Mudane Axmed M. Maxamuud oo Loo Doortay Madaxweynaha Somaliland

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Ciise Yusuf Maxamed, ayaa uga dhawaaqay in Axmed Maxamed Silaanyo, uu ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE wuxuu helay 266,906 cod oo u dhiganta 49.50% dadka codka bixiyay.
UDUB wuxuu helay 178,881 cod oo u dhiganta 33.23% inta codka dhiibatay.

Xisbiga UCID wuxuu helay 29,459 cod oo u dhiganta 17.18% Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, hadal uu maanta siiyay BBC intii aan natiijada lagu dhawaaqin wuxuu ku sheegay in uu aqbalayo natiijadu wax kasta oo ay noqoto.

Halkaas waxay guushu ku raacday Axmed Maxamed Silaanyo oo noqday madaxweynihii afraad ee Somaliland.

Waxaa isaguna ku guuleystay madaxweyne ku Xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo loo yaqaan Zeylici.
Halkaas waxay guushu ku raacday Xisbiga Kulmiye, oo ka guuleystay Xisbiga UDUB oo talada haya iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

ruunyo.com
warar cusub oo wata Aragti Cusub
Developed by Jago Desain