Silsiladdii Halac-dheere iyo Haameey

Inkasta oo ay adag tahay inaan qisadan salkeeda soo xaadhno, gabayadii laysu tiriyeyna aanaan wada helin, haddana inta nasoo gaadhay iyo sida ay noo soo gaadheen uun aan soo gudbino.[1]

Silsiladdani waxay asal ahaan ka dhex aloosantay niman Reer Qorraxey ah iyo kuwo Reer Bari ah. Gadaalse way baahday oo xilligaa raggii gabyi jiray kuwa ugu tugtug roon qaarkood ayaa soo galay. Bari iyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya waxaa loogu yeedhaa Silsiladdii Halac-dheere; Galbeed, Doollo, Ciid iyo Qorraxeyna waxaa looga yaqaanaa Silsiladdii Haameey. Halac-dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye iyo Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey ayey labada magaci ku kala abtirsadaan. Billowga sheekadu waa sidan:

Nin la odhan jiray Axmed Buraale[2] ayaa doonay gabadh la sheegay inay Ina Keenadiid ahayd.[3] Axmed wuxuu Qorraxey ka kaxaystay rag gadh-madoobe u badan oo fardooley ah. Axmed iyo asxaabtiisii waxay safar sii ahaandaanba habayn dambe ayey usoo hoydeen Cali Sharmarke[4] oo ay gabadhay usoo qasdeen xigto ahaayeen. Sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa Cali martidii wuu sooray. Subixii markay kallahaad u hogbadeen ayaa ninkii la odhan jiray Xuseen Canshuur Cali,[5] oo quruxda iyo qoodha Alle ku mannaystay awgeed Halac-dheere lagu naanaysi jiray, wiil yar oo gogoshii martidu ku seexatay uruurinayey wuxuu ku yidhi “adeer, orodoo aagaan biyo ah ii keen.”

Yarkii oo aan wali dhaqaaqin ayaa Nabaddiid Guraase Xaaji Cali[6] oo ragga galbeed ka yimid ka mid ahaa si kaftan ah wuxuu u yidhi “War Halac, hadduu Cali Sharmaarke yidhaahdo: Halac-dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye, maxaad samayn?” Raggii meesha joogay oo dhanbaa qoslay. Gabankii oo hadalka raggu ku kaftamay maqlayey ayaa balow yidhi oo Cali Sharmarke gaadhsiiyey meeriskaa.

Cali Sharmarke ayaa halkaa fursadi uga soo baxday oo wax hore oo uu tirsanayeyba damcay inuu hadalkaa nimanka kaftamay is dhaafsadeen ka faa’iidaysto. Geedkii ayuu yimid oo yidhi “wadadu waa cabsiyee, ciidan ayaan idinku darayaaye fardaha ka dega, maantana hadhsada.” Maadaamuu Cali Sharmaarke yahay oday degaankiisii marti lagu yahay kuma aanay gacansaydhin ee nimankii fardihii ayey ka degeen.

Cali Sharmarke qeylo-dhaan ayuu u kala diray afarta jahaba wuxuuna abaabulay martisoor weyn. Xilli qadadii ku aadan ayaa nimankii waxaa loo keenay sooryo geedaysan. Garte in meesha wax ku jiro oo taataabasho iyo eed ka carar ha joogtee, kal iyo laab uma aysan qadaynin. Martidii kolkay faraxalatay ayuu Cali Sharmaarke mariyey afarey kaftan ah oo meeriskii Nabaddiid Gurraase ugu culus yahay. Wuxuu yidhi:

Gobonimo inay hodan tahay, oo horay naloo siiyey
Hanti tiisa isagoon wadanoon, tolkii iga horaynin
Halac Dheere ninkii sanado, hayn jiraan ahaye

Meerisyadaa ayaa dhinac walba u duuflaalay oo butaaciyey silsiladdan. Waxaa kale oo ay meerisyadaasi Cali Sharamarke ku noqdeen cambaar ragga kuwii isaga la safnaa mooyee mid walba oo kale ku halqabsado maxaa yeelay martidoo la dhibsado, laga seexdo ama lagu dhagahadlo waa ceeb Soomaalida dhexdeeda.

Nimankii safarka ahaa inkasta oo ay beydadkaa kore qoonsadeen, rag gabyana ku jiray, ma jawaabin ee dhabbada ayey cagta saareen waxayna muddo gaaban ka dib gaadheen raaskii Keenadiid, gabadhiina u gole-fadhiisteen. Soomaali hadal kuma dhex qarsoomee, Keenadiid meerisyadaa kore maqal. Wuxuu haddaba golihii keenay dhawr gabdhood oo tii raggu soo doonay mid ka tahay, kuwo kale oo dadka sida gardarada ah loo haybsooco ahna ku jiraan.

Sida la maleeyey, wuxuu islahaa nimankani gabadhii ay dooneen ha ka garan waayeen kuwan kale dabadeed mar kale haloo gabyo. Nin la odhan jiray Seeraar Cali Baadhil[7] ayaa gabay mariyey gabaygaa oo uu ku baadhayo gabdhihii isu ekaa ee goobta yimid. Seeraar isaga oo aan tixraacaynin hadalkii hore ee Cali Sharmaarke, Keenadiidse tusaya inuu fashilan yahay ayuu wuxuu yidhi:

Hal-jilleedu geelay sidii, hurugo laacdaaye
Hayinkii baxsani awrta, wuu ugu horreeyaaye
Wiilkii halyeey ihi ragguu, haybad dheeryahaye

Neefkii habsami jeedalkuu, ka hanfariiraaye
Horta garanay hoobaan lamood, hogoshadaadiiye
Hagoogta iska qaad naag gobaa, hadal la taartaaye

Dabinkii Keenadiid markuu Seeraar sidaa u fashiliyey ayaa gabadhii la bixiyey, sooryadiina la kala qaatay. Kadibna Axmed Buraale iyo raggiisii waxay usoo ambabaxeen Qorraxeey iyo degaankoodii. Kolkay Qorraxey tageen ayey Qamaan Bulxan uga warameen siday wax u dhaceen. Qamaan wuxuu ahaa gabayaa caan ah, dadkana si daran u kala yaqaana. Halac ayaa haddaba dareemay in Qamaan jawaabi doono oo uusan saddexdaa meeris indhaha ka laabanaynin.

Halac wuxuu u tagay Qamaan kana codsaday in aanu jawaabin. Sida la wariyey wuxuu si kaftan ah u yidhi “Qamaanow, waa aleen qonosh ah oo Dhabayacee adigu boodaan weyn ha ii xidhin oo ha u jawaabin.”[8] Qamaan wuxuu ahaa af-hayeen idman, sidaa darteed way la ahaan weyday inuu aamuso. Wuxuu isagoo ka jawaabaya tixdii Cali Sharmaarke yidhi:

Halkaad Cali Sharmaarkow na tidhi, waa huf iyo beene
Waana hiijo godobeed raggaad, naga hafraysaaye
Haaraanka iyo faanku waa, haayir kala dheere

Harti waxaan ku nacay dheef yar buu, hilin dhan moodaaye
Waxbaan heli karaa baad na tidhi, waadna hibataane
Gobonimo hadday hodan tahay, oo horay laguu siiyey
Hah maxaad u tidhi wiil marti ah, hilib intaad siisay?

Gob haddii aad tahay, horena sidaa cid kuugu qirtay ay jirto, marti aad soortay maxaad u kohatay? Mase is qabtaan sheegashadaada iyo ficilkaagu? Sidaa ayuu Qamaan ku dooday. Hah maxaad u tidhi wiil marti ah, hilib intaad siisay waxay noqotay halqabsi aan waxba hambaynin, Cali Sharmarkena shaabad ku noqotay, qof walboo kalena madaxa u ruxay.

Wuxuu Qamaan gabaygiisa ku xusay magaca Harti. Cali-dhuux Aadan oo ragga tolkaa ee gabya ka mid ahaa ayaa soo galay. Wuxuu yidhi:

Hagagaba aan daynee Qamaan, hor Alla ruuxaaga
Halac oo hir dheer la eg hadduu, hogob kasoo muuqdo
Idinkoo la hayb ahiba waad, wada habaartaane
Harti maxaad ku geli Eebbahay, horror hadduu keenay

Wuxuu ku dooday in Qamaan qoyskiisu ka naxo aragtida Halac, habaarna ay waliba ka horgeeyaan heeladkaba markuu soo maro. Maxaad nagu eedaa haddii nin aan waxba hanbaynayn Alle nagu saliday, ayuu xujaystay.

Faarax Caytame[9] ayaa soo galay gabaygii isagoo ku dooday in Harti qadaf iyo hiil aan munaasab ahayn is raaciyey. Qadaf: nin marti ah oo waliba xidid ah oo habayn la sooray dabadeed hafaryo iyo hiiftan la isu raaciyey. Hiil: Cali-dhuux oo sheekadii kusoo biiray, kaftankii Cali Sharmarke iyo Qamaan Bulxanna kor u raray. Isagoo mar goodinaya marna afeefanaya ayuu wuxuu yidhi:

Halaaggii ka dhaca labada reer, ee hurgumo reeba
Inaanaan hortii hore lahayn, una hoggaan jiidin
Halla ogaado waataad Hartow, hiil kurtaa tahaye

Waxaa meeriska ugu dambeeya laga fahmayaa inuu jiray gabay kale oo aan ka Cali-dhuux ahayn oo dhinaca Harti ka yimid. Halla ogaado waataad Hartow, hiil kurtaa tahaye! Tolow hadduu gabaygaasi jiray kumuu ka ahaaday?

Intaa ka dib, waxaa silsiladdii soo galay Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Sayidku ugu horrayn wuxuu canaantay nimanka bari aaday ee ay silsiladdu ka kacday oo uu u arkaa niman hunguri xaggaa u hoggaamiyey. Inkaartaydii ayaa ku habsatay, Huwan iyo dhinaceeda may aadaan maxaa Hobyo iyo bari u kaxeeyey, ayuu ku dhaliilay. Caydha aan horay u dhacay ee aan waxba haysan maxaa u geeyey jiilaal dhexdii.

Canaantaa ka dib ayuu dhalleeco dusha kaga tuuray nimankii martisoorka ku hadlay. Niman Daarood iyo Hawiyeba ka dhaqan duwan inay yihiin ayuu ku tilmaamay. Hawiye iyo Daarood markuu leeyahay wuxuu ujeedaa Soomaali oo dhan.

Dabadeed, wuxuu gabaygii u duway dhinaca Qamaan Bulxan. Wuxuu yidhi meel sanbaa laga guursadaa ee maxaa idin qaaday oo Hobyo idiin la kacay, maxaad uga hortimaadeen jihaadka iyo baaqaygii gobonimo doonka ahaa? Diinta iyo dariiqada haddii aad qaadataan kuma aydaan khasaarteen, waxaase idin rogay ninkaa hadalka Keenadiid u hanqaltaagay.

Wuxuu Sayidku ku xidhay inuu si gobonimo leh usoo dhawayn una soori oo uu hilib iyo caanaba gadhka u galinayo, sidaa darteed ay tahay iyagoon daba ka maqnayn inay haleelaan xaruntii dariiqada iyo Daraawiish. Sidii Sayidka lagu yaqaanay, gabaygiisu wuu ujeedo badan yahay, dano siyaasadeedna wuu ku fushanayaa. Wuxuu yidhi:

Hunguriga Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane[10]
Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja
Wax hubaala waa inuu ka iman, Harodii Ciideede

Waa waxaan habaaroo Illaah, heeray boqontiiye
Hidyaa wadatay wiilkii hadduu, hilinka soo qaaday
Huwan[11] muu u kaco kuma qadeen, hodon-qabeenkaase

Hartigaba wax badan baa ku nool, hilib ugaadheede
Koluu Hiiradoo[12] kale noqdoo, ibilka[13] haaneedo
Bal maxaa Hobyo u dhigay arladu, kala hoyaad roone

Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe[14]
Hangadhkii rasaastuu wadnuhu, la holcanaayaaye
Guutooyinkii loo humeey, hadafkii raaceene

Iyaguba halaaggaan badeey, la hundhudhaayaane
Daraawiish hinfiri nimay wax badan, hanatay reerkiisa
Waxay la hanfariireenba waa, huubo dooro lehe

Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba
Hanti nimaaan lahayn looma tago, holaca jiilaale
Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooni ahe

Ma way sooryadii heli karaan, ma hagranaayaane
Miyey hadi karaayaan wax bixin, hunufku waa ceebe
Haaweydan aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey

Nin hamuunta kaa bi’in karaa, lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo xarrago, haybaddeed ma lehe
Haadaa-qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi!

Qamaanow hiddaha meel sanbaa, lagu hagaajaaye
Hadku waa hadkii idin khatalay, Haro Digeedkiiye
Hannaankiina nimankii yiqiin, waydinkii huraye[15]

Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene
Haadaan[16] waxaa idinku guray, habaskii gaabnaaye
Hadalka Keenadiid buu maqlaye, haayad kale mooge

Haddeer iyo haddeer gool qallaa ama, halabba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hoota-nuugta ahe
Hareerihiina waan dhigi waxaad, ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, Halacna soo raacsha

Waxaa gabaygii ku noqday Qamaan Bulxan. Sababta ku celisayna waxay ahayd, qoyska Qamaan oo meel degan ayaa waxaa kusoo baxay niman socoto ah oo u muuqday inay reerka hoyaad ku yihiin. Qamaan ayaa kob dheer ka arkay. Waxaa la yidhi, si uu ku gartayba, Qamaan wuxuu aqoonsaday in nimanku Harti yihiin. Intaysan wali soo gaadhin raaskiisii ayuu horay aqalkiisii u galay haweenaydiisiina ku yidhi "nimankaa safarka ahi haddii ay ku weydiiyaan Qamaan ma joogaa, maya dheh. Haddiise ay ku su’aalaan Qamaan Bulxan ma joogaa, haa dheh."

Sidii iyagoo xandhagaysanayey Qamaan ayey afadii waxay weydiiyeen "Qamaan Bulxan ma joogaa?" Haweenaydu inay hilmaantay iyo inay iyada naf ahaanteedu ujeedo kale lahayd Allaa u cilmi leh, waxayse nimankii ugu jawaabtay "mayee Qamaan Bulxan ma joogo." Hawraartaa haweeynaydu kolkay dhagihiisa kusoo dhacday ayuu kor usoo baxay, nimankiina maqashiiyey tix in gaaban uun aan ka helay.

Rag oo dhan inuu ugu sito, socotadu inay soo haybiso soona hiigsato raaskiisa, inaysan la kuf ahayn inuu martida ka dhuunto hadduu sidaa yeelana aad loo ceebindoono ayuu ku dooday. Mood iyo noolba wixii gacantiisa ku jira inuu si gobonimo leh u bixiyo inuu jecelyahay ayuu xusay.

Intaa ka dib, wuxuu u gondodegay hadafkii gabaygiisa. Nimankay is hayeen ayuu ku sheegay niman iniq uun bixiya dabadeed codbaahiye qaata si ay u manasheegtaan. Niman waxay sadaqaystaan baddel, gunno ama abaalmarin ka suga inay yihiin ayuu sii raaciyey. Ma iyagoo kale ayeynu nahay maad martida dhib yaraan soortid ayuu ku xidhay. Wuxuu yidhi:

Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye
Waxaan ahayn nin lagu soo hirtoo, heelan abidkiiye
Ma huluulan karo buul anooy, timihii haarmeene
Waakaa raggaan ka hambas idhi, galaya haybtiiye

Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye
Iyagaa intay hiish[17] baxshaan, heesi dabataale
Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla geysteene
Ma Hartaynu nahay soorta maad, hadal la'aan dhiibtid?

Gabaygaa Qamaan ayaa Bari la geeyey. Dabadeed waxaa mid jawaab ah soo diray Cali Sharmarke. Haddaad Reer Faarax tihiin caano geel iyo cad la quuto midna ma haysaan oo caydh baa tihiin ee ma hilib dadbaad siinaysaan qofkii idin soo martiya, ayuu xagga Qamaan usoo diray. Wuxuu yidhi:

Qolqoladda haddii ay martidu, qab iska soo siiso
Qoladiina Reer Faarax[18] yaan, qadow ka foofayne
Qabey caano geel lagu lisiyo, qado ma haysaane
Ma dad baydun qali xoolo, waad ka qatanaydeene

Gabaygu wuxuu ku socday xarafka ‘H’ sidaad aragtidna Cali Sharmarke ayaa ka baydhay oo xarafka ‘Q’ ku qotamiyey gabaygan aan intaa yar uun ka helnay. Arintaa waxaa Qorraxeey looga arkay deelqaaf laga maarmi karay. Sidoo kale kaftanka dulucdiisu waxay ahayd deeqsinimo, gobonimo, dheef-ku-kadal, bakhaylnimo, hunguri iwm. Ma ahayn maal badni iyo fakhri midna. Sida gabaygiisa ku cad, Cali Sharmarke dhaliishiisu waa caydhnimo. Qodobkaana gebidhac ayaa Qorraxeey looga arkay.

Si kastaba ha ahaatee, Qamaan ayey soo gaadheen meerisyadaasi wuxuuna ka celiyey jawaab. Qamaan wuxuu ahaa nin looga dambeeyo anshaxa iyo asluubta miigan ee gabayga sidaa daraadeed xarafkii hore ee gabaygu ku billowday (H) ayuu wali ku dheganyahay oo uu gabaygiisii dambana ka qaaday. Mar haddii uusan nin soo oodma ahayn, sabab uu xaraf kale u aado ma jirin.

Xayndaabkii hoose ee Qamaan mar haddii loo dhacay ma dhawrashay leedahay! Harti iyo Absame isu gabya ha joogtee, maxaa gaadhsiiyey Faarax Xandule oo awowga labaad ee Qamaan Bulxan ah, ayuu aragtidadyda is weydiiyey. Mar haddii qoysas hoose la sheegay bal ha la maqlo anna taan dhigo ayuu is yidhi, wuxuuna mariyey gabay aad looga dhibsaday dhinaca Bari. Gabaygaas nasiibdaro waxaa iga soo gaadhay laba meeris uun.

Nasabka qoyskii hoggaanka u hayey Majeerteen isagoo duraya ayuu wuxuu yidhi:

Hoos in laysu sheegiyo haddii, hadal la dayn waayey
Hiddo xumo Bah Yaaquub nin ihi, hayb ma faaqido e

Intaa dabadeed, nimankii Harti gabay dambe ma soo celinin ama soo celiyee wuuna nasoo gaadhin. Kuwii Absame waxaad moodaa inay carcar hor leh galiyeen sheekadii. Waxaa isku xigay saddex nin oo kala ahaa Ibraahin Cayo, Camanje Yogol iyo Faarax Caytame oo mar kale ku noqday.

Haameey: Ibraahin Cayo[19]

Ibraahim wuxuu ahaa Reer Wardheer, gabayganse markuu tirinayo wuxuu joogay magaalada Jigjiga. Haameey: waa nin Harti, Dhulbahante ahaa oo Daraawiishta ka tirsanaan jiray hase yeeshee la wariyey in laga caydhiyey xaruntii Daraawiishta. Waxaa la yidhi wuxuu ahaa nin hunguri weyn. Maalinbaa waxaa la arkay isagoo aroortii halkuu cunto u fadhiistay hadhkii kaga wareegay, kolkaa ayey Daraawiishi waxay tidhi kan calooshiisa ayaaba ina caydheen ee ha ina dhaafo.

Haameey markii xaruntii Daraawiishta laga caydhiyey wuxuu u galay Talyaaniga oo uu asgari u noqday. Ninkaa hunguri badnida lagu sheegay ayuu Ibraahin Cayo wan buuran u qalay. Wuxuu ku yidhi cun, hanbana lagaama sugayee ka faraqabso. Sida la wariyey, gabayguna u marag furayo, Haameey wuu ka noolaaday sooryadii, wixii calooshu u qaadi weydayna weel ayuu ku ritay oo gurigiisii la aaday.

Dhaqanka Soomaalida, martidu waxay markaa cuni karto ayey calfataa laakiin qaadashadu waa ceeb. Ibraahin isagoo arrintaa ka hadlaya, gabayadii hore ee Harti ka yimidna ka dabaakhtamaya ayuu kan hoose tiriyey.

Wuxuu qeexay inaan dadku isku heer ahayn Talyaani iyo Ingiriis imaatinkoodii ka hor. Wuxuu xusay shaki dhinacoodu qabay oo ahaa inaan Cali Sharmaarke gabaygu afarta beyd ee uu ka aloosmay lahayn ee uu nin Hunle[20] la odhan jiray u dhiibay. Inaan hanbo laga rabin Haameey markii loo loogay iyo inaan nin gob ahi martisoor uu bixiyey hanbo ka sugin, ayuu ku dooday. Inaan nimankan soo gabyey ceebta iska dhawrin, haddii aanay Haameey inkirinna aysanba nasab ahayn, ayuu sheegay. Wuxuu xusay in dhaqanka Soomaalidu leeyahay xeer hufan oo haga martida iyo ka loo martiyeyba, xeerkiina uu Harti jabiyey siday isaga la tahay. Wuxuu kusoo gooyey Haameey bal nala arka intaad Halac hadal haysaan. Wuxuu yidhi:

Dadka Dhabayaco heer lama ahayn, lamana heesayne
Markuu Faranji heenseestay buu, soo hanbaabiraye
Huurmoodka Deex Bari ka yimid, way hinbaabiciye

Hebel magaca ay sheegayaan, uma hagmaayaane
Hoggaan diid ah waatii dorraad, loo hanbooriyaye

Dhabayaco hummaag been ah, ways kaga hadaaqaane
Saddex haloo kugu huursanaa, tan iyo Haabiilba
Kolkaad Orobo heegan u tahaad, la hardafaysaane
Hunle Tanade weeyee hadduu, hadal yar kuu dhiibay
Sidii heeshii webigoo kalaan, kuu hafinayaaye

Hal waxaan ku idhi heybta iyo, habarwicii yeedhay
Waxaad Koonbe uga haayirteen, Geri halaagiiye
Harti goloha kama yeedhi jirin, eegga ka horowe
Wixii harag cadcadi suu cabbaar, kuu hawadinaayey
Wali Dhabayacooy kaama hadhin, huutanimadiiye
Holla xumaddu waa duugagii, inaad hagaagteene

Halla waxaan ka idhi kii haddeer, hononay ee faaney
Hidda boqor ma gaadhide waxyahow, midig ka haaneedi
Dhaqankiinii hiijada lahaa, ee huqdigu jiifo
Iyo higiradiinaa yaree, idin hungaynaysa
Hannaankii gun kaa dhigi jiraa, u hardi weynaaye
Hiyigaad ku xeertiin sidaan, kuu haraatiyeyba
Gooraad hagaagtiyo ma jirin, haro ku maydhaaye

Gobonimada saad jeer habeen, uga huleesheenba
Hadda sidii hormuud Kuumadiyo, haybtayada guudba
Hulka xeebta idinkoo hundhudha, kuu horjoogsadayba
Lama arag habeen uu wanaag, kuu hoyaadtimaye

Halla waxaan ka idhi reer Hartiga, kaba han weyneyne
Si’aad noo hareer joogsataan, dhaaxba la helayne
Sumuc idinku heeryee Kufriga, loo hishiishiciye
Inaad wada hanfadayaal tihiin, maalintuu hubiyo
Sida waagii aad naga hadhuu, kuu haraatiyiye

Hubka aan tolkay haysan ee, lagu halaagaayo
Waxaa nooga hiirtaanyo badan, dood haweysiga e
Huubooyin buu nagu af-baray, huura-eyluhuye

Halla waxaan ka leeyahay hanbiyo, tii hungurigiiya
Marti weelal heemaarsatoo, reer usoo hoyata
Dad hanti leh hadhuub caano li’iyo, hoo intuu bixiyo
Hibashiyo catow kuma dareen, dhiil la heensadaye

Idinkaa hallada ceeba li’yo, hayla qaab darane
Tu la hubo habaynkii Jigjiga, xeedhyo hilibaysan
Hanbo lagama doonayn sidii, reer hadhuub suge e

Waase Dhabayac uur hugucsan oo, dhabar higaagnaaye
Wan habeed leh goortuu liqiyo, fuud hal jaban deeqa
Kor u hilatadiisii intuu, hilib kasii buuxsho
Baruurtuu hanbaday soo higoo, haysan kari waaye

Hunqaacada kolkuu boodayee, sii hummaagsanayey
Hankakoobsiguu fooraree, hogol butaacaayey
Hucda iyo hacdii iyo wuxuu, kala hiinraagaayey

Hayaay iyo haween soo didiyo, ubad hurdaa toosay
Maxaa helay maxaa tallow hayiyo, hadaladii faafay
Hoostiina kama dhawrataan, hogaga ceebeede
Haddaydaan Hartiba ma aha odhan, hunufka saa yeelay
Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey?

Waxaa soo galay Xuseen Yogol Furre (Camanje.)[21] Isagoo hal dhagax laba shinbirood ku dilaya ayuu wuxuu gabayga isu mariyey Cali Sharmarke iyo niman kale oo Majeerteen ahaa oo askar Talyaani Jigjiga xilligaa joogay ka tirsanaa. Wuxuu mariyey tix ay naga soo gaadhay:

Namiimnimo Majeerteen miyaan, wali ka niibkeenin
Ma nifaaqii oo buuxiyuu, xalayto nooleeyey
Naxligiyo nuxuustii miyaa, naari soo kiciyey

Nasri miyuu ka sugi Eebbahay sow, ma nici doono
Iyagiyo Namruud sow Jannadu, kama nijaasoobin…

Nayroobi iyo Xamar horaad, nag uga siiseene
Dhulmahantaa naflaha kuugu xiga, nabadse kaa waaye
Warsangalina nabarkaad baddeen, nadigu[22] iimeeye

Adduunkii nagaa idinka iyo, naagahaa rogaye
Nasabkiinu meel buu ahaa, nuridu waa iine
Nacallaa Majeerteen ku yaal, nolol ma haystaane

Af Gudhiye: Faarax Caytame:

Waxaa Ibraahin Cayo iyo Camanje u dabamaray Sheekh Faarax Cabdi Caytame isagoo Cali-dhuux, Cali Sharmaarke, iyo Gooniba gabaygii ka xidhay markuu tiriyey tixdii qafilnayd ee uu kusoo gabagabeeyey silsiladdan ee la magac baxday Af-Gudhiye. Inta uusan tixdaa tirin ayuu mariyey hal-xidhaale kale oo kooban. Isagoo ku cadar-da’aya nimankii ay is hayeen ayuu wuxuu yidhi:

Dharaar Maa’i la joogay
Intii jaahil ahayd
Biyaha yaa juluq siiyey?
Oo jawlaantii ku tuuray?
Xaggayse xeeli jirtaa?

Haddiise haatan ajaa
Jiim bijaa loo hore jiido
Ja maxaad ka malayn?

Xiddigaha jurmigooda
Labadee jil wadaagta?
Al-jawisna tay wax yihiin?
Binaase yaa kala jeexay?
Tumaa jaafur ahaydoo?
Saana yaa ku jeclaaday?

Intaa ka dib, akhyaartii kaftankan la socotay ee degaanka Faarax kasoo jeedday ayaa waxay kusoo celiyeen hadal macnihiisu ahaa war hal-xidhaalahaas nimankii Harti ma furi karaane u jilci. Hagaag ayuu yidhi, wuxuuna jeedladay faraskiisii una jihaystay carro Majeerteen si uu usoo darso nimankaas iyo nolosha ay ku noolyihiin, una soo indha-indheeyo goldaloolo uu gabaygiisa gundhig uga dhigo.

Wuxuu sii habayndhexaba, qeyro degaankii Cali Sharmaarke ka tirsan ayuu ka dul dhacay. Wuu haybsaday. Markuu xaqiijiyey in nimankuu usoo qasday jabada yaalaan ayuu faraskii ka degay, geed hooskiina fadhiistay. Odayaal ayaa u yimid oo waraystay. Wuxuu duqaydii ogeysiiyey inuu macallin-quraan dar Illaahay u dhawaafaya yahay, dhinacaa iyo Galbeed ka yimid, ujeedada safarkiisuna ahayd inuu diinta Islaamka faafiyo. Waxgaradkii qeyrada ayaa arintaa u guuxay, una qalabqaatay inaan sheekhan Rabbi circa uga soo lulay, waa say u qaateene, dhinacna u dhaafin. Si degdeg ah ayaa loo dejiyey dugsi weyna loogu ooday. Halkaa ayuuna alif wax ma leh ubadkii uga wada billaabay.[23]

Intii uu sheekha dhulkaa ka ahaa wuxuu si gaar ah ugu dhabagalay nolosha guud ee reerihii Majeerteen. Wuxuu arkay xaalad ka duwan sidii uu islahaa nolosha Cali Sharmaarke iyo qoyskiisu way tahay. Wuxuu la kulmay dad caydh u badan, tabaalaysan oo guud ahaan nolol adag ku nool.

Wuxuu is yidhi mindhaa nimanka dan baa haysay oo waxaas oo dheef-ku-hadal ah waxaa ku xambaaray mucsurnimo. Markaa ayuu fatahay Af-Gudhiye. Wuxuu jilibxidhay silsiladdii isagoo ugu horrayn naqdiyey gabayga Bari ka yimid. Wuxuu leeyahay Majeerteen maxaa ku qaaday oo aad la ladi wayday? Ma magan baa lagaa qaaday, ma maal culus baa lagaa dhacay, ma madax baa lagaa laayey, mise intaa midna ma ahee looggii aad loogteen ayaad gunno ka rabteen?

Goormaa dhaqankii hufnaa ee Soomaaliyeed cirka caadka loogu rogay! Dabadeed Faarax wuxuu hiifayaa cidda uba martiday nimankaa oo uu u arko cid kale oo marti la sooray dhibsan lahayd in aanay jirin iyagaa uu fudaydka ku tilmaamay ma ahee. Wuxuu kusoo afjaray hal-xidhaale nin walba oo gabay iyo cilmi isbiday ka maagtay oo furi waayey. Wuxuu yidhi:

Maansada rag badan baa yaqaan, maritinkeediiye
Maqtalkaa la kala joojiyaa, mid iyo caynkeede
Adigoon u meel dayin inaad, madal ka soo heesto
Muran uun inaad keen tidhaa, mahabbanayn saase

Maanku waa halkiisee ninkii, socoto miihaasha
Meydka iyo isaguba waa masaa, oo lagu muquunshaaye
Oo waad u mohon duul hadday, marinka yaalaane
Ama waad martiyi reer haddaad, magac wadaagtaane

Allay lehe Majeerteen sidaad tahay, ma moodayne
Waxaad aragga kaga miil caddayd, maqalladaadiiye
Maxamuud Saleebaan markaad, qaylo dheer marisay
Maxaa kaa maqnaa ood qalbiga, uga madoobaatay?
Maxaa maanka kaa qaaday ood, meel la ladi wayday?

Ma madax baa lagaa laayay iyo, niman maqaawiir ah?
Ma magan baa lagaa qaaday iyo, midaad ku ceebawday?
Ma Maal baa lagaa dhacay lag iyo, kun iyo maahiir ah?
Mise waxaad martida siisay baad, lacag ka miisaantay?
Miskiin gudub[24] la wayn baad tihiin, waana loo marage
Ingiriisba "Mid-Way"[25] ka samir, mulug wax saaraaye
Madhiyaana xeedhada maxaad, uga muraad yeelan?

Afartaa macneeyaye masalo, maandhaw iga hooya
Awalbuu malkada seegayooy, marin habawsheene
Sayid Maxamed iyo Caamir muu, socotodood maago
Iyagaan mitimiyeen anfaco, amase maalkiiye
Bal maxuu Hartiga maanka fudud, uga masaafooday?

Afartaa Macneeyaye masalo, maandhaw iga hooya
Maskax Bari hal aan lagu samayn, midhifna loo yeelin
Miridhna aadan garan baan hayaa, muruqyo gaabnayde

Cirka mawjaddiisii haddaad, meelo ka xisaabto
Xageebaa dawaarku u maraa, falagga meeraaya?
Madhadii xaggeebay tahoo, ma aad taqaaniin dheh

Midkee curad ah meecaadda iyo, godanta meegaaran?
Kobta qaalibkeedii ka maro, maalintii Axada
Masala gab haddaydaan ahayn, ma aad taqaaniin dheh?

Meeshay Aljaws ka marmaan, ma aad taqaaniin dheh?
Ma ekayne saacaduhu ways, daba maraayaane
Meelaha dharaartii badnaa, ma'a taqaaniin dheh?

Ayaanta iyo manaasiisha iyo, magac siyaariinta
Midba siday mid ugu waafaqaan, ma'a taqaaniin dheh?

Mushtarkii mariikhii haduu, meelo ka khilaafo
Macnahay tarbiica u noqdeen, ma'a taqaaniin dheh?

Cisho qudha dayaxu waa maraa, naas madoobaha e
Suxalkuna marxaladooyin buu, bilo dhex maaxaaye
Orodkoodu waana isku midee, ma aad taqaaniin dheh?

Biyaan wayso kuu maydhihayn, dharabsi mooyaane
Manfacadana kuu karinayoo, lagama maarmaan ah
Gabagabana markaa kaa ansixi, ma aad taqaaniin dheh?

Nin Muslim ah asaan naagihii, meher u haynaynin
Bal waxa mashaqadaa lahaa, ma'a taqaaniin dheh?

Nin Maroodi raadsaday hadduu, gabas mariideeyo
Mudutuusha waxuu fiiriyoo, malamaleeyaaba
Muuqiisa goortuu arkoo, gadafka soo mooday
Wax marxal ah meel fog iska taag, orodna maanshawye

Waran caaraddii lama maro, iyo miciyihii Aare
Abidkay nimaan moogtannaa, ima majiirayne
Miisaanna ima saari karo, nin i maleeyaaye
Haddaydaan masaladaa furayn, maansadaan tiriyey
I maqlaay fagaaraha muxuu, uga madiixaayey?

Silsiladdii Haameey/Halac Dheere waxa aan hadda ka hayno waa intaa. Ragga ka qayb qaatay laakiin aanan gabayadoodii waxba ka helin waxaa ka mid ah Xuseen-Dhiqle Maxamuud Faarax iyo Gooni Cabdi Xaaji. Xurguftu sidii Faarax Caytame ka digay waxay gaadhay meel kulul, ugu dambayna Axmed Buraale ma guursanin gabadhii uu maalka badan ka dhiibay sheekadaa durugtay awgeed.


[1] Ilo badan oo kala duwan ayaan sheekadan kasoo uruuriyey. Waxaa ilahaa ka mid ah laba cajaladood oo ay kala duubeen Cabdullaahi Dhoodaan iyo Yuusuf Colaad. (2003 – 2004)
[2] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Ugaas
[3] Majeerteen, Cismaan Maxamuud
[4] Majeerteen, Cismaan Maxamuud
[5] Xuseen Canshuur Cali Guuleed Xandule Magan. Ogaadeen, Reer Cabdille, Baha Magan, Reer Xandulle
[6] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Dalal
[7] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Ugaas
[8] Dhabayaco waa naanays loo yaqaanay qabaa’iladdii Talyaanigu u talin jiray ee Soomaaliyeed, Majeerteena hormuudka u ahaa. Aleenku waa koor yar oo dhawaaq dhuuban oo geela da’yarta ah loo xidho. Qonosh haddii la raaciyo waxaa loo jeedaa mid duugowday oo dhawaaqeedii awalba yaraa duugnimo awgeed is dhimay. Boodaanku waa koor si wanaagsan loo qoray oo cod weyn oo loo xidho hal duqayda geela ka mid ah. Geelu waa inuu 100 gaadhaa si boodaan loogu xidho

[9] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Boon
[10] Gabaygan waxaan ka saxay Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw. Jaamac Cumar Ciise. Aw Jaamac wuxuu gabayga ka qoray Xuseen-aabi Cilmi Xaaseey oo suldaan u ahaa tol tolalka Doollo dega ka mid ah. Waxaan u xusay isha Aw Jaamac gabayga ka helay waxaa weeye waxaa jira dad aaminsan in gabaygan Xuseen-dhiqle tiriyey, waxaase ila xooggan in Sayidku tiriyey sida beydadka qaarkood laga fahmi karo.
[11] Huwan: Reer Cali, Reer Isaaq, Ogaadeen iyo Abasguul Bari ayaa huwan loo yaqaanay xilligaa
[12] Hiirad: wuxuu ahaa nin hunguri weyni lagu sheegay oo Dhulbahante, Bah Ararsame ahaa oo niman Ogaadeen, Reer Isaaq, Reer Cali ah qowsaar u ahaa. Sida sheekadu nagu soo gaadhay, iyaga iyo Allahood ee, Hiirad xidhaalo ma qaadan jirin, calooshiisa u shaqayste ayuu ahaa.
[13] Ibil: eray asalkiisuu Af-Carabi yahay oo la mance ah geel
[14] Tuugga haysha leh: Suldaan Keenadiid ayuu ujeedaa
[15] Hannaankiina nimankii yiqiin: Daraawiish ayuu ujeedaa
[16] Haadaan: god dheer oo dabiici ah oo inta badan meel aan ishu qaban karin oo qow hoostii ah ka qodan
[17] Hiisku waa wax yar oo aan dhamaystirayn; heerkaan ku moodaayey baa, hiishash kaa go'aye waa kii ninkii kale ku lahaa qof uu mindhaa u han weynaa laakiin noqon waayey siduu u haystay. Markay waxbixin maagaan inay in yar uun dhiibaan hadalxumana raaciyaan ayuu ku sheegay nimankaa
[18] Reer Faarax: waa raaska hoose ee Qamaan Bulxan ku arooro: Reer Faarax, Reer Xandulle, Reer Magan, Reer Warfaa, Reer Cabdille, Ogaadeen. Qamaan Bulxan Yuusuf Faarax weeye
[19] Ogaadeen, Makaahiil, Abraahiin. Cabdullaahi Dhoodaan cajalad uu duubay ayaan ka saxay. (2004)
[20] Hunle: nin Layli Kase, Daarood ahaa oo lagu tuhmay inuu tiriyey meerisyada sheekadani ka kacday dabadeed Cali Sharmaarke u dhiibay
[21] Daarood, Jidwaaq, Abasguul
[22] Nadi: jeedal ama shaabuug faraska lagu labarogo si uu u afarqaado orodkana u dheereeyo
[23] Sheekh Faarax cilmiga Islaamiga ah wuxuu kasoo bartay caasimadii Soomaaliya ee Herar oo uu muddo arday ka ahaa sidii Raage Ugaas, sidaa daraadeed nin macallinimadu u dhib yar tahay ayuu ahaa

[24] Gudub: kiishka ama loorka raashinka ah markii labo loo qeybiyo mid ahaan oo waliba toban koobo laga sii jaro ayaa gudub la yidhaahdaa. Waa 40 koobo.
[25] Mid Way wuxuu ahaa markab kuwa dagaalka ah oo Ingiriisku lahaa oo xilliyadaa uu abwaanku gabayga tirinayo la gubay

Waxaa Qoray:
Cawaale Xuseen
awalle@gmail.com


Developed by Jago Desain