Uruurin: Xarbi, Qowdhan, Gahaydh, Dage, Hurre, Khaliif, Aflow, Beenaleey iyo Fadal

ka dib markii uu u xoogsheegtay ciidamadii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta, gumaysigii Ingiriisku wuxuu billaabay inuu isku ballaadhiyo Soomaaliya oo dhan, ciqaab ahaanna uu geeska u geliyo qoys walba oo Soomaaliyeed oo uu ku tuhmay in Daraawiishi gacan ka heshay 21kii sano ee ay gaylanka ku jirtay. Si ay ciqaabtaa iyo is ballaadhintaasi u fusho, wuxuu hubeeyey qoysas uu u bixiyey British Somaliland Tribes waxayna kuwaasi iyagoo Ingiriis ku naxaadhsan dhagac ku siiyeen degaanadii ay dariska ahaayeen. Tolalkii kale ayaa eexdaa iyo caddaalad xumadaa ka gadooday. Waa siduu doonayaye, Ingiriis dhacdiid ayuu u seexday, dhex-ku-bari ayuuna noqday kadib markii ay Soomaalidii isku mashquushay.

Sanadihii u dhexeeyey 1921kii iyo 1933kii degaanka ay ku dhaqnaayeen nimankaa gabya ee kor ku xusan oo ah dhulka dhaca inta u dhexaysa Dhagaxbuur, Wardheer, Burco iyo Hargaysa waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye oo dhexmaray jilibyo Ogaadeen iyo Isaaq ku kala aroora oo ay ka mid ahaayeen Makaahiil, Reer Isaaq iyo Reer Cabdille oo Ogaadeen ah iyo Habar Yoonis, Sacad Muuse, Ciidagale iyo Arab oo Isaaq ah. Sheekooyin badan oo ay ka mid yihiin Ijaabo-ku-sali, dameero-qalato, iyo miyaan caadaqaatiyo midgaan Ciise Dhamal sheegan ayaa baxay. Guud ahaan, dagaaladaasi saddex-geesood ayey ahaayeen, waxayna kamid ahaayeen kuwii laga tiriyey gabayada Silsiladdii Rayad la baxay oo in badan si dhansaar iyo khalad soocan ah dadka qaarkii u tabiyey.

Qormadani waxay ku saabsan tahay gabayadii laga tiriyey hal dhinac oo ah dhinaca Haro Digeed. Waxaa ugu horreeyey dagaalkii Dhurwaale ee u dhexeeyey Reer Cali iyo Ciidagale, waxaana gabaygii koowaad dagaalkaa ka tiriyey Xarbi Ismaaciil Samatar oo Reer Cali afhayeen u ahaa.

Dhurwaale

Sida taariikhdu sugtay, Dhurwaale waxaa ku gacan sareeyey Reer Cali, rag boqol kor u dhaafay oo Ciidagale ah ayaana goobtaa lagu dilay. Xarbi oo looga bartay inuu gabyo markasta oo uu tolkii gaadho guul tan oo kale ah ayaan doorkan gabyin. Sababta uusan dagaalkan uga gabyin ayaa la weydiiyey. Wuxuu ku jawaabay: “Inta Ciidagale Bari iga xigo gabyi mahayo ee aan nimankaa dhan u kala dhacno.” Sida muuqata, Xarbi wuxuu jeclaa inuu mar labaad duulaan dumo oo uu weerar hor leh Ciidagale ku bixiyo. Hase yeeshee markii Xarbiyow gabaydii laga dayn waayey ayuu tiriyey tix ay naga soo gaadhay in yar uun. Wuxuu yidhi:
Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene
Ciroolaha i waydiiyey iyo, culimadaan diiday
Cismaan iyo adaan Jaamacow, kuu camirayaaye
Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye
Carab iyo Gureey waatuu, cunay waraabuhuye
Cabdulaahi Nuux iyo Salaan, ciidda lagu aasye
Ciwad Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane[1]
Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye
Ceeblaawihii layga qaad, caalimka ahaaye
Nin cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale[2]
Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrownaaba
Jeeroo col kale soo baxoo, qolo uun caw beesho
Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray
Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye
Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine
Qowdhan Ducaale

In kasta oo ay guushaasi Xarbi ugu muuqatay mid qabyo ah, haddana dhinaca Isaaq jabkaa Ciidagale gaadhay aadbaa looga naxay hadal hayntiisa ayaana badatay. Qowdhan oo afhayeen u ahaa Ciidagale, Xarbina ay isu jawaabi jireen ayaa dabadeed Dhurwaale gabay baroor diiq ah ka mariyey. Wuxuu yidhi:
Allahayow balaayadu siday, noogu wada baahday[3]
Bowdada sidaan uga jabniyo, buuratada lawga
Ma barbaartii baa la jaray, buubsan jirey geela
Boqol sumac miyaa naga hadhiyo, baarcaddii wadatay
Togga baallihiisii miyuu, bahalku hiigaayey
Waatii Suldaankii bakhtiyey, badhida weynaaye
Bilaash weeye cayduu Isaaq, noola soo baxaye
Nimankii Berbera quudan jiray, bacadkii waw maadhe
Bannaankay ku haasaawayaan, waw baraad li’iye
Habar Yoonis beyr baa ku dhigan, baraqnuglaantiiye
Hablihii baroortee raggii, Arab miyuu baashan??
Mise toodu haw baaliddee, budulkanay qaadi
Ma burburay baryahan Reer Cabdigu, baalka waa sidaye
Muddo kolkii ay kasoo wareegtay walina Ciidagale aanay aargudan ayuu mar kale Qowdhan gabaygii ku noqday isagoo guubaabadii halkii ka sii wada. Wuxuu xusay inuu weer xidhay, sumcadxumo badanna ay soo gaadhay. Kol haddii uu sidaa mutay, Ciidagelana aargudan waayey waxaa lama huraan la noqotay inuu mar kale gabay kicin iyo aarodoon ah tiriyo, Isaaq oo dhanna hiil iyo gacanba ka dalbo. Wuxuu yidhi:
Waayadanba dhuugbaan xidhoo, dheg iima noolayne
Anunbaa dhabriirayee rag waa, dhalasho raacaaye
Maan gabay dharaartiyo dayaxa, dhayda ka caddeeyo
Abtirsiimo lama dhumiyee, dhamacda maan oogo
Maan dhammaan Isaaq kula dhex dhaco, waa dhambaal culuse
Dhalinyarada Reer Nuux col waa, looga dhaar maraye
Dhaxal eego mooyee ma laha, dhiiranaan ficile
Hadduu dhiiranaa Reer Shirdoon, naga dhawaateeye
Ina Buux hadduu nagu dhawyahay, naguma dhawreene
Dhamalqaylo nimanka u dhashiyo, dhirif Makaahiile
Reer Samatar waa dhacan yahay, dhiigse laga waaye
Waxaa dhaboolaqa lagu teediyaa, dhiisha ceebta ahe
Dhuxdhuxlaynta Reer Fiqi Cigaal, haygu dhiriyeene
Goortay dhafoorada jabshaan, haw dhiseene aqale
Dhab baan ku hadlayaa Reer Baniin, dhididi maayaane
Waadigii dhextaal iyo bankii, Dhedibba loo diidye
Meeshiyo dhallaannimo col baan, dhuungalaw xigaye
Dhakhsaan uga gigilanoo annagaa, dhiifin cadawgaase
Arab wuxu ku dhaantaynayaa, dhaawac nagu yaalle
Dhacamuhuba ways tiiriyaan, dhawrta celiyaane
Dhiigii Dammuun buu Sammane, soo dhufanayaane
Idinkuba dharaartii Ballaadh, waydun dhimateene
Waataydun dheeraadka iyo, dhicirta waydeene
Dhanka Bari haddaannaan degeyn, maydun dhaqateene
Maantana miduun ugu dhaqsada, dhibiya ehelkeede
Habar Yoonis dhudaheeda badan, waysu dhawnahaye
Nin walaalkii soo dhinac galoo, dhiirran laga waaye
Isaxaaqna dheeraadku waa, xeerkii noo dhacaye
Ugaadh Cumar dhawaaqaan u diray, dhoobey warankiiye
Muuse Cabadallihii Dheen fadhiyey, waa kaan dhiidhiyine
Dhirta Maydhisaar meesha iyo, dhinaca Buuhoodle
Dhar castii Laan Mullaaxiyo raggaan, dhawrayaan imane
Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo, dhagartu weynaato
Oo ficilku dhegahooda galo, way ka dhididaane
Kama dhawrsadaan abid hadii, uu dagaal dhaco'e
Dhiigyacabbadii Habar Jeclaan, dhaanka soo rarine
Dhulbuteeye waan galin haddaan, dhiman xigaalkaye
Eray kalana waa Ciidagale, midaan ku dheereeyey
Sheekh Yuusuf waa laga dhabqay, ee dhab u siyaareeya
Culimada wankii dhaban leh iyo, dhebicadkaw sooca
Dhoorriyo sidii Keenadiid, dhiiga soo celiya
Oo geeri waa loo dhashee, dhax xidhka uun diida
Ka dhegeysan maynee fulaha, dhoosha ka adkaysta
Dhulkana waa la kala boobayaaye, udubka dheereeya
Cabdi-gahaydh Warsame

Dhurwaale markii sidaa loogu kala baxay rag door ahina ka gabyey ayaa Ciidagale guubaabo iyo kicin galay. Gaade aarodoon ah ayaa habeen madow degaankii Reer Cali soo gashay oo dishay saddex nin oo nin la odhan jiray Carab Cali Horor ka mid yahay, geelna qaaday. Gabayaa Ciidagale ah oo la odhan jiray Cabdi-gahaydh ayuu warkaasi gaadhay kolkaa ayuu gabaygan soo dhiibay. Wuxuu xusay sidii loogaga adkaaday dagaalkii Dhurwaale iyo in rag ciil hore qabay ay wareemaysigan soo abaabuleen, dabadeed libin la hoydeen. Wuxuu yidhi:
Warka xalay Curaabtow tolkay, ceelkii laga keenay
Ee sida cilmiga Eebbahey, lagu cibaadaystay
Aniguba ciyaar baan is idhi, coobirkaan ahaye
Ma ku caafimaadeen gobbay, caadadeed tahaye
Caqli ma leh Af-diinluhu hadduu, caarad dhuub helo e
Kol haddii cidhbaha loo rakibo, ciilbax dabadeede
Caruur looma dhiibine rijaal, caarufaa sidaye
Ciilkii Dhurwaaluu ogaa, cadanyadiisiiye
Ma caddahay Cismaan-garow halkuu, Carab ka liishaamay?
Geelii habeenkaa la qaaday waxaa ka mid ahaa geel uu lahaa wadaad Reer Aw Qudub, Sheekhaash ah oo reer Dhagaxbuur ahaa oo la odhan jiray Sheekh Cumar Madoobe. Sheekh Cumar ergo ayuu Ciidagale u diray oo yidhi war geelayga ii soo celiya annigu Reer Cali ileen ma ihiyee. Ergadii wadaadku diray iyadoo faramadhan ayey soo noqotay. Kolkaa ayuu Sheekh Cumar gabayo kuhaan ah tiriyey. Waxaa ka mid ah:
Gorgorkay sidiisa u lashaa, oodan garanayne
Awliyo guhaad culus la timid, gaadhka kaa qabatay
Guulliyo Allaan kuu baryee, geela Arab raaca
Mar kale ayuu ku noqday oo waa kii lahaa:
Rag cukani hadduu calasta dhamo, wuu is celiyaaye
Intaad soo cabteen yaad haddana, nagu carrowdeene
Anniguna Cammaan raaciyey iyo, curadkii Yaasiine
Casiisow adaan kuu cowdaye, Ciidagale naafi
Allahayow cir soo hooray iyo, caadba laga waayo
Allahayow adhiga caal ka geli, yaanay ciir lulane
Carrabkooda Eebbow ka yeel, culimadii eednay
Waxaa la yidhi, iyaga iyo Allahoode, dagaalkan soo socda ee Maxamed Cumar Dage, Cabdi Hurre iyo Khaliif Xarbi Ismaaciilba ay ka gabyeen kolkii lagaga adkaay, Ciidagale wuxuu eersaday wadaadkaa Reer Aw Qudub oo waxay yidhaahdeen asmo iyo inkaar ayaa nagu habsatay.

Maxamed Cumar Dage

Reer Cali dilkii Carab Cali Horor dib way u liqi waayeen waxayna dumeen col balaadhan. Intii aanay wali weerarkaa qaadin ayaa waxaa Haro Digeed socdaal ku tagay Maxamed Cumar Dage oo ahaa gabayaa hasha lagu maalo, difaaca Ogaadeenna caan ku ahaa. Odayaashii Reer Cali ayaa isku duubay oo yidhi hanaga tagin Maxamedow kolkaan Ciidagale jabino si aad uga gabaydo. Maxamedna wuxuu ku jawaabay markaad guulaysataan ha inoo ahaato, dib ayuuna raaskiisii ugu noqday.

Colaad horre iyagoo qabay ayey odhaahdaa Maxamed Cumar Dage ficil cusub ku dhalisay, weerar ayeyna Reer Cali ku kala bixiyeen degaankii Ciidagale. Dagaal rag badani ku go’ay ayaa dhacay, haseyeeshee guushii, waa galabba ninleeye, waxay ku dambaysay Reer Cali. Kolkii Ciidagale cararay ayuu Arab dagaalkii soo galay. Reer Cali Arabkii soo hiiliyeyna way ka adkaadeen. Sidii balantu ahayd, hoggaankii Reer Cali ayaa soo diray nin la odhan jiray Aadan Dhagoole kana codsaday inuu warka dagaalkan gaadhsiiyo Maxamed Cumar Dage kana soo qaado gabayga lib-ku-faanka ah ee uu tiriyo.

Aadan Ciid iyo Doollo ayuu usoo ambabaxay. Qeyradii Maxamed Cumar Dage markii uu soo gaadhay ayuu toyday gurigii abwaanka, markii loo tilmaamayna horay ayuu ka abbaaray una waramay. Imaatinka Aadan Dhagoole dhaqso ayuu u faafay dareen ayuuna ku beeray qeyradii oo dhan maxaa yeelay balaf ayaa horay usoo gaadhay. Dabadeed waxaa la yidhi, bawdkii reer Maxamed Cumar ayey dad badani isa soo tubeen si, reer miyi wax ka war jecelee, qof walba warka u helo.

Xogwarankii markii uu qaatay ayuu Maxamed Cumar soo baxay, laba xabadood ayuuna kor u riday si uu dareenka dadka oo buuxa usoo jiito. Gabaygan hoose ayuu dabadeed tiriyey isagoo Reer Cali tahniyad iyo bogaadin u diraya, Ciidagale iyo Arabna ku diganaya. Wuxuu yidhi:
Warkii xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi
Iidoor Galbeed iyo warkii, Idhan ka soo duulay
Eraygii xaqiiqoow hadaad, alalad mooddeene
Ooftuu dhigay Ciidagale, sidii ugaadheede
Sidii aaran geeloo dideey, oodda jabiyeene
Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane
Afkii Ina Warsame Baanshe iyo, amarkii beenoow ye[4]
Ayaan iyo ayaan buu sanguhu, daba ulaysnaaye
Oon baa ku daa’imay kuwii, dabada aasnaaye
Abshir dhaha Isaaq iilayoo, aarsay Reer Caliye
Afartaa sidii alifka iyo aayad, ma u sheegay
Ma anfacay ilma adeeraday, waw abaalgudiye
In yar kalena waa iiladkii, uunka kala gaadhay
Irdaha Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta Reer Muumin
Sidii Orobadii Yurub hadday, eedi kala gaadhay
Midkood idhanka reebtaba haddii, dirir la eegaayey
Edeb xumo waxaw soo hormaray, ey lasoo diraye
Umalkii waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye
Idomaaladii baa go’iyo, uuskii Guulane
Asad iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyey
Waraabuhu afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey
Wuxuu uubateeyaba markii, laysu soo ururay
Arbihii madoobaa hadduu, uurka ka higgooday
Orodka iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo
Onkod iyo sidii roob, loola amakaagye
Ma adkaysto adhi gaadka oo, aar ku duufsadaye
Goortuu intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye
Waxa u aaraha lagu dilaa, uufanaha weere
Araayaha maroodiga ninkii, agab usoo qaata
Ma anfaco atoor guuyo oo, soo ag joogsadaye
Gaaniga markuu ku ajaluu, aayohiis bogane
Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
Uubuu galaa inan gumeed, ururta laacaaye
Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe
Asxaan ma laha Alamaan hadduu, aaladii helo e
Aji iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye
Waxaa ololey ubadii Samane, eeggadii hore e
Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe
Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
Damal Aadan iyo ha is arkeen, awrta Reer Caliye
Ugaasyadu ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye
Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?
Cabdi Hurre

Gabayaa Ciidagale ah oo la odhan jiray Cabdi Hurre ayaa isna gabay dagaalkaa ka tiriyey. Cabdi xilliga dagaaladani dhacayaan dalka ma joogin oo wuxuu ku dhaqnaa Cadan, Yemen, haseyeeshee dhoofkaa iyo dhulkaa dheer ee uu ku maqnaa kama hor istaagin inuu gabyo. Gabaygiisu waa baroordiiq iyo guubaabo dhammaystiran, wuxuuna si murugo leh u sifeeyey jawiga Ciidagale ku sugnaa dirirtaa dabadeed. Wuxuu kusoo afjaray in Ciidagale qab jabay, shisheeyuhuna ku wiirsado. Wuxuu yidhi:
Dhulku wuxuu caddaadaa markuu, mayay ka caagaaye
Ceeryaamo roob maleh hadday, curato jiilaale
Warka xalayto Cadan iigu yimid, cudurkan lay saaray
Cududaha sidii layga xidhay, calawga uurkayga
Cagta socodka ciir-ciirisee, lawga ka cuslaatay
Waa midaan canaanteeda qabay, ceebtan igu taale
Maantana tolkaan ku camirraa, cawdu ma u duushay
Cali iyo Haaruun miyaa, gabal Isaaq ciilay
Cabdi Bari miyaa go'ay sidii, madag cuf loo waayey
Ma canbaar-cadkii baa la jaray, curaddadii Iido
Caleen jilicday saw Reer Gobdoon, caawa kama liito
Cabdi Ciise caalsaarriddii, Ciise iyo Iidle
Ma carsaanyo jaban baa raggii, caaradka u joogtay
Carfigii miyaa layga ridey, calankii guudkayga
Ma carjabay shisheeyuhu baguu, caawa lee yahaye
Sida faras col dheer lagu galoo, orod ku caatoobey
Oo caawaduu yimid rugtii, ka cabitaan waayey
Caraafiidayeey xalay miyaan, caato ledi waayey
Sida halaq godkii ku caddilmoo, cawsku qarin waayey
Curduduubmayeey xalay miyaan, cidhif bannaanaaday
Sidii inan Catrahoo hugiyo, gogol ku ceebowday
Oo dadkuba inuu caddibo, uga cabsoonaysa
Ama naag cusayb lagu eryoo, caado lagu baajey
Oon currado aad iyo lahayn, gabadh u ciidmaysa
Oo ceeb in lagu sheegiyo, cay ka baqanaysa
Carcaraafayeey xalay miyaan, ciil la ledi waayey
Sidii dhaan carceeroo ka yimid, lebida cuunkeeda
Ama caynab geeloo Berbera, Cadan usii dhaafay
Caatoobeyeey xalay miyaan, cagaha jiidjiidey
Sidii cawl ban lagu weeraroo, baydar celinaayo
Cub halkuu yidhaahdaba mid kale, kaga ciyoo baacshey
Is caguujayeey xalay miyey, cidhibtii dhiigowdey
Ma haddaa dhulkii laga cammiray, aqallo caarcaarle
Geelii casaha lagala baxay, Cobole may dhaafay
Raggii ay cafuufleey dhigeen, curashadii dayrta
Nimankii la caansiirin jirey, ma calqadaa saaran
Cududaha miyaa loogu tolay, Alifyo caarcaarle
Cishriinka soo hadhay miyey, damacsanyiin caawa
Reer Cali miyaa wada cuskaday, curadadii reerka
Cadceed iyo cadceedeeda kale, ciirshe dunidiiye
Cidna miyaanay kaga yaabahayn, Reer Cabdiga daatay
Cashiiriyo miyaan laga baqayn, ciidamo u hiisha
Waxba yaan calaacalin rag waa, cayn walba u jooge
Waayadan Cawaaloow ma tirin, maansadaa culuse
Ma callaqay madfacu waa, kaan cabbayn jiraye
Cutub kalena waa maansadaan, idinku cayntaarshey
Caqli male Ogaadeen hadduu, cunay jalkiisiiye
Caawuu ka geeraarayaa, Ciyow dushiisiiye
Culayskiyo danbaabkaan ka baqay, iyo caraafiidka
Igu celiye cayntaarin iyo, colalkii dheeraaye
Xarbiyow cargaagtaniyo xoog, cudud ku faankaaga
Cisi laguma waariyo aduun, coodin libineede
Ciyoonbaa ratiga aanu rari, ceeshka noo sida e
Koran cabudhle cooglaha biyaha, lagu ceshiimeeyey
Waanu soo ciyaarbogi sidii, Caabbi Duullane'e
Casar libinta inaan dheelmi, way sida cadceedaase
Caska Sibi cufkii Dhagax Madow, Sagag cankuurkeeda
Calawgii Bullaaliyo intaa, Cagasur eegaysa
Cag haddaad dhigtaan meel bannaan, sida shabeel caarle
Oonaan carrada idinka wadin, waad na cariseene
Carab Laagba reerkoodu waa, caydhiyo agoone
Calaydh kama danbayn Bah Abasguul, cululuf mooyaane
Cismaan Digin sidiisii haddaan, caydhu idin leefin
Is cunbulintii Ina Nuur Siyaad, haadka la cunsiiye
Wax Gurraase garaska u cunaa, caabuqii galaye
Cabdillena u yeedh iyo haddaad, Camar helaysaane
Caska waaga maadhiin ciyiyo, ciiro naga eega

Cutub kalena waa maansadaan, Ciidagale saaray
Wax badanbay raggiina cuslaa, Caliyo laayeene
Wax badanbay waraabaha cashiyey, subag cabsiiyeene
Gobannimo caruuskeedu waa, col iyo duullaane
Caaradaha warmuhu haddaanay celin, loo cag dhigi waaye
Haddaynaan cardiiqaha ka dhigin, nama ciseeyaane
Miyaa mawdku kaba caaggan yahay, waydun cararteene
Ciddiyaha ku jara dirirta waa, lagu cisoobaaye
Khaliif Xarbi Ismaaciil [5]

Dagaalkaa Maxamed Cumar Dage gabayga dhaadashada ah ka tiriyey, Cabdi Hurrena midka calaacalka ah ka mariyey, Khaliif Xarbi Ismaaciil kuma qancin. Rag 27 nin kor u dhaafay oo Reer Xaad, Arab, Isaaq ah oo goobtaa lagu laayeyna wuxuuba u arkaa in xabbaddu khasaare ku ahayd. Gabay uu dareenka noocaa ah ku muujiyey ayuu tiriyey, wuxuuna sheegay inuu Cismaan, Jaanbiir iyo Bah Iido guud ahaan la rabay dibirta dhinaca Reer Xaad u badatay. Wuxuu yidhi inta nasoo gaadhay:
Turuqyada Cismaan baan lahaa, toori baad geline
Taxni baad ka dhigan baan lahaa, timihii Jaanbiire
Tumankii Bah Iidaan lahaa, waad tummaatiyiye
Waa tacab khasaar reyfalkaa, tiriyey Reer Xaade
Ismaaciil Xayd Xirsi (Aflow)

Rag door ah oo Absame ah ayaa gabayo ka tiriyey hardankan u dhexeeyey Reer Cali, Ciidagale iyo Arab. Gabayaa la odhan jiray Ismaaciil Xayd Aflow oo Sacad Muuse, Habar Awal, Isaaq ahaa oo xilligaa socdaal ku tagay Bullaale ayaa waxaa la sheegay inuu in badan maqlay gabayadaa dhaadashada ah oo iska soo dabadhacaya. Ismaaciil gabayaa caan ah ayuu ahaa sidaa awgeed mar wuxuu damcay inuu jawaabo, marna ammaankiisa ayuu u baqay. Nin Cabdullaahi Ciise la odhan jiray, Reer Isaaq, Ogaadeen, oo Ismaaciil seedigii ahaa ayaa dareemay in Aflow gabyi lahaa haddii uu tolkii dhexjoogi lahaa haatanse uu is dhawrayo. Kolkaa ayuu u yimid oo ku yidhi Ismaaciiloow xilahay dalaaqan inaan ruux il qaloocan kugu eegi karaa jirin ee wixii aad odhan lahayd dheh. Damaanadqaadkaa ka dib Ismaaciil gabaygii wuu ku dhiiraday, wuxuuna yidhi:
Cismaanoow adeer maansadaan, caribayeynaayey
Waanigii casilay meeshiyo, caydhkii karameede
Calaamooyin igu baaridey, baan idin cashaysiine
Ka curaagta caawaan sidii, ceel idiin dariye
Cashar dhigato maal laga helaa, waaba caariyo’e
Cabdi Dhariyo Sheekhaash, kolkaan ciiriga eryaayey
Kuwaan caanahoodii genbiyey, cidi ma kuu sheegtay
Kolkii Caabudwaaqiyo Xer iyo, Gaadsan la cantuugey
Ee Ina Caruus iyo la diley, Caalinkii dunida
Nin cibaara lihi kama gabyee, cidi ma kuu sheegtay
Casarkii kolkay weehateey, cabasho ooyeysey
Hadday soo ciyeen wiilashii, cadaw xaraynaayey
Raggii haadku ciirada ku rogey, cidi ma kuu sheegtay
Caydii Jiciir lagu dhuftiyo, cabashadii gaadhey
Ciyaalkaa ku tuurtuuri jirey, Gobabki cawlaaye
Kolkaad cimilka wada oodateen, sida midgaan caydha
Ee Culuqa soo doonateen, cidi ma kuu sheegtay
Cayuuntiinna Shaashka leh kolkaan, cadho u qaadaayey
Casarkiiba waataan ku furay, calamadaydiiye
Calaydh iyo bankii qaydar baa, loo caddaan wadhaye
Kolkay baarqabyadu caranayeen, cidi ma kuu sheegtay
Candharaafyadii baa hadhiyo, Reer Cismaannada’e
Kolkaan beel cidaadaha ka dhigay, cidi ma kuu sheegtay
Cukur iyo Dhegoodbaa ku galay, caaraddii hore’e
Kolkaan cududa weynoow ritiga, caynka hore gooyey
Een adhi camuuddaasa dhacay, cidi ma kuu sheegtay
Colkii xigeyna waataan qabsaday, cuurka Reer Dalale
Rimaydii cagaagtay iyo nirgihii, caga-gubyoonaayey
Cartan ololka goortay sidii, culumo eedaantay
Cara dhiciya maantaan lahaa, cidi ma kuu sheegtay
Nimanbaannu caadh go’a ahayn, Caliyo Haaruune
Cabdillaha Allaa nagu ridiyo, Cumar rugtiisiiye
Haddaan awrku noo ciidan gelin, Camar ma gaadhneen
Cagtuna way dalooshaa sidaan, Ciid u weeraraye
Caruusada habeedda leh kolkuu, Ciidagale dhaafay
Ee doosha laydiin cuskaday, cidi ma kuu sheegtay
Nin carceeray baan ahay afkaa, layska calashaaye
Cadda keliya uunbaan ka dhigay, curubtii Daaroode
Cankana maalinbaan idin gashaday, sida caddiimeede
In warkaygu Caw-baarre tagey, cidi ma kuu sheegtay
Dhaqaaleeye geeliinnu way naga dhexeeyaaye

Mar kale ayaa waxaa la wariyey in niman Reer Cali ahi geel kasoo dhaceen Ciidagale. Geelii ayaa waxaa ka daba yimid ciidan Ingiriis iyo Xabashi isugu jira oo dhawrayey heshiis ay horay u kala sixiixdeen heshiiskaa oo ahaa in qabiilkii mid kale xoolo ka dhaca si wadajir ah looga soo celiyo. Haddaba geelii markii uu dib ugu noqday Ciidagale ayaa waxaa geeraar mahad celin ah tiriyey geeraarshe reerkaas ah. Xarbi ninkaa ayuu gabay ugu jawaabay isagoo xusuusinaya in aanay geela sidaa kaga hadhaynin. Wuxuu si jeesjees ah uga codsaday nimankaa geela Ingiriis u celiyey inay birta, oonka, qaniinka, cadhada iyo dhugatadaba ka dhawraan inta uu gacantiisa kaga soo noqonayo. Wuxuu yidhi:
Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo
Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale
Xeryahaan kaliil hore ku dhacay, dhaafin mahayaane
Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane
Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane
Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane??
Dhudhumada markaa inaanu qaban, dhawri mahayaane
Kolkii hore dhallaan baydin galay, dhuumashe ahaaye
Intaan dhudaha Guuleed maroon, col u dhabaalyeeyo
Annagoo dhan reeraha dhexdood, dhaaxa naga eega
Arladiina dheelkiyo intay, dhedada baas joogto
Dheeheey waxaan kaa maqnahay, dhibica deyreede
Meeshii dhinbiil badan leh iyo, dhaayin la ogaada
Dhogorteeda jeel baa rogee, dhanaha fuudsiiya
Kaa haatan dhays ihi intuu, dhalayo sii raaca
Dhiilka uun ha eegine nirgaha, dharaq u sii daaya
Cusbada dheegga yaan lagaga rarin, dhaamiyaha awrka
Goortay magaaladu dhashaad, dhadarbiyeysaane
Dhurwaayahay ha iga siisanina, dhar iyo soor toona
Niriggaad ka sii dhaylyeysataan, dhagar u qoondeeya
Dhaqaaleeye geeliinnu way, naga dhexeeyaaye
Qab ayaa gabaygan ka muuqda maxaa yeelay mar niman uu horay u dhacay ayuu ku digtay, marna geelooda ayuu ka codsaday inay sii dhaqaaleeyaan inta uu xoog kula soo wareegayo.

Mar Kale Xarbi Ismaaciil iyo Qowdhan Ducaale

Reer Cali iyo Ciidagale ayaa mar kale is laayey kolkaa ayuu Xarbi Ismaaciil Samatar gabay dabaaldeg ah tiriyey. Qowdhan ayaa gabaygaa digashada ah dhibsaday sidaa daraadeed tix kaga soo jawaabay. Wuxuu yidhi:
Xarbiyow gabaygu wuu kaa tasaqay, wuuna kaa tagaye
Wuuna kaa tawaawacay haddaad, toosi leedahaye
Adigiyo tumaal beentu waa, mid aad taqaanaane
Ma adigaa tubtii geela iyo, tagay awaarihiiba
Xarbi ayey ugu muuqatay in meerisyadaa deelqaaf ku jiro. In kasta oo aan haatan hayb-sooca sidii hore loo adeegsan, haddana xilliga nimankani isu jawaabayaan isir-xulku xoog ayuu lahaa. Haddaba, deelqaaf ayey Xarbi ula ekaatay In Qawdhan xidhiidhiyo magaciisa iyo tumaal, waxayna arintaasi u furtay goldaloolo uu Qawdhan ka weeraro.

Wuxuu ku billaabay in gabaygii macno beelay, Qowdhanna macno beelka gabayga ku dhacay sabab u yahay, sababta tixaha Xarbi loo hayo ee loogu halqabsado inay tahay in gabaygiisu mid hufan yahay. Wuxuu intaa ka dib u gudbay sifayntii dagaalkii labadaa jilib dhexmaray iyo raggii Ciidagale ee sida arxan la’aanta ah birta looga aslay. Qowdhanow kamaba soo waaqsan kartid jabkii aan ku gaadhsiiyey, annigana wax aad i yeesho daayee xataa xaab inaad igu soo tuurto waa tii rubadu diiday, ayuu raaciyey. Wuxuu ku xidhay, kollay ii turi maysidee maxaa ku haya oo aad wax isaga dhicin la’dahay, tabar darro uun saw ma aha. Wuxuu yidhi:
Tisqaad ma laha gabay uu nin kale, eega tiriyaaye
Waxaase tayda loo wada hayaa, waa tamaamnimo e
Tabtaasaan ahaa eegga iyo, toban jirkaygiiye
Ha yeeshee nin taliyaa afxumo, sooma tooxsado e
Waadse iigu tagi cay haddii, layga tiigsado e
Tagoogtii fayoobayd sidii, turuqu kuu duulay
Labadii tacshiiradoodba saan, kuugu wada toogtay
Toorrida sidii loola dhacay, tima-caddii daashay
Tafdheeriyo ciroolaba sidaan, uga talaadaystay
Ma tummaatidaan kugu dhuftaad, toosi waligaaba
Tolse waxyeeladiisu ha jirtee, aniga yey taabtay
Tifbaa ugu yaroo maydinkaa, naguba soo tuuray
Ma taqaashan baan idinku jirin, na laga taabraaco
Mise waad noo turteen saw xaggaa, lagama taag waayin
Muddo ka dib, dagaalkii u dhexeeyey qoysaskii Ogaadeen iyo kuwii Isaaq cirka ayuu isku shareeray. Guubaabadii iyo kicintii gabayaaga ayaa wax lagu qaatay. Degaan kasta oo ay labadaa reer iska soo gaadhaan ayey colaadi isku sintay. Gaade, wareemaysi, halqalable, raacdo, raacdo-reeb, saf balaadhan, nabadii ayaa ceel dheer ku dhacday. Nimankii Ogaadeen ee ay Ciidagale is hayeen ayaa aagii ballaadhiyey oo Sacad Muuse, Habar Awal, weerar ku qaaday, geel badanna soo dhacay. Geelaa waxaa loo bixiyey Indha-badane fara badni awgeed. Indha-badane waxaa ka gabyey rag ay ka mid ahaayeen Maxamuud Cali Beenaleey, Cabdi-gahaydh, iyo Maxamed Nuur Fadal. Gabayadaa ayeynu soo qaadanaynaa.

Geeraarkan iyo gabayga ka dambeeyaba waxaa tiriyey Maxamuud Cali Beenaleey, wuxuuna ka tiriyey geelaa Indha-badane la baxay ee aan kor ku xusnay. Markii diyaargarowgii dhammaaday, ilaaladii laga warqaatay, ciidankiina dhaqaaqay, ayaa waxaa laysla dhex maray in Maxamuud Cali uusan isku heli karin hasha ammaanduulaha iyo hasha gabayaaga. Ina Cali wuxuu yidhi anigaa ammaanduule ka ah ciidankan ee hasha ammaanduulka miyaa laygu haystaa? Haddii colkii dib isugu noqday waxaa Ina Cali lagu yidhi hasha gabayaaga qaado, hasha ammaanduulkana nin kale ha la siiyo? Ina Cali arrintaa wuu diiday wuxuuna ku adkaystay eraygaa hore ee uu yidhi. Waxaa laysla wada fahamsanaa inaan ninna Ina Cali hortiisa gabay xoolo ku qaadanaynin uuna rabo in labada halaadba isagu qaato. Dood gaaban kadib, waxaa laysku raacay in abwaanka la xujeeyo oo uu tilmaan waafi ah ka bixiyo hasha uu gabayga ku qaadan doono, haddii kale hasha gabayaaga meesha laga saaro. Maxamud Cali Beenaleey oo hashaas tilmaamaya ayaa yidhi:
Hashaan geela ka qaadan
Ee tolkay ii qaban doono
Tilmaanteeda aan qeexo
Qamiis ma aha madow
Qamiir ma aha guduudan
Qarjaf ma aha cag weyn ah
Qonjar ma aha cayuun ah
Qayax ma aha caddiin ah
Qumud goodir la moodo
Qoran oo kala jiidan
Oo qadow laaca taqaana
Qulqul aan ash ahayniyo
Baarkaa gees u qallooca
Waagay qaalin ahayd bay
Nirig qoor jabanaysay
Qaayibbaa la yidhaa
Afar qoone wadaag iyo
Qardhaas bay u xidheen
Qoodhadhkaa kala jeedda
Qaskii baysku wareegay
Kii qooraanso yidhaahdaba
Qosol buu u dhacaayoo
Cadaabtay noo qariyaan
Hashaan geela ka qaadan, ee tolkay ii qaban doono, tilmaanteeda aan qeexo; waxaad meerisyadaa ka fahmaysaa kibir iyo isla weyni maxaa yeelay, inkasta oo aan wali wax geel ahi gacantooda soo gelin haddana Maxamuud wuxuu ku kalsoon yahay inuu geelaa soo dareersan doono oo cid ka hor istaagi kartaa ayna jirin.
Indha-badane waxaa lagu gebgabeeyey goobta looyaqaano Gadhyogol. Way soo luudiyeen waxayna isugu keeneen Cobolle, halkaa ayuuna Maxamuud hal gabay, hashii ammaanduulaha iyo qaybtii guud ee kusoo aadayba ku guddoomay, gabaygan ka sheekaynaya abaabulkii, awoodii iyo geela farihiisiina ka tiriyey. Wuxuu yidhi:
Iradaha gabay Islaanow baryahan, iguma oodnayne
Axdibaan ka maray idina waad, igu ogaydeene
Aflagaadadiisii necbahay, aafo godobeede
Annagiyo Iidoorna ways, arag nacaynaaye
Ajashaan ka goyniyo waxaan, ku ijtihaadayno
Ajri baan ka dayayaa sidii, ubadkii Reer Caade
Abaabul duulaan Reer Isaaq, waw abtiriyaane
Ilmadiid ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay
Laba Aadan iyo Nuur Ayuub, idhanka maw dhiibnay
Ammaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey
Maw oriyey oogii ma shiday, mana u eedaamay
Ma addayney eyrooy jidkuu, amarku qaadsiiyey
Ilaalada ma loo direy halkii, lagu astaynaayey
Ma soo aragtay Dhoolo aaddanney, araddaday daaqaysay
Odayadii iyo wiilashii, awrtii ma u dhiibnay
Intayadii tab iyo xoog lahayd, orod ma guuraynay
Anoo salalay aaskoo dam yidhi, olol ma noo kaahay
Ilayskiyo dabkay noo shideen, gelin ma soo aadnay
Libdhadoo in dheer la'eg miyaan, weerar ku ekeeyay
Ma unkaday jigraha aaddan, iyo ulayar maadhiinku
Abeesaale iyo Qoorbidaar, uuro mays qabatay
Sidii Imuru iyo dawladii Adari oo koodhay (Raas Imuru Xayle Salaase Ina adeerkii ayuu ujeedaa)
Ama janan albaabkuu fadhiyey, eemar lagu yeeshay
Ama awlal malaboo shinidu, uumi kaga yaacday
Ama ilo biyo lehoo kaliil, lagu arooraayo

Nin arkaa asheed maalintaan, wadanay Eeraane
Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe
Ma adkaaney erigii horey, ku ishiqaateene
Ma irkagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye
Kuman uguba kuman uur lehiyo, kuman irmaan-guuna
Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo, aarankiyo qaana
Iyo Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo
Iyo kuman intay igadh yihiin, laga unuungooyey
Iyo kuman abeereeyey oo, awrta la ciyaarta
Iyo aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay
Intaasoo kun wada ayniyaan, ku eryey qaadhkiiye (qaadhku waa xerada lagu qeybiyo geela)
Insha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye
Awaleyda waa tay lahayd, ololka muunayse
Haddii ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene
Aashaa wad mooyee Cillaan, orodkii maw diidnay
Iyadoo aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay
Ayax iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay
Ingiriis miyaa lagu matalay, aalladdaan wadanay
Iidoorku saw sida tukaha, kuma ag meereysan
Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane
Awal horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore
Waxaa geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode
Ergisaad u hayseene haw, uur xumaanine
Inshaa Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye
Idahaaga dhaqo geel ninkii, ab u lahaa raacye
Mar kale iyo Maxamuud Cali Beenaley

Maxamuud gabayada badan ee uu hardankan ka tiriyey waxaa ka mid ah mid kale oo aan in yar uun ka helay. Wuxuu yidhi isagoo dhaadanaya raggii gebogebada dhigayna guubaaninaya:
Afartii dhudood baw dhan iyo, dhabaqle Haaruune
Dhabbahayadun haysaanna waa, Dhebi iyo Hoobaane
Dhabantii lalaayaba ta kale, way u dheeliye
Dhab u dirira maandhooyinow, haysku dhowrina
Soo raadi gabaygaa inta maqan.

Cabdi-gahaydh

Warkii Indha-badane iyo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey ee digashada iyo goodiga wada socda ahaa ayaa la geeyey carro Isaaq. Cabdi-gahaydh ayaa mid marag fur iyo calaacal ah garab dhigay. Inta nasoo gaadhay wuxuu yidhi:
Dhiilaabayey xalay miyaan, dhagidi soo booday[6]
Ma dhabeyti dhawr baan hurdada, dhinacyaduu diiday
Gogoshii la ii dhigay miyaan, dhan isu weydaarshay
Sidii qalanjo dhaawacan miyaan, dhiraha laynaayey
Sidii naag ninkeedii dhintoo reer, ka dhaxal meeray
Ma dhulkaan shan baac qoday, Cabdow dhalasho waa yaabe
Ma dheg xumada Kiinguna maqlaa, dhibaya jiidhkayga[7]
Dhanuu jiraba Daarood miyaa, dhool ku wada faanay
Dhabayaciyo Reer Dalal miyaa, dhaanto laga keenay
Ma raggaanu dhax-xidhka u xidhnaa, dhudi ku geeraaray
Ma dhawaaqa Cali soo diraa, waliba dheerada[8]
Waa taynu dhaabaha lahayn, labada dhoomoode
Lama dhaco annaga reerkayaga, sida dhukaameede
Ama geelu seymuu u dhashaye, dhaqashadii daaya
Ama dhiciya sida reer tolkay, dhudi ma meerteene
Ama dhoofa waataad sidii, dhalo nugleydeene
Maxamed Nuur Fadal[9]

Indha-badane warkiisu Soomaaliya oo kaliya kuma ekaanin oo waxaa loo dhoofiyey dibadaha. Waxaa la yidhi rag Isaaq ah oo Nayroobi fadhiya oo uu ka mid yahay Ina Nuur Fadal ayaa khabarkii Indha-badane la gaadhsiiyey. Iyagoon wali warka si fiican u helin ayuu Ina Nuur Fadal wuxuu yidhi ‘warkaasi haddii uu dhab yahay geelaa cid aan Sacad Muuse ahayn lagama dhicin ee raggow ha la ogaado.’ Maxaad sidaa u tidhi ayaa la waydiiyey, wuxuuna ku jawaabay ‘lafaha kale ee Isaaq geela si fiican ayey ugu diriri lahaayeen.’ Nin Sacad Muuse ah oo golahaa fadhiyey ayaa hadalkaa ka cadhooday oo Maxamed dharbaaxo farba meel dhigay. Farma’ ayey isku yidhaahdeen, degdeg ayaana loo kala jiiday. Kolkaa ayaa ninkii odayga dharbaaxay waxaa lagu amray inuu raaligelin iyo xaalba dhiibo. Maxamed Nuur ayaa yidhi ‘iska daaya haddii geelaa laf aan Sacad Muuse ahayn laga dhacay wax xaal ah ninka lagama rabo, haddiise Sacad Muuse geela yeesho anaa afkayga isku xaal marin.’ Waa gabayaa iyo caadadiiyoo wuxuu rabaa gabay taariikhda gala inuu mariyo, sidaa si ka wanaagsan oo uu ninkaa kaga aargoostana uma muuqato. Kolkii lasoo xaqiijiyey in geela Sacad Muuse laga dhacay ayuu Maxamed, sidii balantu ahayd, gabaygan soo socda tiriyey. Wuxuu yidhi:
Waa lagu dhintaa geel ninkii, dhaqo yidhaahdow e
Waa dheeman iyo luul ku jira, dhib iyo aafaade
Dhayal iyo ciyaar laguma helo, dhuug iyo aar laaye
Iyadoo xeryaha looga dhigay, bawdka dhinaciisa
Iyadoo baruur dhaabantoo, kurusku dheeraaday
Iyadoo dhamaysoo ka timid, dhagaxa guudkiisa
Iyadoo dhaliilaha sariyo hawdka, kor u dhaaftay
Oo ay markaas wada dhashood, dhaan la furey moodo
Dhufaankeeda iyo aarankoo, dharabka loolaaya
Kolkay dheelmitaankii durduro, dhagac ka soo siisay
Oo baarqabkii dhalay nirgaha, dhaafi kari waayey
Dhal jaceyl daraadii markuu, dhuunta galinaayey
Dhan u heegga laafyaha markuu, dhabal u qaadaayey
Dhareerkiyo xumbada markuu, dhemal u qaadaayey
Dhabta loo sargooyiyo tawaad, dhuxul la moodaayo
Kolkay dhibidu labadiisa qaar, dhaantay midabkiisa
Oo dhaygag iyo yaab ku dili, dhalanka loo uumay
Oo doobtii lama dhawrsanine, galowga dhiilleeyey
Ee uu micida dhumacaysatiyo, dhoosha ka ciseeyey
Dhirifka iyo cadhadii kolkuu, dhiraha laynaayey
Waa dhidibka geelee markuu, dhab u shaxeexaayey
Col la dhuray aroortii markii, dhaayan lagu foofshay
Dhengadaha kolkii dhabiga maran, dhawda laga saarey
Dhoobigii Ogaadeen kolkuu, dhaanto daba qaaday
Ay ololka dhacadiidisaad, dhicin lahaydeene
Dhar caddii magaaliyo dilaal, dhuuntay baa wadaye
Haddii Habar Xabuush laga dhaciyo, dheegga Habaryoonis
Ama dhalantidii Ciidagale, lama dhaqaajeene
Dhiigyacabyadii baan lahayn, dhagartu saarreyde
Dhurwaagaa lafaha boobi laa, bil iyo dheeraade
Dhoonbuurkiisa Araboo sitaan, cidi la dhaafteene
Dhammaan Ciise Muusaan nin ogi, sii dhexmariyeene
Dhirririda Ayuub kama tagteen, sidigta dhaameele
Tol-jeclaa ka dhiidhiyi lahayd, dhebi hashiisiiye
Idinkaa markii laydin dhacay, soo dhanbuuqsadaye
Abidkiinba dhoomaha Isaaq, dheg uma noolayne
Dhankaad naga xigtaan yey wadnaha, dhooli mood tahaye
Dhalool yahay xaggiinaa warxumi, nooga soo dhacaye
Hadduun baydin dhaar xoog leh iyo, dhiirri barateene
Irbad dhuub ma galisaan afkuna, waydin dheer yahaye
Hadmaydun shisheeyaha iska dhicin, soo dhabbacanaaya
Gabayadii nimankaasi is dhaafsadeen iyo sababihii keenayba waxa naga soo gaadhay waa intaa. Tuug ma xado.


Taariikhda iyo gabayada halkan ku jira waxaan 2003dii iyo 2004tii kasoo uruuriyey ilo kala duwan oo ay kamid yihiin:

1. Far-Guri. Xuseen Cabdi Xalane. Himilo Publishing Company. Minneapolis, MN. 2003.

2. Cajalad uu duubay Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub

3. Cajalad uu duubay Cabdi Iidan Faarax

4. Cajalad uu duubay Muxumed Cali Masmas


[1] Ciwad ama Ciwal: Eray aslakiisu Af-carabi yahay oo la macne ah badal. Wuxuu ujeedaa in Illaahay rag kale idiinku badalo mooyee geerida Khaliif kasoo waaqsan maysaan. Erayga ciwad ku xusuuso meeriskii ku jiray gabaygii Cabdullaahi Dhoodaan ee ahaa ciwad kale Allaha noo baxshiyo, dawlad caadil ahe

[2] Reer Dalal: wuxuu ujeedaa Reer Dalal Guuleed, Reer Cali, Reer Isaaq, Ogaadeen oo ah lafta uu ka dhashay gabayaagu
[3] Waxaan 2003dii ka saxay: Far-Guri. Xuseen Cabdi Xalane. Himilo Publishing Company. Minneapolis, MN. 2003.
[4] Ina Warsame Baanshe wuxuu ujeedaa Cabdi-gahaydh Warsame, wuxuuna tixraacayaa gabayga kore ee uu ninkaasi mariyey
[5] Far-Guri ayaan tixraacay
[6] Far-guri ayaan ka saxay
[7] Waxay la tahay jabka Isaaq gaadhay iyo ceebta haysata warkeedu inuu gaadhay Boqor Georgeigii 4aad oo madax u ahaa boqortooyadii Ingiriiska oo xilligaa gobolada waqooyi ka talinaysay.
[8] Cali wuxuu ujeedaa Maxamuud Cali Beenaleey
[9] Far-Guri ayaa dhugtay

Source: Doolo
Developed by Jago Desain