Ururka IGAD oo ciidan hor-leh geynaya dalka Soomaaliya

Shir-madaxeedka IGAD oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Melez Zenawi, oo dalkiisu uu shirka marti-galinayey, ayaa go’aamiyey inuu Qarmada Midoobay iyo Midowga Africa kala shaqeeyo sidii ciidan tiradiisu gaareyso 20,000 oo askari loogu baahan lahaa dhammaan dacallada Somalia.

Isla qodobkan, waxay madaxda IGAD isla qaateen in ciidan Soomaaliyeed iyana lagu baahiyo dhinacyada dalka. Balse waxaa xusid mudan in madaxdu ay sidoo kale isla go’aansadeen suurta-galnimada in ciidan ka socda dalalka dariska ah ay faragalin karaan Somalia, ciidankaas oo ay ku jiraan kuwa ku baheysan Beesha Geeska Africa, taas oo macneheedu yahay in dalalka Safka hore ay soo gali karaan.

Sidoo kale, madaxda dalalka IGAD waxay go’aansadeen in 2,000 oo askari oo degdeg ah lagu kabo AMISOM, inkastoo aysan caddeyn dalalka ay ka iman karaan, si loo buuxiyo tirada 8,000 ee askari ee AMISOM markii horeba loo qoondeeyey.

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale ugu baaqay Midwoga Africa inuu sida ugu dhakhsaha badan Muqdisho ugu raro xafiisyada shaqaalaha rayidka ah ee Midowga Africa.


Developed by Jago Desain