siinta qalalaasihiyo, qalab u soo dhiibka
Waddankii oo ay naga qaadayaan, waan idiin qabanta
Qasabkiyo qadaad riixidiyo, hadal ku qoor goynta
Qumbaan subbagga uga buuxintiyo, kaanagii qubista

Qaloociyo qal-qaalaha xuniyo, yay is qaabilinta
Qardadiyo dhul sii qaydashiyo, qoodh isaga yeelka
Qaxoontigiyo qoys kala rarkiyo, qaxar u soo jiidka
Qalxankiyo qallibitaanka iyo, wax isu qoondayska
Qafal xumo qawaaniin gafkiyo, kor isu qaad-qaadka

Qudro yari is qolofaadhintiyo, qaali baan nahayda
Qoyaaniyo qabbow sheegadkiyo, meel qorraxa jooga
Qarrafiyo qarraamaad dhankiyo, qado ku soo tuugga
Qormayntiyo qolada goosadkiyo, qaydaraan sudhadka
Iyo qaar maqnaa sheeggu waa, qayro kala boobe

Qottonkiyo qummani diide iyo, qiimi sharafeede
Qureec na lagu doontaana way, soo qadhaadhahaye
Qacda joogsan waydiyo qabtiyo, qawdii naga yeedhay
Qambaruursi iyo qoomamiyo, qaandhow baa xiggiye
Qurruskaad cuntiyo baaqii kale, subaxdaan kaa qaadno
Dhaqaalaha raggii nagu qabayoow, sow ku qadi maysid
Dhaqaalaha Raggaa nagu qaboow, sow la qadi mayo!!!


Dhammaad
************************
Allaylehe been lama xardhee wacdaro ayaa ka raacay Cabdi Iidaan iyo raggiisiiba.
---------------------------------------

32. QAYDARAAN SUDHAD


Hoos waxaad ka helaysaa gabaygii qaaliga ahaa ee Cabdullaahi Dhoodaan ee magaciisu ahaa
Qaydaraan- sudhad. Gabaygu wuxuu ka mid yahay kuwo dhawr ahaa oo uu Dhoodaan ugu jawaabay
niman dawladdii Maxamed Siyaad dirtay si ay bulshada u marinhabaabinyaan, Dhoodaana gabayo
wax ka sheeg ah ay ugu diraan. Halabuur badan oo Jamhuuriyadda ku noolaa ayaa xilligan u
dhardhigtay inay codbaahiye (microphone) u noqdaan xukuumaddii Siyaad Barre sandareero ay
ku qabeen hawlwadeenadii Kacaanka awgeed. Ragga noocaa ahaa, kuwa ugu boodhka badnaa
waxaa ka mid ahaa Cabdi Iidaan Faarax.

Sahal waxaad ka dhigataa gadaal wuu ku sababaa ayuu Maxamed Cumar Dage yidhi. Cabdi Iidaan
isagoo ay gabayo ka tageen, aragtidii uu Kacaanka ka qabayna ay is badashay, ayuu mar dambe
niman Isaaq ah oo kale la qayilay. Dhawr marduuf oo Herari ah iyo dhawr dhalo oo biyo kululi
ku jiraan ka dib waa la yar mirqaamay oo la yar walaaqmay. Dabadeed nimankii waxay Cabdi
Iidaan ku yidhaahdeen "waar Cabdow, waar ninkaa waliga ah ee Dhoodaan ee Af-weyne ka hor yimi
maxaad ugu gabayday oo aad afka ula doonatay?" Kalkaasuu ku jawaabay "waar waan sarkhaansanaa
dee" Waxay nimankii ku heshiiyeen in Cabdi Iidaan maxkamad la saaro. Guddibaa loo saaray isla
habeenkiiba. Maxkamad mutakaamil ah ayey habeeyeen. Xaakim ayey nimankii sarkhaansanaa iska
dhex doorteen, dabadeed dacwo ayaa lagu soo oogay Cabdi Iidaan. Dood ka dib, wuxuu xaakimkii
riday xukun ah 'dil iyo in dacaskiisa lala wareego' Way isu qabteen ileen waa niman
maandoorsanee oo ay Cabdi Iidaan qadaadka ka bireeyeen.

Halkaa ayuu ku nafwaayey ninkaasi. Kolkii la ogaaday waxa meesha ka dhacay ayuu maamulkii
degmada Hargaysa qabqabtay raggii guriga fadhiyey ee dulmigaa gaystay iyo haweenaydii guriga
lahaydba. Nimankii midkiiba waxaa lagu xukumay 5 sano oo xadhig ah, ileen ma ayna dhammayn ee,
haweenaydiina labo sano. Waxaa xusid mudan in dadka qaarkii ay tuhmeen in Nabadsugidii Hargaysa
ay dishay Cabdi Iidaan. Laakiin tuhunkaas wax xaqiijiya lama hayo.


Qaydaraan-shudhad wuxuu ahaa sidan:

Walow aan qiyaamihii tusayoon qalin jab gaadhsiiyey

Bal qooraansi waa lagu dayaa toore sii qayane

Baqalla qayl dameeraa dhaliyo geenyo qurux weyne

Qabaal weynse uma buuxinine qow yar waan odhane

Dawac quduf ah iyo dhurwaa qaardanbaha gaaban

Qarridiyo wixii habar dugaag meel qarfale joogay

In kastuu qaloonbiyahayuu aad isugu qaylyo

Qudra ma leh qabkooduna cabbaar hay qurquriyeene

Qabaabaale aar ihi markuu dirir u qaashaysto

Qudhyankiisa feedhaha inuu qoonsaday garane

Qayrabkoodii miidhnaa intaan lagaga qaw siinin

Qandhuufada libaaxiyo intaan qoobku wali gaadhin

Qaxootiga baqaha waa inay qabax ka siiyaane

In kastoon qadhiidhay oon tufayoo gooyey qudhiciiba

Qufiddiyo qabuuraha markuu qodis ka dayn waayo

Qabri dhidar wuxuu ugu tagaa shay qalaadya ahe

Dadkanaga cadaawihii qaldaye qiiqa ugu dhuuntay

Qodobada xornimadoodi bay uga qisoodaan

Qulaanquliyo raacsiinta ay nagu qayaamaysay

Bal maantaan qufaynaa waxay been qobtolayeene

Qaxar lagu halgamay sheegatiyo dhiig lasoo qubaye

Haddii Yurub qadhaadh idin badayo qool wax lagu keenay

Imisay qof Soomaaliyeed qoorta kaga goysay

Qaladkiyo taariikhahanagood qoroto mooyaane

Qalqali tuurkii Xamar baa u weyn qoonsi dirireede

Qalayf kale haddii uu jiriyo qarash la dhiibaayo

Shacbigiinii ugu qowl adkaa ama wax quudhaayey

Markay dawladnimadii quntaye Roma laga qaatay

Xisbigii wax qabanqaabin jiray sow idinkii qadiyey

War qoladaysigii lagama dayn taad qotomiseene

Dharaartii qarbigu guuray bay noqotay qaaraane

Shaqaalihii Fashiitigu qortaye soo qaribay Leego

Qarqarada waxay igu toleen yaa iskaba qaaday

Qoomkii la laayey eed haddaba ubaxyada u qaado

Nimankii qudhooda jaray baa qaadigiina ahe

Qandhuufana ma gaadhine hadday qooq la doob-dhabiye

War maa loo qabsado dhiigii way qiran lahaayeene

Iyagiyo saldanaday qudhqudhin kii la qayr ihiba

SYL ba nimankii qaribay yaa qadhaabsada e

Qabiilnimada soow iyaga hunbaday ee qunbaha jiitay

Raggii qurub kasoo riday wakaa qoodan suuqyada e

Qisaastiyo maxay uga badeen qoomamiyo ciilka

SNL qorshihii dawladnimo qurub ka waayeene

Kolkii madaxdii jeel lagu qabiray quuste dabadeede

Nimankaa qureesh iyo xor iyo qaali baan nahay leh

Qaranimo ku faan uma ekee waa qalfoof madhane

Wixii la isla qolofaadhiyaba waan qarxinayaaye

Tiina kalee qabowgiyo ku timid qayladiyo buuqa

Waqooyiba qaneecaadsan waa qaydkii uu helaye

Lix qaboono calankuu sudhaye qoor-tolka u doontay

Hadduu luqunta qoob kaga hayaa kii qaraabsadaye

Qamuunyaa Hargaysaba dishayoo qawlalkaa xidhane

Qadoodiga markii lagu dirqiyey qiil u bixi waaye

Qaahira u daaduume iyo qoolasha Carbeede

War goortay ku qamardaadsatay Qadar u yaaceene

Qardoofahay Waqooyiga baday yaan qodob yar kaa siine

Nugaalba qiimaheediyo Taleex waa la quudhsadaye

Qorshe gobol hadduu jiro xaqu taa ma qadiyeene

Garbahaarrey waa loo qasbee qeybta ma lahayne

Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa aragtay

Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye

Labada is qalatee is qadin kii qareensadana

Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye

Raggaa qalaanqal doogeeda iyo qadow kusoo guur leh

Kuwuu qamaaminaayaba intuu qaawiyuu furane

Waxay fadhato qaaqda u hayaan soo qayiran ma aha

...

----------------------------

33. QODOB


Hoos waxaad ka helaysaa gabay ka mid ah gabayada Cabdullaahi Dhoodaan oo magaciisa la yidhaahdo Qodob.
Gabaygu wuxuu la mid yahay labada kale ee iyaguna qaaflayda ah, waa Qaydaraan-sudhad iyo Qarjacmuudle.
Taariikhda gabaygan saad u fahamto akhri hordhaca aan u samaynay Qaydaraan-sudhad.


Qodob wuxuu ahaa sidan:


Qarnigaa badalay maansadii qaliga ahayde

Qaaraamiga iyo heesay wakhtiga uga qushuucaane

Ka qulquliya geeraarka aad looma qaayibo e

Inta gabay qofkii marin lahaa qiimo jabinaayo

Quful inaan ku gooyaaba roon qoomamuu taraye

Inkastoon sidaa uga qashdhacay oo qalbigu diiday

Oo gabay qallayf saa u yahay amuu qadhaadhaaday

Aan iskaga qutubo haatan way igu qodeeyeene

Dhawr qodon anoon kaa qarin kuuna wada qeexin

Qurqurkaa duleed xubin intaan sidii quraar faago

Middeedii aan qaataba haddaan laba usii qaybsho

Qabya-tiridda faaladu siddeed way u qalantaaye

Qudduuc fiina guuguulihiyo qodoto dhawdhawley

Qudha fuusha guumaysta iyo qaar kaloo jiraba

Shinbiraha badh qoodaar leh baan qumay ku sheegnaaye

Waxay qaalibkooduna ciyaan goor qaboono ahe

Baalaleey codkeed qalisay baad qoof ka dhigataane

Qarfa-duusha yeedhaba sidaa loo qaddarinaayo

Waa quduro inaan loo quweyn qawlka aadmiga e

Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaase

Dadkanaga markii ay qashaye qaarba dhan u goysay

Kuwanaga qaldamay baan ku idhi qodob intaan sheegay

Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho

Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo

Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho

War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo

Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo

Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto

Qudhaadu kolkii ay soo hadhoo madiyoo qaawan

Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro e

Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas

Qorrofyada markii lagu jiriyo qarandi buulkeeda

Qunbe subag ah waan heli karriyo qaab dhite ahaaye

Qabaal xuukiyaan buuxsannoo taa qarka u yaale

Qalwaan ramadkana u seexiniyo qaadhkii naylaha e

Qadhoon baan dudada tiirsaniyo geed quwaax adage

Qansax lama mar ahaan degniyo hawd qar oodan ahe

War qooq iyo hurdada dheer intaan qaalmo rogonaynay

Gaajadii qunkeed xoogsatay ee qirada weynaatay

Dhulkeenii qoslaayey liqdiyo quruxda waagaase

Qanjidh iyo qanjaafuro liqdiyo seed qawaawir ahe

Badhkeen qanac hayeeshee dadaan quusan baa jira e

War quruxdeena kii daydayuu qaxar ka haystaaye

Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas

Soomaaliya iyaba waa u qaraac qoloba teediiye

Dad ma quusato ah baa yidhaa quud ka daydaya e

Ragse hadduu qulqulad kaa badshoo quudhsi kugu raago

Qardabiyo xumaatiyo haddii qadaf laguu gaysto

Qandhuufada yaryari boogahay qolofta kuu yeeshay

Kuma wada qalaadeen haddaad mar is qaniintaane

Qiyaastaa anoo kuu maray oo qodobna kuu sheegay

Qofkii raba wanaagoow waxaad qabato aan dhawro
----------------------------

34. SALEELLO 1974


Gabaygan Salleelo wuxuu abwaanku tiriyey 1974kii, wuxuuna joogay xilliga uu tiryey Hargaysa.
Kolkii uu Xamar dawladdii ka talinaysay ka quustay waa kii Cabdullaahi kasoo jeedsaday Diridhaba
iyo Herar, xukuumaddii Maxamed Siyaadna mucaaradka culus ku noqday. Wuxuu gabaygani ka mid yahay
gabayada uu xilligaa dambe wax ka badalay isaga oo meelaha qaarkood si toos ah dawladii kacaanka
ahayd ugu weeraray. Gabayga nuqulkiisii hore iyo kan dambeba waxaad ka helaysaa bogga maqalka
ee rugtan. Wuxuu yidhi:


Anoo suursanaayoo waxbadan, saami heli waayey

Oo surinka maanso u haboon, la iga saynsaabay

Markaan eego saaciyo xilligga, sawdka dhalan doona

Sinta maalintuu soo dhigtee, sararta ii dhiibto

Surmaseegto wow diidi jiray, inuu sinbiidhaaye

Caawana bal aan meel ka saro, taan sidayn jiraye

Hadal sugan Illaahay samee, waana suu yidhiye

Salaamadii runtuu ina tusiyo, lama saluugaane

Suuradaha Qur’aankiyo markaan, sadaradii eegno

Qof waliba intuu socon intuu soor, anfacan doono

Intuu sabi cayaal dhali intuu sano, ee joogaayo

Iyo saacaduu dhiman hayiyo, sababta mowdkiisa

Rabbi hayna seejee in ay naari, soli doonto

Iyo in janadii suubanayd, la iska siinaayo

Illaahii samaystaa yaqaan, suu u galayaaye

Saamatadana kii raadiyee, sabana gaajooda

Safrad iyo baqoolo iyo lug iyo, suudi iyo guure

Sadaadiyo kulayliyo wuxuu, silic ku doonaaba

Hadba libintuu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba

Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba

Ama ay salaadida martoo, samada aadaaba

Saldhadaa waxay kaga jirtiyo, surin cidhiidhyoonba

Wakhtigii la seejiyo cadkii, laga sagsaagaayey

Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye

Saamaatadana kii raadiyaa, bari hadday seegto

Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye

Hayeeshee sansaan bay rabtaa saa markay tahaye

Wax waliba saraaday wataan, lagu sifeeyaaye

Kolkii sabada ceelka aan dagnoo, siigo iyo boodhle

Ooy subaxdu jiilaal tahay oo, sagal inoo muuqdo

Tuska suudigiisu uu bataye, milicda soo saaray

Daruur saalimaysana hadduu, dhinac ku saynsaabo

Sadbaa laga inshaartaa kaliil, saymo iyo roobee

Haddii kale cirkoo seeman iyo, samada oo qaawan

Inuu sahal dharaartaa ku da’o oo, biyaha saydho

Haba sugina saaxiibayaal, waa si aan jirinee

Haddaan gabayga saab ugu dhexrido, saafan mahayaane

Sheekadu salool ha u dhacdee waxaa salkeedii ah

Soomalida Galbeedeey ogoow, waad siloon tahay ee

Saantiinii oo muuqataad, sogordohaysaane

Sharaftiinii baad suuliseen, oo siyaada ahe

Bal maahmaahna waan kuu sawiri, saad ku garataane

Idahaba saleeligu intuu, saaran kari waayo

Sumalkii riyana seegay baad, saaka noqoteene!

Tu labaadna aan kuu sawiro, saad ku garataane

Sarsarka iyo hashii labada geel, soof kuwada raacday

Ee bahalku seeraha ku dilay, kama sokaysaane!

Bal tu kalana aan kuu sawiro, saad ku garataane

Saalada intay labada wiil xerro, ku saameeshay

Soo gurro markuu taada yidhi, sabigii dheelaayey

Saami weyn yarkii diiday iyo, sacabkii oo buuxa

Ee siddoo aan ku raaco yidhi yaa, sidiina ahee!

Mid afraadna aan ku sawiro, saad ku garataane

Saddexdii la yidhi Eebaheey, suuro galin maayo

Sancadiina saawayn kartaa, laga saliilyoone!

Duul yahoow wax baa idiin sanqadhay, sararo waawaynee

Malaha daalin baa indin sixrayoo, waabad salasheene

Nin waliba intuu suudh xidhiyo, shaadhadh wada suuf ah

Oo kabo sagaashana gatiyo, saacadii gacanta

Sargaalayntu waa idiin bilaash, ama santaagaase

Sarifdoon idiin maba ekiyo, gabadh salaaxoode

Waaba ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree

Waa ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree

Dhulkiinaa sanaadigu furtay ee, lagu safaadaayo

Dadkaa sir iyo caad xoolihii, laga sabooleeyay

Ee siliga lugu meerin ee, cadowgu seeteeyay

Ee soor macaan laga dhigtay ee, aad u saxariiray

Ee kii siqsiqa maalinkaa, hoosta laga siibay

Ee sogob baruur baan rabaa, ama sicii naaxay

Iyo subagga ii keen intaa, loo silsiladeeyo

Saldaniyo haddii aad rabtaan, saajacnimo buuxda

Suud iyo ha meeraysanina, Soolashii Bariye

Socdaalkii Hargaysiyo Burcana, how sawaalina ee

Haka suginna qayrkaa inuu, kuu sasabi gaal ee

Ergo kuguma saacido ileen, wiil ku saanyadayee

Shardoo nacabka Say-dheere iyo, saanad lala doonto

Seef iyo bilaawiyo shardoo, salabka loo qaato

Suryaduu maraayaba shardood, soodhle kaga shiishto

Sanbabada shardood kala heshoo, sarartu dhiigowdo

Adigana surkuu lugu jariyo, sabaro naafooba

Iyo suxuladaadoo jabiyo, seed ku kala booda

Shardii ood naftoo sirinsirqa ah, toban sagaalayso

Soomalidda Galbeedeey filkiin, lama sin maysaane

Isticmaar sutidoo loo qabtiyo, siin aad kaga keento

Sanahaabadaasuu ku dayn guushuu kaa sidda ee

Adigana suncadii kaa luntay baa, sacadaa iman ee

Markaasay siqiirkaad dhashay iyo, sabigu noolaan ee

Sidaan idhi haddaydaan wax badan, saahid ku ahaanin

Xornima aad saleela u heshaan, idinka oo seexday

Waa tii saancad laga qaado oo, lugu sumoobaaye
---------------------

35. SHAAMAREER


Cabdullaahi Dhoodaan wuxuu gabaygan tiriyey 1977kii , isagoo jooga magaalada Dhagaxbuur. Waxaa
la wariyey in ka dib markii jabhadihii xornimo u dirirka ahaa ee Soomaali Galbeed iyo ciidamadii
qalabka siday ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen badanka gobolkaa, meelo badan
oo dhulkii la qabtay ka mid ah in bililiqaysi xumi ka dhacay. Dhagaxbuur oo dhulkii gacanta
Soomaalida soo galay ka mid ahaa ayuu Macallinku isla maalmihii la qabtayba yimid. Makhaayad
caan ahayd ayuu qaxwe u doontay. Makhaayadii markii uu galay ayuu waayey meel uu salka dhigo.
Minqaxwihii ayuu waydiiyey "war wax lagu fadhiisto meeshu miyaanay lahayn?" Isaga oo aan garanin
ninka su'aasha weydiiyey inuu Cabdullaahi Dhoodaan yahay ayuu wuxuu ugu jawaabay "lahayd ee,
ciidamadii dhulka soo galay ayaa na boobay oo bililiqaysi ba'an noo gaystay ee meelahaa iska
saldhayso, ama istaagaba ku fiiqso koobka shaaha ah." Macallinka oo ogaa falaadxumada dhulka
ka socota ayaa meel iska kadaloobsaday.


Isla kolkii uu fadhiistayba, waxay indhihiisu qabteen dhallinyaro door ah oo daasado shaah
ku cabbaya. Waa daasadihii ciidamadii Itoobiya ay ka goosteen jiscinkii hilibka iyo nafaqada kaleba
lahaa ee ay intifaacan jjireen. Haddaba, dhalintii meesha ku shaahaysay mid ka mid ah ayaa Dhoodaan
gartay oo intuu u yimid ku yidhi "Macallin, xornimada maad maanta ka gabaydid?" Wuu yara muusooday,
Macallinku. Bililiqaysiga, dadka la marin habaabiyey, danaysiga gaarka ah, qado kusoo tuugga, iyo
khayaanada qaran ee lagu hayo shacabka ayuu dhooroofay kolkaa ayuu Shaamareer tiriyey. Isaga oo
meelo badan wax ka tusaya shacabka Soomaali Galbeed ayuu wuxuu yidhi:





· Shilka dhacay shaqaaqada dhulkiyo, shaarubkiyo boobka

· Waabeeyo shiilka u bartiyo, shuushka hadhi waayey

· Ragbaa shaash libaax leh iska dhiga, waana shurunshuure

· Shaxshaxdu waa bilaash iyo, tab uu shariirsado e

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye



· Shooba shoobadii Xamar kolkay, shaandho nagu miirtay

· Hargaysaba shux way naga heshiyo, shuuqsi maalka ahe

· Ogaadeenya waxa shiiqiyaa, waa shirkadahaase

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye



· Gabayadaan shareeraayey ee, waayo badan sheegay

· Cidna haatan kama sheelayee, waw sharaxayaaye

· War sheelsheelin mooyee hortii, maba shihiidayne

· Saakaan dagaal iyo shirabi, weerar shaaximane

· Shaqalkiyo rag waa inaan shibane, kula shabaaxaaye

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tumiye



· Shafeecadii ka qade Xaylihii, sheemay nolosheena

· Shar Soomaalibaa noo badalay, oo shaxeex kulule

· Shaamareer ma haysteen, hadduuu shiri Ogaadeene



· Shucuurta aan xaqiiqada ogayn, lalase shoocaayey

· Shinbir weeye taa malabadaa, sheedda ka eryoone

· Ragga shilinka Soomaaliyiyo, shuumidda u jeeda

· Ee shuuriyee alloomee dhulkee, sharac Allee diida

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye



· Shariif iyo Absamaha kaliyo, nimanka Sheekhaash leh

· Shufti waalan mooyee waxaa, shaac bax uga dhaartay

· Xeebtiyo Shalaanbood waxaa, shuuro kaga beertay

· Waxa ii shaqee yidhi intuu, shilimo qaar siiyey

· Sharcaa loo sinaan waxaa yidhoo, hoosta naga shiiday

· Waxaa sheedda maad naga tusoo, laabta naga shiishay

· Shansho iyo tagoog waxaa jabshoo, shirixsi noo laayey

· Runta keenii sheegana waxaa, Shabaqle fiid saaray

· Shib ahow waxaa yidhi anaa, kuu shaxaad tegiye

· Oo shuruflihiisiine yidhi, shawshab taladooda

· Soomaalidaa ladaba shaanbin, ee cuni shabaabkiiye

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye



· Shunbul raacii Soomaaliyee, dhaax na shabakeeyey

· Shawahaadii bay nagu rogtiyo, been la shaadibo e

· Sholdho’aysan maysaan ra’yiga, galay shafkiiniiye

· Shanqadh inagu duullaan ah, baad sharaf u yeesheene

· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene



· Kolba shaadhkii Xamar wiil sitaa, shuush nasoo galine

· Rag dadkayga shaanshaan xilliyo, shalaw ka tuuraaya

· Shaahay isiiyaanba waa, inaan sharaystaaye

· Badowgaan shakiyin ee sadkaa, shaarubta u feedha

· Markuu ceeb shin dhalada u taguu, dib u shalaytoone

· Oo waa shamac nin qooshtiyo, anfaco lama shifaystaane



· Shalaqooti bay nagu ridi iyo, shawli gudihiise

· Dushay naga shammiitayn si ay, nagu shifaystaane

· Anna siday tolkay ugu shacturi, shuufay cadawgaase

· Shuraakaa makrigii boobtayoo, shaki lagu soohye

· Shar-ka-cawdu jaan baa watiyo, magacii shaydaane

· Shiiniyo waxaa lagu baryaa, shaababka Carbeede

· Rag baa kaga shukaansada Qarbiga, shaati iyo soore

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene



· War aayaha shukada loo gashayee, sha’nigu muujay

· Shiqinnimiyo tuugadu ma galin, shalayto Soomaale

· Dharaartay xornimo shaawirtay, xeel shintiriyeene

· Oo shinniyayntii buu la askunnaa, weerarkii shalaye



· Shacbigay dhaceen iyo dadkay, naga shidhaysteenba

· Shuqul xumaddii hoosaa ka daran, sheexi mahayaane

· Xataa shibilkaaba noo dawladayn, ama shifeerkoode

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye

· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene



· Inay shabakad dheer daadsatayoo, nala shirqoolaayey

· Calanka ay shan Soomaaliyeed, noogu shaabahato

· Shabeelada maxaa laba ka dhigay, sheedda kala haysta?



· Summadda xaashiyaha lagu shaqliyo, shiidka dawligaba

· Shantay calanka siiyaan, maxay shaabbadu u wayday?



· Markay shukaanta laba yeelatiyo, shaal xorriyadeedeka

· Saddex baa shixnado loo qasdiyo, shaagga boodhka lehe

· Sirtaa shayba caynka u rogtay, shaahido arkeene

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye

· Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene



· War shiidaadintaa boobka ay, nagu shifaysteene

· Shillal bay na saartayoo caqligay, noo badali shaybe

· Shirix iyo Soomaalaa boqnaha, shaaldo nagu goyne

· Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye



· Shaadali sidii oo kalay, nagu sharaabeene

· Shashafada sideediyo baruur, noo shariirsada e

· Aroorkaan Shilaabo u wadnay, Shilindi geeyeene

· Soomaaliyaa shidaadine la eed, shubidda geeliiye

· Kol hadday shidaaradi gashana, damacii shaashoowye

· Tooda nimaan shishlaynoo dagaal, kugu shuqaynaaya

· Shakaalkaa inaan ugu jirraa, waw shirbiyo guule



· Shardi weeye xaajada inaan, di b uga shawraaye

· Shamsada Bari Shaxdiyo Ayshaciyo, sheedda Harar oo dhan

· Shakooraha Sidaamiyo Hawaas, Shaakis iyo Baali

· Durur shalaxle webi shawle iyo, togaan sharuur beelin

· Wax ku shaakhsanaa iyo haddii, loo shalwado Koonfur

· Dhulkaasaa shubbaantii lahayd, shawshabtaa Xamare

· Shucuubtaay ka fiirsoo haddii, layska shabin waayo

· Shuli-haaluf beeshoo ah iyo, waa shuf taladiine

· Annigana shakhsiga ii dudoow, maad shudada dhawrtid



Si aan taariikhda gabayga u saxo waxaan eegay buugga Garnaqsi ee uu qoray Maxamed C. Gurxan
------------------------------------

36. TAKARTII MAROODIGA




Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone

Maskax tacajibkeedii batayoo tamani ooyeysa

Oo cadha la tiicdaaba waa taydan oo kale

Tafantoof dadkeenuba siddii loo tafaafulayee

Tahantooge oo waa tabtay ii tawaliyeene

Ragbay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane

Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa

Siddii tiixa roobka ah waxay iiga tibiq laysay

Owr taabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyey

Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiiga tey kalehee

Jirri inay taftaaftaan arkaa dhiiga tayga ahee

Tafta dhuuga miirtiyo huryada garabka tuutaysay

Wali dhabarkii kuma teedsanee shaarubteey timidee

Afka muu u kala taakiyoo timir sideed ruugo

Labadaba, aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene

Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene

Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa

Balaayadan I taabo leh miyaan toosin kari waayey

Taariikhda Nuur Jiir siddii looga soo tabiyey

Mar uu taakhirkaaygaa galay buu ciil tawaawacayee

Tanaa taxadka uga sii dhow oo tahan ka sii dheere

Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego

Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh

Tanfaraaraq mooyee hadday dhimato towfiiqdu

Tashi qeyro waydaa ileen taaba galin mayso

Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya

Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero

Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin u jeeda

Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo

Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu

Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo

Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato

Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso

Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu

Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho

Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin

Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego

Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey

Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin

Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin

Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo

War maansadu tastuur bay heshayee kuma taraarsiine

Waxaan toobiyeyniyo halkay gacan toglaynayso

Tuduc gabay ah uma taawiloon ama tix geeraare

Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabisee

Kana looma tixin saad hortii igu taqiineene

Tirtirsana tawaan uma hayee waan tartaarsiyeye ee

Siday haatan iga taagan tahay waa tol la’ayeeye

Oo takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahay

Anna tiriyey maansee kuwaan ugu tayaagooday

Agoow tuubadii lagu jaqiyo talaxtagii moogee

Tatab iyo laxaadoow hadaad ii tukubi wayday

Taageeradadaan Allow tiigsan waligeyee

Taladay Arbaca toomantayoo taar Allaan diranee

Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay

Tugtug rooni ma ahee Allow noogu tali guusha
----------------------

37. TOOSOO KACAAY 1962


Tartiib laguma karo duul hadduu tiif u yuurure e
...
Tusbax baa la qaataa haddaad toobad keen tahaye
Tiixaba waxaa lagu sugaa roobka tooxda lehe
Tooruhu wuxuu kugu ridaa tubaha waaweyne
Way taajiraayaan dadkii tacab badnaadaaye
Talaabada yar baa lagu bartaa tawda boodada e
War toosoo kacaay Xabashi waa lagatamaynaaye

Talo san iyo beel ayatiin loo jitaabinayo
Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinka toosoone
Qofba waa in lagu toosiyaa takhasuskiisiiye
Ku qabiil tikhraar ugu jiraan lagu tanaadayne
Tafwareemadkii iyo kufsigu ina tahluukeeye

Tartan madaxnimaan eednay iyo maamul tuugo ahe
Khasaaruuna tiinbaday raggii taakulee yidhiye
Kolkaasaan tacliintiyo cilmiga lagu tanaadayne
Tu kaleeto oon uga tagaan idin tusaayaaye
Tiilaal habad ah waa taan noqdoo la iska tuugsado e
War tood laga samriyo haatanaan toojo soo bixiye

Isla taasintiina wada oo hoos u tamashleeya
Kolba teembo joogsada haddana taako socodsiiya
Si’aad taashka Xayle u ridaan ugu tartiibeeya
Tabca sudha tumaatina la dhaca oo tafaha xayta
Oo Xabashi baa ina toshee tuulimada siiba
Oo toosoo kacaay nolosha waa lagu tanaadaaye

Su’aal meel idiin taagan baa tan ahe
Jawaabteedi oo togan haddaad garato soo tuura
Turqin iyo nin taxaliishi iyo boogo lala taaho
Tawi iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiiftiifo
Wax tirtir iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye
Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye
Sidee loo tadaawali karaa tows cagliga haysta?

Kuguma aanan tiiqtiiqsan oo waaban kuu turaye
Meeshay ku toosnayd macnaha ugu tantoomeeya
Haddii kale waan kala tagnaye aniga hay tooyan
…………..
Gabaygani aad ayuu u dheeraa xilligii uu soo baxayna siddii Daadkii Xaabaale ayuu mar qudha ugu faafay
dhamaan dhulalka ay Soomaalidu degto. Bal soo dayday oo haddii aad hesho isagoo dhan fadlan noo soo gudbi.
---------------------------

38. TUSAALE


Tusaale wuxuu abwaanku tiriyey Jannaayo 1970kii, Muqdisho. Gabaygan dhexdiisa wuxuu Macallin Dhoodaan
ku muujinayaa afshaxannimadiisa xagga gabayga, dhaqanka, afka, fanka iyo suugaanta guud ahaanba. Wuxuu
xidhiidhiyey maahmaaho Soomaali ah oo badan oo uu kasoo saaray gabay qafilan. Marka laga tago dhawr
kale oo uu Dhoodaan tiriyey oo kan u yara eg, gabayga Soomaaliyeed wali kuma arag gabay noocan ah maxaa
yeelay aad ayey u adag tahay in kuwa noocan ah abwaanku tiriyo.

Waxyaalaha gabayga lagu qiimeeyo waxaa ugu horreeya xikmadda ma guurtada ah ee uu gabaygu reebo dadkuna
soo qaato markii ay u baahdaan inay qodob hadalkooda ka mid ah xoojiyaan. Aftahanku wuxuu qodobka doodiisa
ku badhigantaalaa maahmaah munaasab ah, sheeko xikmad ah ama meeris ama labo gabay ah. Aad ayey Soomaalidu
u qadarisaa haddii uu gabayaagu maahmaahdii, xikmadii iyo gabaygii isku dhafo oo uu ka dhigo meeris gabay
oo uu qofku isticmaali karo si uu hadalkiisa u xoojiyo, u qanciyo dadka dhagaysanaya uguna muuqdo qof waxa
uu ka hadlayo aqoon dheeri ah oo dhaqanka ku aroorta u leh.

Haddii aan rabo inaan saaxiibkay si habsan u khilaafo anigoo tusaya inaan kala aragti duwannahay, arinta
markaa laga hadlayana aanaan si u wada arag, waxaan odhan karaa 'saaxiib Weerarow arintaa waan kaa diiday.'
Haddiise aan rabo inaan doodayda quweeyo oo aan qanciyo dhagaystaha waxaan soo qaadan karaa meeris gabaygan
ku jira oo waxaan odhan karaa "Cabdullaahi Dhoodaan ayaa horay u yidhi 'nin wixii la toosani mid unbuu, tuur
la leeyahay' e aragtidaa Weerarow waynu ku kala duwannahay"

Haddii doodu aniga iyo Weerar naga kululaato oo aan doormoodo inaan saaxiibkay ku tilmaamo inuu yahay nin
madax adag waxaan odhan karaa "Weerarow waad kani adag tahay ama macangag baa tahay." Haddiise aan rabo
odhaahdaa inaan qurxiyo nin dhaqan aqoon ahna aan u muuqdo waxaan odhan karaa "Cabdullaahi Dhoodaan ayaa
horay u yidhi 'dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso, saddexdaa middaad ula tagtaa waa isugu
taage.' sidaa awgeed Weerarow qodobadii doodayda waxba Alle kama aabaynin oo ma aadan qaadanin"

Sow ma aragtid farqiga u dhexeeya labada nooc? Waxaan aad u jeclaadaa gabayada noocan ah markii aan arko
wax macno darro ah oo maalmahan dambe batay oo dadka qaarkii waa gabay ku leeyihiin, asii cantarabaqash
uun ah.

Waxba yaanan hadal ku daalin ee adiguba Tusaalihii Cabdullaahi Dhoodaan aad u dhuux. Wuxuu yidhi:


Inaan tiriyo geeraar markay toogo ii qabato
War taariikhahaan fiiriyaa saacadday tahaye
Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso
Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye
Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye
Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco
Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro
Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno
Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto
Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso
Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto
Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba
Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine
War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne
Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye
Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin
Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo
Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey
Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye
Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso
Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage
Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye
Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone
Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye
Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye
Ka tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e
Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin
Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine
Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay
Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey
Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane
Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye
I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya
Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay
Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene
In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay
Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye
Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso
Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine
Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye
Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay
Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo
War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye
Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e
Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane
Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene
Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda
Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee
-----------------------------

39. UGUMA MAADEYN



Markay macanjileeys yeelatay, marin haboowdaaye
Markii mudanayaal iyo marwaba, taa la maqashiiyo
Soo maca dadaalkii markaa, looma mucurtoonin

Dagaal lays maqiiqiyo colaad, maato doox noqotay
Mir cawaysin mootaha digliyo, miino qarax weynta
Mindiyo magliga laysku dilo, ama magaageeda
Wax la midoo ka meecaano culus, maanso dirireede

Manfac kuma leh midho loo badshiyo, kays marjinayaaye
Anigoo malkadii kaa tusayoon, gabayga miisaamin
Hadal lagu mashquulaba anoon, idinku miidhaynin
Menad dufa tuduc ahna waan, soo magaa’imayee
Maawelo kii sugahayoow, waa masalo dheere
Ummad lagama meehaahi karo, kii madcuulna ahe
Murtadkiyo ma kafaaruhu way, wada dhexmaaxaane
Malaanmali af-miinshaar ahaa, idin muqlaysiine
Managaduhu waa muush ciidda, mirishdhabaayaaye

Xornimana wax kala muuno roon, inaad macsuuntaaye
Naftii-hure mintidyaan arkiyo, xuud mushkiladayne
Maduud yare maragtii baqdayoo, meehanoow filaye
Marmarsiinyo doonkii cabsaday, malag ha qaateene
Malafsadaha maaxdumi ha dhuro, miida beenta ahe
Baq maacuudi buu taabici, oo masayrsane
Mur haynoo walaaqeen kuwaan, malabka siinaaye
Muluhmalahdaa laynagu makalay, haba la meereene
Minja-xaabinteenii basaas, haw mir-kaco fiide
Mas’uulkii canaadtami jiriyo, macangag yeelkoode
Kolkay miirdillaacina Allaa, maamulkeed garane
Miraa Maxamed saa u galay, ama labays maagtay
Maamuus dhac weeyaan haddii, madal la joogaaye
Waa waxaan afkaygana marayn, moogga haatan ahe
Mutuxaadna uma baahanee, waan maldahayaaye
Mucyilka u leeb waa midho berdiyo, maro hagoogaase

Makaytana wuxuu yidhi kolkuu, berigii maansooday
Maleegiyo Amxaarkii diroow, waaba noo mahade
Oo mooraalka weeyaan hubkuye, Ruush ha moodine e
Isna sheeg run aan midhif lahayn, Eebahay magane
Shantu inay midoobaan kuwii, loogu muctisooday
Muqdishiyo Hargaysaba dantii, lagu mataaneeyey
Madaxtooyadeediyo shacbigoo, midig na siinaaya
Haddaan beenna loo kala maqnaan, soo midh bixinteeda
Waa inaan ma kala maaranee, meel isugu gayno

Mabda’ eena guud waa ta saa, lagu muddaysnaaye
Musuqiyo madhoodhaday wataan, macallin shaydaanku
Madmadoow xilla igula jiriyo, maandhoow talo seege
Kuwa macandideenii ku manay, Mooskana u yeedhay
Maamuustii Soomaalinimo, inay na maydhaamin
Mayalqabe kadeed baan rabniyo, hawl masaafo lehe
Milayganina yuuc buu ka yahay, inaan milkownaaye
Marxal dhaafay baan taaganahay, goor aad murantaane
Naf meeqaan xun baa nooga daran, mootanaanshaha e
La meerayso ciil waxaa karoon, mayd inaan nahaye

Midna wuxuu jeer fog yidhi, laguna maahmaahay
War ma dhabannadaydaa wajiga, lagu murmaayaaye
Iddinna manaamadin marooree, maalintii Axadda
Adduunyada mardabo waa jirtiyo, boob muquunsiguye
Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maaqashiyo ciil leh
Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liitay
Markuu adiga sharaftaad lahayd, kaa maroorsado e

Malow bee mayrigii aadmigaa, maan wareer dhaliyo
Markii lays mahoobiyo wataa, mawd ka xoogsadaye
Maxmaxaysatadii Cawke yidhi, teer ku miidhaniba
Mar kastaba dhac muuqdiyo hadday, maya la fiicnaatay
Ooy magacii Soomaalidaan, kaa maldihi joogto
Sidii loox aad maydheen iyadoon, loo masixin teeda

Haddaad moobarayn kale gashaan, madhasho yeelkeede
Markhay wayga duuf iyo xarrago, inaan mushaaxaaye
Majaraar-dillaac baan warqado, maalmo sii qoriye
Saddexdii markhaatiga noqday ee, magac rag uu yeelay
Mindi xanaf leh baan qaadanoo, meeshii kaga goyne
Maxaa yeelay ceeb maaxatay baan, ugu jiraa moole
Madadaalo waxaan looga dhigan, maansadaan tiriyey
Inay muusonow tahay waxaan, kaaga marag yeeshay
Madluun baan ahaye sidan mujtamac, uguma maadeyne
Maroor baan arkaye sidan mujtamac, uguma maadayne

Tixraac: Garnaqsi: Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan
-------------------------

40. UNEEXO 1962



Uneexo wuxuu soo baxay bishii Noofeember 1962kii, waa Hargaysa. Kadib markii Xisbigii Nasrullaahi
ee gobolka Soomaali Galbeed ka halgamayey ay afgambiday dawladii Soomaaliya iyadoo isticmaalaysa
miisaaniyadii Jamhuuriyadda adeegsanaysana rag laga soo abaabulay Muqdisho Cabdullaahi Dhoodaan oo
xubin firfircoon ka ahaa Nasrullaahi waa kii ka gilgishay aad uga dagaalamay. xumaaday
majarahabaabinta iyo wahanka ay madaxdii Jamhuuriyaddu ku rideen halgankii xalaasha ahaa ee gobolka
ka taabagalay. Kolkii afgenbigii Nasrullaahi hirgalay, magac cusubna ururkii loo bixiyey ayuu
Cabdullaahi Dhoodaan ku mujaahidiin jabhad ahaa oo tababar ciidan loo u doontay Soomaaliya.


Wuxuu Dhoodaan aad uga cadhaysnaa af-genbi ay ku samaysay dawladii Soomaaliya xisbigii xornimo doonka
ahaa ee Nasrullahi ee gobolka Ogaadeenya ka halgamayey. Af-genbigaas oo ku riday ururkii iyo
madaxdiisiiba kala biiq biiq iyo wahan ay kasoo kaban waayeen. Dhoodaan isaga oo canaanaya ragii
madaxda ahaa ee siyaasadii ururka ee xilligaa u cirbixin waayey, qaddiyadda guud iyo halgamaayashana
guubaabinaya ayuu gabaygan tiriyey.

Waxaa kale oo uu abwaanku ku hanjabayaa in haddii arinta sida loo dhaami waayo uu meel hor leh ka bus
kicin doono, midda uu dhigana mar dhagaha faraha la galin doono. Wuxuu dulqaataba, markii uu xaqiiqsaday
inaan dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya inna wax naruuro ah u haynin halgankii Soomaali Galbeed ayuu
ka dhabeeyey hanjabaadiisii. Lix iyo toban sano ka dib gabaygan, bishii Maajo 1978kii ayuu Macallinku ka
uruursaday Xamar oo tagay magaalda Herar, mucaaradna ku noqday xukuumadii Maxamed Siyaad gadhwadeenka ka
ahaa. Gabaygu ma dhamma, inta aan haatan helay, wuxuu yidhi:


Amxaaraa dhacaysoo inagaa dawlad dhalin doona
War Soomaalibuu soo dhaw yahay dhamacdii ay haysay
Idinkuna dhexdiinaa xumaan aad isaga dhawra
Sidaasoo aan dhiidhiya ku daray tii aan dhaadhiciyey
Kolba wiilashii loo dhisiyo madaxdii loo dhiibo
Hadday tuug-dhurwaaliyo noqdaan reerka mid u dhaansha
Inta dhawranaysaana soow kala dhaqaaq ma aha
Oo Dhoodaan khasaaroobay soow layga dhigi maayo

Dhaaxaan cabiid qaatay oo dhiba i gaadheene
Dhegebsiyo in dooraan lahaa dhagaha sii daaye
Idinkuna raggaan dhawrayoow nama dhaqaysaane
Nin waliba dharaar sawd macaan weyga dhamayaaye
Dabadeedna meeshaan dhisnaa kay iskaga dhaafye
Sidaan gabay ku dheerayn lahaa dhuganba meysaane
Kolaan Xabashi Dheemiyo Hawaas dheefta kula quuto
Oon dhibi-shaxleeyo oon markaa hadal xun soo dhiibo
Oon dawladeena oo dhan iyo duni ku dhoobaysto
Dhabbayoow kalaan doonayaa inaan ku dhoofaaye
Dhayal laygu haasaawo iyo maanso loo dhidido
Iyo qoorta soo dhiibidii hayga dhawrina e

Dhay baan lisaayee haddaan dhoobo qodayaaye
Dhalinyaradii rooreeysay baan dhaca odhan geele
Labadii is dhuun goyn lahayd waa isagu dhiibe
Kolba dhagar ninkii doonibaan dhaan u rarayaaye
Kusoo dhowra ceebtaan dhigaa waa mid loo dhimane

Dhanqaryada walaalkeenba waw dhidid kulayl laaye
…………………………………………………….
Haddii aad heli karto ama aad og tahay meel laga raad goobi karo fadlan nala soo socodsii. Mahadsanid.


41. UUS DUUGAD



Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye
Kaga dayasho door kumanoqdiyo, xaraf la doodoone
Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe

Dardarsiintu waw darantahaye, marindaygaw uroone
Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da' weyn tahaye
War waa deeq Ilaahay baxshiyo, doobir gooni ahe

Sidii hees la daran-dooriyiyo, koox la dananaysa
Dad markuu darbuugado murtida, kuugu daadihiya
Durbaan muusik ima daahiyiyo, duul xafida wiige
Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasad loo tumo e

Dusha iyo haddan saari jiray, duud guradeeda
Daldalaadii hore haatan waa, inaan ka daayaaye
Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye

Maansada haddan soo dajoon, kaa dallici waayo
Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac
Dambigooda yey nagu dacweyn, garasho deel-qaafe

Yaanan arartii kugu daalin waan, dooxi maansada e
Afduub lagu raryaa iyo dirqiyo, xeel ku didiyaaba
Duleedada Hargaysiyo kuwii, Xamar u daaduumay
Durqun iyo dagaag uma kaxayn, umana dooleene
Dacay iyo dulmiyo xoog raray, deyr ku galiyeene
Dantase loo xaraystiyo macnuhu, nagama daahnayne

Ujeedada aan soo daadajee, waxaan inoo doortay
Su’aalaan daruuriyo xubnaan, meel ka daabiciye
Jawaabaha diyaar ma u tihiin, soo dallicidooda?

Dadkanaga dal kale qaar xukumo, dawladnimadiisa
Duul shisheeye iyo qaarna waa, laaji dibadeede
Hadday magacyadii kala duween, labada kee daw ah?

Danoo iyo daleen soo qaxdiyo, caydh is daba liicda
Dildillaacintiyo faalladaan, kuugu sii dariye
Dun cas janana layliga dabliyo, darawal gadiidka
Shibil daakhil rooriyo danjire, dibad wasiir aada
Inta darajo wiil leh iyo kornayl, duuliye ah taagan

Shaqaalaha wadani daacadnimo, loo dirdiranaayo
Duqaydii dhashoo laajiyey, dacalla joogaane
Wixii aabahood kala duwiyo, dulucudii yaa sheega?

Sarkaal Danab ah madax doobisoo, dhibida daydaylan
Dadkoodoo ajnabi duukhaya ah, kama diqoodaane
Inay laba dariiq kala maraan, daw sidaw noqotay?
Magacooda see u kala duween, duq iyo wiilkiisa?
Dhalinyarada diirdiiraneey, taa ma laga dooday?

Dibjir oday noqdoo lagu digtiyo, gacalka diifaysan
Dumarkiyo darxumaday qabaan, daaman-ku-ciroole
Dilka fudud dhalaan dabargu’iyo, jeel ku damug siinta
Danqashiyo dareen iyo haddaan, doocba laga haynin
Isma daboosha kaasaay dallicin, oon dugsanayaaye

Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska
Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari
Waxa kaaga daran eed og tahay, eed la dirirayso

Adigoon dagaalamin haddaad, dood wax kaga weyday
Daliil saas ah ruuxii hayow, kaa dafiri mayno
Intuuse daallin baas kaa dalbaday, dumi arooskaaga
Kol haddaadan suu kaa damciyo, danaha guud eegin
Dawo ma lihid shaydaana wuu, kuu dabbaal-degaye
Waxaad deydayeysaana waa, duunyo aan lumini
Dadka iyo dalkiisaba maxaa, lagaga uusduugan
------------------------------

42. WAA LA MULKIYEY



1960kii bishii June ayuu abwaanku tiriyey gabaygan wuxuuna ka tiriyey madashii calan saarka ee gobolada
Waqooyiga ee Soomaaliyeed. Codsi ayey usoo direen Cabdullaahi qabanqaabiyayaashii shirka, siyaasiyiin
Reer Waqooyi ah, iyo salaadiin Ogaden ah oo wada jira ay kaga codsanayaan inuu ka soo qeyb galo xaflada
calan-saarka oo ka dhacaysay Laan-mulaaxo. Siddii buu yeelay abwaanku gabayo badana ka tiriyey halkaa.

Waxaa gabayadaa ka mid ahaa kan hoose oo aan intan uu hadda ka hayno. Wuxuu yidhi:


Nimanyahow muraad gabay haddaan madal ka sheegaayo

Hadalkii muctaad aan u noqdeen muhindisoonaayo

Horta inaan ka maansoodo waa laygu maleeyaaye

Mugga horase taan mooday baan magac u sheegaaye

Qodob waliba waa ii mubaax kanise waa miine

Kollay reer miyaad baan ahoo waan malaasnahaye

Magaalana waxay ii ahayd maalin arageede

Makaahiila jeer baan ahaa mini Abraahiine

Ina Macallin baa la i yidhaa nin u muraad loowe

Hadda midh SNL aan noqdee waa markii hore e

Waxaan mnuhindisoon een haatan saa ugu muraaqooday

Ee maanta mooyee ku jiray milicda Doolloode

Mustacmaar xunbaa joogayoo la isku maandhaafye

Oo waliba minanaaradaa muruqyo roonaaye

Makhluuqaadkii maashaasi waa murugadaysnaaye

Qalbigaa madoobaa oo laftay miridh ku yeesheene

Muggood bay qabeen ciilse waa lala madluumaaye

Mushtar oo dhan waa laga muxsaday maalkii uu wadaye

Macatabyo hooya oo ka taga Maxamed diintiina

Muslinimana sii daaya bay maya ka taagnayde

Siddii kalase waa loo mulkiyey meheradeediiye

Aniguna middaasaan jeclaa inaan ka muudaaye

Dadku nolosha miigan hadduu maad u garanaayo

Qof waliba middiisuu mindhaa maaradeed qabane

...

Soo raadi inta maqan.
--------------------------

43. XAAJADII 1976



Xaajadii Macallinku wuxuu tiriyey dabayaaqadii 1976kii. Wuxuu ka hor tiriyey guuto hubaysan oo ka
mid ahaa Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed oo tababar kusoo dhamaystay xeradii ciidamada qalabka
sida ee Soomaaliya ee Qoriilow la odhan jiray. Waxay guutadaasi kusoo jeeday gudaha gobolka
Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya oo dhaqdhaqaaq xooggan oo xornimo doon ahi ka jiray muddo dheerba.
Wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan kuwa loogu jecelyahay, waana gabay taariikhi ah. Wuxuu ku billaabay:



1. Waagii hummaajidu ahayd, halabadii guusha
2. Xaajadii huluulaha gashee, haatuf ka adeegay
3. Xaajadii halaagguba ka dhacay, ee huqdiga reebtay
4. Xaajadii hurgumadeedu ay, heerka culus gaadhay

5. Xaajadii hadhkii loo fadhiyey, geeda hoos badan leh
6. Xaajadii habeenkii ardaa, lagaga haasaaway
7. Xaajadii horseedkiyo ergadu, waayo ku harraaday
8. Xaajadii halyay daacadiyo, hanaddo loo soocay

9. Xaajadii cirroolaha hufiyo, hebelo loo doonay
10. Xaajadii markay hoga gashaba, la isku haaraamay
11. Xaajadii hagaag diidayee, lagu heshiin waayay
12. Xaajadii hirgali wayday ee, hadal ka soo daashay

13. Xaajadii hagoog iyo waxay, sir u hullaabnaydba
14. Markay hoos u jiidaan waxay, kor u hayaantaaba
15. Humse iyo waxay qoomamiyo, hibasho keentaaba
16. Belo ka hig lahayd iyo waxay, baas la huguntaaba

17. Markii heedaddawgii batayey, dhiidhi huri wayday
18. Hurdufkiyo haraatida markii, rag isku haaneeday
19. Ninkii libinta soo hoyi lahaa, hiilkase u baahday
20. Habarwacad kuwuu ula tagee, hilibka soo mooday
21. Ee horwaynka say ula dhacshaan, kaga hadhee diiday
22. Halgaaddii isaga loo wadiyo, hootadii nacabku
23. Nimankii hagraday maalinkay, hanatayee laysay
24. Habboonaatayey siduu u yidhi, jeerkii Gabay-hawle
25. Isba dhinaca hoomaydaybuu, maalintaa hadayee
26. Anna waa habkiisii waxaan, haatan leeyahaye

27. Maansadaan haloosiyi jiriyo, qayladaan huriyay
28. Haw liicinaay waxaan hayoon, dhab u hanuunshaaba
29. Marna Xabashi huura leh Lixlaha, kula haliilaaba
30. Marna hagar u daayoon rasaas ka haqab waayaaba
31. Marna badaw hunguri doonayaa, harag u jiidaaba
32. Marna haatuf been sheegayaa, hadal dhacsiiyaaba
33. Marna laba hadraysaa cidlada, ku hindisoodaanba
34. Marna horintii jaadka u fadhiday, male habeeyaanba
35. Marna kii dharaar loo hanjabay, uu ka haajiraba
36. Marna kii hublayn waayayee, heerkii lagu dhaafay
37. Soomalidu maxay noo hayaan, socoto haybshaanbee?

38. Hambalaalaqsanidaan arkiyo, hirarka ay fuushay
39. Iyo sidaan jid loo haysan iyo, hilinka ay doontay
40. Hiinraagga feedhaha waxaan, hiririgleeyaaba
41. Kolla waxaan hammiga fooraroon, hadalka daayaaba
42. Kol waxaan halmaan aawadii, huga illaawaaba
43. Kolla waxaan is haadraaciyoon, maadda la hintaabe
44. Kol waxaan hiyiga wayraxoon, gacal huruufaaba
45. Kolna hoobadnimo jiibiyo, gabay ku heesaaba
46. Kol waxaan higgaad ay fahmaan, hoga-tusiyaaba
47. Kolla tixaan higaagga u xidhiyo, haar ku dumiyaaba

48. Halgan saasa taaggay waxaan, soo huddamiyaaba
49. Waxay dhadiyo haydh-haydh madaw, ku humbullaataaba
50. Hummaaggaa waxaan fiiriyoon, daba huleelaaba
51. Dhankay ugu hubleeyaan waxaan, ula hashleeyaaba
52. Himbiriirsi oohina waxaan, daba hiqleeyaaba

53. Kol hadduu dadkaygaa hurdee, hoorri dhacay toosay
54. Horta anigu holacaan qabiyo, hibashaday dayne
55. Eeggaanan haadaa dhacayn, halacsi mooyaane
56. Oo naftii aan haaraami jiray, hiif u celinayne
57. Oo inaan hawoodiyo karaa, inaan hadaaqaaye

58. Nimanyohow hambaabiray haddee, heeganka u taagan
59. Hankakoobsanayee maanta saan, ugu hadhuub qaadnay
60. Inkastoon hannaanku u ekayn, kaynu ku hungownay
61. Himmadaan la soo boodnay waa, loo han weyn yahaye
62. Hayaankaan raraynaana waa, geeddi hawl badane
63. Dhexda inuu hadhsado kii rabow, waa ban hoolane ahe
64. Oo kii haro biya ah moodiyow, waa harraad kulule
65. Oo kii hoyasho guri doonayow, waa cidlaw hadafe
66. Oo kii hadimo diidayow, waa naftaa huride

67. Kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane
68. Kii hadaaf xarrago maagganow, haaruftaad bixine
69. Hayeeshee halaaggiyo innagoon, halasahaa jiidhin
70. Hareer joosan maynoo filkeen, haybad naga roone
71. Hawd iyo Jabuutiba xornimo, waa ka habartoodee

72. Oo haynraaf dhulkoodii gabiyo, heecay bay noqone
73. Wixii lagu harreenshaana waa, hoo adays gabaye
74. War ruuxii huleelee ka taga, hogobka ciiddiisa
75. Hayntoloshkuu maganta u noqduu, abid ka hoosayne
76. Hamuuntiyo dadkaan sheegayow, waxaan haliilayno
77. Waa dalkeenna hooyoo xornimo, lagu hoggaanshaaye

78. Wallee hibada guushiyo sadkaan, u hanqal taagayno
79. Cadaw inaad hankaagtaan raboo, idinla heesaaya
80. Oon ku lala hardamayoon ahayn, la is hujuumaayo
81. Oo hadimmadiinnii wadaa, qodaya haadaane

82. Nacabkii hoggaan kugu xidhee, heerya kugu qaata
83. Hantidana bannaan kaa tubee, hoygii kaa bixiya
84. Iyo wixii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiyee
85. War haw u kala hambaynina dagaal, haayirkiyo tuugga
86. Oo sidaa xornimo aan helliyo, hodan ku raadceeya


Gabayga waxaa noo soo diray Cabdi Cumar. Mahadsanid
--------------------------

44. XAAWO IYO AADAM


Gabaygan lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan, dadka qaarkiina laga yaabo inuu u maqlay Abuuristii Aadmiga,
wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay runtii adag tahay in la kala jeclaysto kuwa loogu jecel
yahay, xilligii uu soo baxayna loogu dhagaysi badnaa. Sida caadada gabayada Macallinka oo dhan ah,
waxaa dhex yuururta gabayga xikmad gaamurtay.

Xaawo iyo Aadan waa gabaygii Cabdullaahi Dhoodaan uu ku hantiyey billadda gabayga Soomaaliyeed mar
hal-abuurka Soomaaliyeed oo dhan Mogadishu lagu tartansiiyey. Kaalinta labaad markaa waxaa galay
Cadhays Ciise Kaasrshe.




Wuxuu yidhi Macallinku:

1. Ilaahay markuu dunidan godey, ees giraangiriyey

2. Isagoo quruumana gadiyey oo, gab kaga siiyey

3. Sow Aadan oon gacal lahayn, gegi masoo taagin

4. Sow Xaawo feedha godan, ugama soo goynin

5. ………………………………………………

6. Ninba sow geyiga Eebbahay, geesta kama raacin

7. Goosan waliba meeshii uu tegey, sow rag kama guulin

8. Oo Geeska Afrikaad sow annaga, Guulle nama keenin



9. Adhiyo geel gammaan iyo lo'iyo, geedo kala jaad ah

10. Biciid gees leh garannuugtiyo, goodirkiyo cawsha

11. Geriga iyo deeriyo gunburi, goray hadaafaaya

12. Golcastiyo dabataagta iyo, guunyo dananaysa

13. Gabbadow shabeel gaatamiyo, haramcad guuxaaya

14. Maroodiga gollaha daaqayee, wada gaboodyeystay

15. Afka laguma wada gaadhiyo, gaar u kala sheege

16. Waxaan godollo waxaan gowracniyo, qaar an gadannayno

17. Iyo gurada qaar laga koroo, orodka gawsiiya

18. Iyo dhul aan gasiirado lahayn, gu'guna seegeynin

19. Oon dabeyli guri kaa rideyn, dahabna guurtaas ah

20. Durdur aan go'ayn goof birqod ah, webi gufaacaaya

21. Iyo beer dhaqsaba kuu go'doo, godadka loo jeexdo

22. Sow gorodda Eebbahay waxaa, nooma soo geline



23. Guud ahaan Soomaalidii sow, gees isuma raacin

24. Diintuba gallade sow Furqaan, laguma gowriirsan

25. Gaban iyo gabow sow qur’aan, gawda kama saarin

26. Waqti gudub waqtina gaadh waxay, goortu noqotaaba

27. Barwaaqadii gadhoodhiyo nimcadoo, gililicdaa haysa

28. Shayddaan giblani waysagii, xeebta soo galaye



29. Gardarriyo waxay suubiyeen, caado gogoldhaafe

30. Rag bay inay gadh qaataan rabeen, amay gumeystaane

31. Geedaafadaana Soomaaliyey, waan ka gubanaaye



32. Axmed Gurey intuu subax guntaday, sow shir uma guulin

33. Sow gulufku qaylada dhulkii, guure kuma jiidhin

34. Sow Gal iyo Caameer farduhu, gaasas kama keennin



35. Geeridu xaq weeye sow cabbaar, laysma guubaabin

36. Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal, xadhigga loo giijo

37. Garmaqaate gaalleef mindiya, gudimmo xiireysa

38. Gamas waran billaawaha gayaxan, seef gal laga jiito

39. Iyagoo hubkaa gacanta iyo, geesinnimo haysta

40. Sow gaashaandhig weeye dagaal, uma garwaaxeedsan



41. Nacabkii garbuhu sow ma jabin, way gaggabiyeene

42. Gorgorkoo cuniyo sow darxumo, goobtii kama raacin

43. Sow gaardaymoode ee cabsiyu, kama gariirsiinin

44. Guryihii faqriga sow kolkaa, dani ma gaadhsiinin



45. Kama gudose geed baa la yidhi, neef la gowracaye

46. Goommane dugaagguba ma karo, goobis kala jiife

47. Intii wiil gaboobaa nimani, way gabbanayeene

48. Goonyaha dhulkeenniyo waxay, badaha gaaftaanba

49. Illayn tuug dadkoo gama'san, waa soo galbanayaaye

50. Gasadeenna iyo sow ma iman, ciidda gudaheeda



51. Sayid Maxamed sow kama gilgilan, xumihii loo geystay

52. Sow gabayadiisii nafluhu, kama galiilyoonnin

53. Gurmadka iyo sow qaylo dheer, lama galaayuusin

54. Kolkaa sow fardaha gaamuriyo, geenyo lama fuulin



55. Af-gumaas Shanlaha goyska iyo, Giirre Labammaar ah

56. Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh, godane Maadhiinka

57. Wajaf gowso weyniyo rasaas, gumucu qiiqaayo

58. Iyagoo gunaanaday naftoo, weliba gaadiid leh

59. Geydh kulul Daraawiishtu sow, uma gadaan-saarin.



60. Cadaawihii galdaasayey sow, lama gawaanraacin

61. Ha galgalato sow laguma dhigin, way gasbanayeene

62. Sow guduri xuurti ihi ma cunin, waa geddii hore e



63. Kolkay taladu gow joogsatayoo, ciiddan laga giigay

64. Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed, ficil ma soo goohin

65. Giddigoodba sow maalintaa, nooma gacanqaadin



66. Dusha guudka xarunteenii sow, lagama soo gaadin

67. Dayuurado garnayl tuuri sow, weerar kuma gaacin

68. Taleex sow gelgelintaa ma noqon, ama gabaaddiirta



69. Gambo xidho ma yeelaan kolbay, gobise liicdaaye

70. Gujo qudha xornimo kuu jirtana, waad u geyllamiye

71. Inaan gibisha tuurnoo caqligu, naga galoofoobin

72. Sow rag is galaalaa mar kale, uma gallaydhyeynnin



73. Guhaad baan qabnaye sow indhaha, looma guruxsiinnin

74. Ha Noolaato geeraarkii sow, laguma soo gaabin

75. Galabtii caddaankii ogaa, goobta Dhagaxtuur ah

76. Galow ciyey haddii ay maqlaan, ama galool foodhyey

77. Sidii gaban carruureed ilmadu sow, ma gobo'leynnin

78. Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee, layga gudhinaayey

79. Lixdankii anoo gool ah sow, gaaxdii kama maalin

80. …………………………………………..



Soo dhammaystir saaxiib.
------------------------

45. XULLUB SOCOD 1975



Xulub Socod wuxuu Macallinku unkay 1975kii isaga oo jooga magaalada Hargaysa. Waa gabay dhaxalgal
ah oo uu Soomaali haddii hadal wax daaweeyo dhinac walba wax kaga tusay. Siddii caadada u ahayd
Dhoodaan xikmad qafilan ayaa gebiyada sare haysa gabaygan. Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha raajiyee:



Xaashaa lilee beenta, waa laga xishoodaaye

Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisiiye

Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda

Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo

Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye

Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine

Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin

Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye

Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye

Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho

Xusbadda u horaysaaba waa, Xaali la ciyaare

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe

Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno

Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay

Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe

Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey

Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah

Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe

Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno

Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo

Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo

Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshoow fudude

Xujur galiye saasaa batiyo, howl xanibayaale

Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaabuq baa dilla e

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey

Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye

Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba

Hadhowbuu xashimo buuxsadaa, xaydhna bararaaye

Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

Is xalxalidu way fiican tahay, la xaragoodaaye

Intuu xabawarkaa yahay aduun, ee xiqdigu yaalo

How xilan xariirtoo dhan, waa la iska xooraaye

Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xaraamaane

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

Adduunyada xinbow yaala iyo, xadhig maleegaase

Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay

Xadaafiirta maakiban hadaad, yaraha xaalayso

Xodxodada wanaag ha u malayn, waa xarfado baase

Xanbaariyo tabcadi dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe

Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar wayne

Xaataa hadaad odhan lahayd, muu xayi u sheego

Xublayntiyo is xuuraanka iyo, xooftadiyo baaqa

Xulub-socodka goob xaadhashada, xagarro food saarka

Xudh labixida laas xadhandhansiga, xooxsi kala boobka

Xufuufaynta xabag giijintiyo, xeego daba roorka

Xagagabadka xoodaanmiskiyo, xabag dhunkaal siinta

Xuduud dhowr xamaan waabashada, cimilo xayndaabka

Xaskul guradka xigin faagashada, maylimo xaquuqa

Xalaash tumadka xanaf taabashada, waramo xiirsiinta

Xakab dhigadka xalay oon baxsiga, xorod karkaar goynta

Xaq duudsiga dantaa xurursadkiyo, god u xayaanbaynta

Xidhiidh tacabka xarun booqashada, xaafad tamashlaynta

Joornaal xaradhka duulaan xirsiga, qolo xajiimaynta

Run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka

Xusul duubka xoon beerashada, hadal xawaasheynta

Xasil doonka xadataysigiyo, xannano oodayska

Xaladaynta xaashiyo qorkiyo, war isla xaydxaydka

Xis ka luminta duur soo xulkiyo, xuub isagu gaarka

Xaad u fudhida xowdheer qarsoon, xoodh iskaga siibka

Xareed awdka dhoobada xargagan, haamo ku xamaynta

Xatooyada is daba xiinka iyo, xaajo qiran waaga

Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal, oo xunbo u reebka

Xoday iyo xangeeyo u liskiyo, xoor dusha u saarka

Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo, soo xinjiro nuuga

Xashiish buulka xaasaan dabkiyo, xaabo guratayska

Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo, xuunsho dalandoolka

Xanto gaadhay xidinxiidka iyo, jiif xamili waaga

Adduunkii xasili maayo oo, laysla wada xiiqye

Xiddigiyo markii aad waqtigan, xaalufka ah dhowrto

Xunguguro tirsiga faalku sheeg, oo ximroow baxayee

Qoladii xagluhu ay dabcaan, xays balloow di’iye

Siddii xamar gammaan bay walee, u xakamaysnaane

Hadaad xaydaan xaydda Soomaliyeed, sii xiribo baadhno

Inagays xakaaree kolkaan, muran xidaynayno

Murti baan lasoo xaadiraa, waliba xeel dheere

Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye

Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye

Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye

Is xaduurintaas oo kale iyo, xararoow mooyaane

Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo

Xaqiiqada waxaynaan arkayn, taa xanuunka lehe

Xidaarnimo maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin

Wixii nacabka layskaga xajaa, sow xarbiga ma aheee
-------------------------------------

46. XUURAA BAF



Baadiye raggii joogi jiray, balad markuu aaday
Hargaysana u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba
Boqolaal waxay igu tageen, been iskaga noole

Budhcad suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay
Ilbaxnimadii lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene
Bandarada asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin
Hal bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe

Badh saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene
Badhaysaha warkii lagu qubay, barako moodeene
Barbarkii xumaa bay ileen uga bilaabeene

Wixii edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa
Loo baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye
Basarxumo magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede

Beryo iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye
Markaasay qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane
Babaw bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe

Kuwii baabadaa lagu ride, booca dheer lulina
Isma bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane
Bahalay sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye
Bani-aadminimadii wakaa, loo badalayaaye
Berri garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e
Barkhad iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe

Midkii boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba
Durba waa ka baybaysadiyo, camal barooreede
Marna waa ka booboodayee, soo batarin dheele
Isagoo rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye

Baguu odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone
Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo
Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya
Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle
Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne
Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye

Shir bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay
Hadba baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay
Barta laysku raacee wanaag, badi la doormoodo
War waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye

Arrinse buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye
Dhulkan fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka
Dal bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e
Baabsiguna taasuu ku yimid, uma badheedheene

Innagoon baraarugin kuwii, buunka noo tumayey
Intay diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso
Ooy baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba
Ooy baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda
Buntukh iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke
Baas iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay
Is burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e

Innagoose dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse
Budda waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene
Iyo baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye
Ama baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene

Markay baqatay xuuraa baftii, ina baduugaysay
Barbaar fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya
Oday boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba
Nacas buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay
Oo balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane

War birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo
Iyo cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e
Ballidu qaadi maayaan kollay, beelahaa idile
Adhyo badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay
Iska daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye
Birqodkoo bilaashayba qaar, balalo gaystaane

Biyo ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh
Barkad lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle
U bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe

Kuwaasaa shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode
Baqoolahay xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale
Biji dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta
Baagada wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye

Inkastoo bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey
Dhagaxa buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene
Mana baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne
Billowgeeda qolihii leheey, godobtan baahaysa
Rag badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e
Ummaddii badbaada jarteen, nabad u baahnayna
Waxba booqan maayan iyana, baan ma sugayaane
Bulshadii abuurtte colaad, baaji laga waayey
Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro
---------------------------

47. YAA DIRSADAY?


Damiin macalinkiisiyo isagii ha is dacweeyeene

Ninba dowgu leeyahay kolkii dooda aan u dhowro

Ardaygii da' loo yeedhiyee diminta miim saaray

Kol hadduu tacliin doonayayoo deel xafidi waayey

Garta haddaan la daahayn isaga sow danbigu ma aha



· Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay

· Ogaadeenya cadawgii dafiyo daadufkii sirayey

· Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe

· Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe

· Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada

· Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey

· Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba

· Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye



· Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso

· Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene

· Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay

· Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade



· Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine

· Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye

· Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye

· Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene

· Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene



· Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya

· Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay

· Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene

· Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane

· Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay

· Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe



· War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda

· Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye

· Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay

· Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan

· Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba

· Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo

· Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu

· Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday

· Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane

· Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay

· Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya

· Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho

· Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo



· Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylabaw diranin

· Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo

· Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye

· Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay

· Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo



· Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan

· Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado

· Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo

· Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo

· Intuu darafta xanan kuugu maro ama du’ soo leexdo

· Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho

· Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho



· Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto

· Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo

· Daldalooladaadoo batiyo dabacsanaantaadu

· Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadii noqoto

· Dallada iyo guushaadu waa dabar gu'iisiiye

· War duunyada raggii kaa dhacayee dawrshay xeradaada

· Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane

· Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane

· Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay

· Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye

· Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso

· Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin

· Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane

· Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo

· Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo

· Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane

· Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye

· War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha

· Markay di'is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo

· Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin

· Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto

· Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh

· Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan

· Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e

· Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye

· Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye

· Daadufnimada Soomaaliyee durugsiga u jeeday

· Dubaaqa iyo ra'yiga keen ah buu saa u dumiyaaye

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna

· Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina

· Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh

· Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane

· Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane

· Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene

· Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane

· Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay

· Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato

· Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto

· Daabaqad in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay

· Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina

· Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh

· Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka

· Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan

· Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba'ane

· Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?



· Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene

· Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan

· Dugsan mayno inaan daa'inkood diriro mooyaane

· Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye

· Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode

· Danbi kuguma haasaawin iyo been dacaayad ahe

· Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah

· War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

· Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?
-----------------------------------

48. YAA KASBADAY? 1978


Yaa Kasbaday Cabdullaahi wuxuu tiriyey horraantii 1978kii. Kabaxaaydii gobolka Soomaali Galbeed
ay ciidamadii Jamhuuriyadu sidii deero ilqoodhka ka aragtay Shabeel u gabbanaya ay uga soo
afarqaadeen ayuu aad uga xummaaday. Hargaysa isaga oo markaa tagay ayuu wuxuu ku billaabay:



Uma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e

Kasha muran ku yaalley xikmadi kilinkilaysaaye

Kulcubaha xiskay dooda iyo kiishash laabta ahe

Faallada kelyaha buuxisiyo kubada uurkayga

Kaah iyo iftiinkay baxshaan kaaxi maan arage



Kurka gabayga soo muujiyee sheegidda u kaalman

Ma kaakicine dhawr goor anoo kaalay odhan waayey

Kud iyo mid karaysa ah afkana kaabiga u jooga

Geeddada wuxuu kuuriyo oo saabka kuududaba

Kol hadduu karsamay oo shidmoo aad u kululaaday

Lama kaydin karo maansadii kaayaheed galaye

Saakana karaamaa jirtee balan tix kaynaasho!



Shinni kaalufkeed galiyo sidi koronkorow oomay

ama ceel karkaarrada jabshiyo webi karaar dhaafay

ama kaal danley qeybsatiyo kur iyo dhaal yaabis

sidii koronka iyo koorta iyo kololo’ii Raage

Konton iyo kun xaajoo mmurgiyo waayo kala kaan ah

Oon lagu kam'ayn baa jiroo nalagu keenaaye



Wax kadliyo kadaalibaa ordoo kuududaa badane

Kubka iyo kan biixida jebshee sii kirkira meesha

Karin buu u deydaya hayaa wuuna kabayaaye

Kaftan maaha ee waa koosh kalaan keebka liishado e

Kurtun baaba loo fiiqan ooy kalax qoraayaane

Kallifaa an layskula kam'ayn yaa kasbaday mooyi



Kanbalkay lahayd jilib carriyo meel kabdhoodka ahe

garta keedi kaabiga galee lagu kawaanleeyey

Kiskisaha middaa lagu xakabay kaddinna loo diiday

Kolkaan maalmo koolkooliyey dib u kadlaysaaye

Katibkaan ka kaaftoon lahayn yaa kasbaday mooyi



Karbaash loo yagooraan ratiga saaray kabad weyne

Kiintaalku koobbuu noqdaa koronkortiisiiye

Baq karuura loo yeel haddaan caano kaydsado e

Kidhli iyo kafee waan helee koobab baan jirine



Ka u baahi ciilka u noqdee ciil ka kori waayey

Iyo kuwa kashbacay ee dharagaye uur kubada yeeshay

Kuwa waliba kaskiisaa waxaa loo kabtiyayaane

Mid kororsi bay daaran tahay xeeshan kaariniye

Kaafka iyo kala-dheeridaa la isku koosaaray

Inay keeni baad garan wuxuu rag isku koosaaaray

Kurbadiyo walaacaan qabniyo kaarka nagu raagay

Malaha kimis la quutaba dadbaa looga dhigay kawle

Haddaan nala kadeedaynin way kadab go’aayaane



Dadkayagu kadaab uma badniyo reer ma kaadsado e

Maskaxdu kaamil inay noo tahay, ku maanhayeen qaare

Kullina waan baryeynaa Allow keen xornimadiiye

Kalsoonidan lunteee Cali-Katiin kulanki noo diiday

Iskulaal ismana kaashadkiyo koodka nala saaray

Kiis nagu xukuman baa jiree yaa kasbaday mooyi



Ilaahay Kariimow adoo kaliya mooyaane

Karti lagula sheegtiyo awood kale ma dhawrayne

Kalaamkaagii baa lagu sitaa weli kitaabkiiye

Yamenta Koonfureed kii wacdayiyo Kuubba iyo Ruushka

ee nacab kufaaroo kibriyo Kirishtankaw yeedhay

Karaamadii Rasuulkiyo anoo taadii kaashanaya



Dhulkay naga kaxeeyeen Allow yaa kasbaday mooyi



In Islaamku gaal kabo u sido yaa kasbaday mooyi

Kiinyadii xumayd iyo Axmaar kadafa oo liita

Kaneecadiyo kudkudaha intaad naga korraysiiso

Koodhiga intay nagu guraan yaa kasbaday mooyi



Kob dagaala fulay kayn galiyo ma lihi kayrkayrle

cimli korodhsadkiisee xikamadu naguma koobnayne

meel kuray ka dheelaa Iblays nooga koor-lulaye

Kafiyo Boortaqiiskii Gurey riday kabaalkiisa

iyo kii Daraawish kabiyo Koofil qoladooda

iyo Kuubbadii Kaastar iyo aarmi Kurushoofa

ku waliba kolkuu rabo hadduu nagu dul kaajaayo

ku kar-celinta iyo ciilkan waan karara’aynaaye



Inta aan kitaabada sidneen Sheekhyo Kiristaamin

malaa’igo kumaandoosa iyo kooxo nala laaya

oon kaarahoodiyo askari kidib kasii deynin

ilaahii na kaalmayn jirow maad kusoo kicisid
---------------------------------

NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner