Markab watay calanka waddanka Singapore, oo Lagu Qabsaday Xeebaha Somalia

Burcadeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Isniin ah ay qafaasheen markab watay calanka waddanka Singapore, kaas oo ay saarnaayeen 19 badmaax oo Shiine ah. Markabkan ayaa lagu soo waramayaa inuu siday kiimiko sun ah.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka ee Shiinahu Markabkan oo ah nooca containerrada qaada oo la yidhaahdo Golden Blessing ayaa waxaa uu ka yimid wadanka Saudi Arabia waxaana uu ku sii jeeday dalka India, markii ay burcad badeedda Soomaalidu ku qabsadeen isaga oo marayay meel ka baxsan xeebaha Afrikada Bari. Waxaanay warbixintu intaasi ku dartay inuu hadda socdo hawl-gal lagu doonayo in lagu samata bixiyo markabkaasi.


Warbixintu ma ay sheegin in ay markabkan la socdaan dad kale oo aan ahayn 19ka badmaax ee u dhashay dalka Shiinuhu, sidoo kalena laguma sheegin in ay wax dalab ah sameeyeen burcad badeedda markabkan qabsatay.
Ma aha markii ugu horaysay ee badmareeno Shiine ah ay qabsadaan burcad badeeda Soomaalidu. Bishii diisambar ayaa waxaa lagu guulaystay in la soo badbaadiyo markab ay burcad badeedda Soomaalidu qabsadeen bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Ciidamada badda ee Shiinaha ayaa ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee ka hawl gala baddaha badda gacanka-cadmeed iyo badwaynta India ee ku hawlan la dagaalnka burcad badeedda Soomaalida.
Developed by Jago Desain