June 19, 2010

Raage Ugaas: Tix iyo Tiraab

abaygu waa boqorka hadalka noocyadiisa oo dhan. Far Soomaalka oo aan qoraal lahayn awgeed wuxuu gabaygu ahaa nooca ugu mudan uguna kooban ee war isgaadhsiinta iyo waayo gudbintuba ku dhisnayd. Taariikhdiisu waxay dib u gu’ tirsataa inkasta oo jiritaanka dadka Af-Soomaaliga ku hadlaa taariikhdoodu jirto, waxaase ugu horeeyey gabayga maanta la hayo tixo kooban oo loo nisbeeyo Garaad Wiil Waal, Ugaas Nuur Ugaas Roobe, iyo dhawr qof oo kale.
G
Raage Ugaas oo ah nin Soomaalidu gabayga ku tixgaliso islamarkaana ahaa ninkii dhidibada u aasay gabayga ayaa ugu horeeyey cid abla-ableysa Af-Soomaliga iyo qeybihiisa. Wuxuu u kala soocay raysimadda aan maanta u naqaano oo wuxuu yidhi: "Hadal waa tiraab iyo tix uun, waxaad tidhaahdaaye." Tix waa weedh kasta oo hab-dhac, qaafiyad, iyo luuqeyn leh ama qaadan karta. Tusaale; ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is ammaanaaye. Tiraab waa hadal aan xaraf gooni ah ku socon qaafiyadna aan ku qasbanayn ee si caadi ah loogu dhawaaqo. Tusaale; nin is faanay wuxuu la mid yahay ri isnuugtay. Ama nin isfaanay iyo ri isnuugtay waa isku mid.

Waxaa kale oo uu Raage Ugaas gabayga ku sargooyey miisaanka Soomaalidu gabayga ku miisaanto ee halbeegga jiibtiisu tahay: “Hooyaaleyey hooyaaleyey, hoyaaleyey hooyee." Wuxuu yidhi:

- Hooyaalayey gabyga way, ugu horeysaayee
- Halla uma tartee maansadaa, lagu hagaajaayee

Cilmigan cusub ee Raage dajiyey ka hor gabayga waa layska bilaabi jiray oo hooyaaleyeyda iyo hanaankeeda toona uma baahan jirin qaafiyadiisuna ma dheelitirnayn. In kasta oo ayna qasab ahayn in gabay walba hooyaalayey lagu bilaabo, haddana jaangoynta Raage waxay rukumada u aroorisay hanaan cusub.

Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa Raage uga dambeeyey cilmi dejintaa oo wuxuu ku daray tixdii iyo tiraabtii maahmaahda. Wuxuu Professor Gaandi aaminsanyahay inay maahmaahdu tixda iyo tiraabta u dhaxayso. Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is ammaanaaye iyo nin is faanay wuxuu la mid yahay ri isnuugtay waxaa u dhexeeya oo mid walba ood wadaag la ah ‘nin is faanay waa ri’ isnuugtay.’

Gabayga oo dadka marin karaa mar walba xadidnaa waxaa mudnaanta uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay kor usii qaaday inaan la is bari karin, tababar lagu hanan karin, dadaal iyo hawl-karnimana lagu xerayn karin. Wuxuu yahay uun hibo Ilaahay baxsho nin hoodo leh ayaana hela.

- Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye
- Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doodoone
- Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe

- Dardarsiintu waw daran tahaye, marindaygaw uroone
- Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da' weyn tahaye
- War waa deeq Ilaahay baxshiyo, doobir gooni ahe (Cabdullaahi Dhoodaan)

Gabaygu uma baahna koox ka shaqaysa sida riwaayadaha, uma baahna taageerayaal badan oo ka daba jiibiya abwaanka alifa sida dhaantada iyo heesaha hawsha fududeeya sida ceel shubidda, uma baahna sacab iyo qalab kale oo loo qaraaco si habdhacu u hagaago, uma baahna cag iyo jaan midna, umana baahna tifaftir iyo war hebelow isha iga mari.

- Sidii hees la daran-dooriyiyo, koox la dananaysa
- Dad markuu darbuugado murtida, kuugu daadihiya
- Durbaan muusik ima daahiyiyo, duul xafida wiige
- Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasad loo tumo e (Cabdullaahi Dhoodaan)

Haddii qofku isku tahabiibo inuu gabyo waxaa dibbooda asalnimadii gabayga ee dareenka dhabta ah ku dangiigtay, wuxuuna noqdaa sheeko hal xaraf ku socota. Hasayeeshee haddii abwaanka laabtiisa gabay buuxiyo inuu is af-yaaro waxay u keentaa cawaaqib xun. Laabta inuu ka hugmo, hadal inuu ka soomo, gacal iyo xigaal iyo insaanka oo dhan inuu hiifo oo la dagaalamo haddii uusan aabudhka ka rogin ayey u badan tahay. Iyadoo guud ahaan ay insaanka u roontahay wixii dhib ah ee haysta inuu kashiisa kasoo saaro ayey haddana ragga gabya wax sii dheer yihiin.

- Umma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e
- Kasha muran ku yaaley xikmadi, kilinkilaysaaye
- Kulcubaha xiskay doodo iyo, kiishash laabta ahe
- Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga
- Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage

- Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
- Ma kaakicine dhawr goor anigoo, kaalay odhan waayey
- Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
- Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududaba
- Kol hadduu karsamay oo shidamayoo, aad u kululaaday
- Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
- Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaasho (Cabdullaahi Dhoodaan)

Gabay Hawle waa kii ka calaacalay gabay uu ka baqay inuu wadnaha joojiyo haddii uusan fasixin oo waa kii lahaa: Hud-hudkii aan cunay baa wadnuhu, haw ileeyahaye. Tixdaa inuu magacu ka raacay abwaan Muxumed Yuusuf Xasan ayaa la wariyey.

Yuusuf Qabiili isagoo isna sifaynaya farqiga u dhexeeya gabayga shin-u-dhaladka ah iyo midka qoorqabadka, luqunjibbaadhka, iyo xaraf doondoonka lagu sameeyo waa kii lahaa:

- Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin
- Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin
- Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma yeeshaanee

Isagoo waqtiga iyo waayaha, ummadda doorsoontay, iyo gabaygii oo heeso iyo geeraaro macno yar lagu badalay eersanaya waa kii lahaa afkaygaba inaan haysto ayaan doormooday, marse haddii ay abwaan gabay iga dayn waayeen bal aan iskaga luudo. Wuxuu xujaystay:

- Qarnigaa badalay maansadii, qaaliga ahayde
- Qaaraami iyo heesay wakhtigan, uga qushuucaane
- Ka qulquliya geeraarka aad, looma qaayibo e
- Inta gabay qofkii marin lahaa, qiimo jabinaayo
- Quful inaan ku gooyaaba roon, qoomamuu taraye

- Inkastoon sidaa uga qashdhacay, oo qalbigu diiday
- Oo gabay qalleyf saa u yahay, amuu qadhaadhaaday
- Aan iskaga qutubo haatan way, igu qodeeyeene (Cabdullaahi Dhoodaan)

Gabaygu mar haddii uu sidaa u heersareeyo waxaa qasab noqotay in ehelkiisuna la mid noqdo oo ay ahaadaan bulshada kuwo tusaale u ah. Haddii ninka gabyaaga ah duulduulkiisa iyo meel-ka-dhiciisu bato wuxuu haad u noqdaa haalufaysiga kuwa ay gabay-colka yihiin.

Gabyaagu wuxuu ka magac dheer yahay qoyska uu ka dhashay iyo mararka qaarkood mujtamaca uu ku dhex noolyahay goldalooladii ka iftana sidaa oo kale ayey u magac dheeraataa. Haddii aan taxo Sayid Maxamed, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Suldaan Tima Cadde, Cadhays Ciise, iyo Cali Xuseen waxaa dhici karta in qof walba oo akhriya magacyadaa aqoonsado. Haddiise aan weydiiyo qoyska uu ka dhashay abwaan walba dadka intooda gabay dhaadhiga ah ayaa garan karta. Mar haddii abwaanku yahay qof bulshadu sidaa ugu wardido warkiisana la is qeybsiiyo, wuxuu ku qasbanaaday inuu isdhawro oo gebidhacu ku yaraado; geesinimo, gacan furnaan, iyo gobonimo oo dhanna kulansado.

Tusaale waxaa inoogu filan ninkaa odayga ah ee Raage Ugaas ee aan kor xusnay. Raage wuxuu ahaa hal-beegga gabayga, garashada, geesinimada, iyo gobonimo dhamaanteed lagu cabiro. Wuxuu ku sifoobay qodob kasta oo qofka magaciisa iyo mansabkiisa kor u qaada wuxuuna ceebkasaliim ka ahaa wax walba oo dhagxumo iyo magacxumo usoo jiidi kara. Wuxuu ahaa nin lagu qiyaaso oo la yidhaahdo aftahanimada sidee Raage ka yahay, gabayaanimada sidee Raage ka yahay, geesinimada sidee Raage ka yahay, garasho kalese sidee qofkaasi Raage ka yahay.

Martabada intaa la eg haddii uu gaadhay waxay Soomaalidu jaha walba isula dhexqaaday odhaahdiisa. Kii gar cadaawa goynaya wuxuu daliilsaday gabayadii iyo halkudheggii Raage, kii maslaxo iyo samo-ka-talis waday isna wuxuu daliilsaday odhaahyo badan oo laga soo raray Raage. Kii walbahaar jacayl ku gaaxday wuxuu doortay tixo ka mid ah gabayadii badnaa ee Raage u mariyey dumarkii u dhaxay. Wuxuu noqday magac dibnaha qof walba oo Soomaaliyeed ku batay (household name) dabadeed usoo dusay jiilal dambe oo badan sida innaga. Wuxuu ahaa shaabad qof walba jeclaaday inuu ku nabo kii kale ee aftahan ama gabyaa la ahaa.

Gabay dagaal iyo mid maslaxo, mid aargoosi iyo aano gudasho, mid jacayl iyo ammaan, midka fardaha, deegaanka iyo duljoogtiisa guud ahaan oo uu sifeeyo iyo nooc walba ayuu la af wareegay. Gabayga kaliyana ma ahee xikmado badan oo uu reebay oo maanta la daliilsado ayaa ciiddaa camaareey ah.

Kii halabuur lahaa wuxuu dalbay inuu Raage la munaaqashoodo oo dadku maqlo Raage oo magaciisa xusaya ama inuu gabyaa yahay sheegaya. Kii arintaa ku guuldaraysta gabaygiisa iyo garaadkiisa suugaaneedba wuu dhaliili jiray ummadduna aad waxba ugama tabin jirin. Ninkii xilliggii Raage soo gaadhay ee ay u hirgali weyday inuu la koodo, akhyaar kale oo aad uga dambaysay ayaa isku lurtay inay lammaaniyaan magaciisa iyo ka Raage.

Soomaalida magaca Raage ku wada naalootay waxaa ka mid ahaa ama xilligaa kusoo dhawaaday dhawr nin oo hal-abuur lahaa. Inkasta oo aan taariikh sugan lahaynin haddana Aw Muuse, Aadan Gureey, Xirso Boqon, iyo Ina Jadeer ayaa deegaanada qaarkood laga xusaa. Raggaas mid walba tixo duulduul ah ayaa laga soo tabiyey mid walbana waxay dadka qaarkii isku mashquuliyaan inay ku lamaaniyaan magaca Raage Ugaas iyagoo aaminsan xikmaddii ahayd saaxiibkaa waa kuma kaad tahay anaa soo saari doonee.

Tusaale, waxaa laga yaabaa inaad maqashay Raage Ugaas ayaa yidhi “Aw Muuse mooye gabaygii, lagaba aanyuusye” ka dib markii uu maqlay gabay Aw Muuse tiriyey. Beydkaasi wuxuu muujinayaa in Raage ogaa in Aw Muuse gabyi jiray, waa midda horee. Midda labaad ogaan kaliya ma ahee inuu gabayga Aw Muuse la dhacay oo jeclaystay. Wax qiraya in beydkaasi Raage ka ahaaday ma jiro. Nin mar cajal duubay ayaa sidaa dad badan gaadhsiiyey xaqiiqaduse waxay tahay inay uga golleeyihiin oo kaliya Raage ayaa Aw-Muuse gabaygiisa jeclaystay oo rag kale oo dhan ka xirmaaniyey. Waxaa wanaagsan inaan beyd kaliya laga warin abwaanka ee dadka qaba in sidaa Raage yidhi ay gabayga beydku ku jiray, sheekadii dhacdada, iyo munaasabadii oo dhan nasoo gaadhsiiyaan.

Waxaa kale oo aad maqashay Raage ayaa markuu dhagaystay gabay ka ahaaday Aadan Gureey la yaabay sababta uu ninka saa u gabay adag u maqli waayey hadda ka hor. In kasta oo aan shaqsi ahaan ka helay gabayada teelteelka ah ee Aadan Gurey ku aroora gaar ahaan midkii uu gabowga ku sifeeyey, haddana odhaahdaa sida ta hore wax raad ah oo caddeeya inay Raage ka timid waa la waayey. Nimanka sheegay halka ay kasoo gaadhay iyo raadraacooda midnaba lama hubo.

Sidaa si la mid ah waxaad maqashay iyadoo Raage, Xirsi Boqon, iyo Ina Jadeer baa isu gabyey la warinayo. Waxay tabiyeen in Xirsi Boqon tixo luuqda ku dheeraystay goor cawayskii ah. Haweenay u dhaxday oday adeerkii ahaa ayaa tixihii maqashay kolkaa ayey kor usoo baxday oo ku tidhi hadal macnihiisu ahaa waar ama sida inanka Raage Ugaas u gabay ama caruurta hayga toosinee cawcawda iga daa. Hadalkaa ayuu ka xumaaday Xirsi oo uu qaadan waayey bal cid kale ha joogtee in aayadii u qiri waydo gabayaanimadiisa. Wuxuu haddaba halkii ka mariyey, sida la wariyey, beydadkan hoose:

- Hadda Raage oday buu noqdoo, ka amar weynaaday
- Ardaydaan ka tagay buu ahaa, alif bilowgiiye
- Al-baqrana ma gaadhine hadduu, dhigan idaajaaye
- Halka Ina-Jadeer ka unkadaa, awrta loo rariye
- Aan ardaayo wada oodanee, waa inoo idhanka

Raage Ugaas ayaa tixdii gaadhay wuxuuna kaga soo jawaabay gabay aan ka helnay halalkan hoose. “Maansadu inay ugu baxdo ayuu, ii maxooliyiye” ayuu Qamaan Bulxan ku yidhi nin kale oo jeclaystay in dadku maqlo isaga iyo Qamaan oo isu jawaabaya, Qamaanse iskala weynaa. Sidoo kale Raage wuxuu ku lee yahay Xirsi af iyo adin midna iguma gaadhidee meel fadhiiso haddii kale af-weynta ayaan laba kaa dhigayaa.

- Bus xaggaaya jiilaal balyaday, qaranka oo biifay
- Barin doog leh nayluhu gugay, baqalyo rooraane
- Baakiro tarkeed waw bishaa, laba bakuuroode
- Bintadii lahayd dhaan hadday, uga buseylayso
- Birisku biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo

- Baaluqe ismood wiil hadduu, buuryo-goys yahaye
- Bisqinbaa nin weyn kugu dirtoon, biidna kuu tarine
- Shansho iyo baruuriyo hadduu, badhi wan weyn yeesho
- Baraar habartii loog kama baxshoo, gowrac kama baajo…

- Buulalaydh maraakiibta waa, lagu bidhaanshaaye
- Intaan baxar sitiin kula galaan, kaaga soo bixiye
- Badda hooy ka joog moolka, yaa bahalo jiifaane
- Bi’i waaye Habar Yooniseey, baadidaa cesho

Ina Jadeer oo aan jeclaysan gabayga Xirsi Boqon iyo soo qaadka uu magaciisa soo qaaday, lana yaaban isku dhererinta uu Raage Ugaas isku dhereriyey ayaa isna tix kale oo aan ka hayno halalkan hoose tiriyey. Soomaalidii hore way aragti fiiqnayde wuxuu Ina Jadeer masuugay tixda Xirsi wuxuuna uga digayaa in afarey uu fudayd ku bilaabay aysan af libaax ku ridin. Waxaa ka mid ahaa tixdii Ina Jadeer:

- Adduunyadan inkaarta iyo ishiyo, aakhir saban joogta
- Ee aqalba aqalkuu u xiggay, ka ololaynaayo
- Ee ubax cadkeedii lumayee, obalasku uu muuqdo
- Ninka awr u soo raranayaa, mid aan ogayn weey…

- Arariyo aqooniyo garaad hadday, Raage u ahaatay
- Ugaas sharaf leh aar soo hinqaday, idil tolkiisoo ah
- Umal iyo masayr iyo adoo, oohin tabar mooday
- Addin iyo markii ay laxaad, kala itaal weyday
- Dawacadii uf tidhi tulluddii ay, aasan kari weyday
- Ayaan kula simee Ina Adeer, eersashada jooji…

Daacadi ma hungowdo iyo wax la qariyo qudhunbaa ku jira isagoo mid ahaan ka duulaya ayuu labadii nin gabay ku kala asteeyey, una digay Xirsi oo yidhi inkasta oo aan adiga ku oday xigo haddana Raage ma gaadhi kartidee eersashada iyo erayga liita dhaaf.

Dhinaca tiraabta, maalin maalmaha ka mid ah ayuu Raage arkay qeyradiisii oo colaadi hareeraysay oo niman qeylodhaan ahi war in laga tashado mudan reerka la dhexmeerayaan. Waxaa nimanka midkood si cod dheer ugu dhawaaqayey “war waayeelku ha soo baxo war waayeelku ha soo baxo oo geedkan aan hoos taagnahay ha la isugu yimaado. Talo ayaa lagama maarmaar ah ee waayeelku hasoo xoomo.” Geedka uu ninku hoos taagan yahay ayaa waxaa la wariyey in laan ka mid ah Raage Ugaas oo gaban markaa ahaa dusha sare kaga fadhiyey isagoo sidii korihii marba laan u boodaya, ileen waa kuray iyo camaladiisiiye.

Ninkii waayeel uruuriska ahaa ayuu Raage la yaabay oo uu isweydiiyey tolow ma quman yahay mise waxbaa u dhiman! Cabbaar ayuu yara sugay bal inuu is garto oo qawlka afkiisa kasoo baxaya saxo. Markii ninkii intii uun ku celceliyey ayuu Raage is hayn waayey oo yidhi “war waayeel ha u yeedhinee waxgarad u yeedh.” Odhaahdaa oo aad ugu baahday geyiga Soomaaliyeed noqotayna xikmad tusaysa in qofka garashadiisa lagu qiimeeyo ee aan guyaal badan oo uu tirsaday waxba ahayn haddii uu gaabis dhinaca kale ka yahay.

Xirsi Injirif oo ay Raage isku raas ahaayeen oo aan naf ahaantiisu qadhoon hurdin ayaa isna waxaa naga soo gaadhay xikmad caan baxday. Kol uu arkay qoyskiisa oo colaad sokeeye u qaashaartay, waxgarad colka kala joojiya ama maslaxa raadis ahna indhihiisu qaban waayeen, niman dhalinyaro ah oo fallaadha mariidka isu wada darayna agagaarkiisa ku badateen ayuu ishayn waayey oo reebay xikmadda tidhaahda “waayeel jiraaba waa inagee leebka iyo qaansada inaga dhiga.” Nin aftahanimada iyo garaadkuba buux dhaafay ayuu ahaa. Allow kuu naxariiso.

Rag door ah oo xikmad iyo halkudhagyo caan ah reebay oo aan aad u xiiseeyo inaan uruuriyo ayaa jira. Sida Raage iyo Xirsi Injirif, waxaan ka helaa xikmadaha Fooleey Aadan, Muuse Cawl iyo Suldaan Cali Saafi laga soo tabiyey. Kuwa Suldaan Cali Saafi waliba aad ayaan ugu qoslaa. Uruurin iyo gole kale ha inoo ahaato.

WQ: Cawaale Xuseen
awallea@hotmail.com
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner