June 19, 2010

Qiso Gaaban: Bishu waa sodan balliguna wuu buuxaa

Soomaalidii hore waxaa caado iyo dhaqan u ahaan jirtay inay u diin iyo cilmi doontaan dhul fog oo aysan aqoon, ehel iyo aqrabo u joogtana aysan jirin. Culimo badan oo Soomaaliyeed ayaa sidaa wax ku soo baratay oo kolkii ay kaaga qiseeyaan rafaadka iyo dhalandhoolka ay kala soo kulmeen xerayntaa aad garaysanaysaa sharafta iyo mudnaanta ay bulshadu u haysay.

Dadka xereysta ee cilmiga raadqaada waxaa inta badan hormuud ka ahaan jiray dhalinyaro hanuun Alle, kor ahaayee, xaggii ka yimid iyo jahli nacayb ay wado. Waxaa dhici jirtay in wiil yar oo sin-dheer ah oo reerkoodu adduun, mood iyo noolba, buuxo uu subax ubbo dhaansado oo uu u jihaysto meel loogu sheegay sheekh diinta laga barto. Waxaa marka goor walba meel ool ahayd gaajo, rafaad, arad, iyo basanbaas kale oo dhan oo ay dhalinyaradaasi la kulmaan.

Markii sahaydii ay kusoo talagaleen idlaato, waxay ku noolaan jireen oo ay intifaacan jireen kolba wixii Alle u irsaaqo ee uu ugu soo dhiibo dadkaa kale ee ay hadba ku dhex nool yihiin. Qeyradii niman culima ah oo socdaal ahi ay soo dul degto waxay markiiba ugu guduudin jireen una loogi jireen culimada hadba neefka ugu shilish ee ay gacantoodu gaadho. La iskuma hiifi jirin, mana la isku haaraami jirin ee waxay waxgaradka iyo hormuudka qeyradaasi u arki jireen looggaa baxay ajir iyo xasanaad ay hor Alle iyo habayn aakhiro gaysteen, iyo waajib saaraa oo ay kasoo baxeen kadib markay quudiyeen culimadaa aan Rabbi mooyee ruux kale ku hoyan.

Mar la hel mar la waa, habayn qad habayn quudo ayuu xaalku ku sifaysnaa. Haddaba, waxaa dhici jirtay in dhalinyaro badani u adkaysan weydo rafaadka oo ay ku soo noqdaan reerkoodii. Markii ay raaskoodii yimaadaan waa la garanwaayi jiray gashin xumo iyo guuldaro weyn oo ay gaajo sababtay oo gogooda ka muuqata awgeed. Waalidkood iyo kolba intii ka naxaysa ayaa ilmada ku badhxi jiray oo markaaba si degdeg ah ula tacaali jiray si aragoodii ilwaadka samaa uu usoo noqdo dadkana ay mar labaad ugu ekaadaan.

In badan oo kale ayaanse dhibkaa dheg u dhigi jirin oo mar walba hiigsan jiray hadafka weyn ee ay leeyihiin oo ah in mar uun erayga Sheekh laga hormariyo magacooda, oo dadku yar iyo weynba, Sheekh hebeloow mooyee aan wax kale ugu yeedhin. Hadii ay sidaasi dhaco waxay xaq u yeelan jireen culimadaasi kalana kulmi jireen dhamaan ummadda tixgalin iyo mudnaan dheeri ah oo ay ku mutaysteen cilmigaa ay barteen iyo dhaga-adaygaa ay muujiyeen ee ay ku samreen barashada diinta Islaamka.

Waxaan halkan ku qaadaa dhigaynaa qiso gaaban oo la xidhiidha Raage Ugaas oo cilmi u xeraystay oo xeraysigaa gaajo iyo golongol badan kala kulmay. Gaydhkaa iyo gashin-xumadaa Raage la kulmay waxay horseeday oo ay sabab u noqotay qiso hufan oo Soomaalida badankeedu taqaano oo ah sarbeeb iyo hadalka oo aan la saafin markii ay wada hadlayaan laba qof oo is uur garanaya.

Waxba yaanan hadal kugu daalininee, Raage Ugaas ayaa isagoo dhalinyar ka socdaalay qoyskoodii una dhiila-dhaansaday inuu cilmiga diinta Islaamka bal mar uun inta uu baaqiga yahay lasoo af-wareego. Wuxuu aaday Herar oo markaa Soomaalida u ahayd caasimad iyo xarun weyn oo cilmiga diiniga ah laga barto. Aftahanimo, raganimo, deeqsinimo, iyo dadnimo badni kale oo uu Raage caan ku ahaa waa halkeedee, wuxuu moogan door biday inuu Qur’aan akhris iyo cilmi barasho ka niib keeno. Muddo haddii uu maqnaa ayaa waxaa Alle shamax ku siiyey wax rafaad iyo jeeb xumo isagu jira. Busaarad ayaa naftii la qeybsatay. Wuxuu haddaba hamiyey inuu aabihii si uun warkiisa ku gaadhsiiyo ugana waramo xaalkiisa.

Maalin dambe ayuu wuxuu arkay niman safar ah oo ujeeda degaankii Ugaas Warfaa, waa aabihiiye, ku dhaqnaa hogaankana u hayey. Nimankii ayuu haddaba fariin u dhiibay oo wuxuu yidhi: “haddii Eebe idinku simo oo aad aabahay iyo degaankiisii nabad qab ku tagtaan, waxaad u sheegtaan aabahay inaan shanta salaadood isku weyso ku tukado.” Raage dacdaro iyo rafaad ayuu fariinta ku xusay nimankii fariinta qaadayse waxay u fahmeen in wiilku wadaadnimo iyo walinimo awgeed aysan waysadabu ka jabin.

Nimankii safraha ahaa fariintii siday doonaanba ha u fahmeene qaade Ugaas Warfaana ku sime oo siddii ay ahayd ugu sheege. Ugaasku isagaa wiilka dhalay, qof uun haddii ay tahay inuu uur ogaadana isagaa ugu dhow. Ujeedadii Raage ayuu Ugaasku markiiba si fudud u fahmay hoostana ka xariiqay inuu wax ka qabto dhibaatadaa wiilku soo sheegtay. Haddaba nimankii ayuu toyday. “Maandhooyinoow goormaad dib u noqonaysaan?” ayuu weydiiyey. Xilligaa iyo xilligaa, haddii Eebe idmo, ayey ugu jawaabeen. Wuxuu ka codsaday kuna adkeeyay nimankii inay soo maraan markii ay dib u gadoon noqdaan. Haye iyo hawraarsan mooyee wax kale uma haboonayn nimankaa sidaa unbayna yeeleen.

Safarkii markii uu danahiisii dhamaystay soo noqodna u diyaar garoobay ayey Ugaaskii war galiyeen in haatan ay dhaqaaq yihiin. Ugaas Warfaa oo mar horre diyaarsaday jiscinkii uu u diri lahaa Raage ayaa haddaba gacanta ka saaray nimankii. Wuxuu faray, “wiilkii Raage ahaa gaajo ayuu kasoo calaacalay ee u geeya tabaddan subaga ah iyo qunbahan hilibku ku jiro. Markii aad u dhiibtaana waxaad ku tidhaahdaan aabahaa wuxuu kusoo yidhi: bishu waa soddon balliguna waa buuxaa.” Innaba uri ma kuu baxday, akhristow?

Nikankii fariintii iyo agabkii kale ee loo sii dhiibay ayey la durduriyeen hase yeeshee intay dhexda kusii jireen ayey subagii iyo hilibkiiba wax ka asiibeen oo jidka kusii mareen. Ma gaajo iyo dan baa u gaysay oo jidmar kale ayeysan wadan, mise hunguri xumo iyo qorshe kale ayaa u gaysay? Lama oga waxayse u badan tahay in baahiyi ku kaliftay inay ammaanadaa isu qaawiyaan maxaa yeelay Soomaalidu, gaar ahaan tii horre ammaanada aad ayey u dhowri jirtay.

Iyaga oo aan dareensanayn in Raage ogaan doono tirakoobka alaabtuu aabihii usoo diray ayey nimankii Raage farta ka saareen tabbadii iyo qunbihiiba una sheegeen fariintii uu Ugaasku soo faray. Eegid ka dib, Raage wuxuu arkay in wax si yihiin oo wuxuu aabihii usoo dhiibay qaar maqan yahay. Dareensii nimankii inuu og yahay inay qaar ka mid ah raashinkii loo soo dhiibay ku tagrifaleen, iskase aamus oo deyn iyo daalac midna uma raacanin, maxaa dhacay ceeb badan ayey arintaasi usoo jiidi lahayd nimankaa xerowguna sidaa ma jeclaysan.

“Shanta salaadood isku weyso ayaan ku tukadaa” iyo “Bishu waa soddan baliguna wuu buuxaa.” Waa xidhiidh sogordohan oo aad u kooban. Waxay qisadani calaamad u tahay Raage, xataa yaraantiisii, inuu caado u lahaa ra’yi iyo aragti soofaysan oo heer sare ah.

Waxaa kale oo ay tusaale u tahay muhiimmada ay sarbeebta iyo hadalka oo dusha sare la saaro ku lahayd Af-Soomaliga iyo war-isgaadhsiinta Soomaalidii hore een heli karin waraaq dahaadhan oo wixii sir ah ama warkii markaa dadka qaarkii laga qarinayo lagu asturo, isla markaana kii laga qarinayey naf ahaantiisa loo sii dhiibo, haddii laga fursan waayo. Haddaba si war is gaadhsiintu u socoto, sirina aysan u fashilmin ayey Soomaalidu u isticmaali jirtay sarbeebta. Sheekadan gaabanina waa qimmadii ugu saraysay ee sarbeebta Af-Soomaalka.
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner