November 09, 2010

Faa’iidooyinka DHIRTA

Faa’iidada dhirtu maaha wax lagu koobi karo buug yar dadka badan kiisuna waa garanayaa faa’iidada ay leedahay dhirtu hadii aan la’ilowsanayn ; waxa aynu nahay Ab-Ka-Ab Xoolo dhaqato doogsin raac ah. Xooluhuna faa’iido malaha hadii aanay Dhul-carshina daaqin, Caleemo-habatacayna aanay Gu’ iyo Dayr goosan. Jiilaal baraahsaday hadii aanay Caws helin Ceelna u aroorin.

 

Hadii hadaba Roob da’o oo Dhulka geedo ka saaro iyadoo hore Abaar loo qabay miyaan Xoolihii-caato liitay Caano dararin? afkii kawlka gabayna miyaanay naftu si wayn ugu soo noqon?’ Sararo mac iyo miyaan Subag lahelin? Suuqyadii fadhiyey miyaan la salixin oo Shirqaanta loo atkayn Doomaha oo Sufunta miyaan la marmarin Dihnada?’ Gaadiidkana laxaydhayn oo Guryaha-hudheelada iyo Bakhaarada lacadayn?’ Dukaamo miyaan la buuxin oo xaggaa iyo xaggaa xoolo loo dhoofin.

 

Maamulada maxaligga iyo Dawladuhuna miyaanay cashuur-gurin oo carbin-Caafimaadka iyo Wax barashada .

 

 Hadii hadaba aanay jirin Dhirta-jaadadka badani miyaa faa’iido u timaadaa guud ahaan Noolaha Caalamka (aduunka) gaar ahaana dadkeena raacatada ah.     Dhirta ayaa Aqoonyahanada Caalamku ka guraan noocyo Daawooyin-qaali ah, Udgoonka aynu is marmarino, Bukhuurka Guryaha ee sababa muxubada aynu daa’im jecelnahay, xadiyada faytamiinaadka ee jidhkeenu u baahanyahay iyo Tamarta aynu ku shaqayno! ayaa dhamaantood kayimaada Dhirta

 

 Dalkeena ayaa loo yaqaanaa Dalkii Uduga (Land of Punt) Magacaana waxaa keenay oo uu ku la baxay Dhirta qaaliga ah ee Dalkeena.

 

Qadhaabka Dhirta

 

Marka laga yimaado noocyada Dhirta ee aynu raashimaysano ee Beerano sida Galayda Hadhuudhka, Sinsinta, Saytuunka, Lawska,Cinabka iyo dhamaan inta kale ee kala duduwan kalana dhadhanka iyo dheecaanada ah .

Waxaa jira in badan oo aad la kulantid marka aad Saqaafaha-tahay,Socotada-tahay , Duulaanka-tahay, Baadidoonka-tahay , Xod-xodashotaga-tahay , Xoolo raaca-tahay, Arooryo kalaha-tahay.

Kuwaasoo kuu ogolaada in aad  Sahayatid

Midhaha

 

Berdaha

Guda

Gomoshaga

Darayga

Midh-canyada

Dhafaruurta

Faramooga

Toonka

Gobka

Heeliga

Madheedhka

Carablo’aadka

Askaxda

Gamiinka

Guranjaaga

Xamaakoowga
Gaagabada

Maroorada

Tindhidhka

Cilalka

Doonbirta

Xaadoolaha

Qabcada

 

Xayaabka

Xabagta

Canbuusha

Goosayga

Himirta

Gacmo-dheeraha

Tuke-lalmiska

Mulaaxda

Quwaaxa

Canjeelka.

 

Iyo qaybo kale oo badan, dhamaana Midhahaa ayaa isugu jira kuwo Badhi iyo Biyo leh iyo kuwo Dhuubaan iyo Dhuuni fiican leh, macaan iyo dhanaan kii aad doontana aad ka dheefsanaysid waxaadna ku noolaan kartaa inta aad doonto adigoo aan dab saarayn (karsanayn) waana wax ina tusaalaynaya faaiidada balaadhan ee Dhirtu inoo leedahay.

 

Dhamaan Xayawaanku waxa uu ku nool yahay laba arimood midkood. Oo kala ah; inuu si toos ah Dhirta u raashimaysto iyo inuu si dadban u raashinto; sigoo cunaya Xayawaan kale oo dhir ku noole ah.

 Taasina waxay ina tusaysaa in laysugu imaanayo raashimaysiga (cunida) Dhirta Hadii ay tahay Iniinaheeda, Midhaheeda, Maydhaxdeeda, Laamaheeda, Badhideeda, iyo Xididadeeda.

Hadaba Soomaalidu waxay ku muujisaa Suugaan sida looga faa’iidaysto Dhirta waxaynuna tusaale u soo qaadanaynaa Abwaakii yidhi:

 

Waxay maqashay Maydhliyo-Goblaa Midho ku yaaliine

Inay Himirta muud-muudsatay mihin disaysaaye!

 

Ama Abwaanadii Idaha u heestay ee tidhi:

Daylo-Xaayooy Mulaax Damal iyo Daraa lagu dhaqay!

 

Amase Abwaankii tilmaamay sida loo gurto Midhaha ee yidhi:

Xamaakoowgu waa xaab-xaabi!

Midhcanyaduna waa fadh-fadhiiso!

Toona waa Laan qabo oo Laan siida!

Daawada Dhirta
Daawo dhireeda Soomaalidu Taariikh fog bayleedahay marka laga hadlo sida ay uga faa’iidaysan jireen, waxaadna daremaysaa inay ahayd wax la yaab leh. Dad badan ayaana ku bogsaday daawada Dhirta halka ay dad badanina kaga waxyeeloobeen, ma’ aha hadaba inaan Dhirtu daawo lahayn ee dhibaatada ka timaadaa waa aqoon daro ka timaada \dadka qaata iyo kuwa wax ku dabiiba.
Waxaan si cilmi ah loo aqoon inta loo baahan yahay?’ iyo goorta loo baahanyahay?’ iyo weliba halka loo qadan karo?’ Walxaha aan laqaadan karin inta daawadu kuu socoto iyo guud ahaan sida lo isticmaalo; taana waxaa keenay himilada la siyo xaga horuumarinta daawo Dhireeda oo aad u liidata, ayna sababsatay labadan arimood:
  1. Dadka wax ka yaqaan inuun daawo Dhireeda oo qarsada, ama aan ogolayn in lagga                       ogaado
  2. Dhakhaatiirta oo aad u yasta daawo dhireeda qaybna aan ka qaadan inay dersaan waxayna ku kaaftoomeen daawada kiimikada ah, ee Culimada dhigoodu sameeyeen.
Hadaba waxaa hubaal ah inay dhirtu leedahay daawo fiican hadii lagu sameeyo daraasad (baadhid) Oo dadka yaqaan cilmiyada Biologyga iyo Botanygu iskaal maystaan.
Soomaalidii hore waxay yaqaaneen cilmiga Lafo- gurida; Oo waxay guri jireen lafaha Madaxa, waxayna kabi jireen Feedhaha, Dhudhumada, Miskaha, Kalxamaha iyo Qoorta.Waxayna kaalmaysan jireen dhir. Waxa kale oo ay daawada dhirta u adeegsan jireen Xanuunada Dhiig baxa, Kelyo xanuunka, Xanuunada carrurta iyo kuwo kale oo badan o cuduro iyo calaafaadyo ah.
Cudurada carruurta ayay iyadana si farsamo leh ugu dabiibi jireen waxaana xusuus leh dhir karinta caruurta, dhirtu hadaba waxay leedahay daawo fiican oo wax anfici karta. Culimo ‘dhaqtaro” badan oo hada caalamka ku nool ayaana aad ugu dooda in daawo dhireedu ka tayo wanaagsan tahay daawada kiimiga ah, waxayna kula taliyaan inuu dadku daawo dhireeda is ticmaalo, halka ay ka isticmaalaan dawada kiimikada ah.  
Alaab Gurrida Dhirta  Soomaaliyeed
Soomaalidu si layaab leh ayey uga samaysataa hoy (aqal) ay ku noolaadan Dhirta, Aqal-Soomaaligu aad ayuu u qurux iyo layaab badan yahay qaabka (caynka) uu yahay iyo sida uu uga fogyahay dheehnaanta jeermiska,
Aqal-Soomaaligu wuxuu ka kooban yahay qaybo kamid ah Dhirta oo si heersare ah loo diyaariyey loona dar yeelay, mana suurto gasho in uu cuno Xarku aqal-Soomaaliga hadii la Aslo (Asalka ayaynu ugu tegaynaa) sidaa oo kale weelka ay Soomaalidu isticmaasho  (isticmaali jirtay) ayaa laga samayn jiray Dhirta iyo Hargaha. In kasta oo ay badantahay noocyada iyo qalabka Alaab guriga Soomaalidu hadana waxaa u dheerayd in ay gaadhi karto sanado boqolaal ah waxaana kamid ah:
Dhigaha
Ud baha
Loolka
Cawsaska:-
Waax yaalaha
Todobaalaha
Googooska
Isku- jooga
Shanlaha
Caaws dheega
Abjadada
Alloolada
Kebdaha
DarmooyinkaSaliyada
Sijaayadaha
Xeedhooyinka
Fandhaalada
Weysooyinka
Haamaha
Xurbiyayaasha
Dhiilaha
Qabaalada
Hadhuubada
Koorayaasha
Ulaha
Bakooradaha
Hangoolada
Daab-gudinada
Qoofalada
Hogaamada
Dabarada
Caymanka
Marqaha geela
Iyo in kale oo badan ayaa ahaa Alaabta iyo Aqalka Soomaalida oo dhirta laga samayn jiray lacag faro badan oo maanta dalka dibada uga baxda ayaana dhawrmi jirtay Dhirtana tiradeeda wax uma ay dhimi jirin oo sida maanta jawaano iyadoo guban laguma dhoofin jirin waana la dhawri jiray oo la dhaqaalaysan jiray;
 Dhamaan Alaabtaa ayaa ahayd mid dhirta ka soo jeeda ama hala qoro ama hala tolo’e.
Asalka

Asalku waa qolfaha dhirta qaarkeed oo la soo jafo marka ay dhirtu qoyan tahay sida Qadhoonta, Gunraha, iyo bahda lamidka ah qaarkeed (commiphora family)
Asalku waa daawo aan u ogolaan Alaabta Hargaha ka samaysan in ay dil-dilaacdo, qudhunto ama dalooshanto alaabta ay ka midyihiin Qarbadada (xabka), Wadaamaha, Naadhadhka, Sibraarada, Dhuuga.
Ayaa asalku u yahay ilaaliye caafimaad oo aan u ogolaan in jeermis ku nagaado ama Cayayaan cuno. Sidoo kale ayaa asalku jilka qayb ka qaataa ilaalintiisa, alaabooyinka kale ee dhirta laga farsameeyo ama hala Qoro ama hala Tolo’e waa u daawo iyo qurux! Waana qayb samyskooda kamid ah; Asalku waa maado ka hortagta jeermiska biyaha.
Aslka dhirta qaarkeed ayaa u shaqeeya sida maadada kalooriinta (CL) waxaana kamid ah Maydhaxda Galoolka oo dadku isticmaalo marka Biyuhu ajoobaan ama ay calool xanuun dareemaan laggana cabsado in biyaha laga qaado xanuun, Run ahantii aad ayey u badantahay faa’iidada ay dhirtu Inoo leedahay.
 Alaabta la tolo ayaa asalka lagu shubaa marka la dhameeyo farsamyntiisa (tolmadiisa) Aslka ayaa marka hore la karkariyaa dabadeedna weelka toliinka ah lagu shubaa, oo loo daayaa waxaana ladhahaa weelku ha asal cuno; oo macneheedu yahay in uu asalku indhaha yar yar ee weelka toliinka ah buuxsho si aan weelku uyeelan daldaloolo quba hoorayaasha lagu shubo Asalku carafta iyo quruxda mooyee waa daawo heersare ah !
Maku waysaysatay Ubbo-Argeeg ah?
Biyo ma ka cabtay Haan ama Qarbad (xab)  la aslay?
Sedeese u aragtaa Canaha Sibraarka Aslan!

Culayga
Culaygu waa qaaca ama qiiqa dhirta loo yaqaan geed madowga (Cadaba family) qaaca culayga ayaa looga hor tagaa noocyada jeermiska ilima-aragtayga ah (unmicroscopic cherms) waxaa lasoo qaataa Laamo qalalan oo ah geed madow waa xaabada Jiica, Maygaagga, Higlada, Caano-macayska iyo kuwa la midka ah.
Dab ayaana lagu shidaa, marka xaabku ollolo ayaa xaga danbe la qabtaa oo Hadhuubada lamarmariyaa Haamaha iyo Dhiilaha-waawayna inta la yaryareeyo ayaa lagu guraa oo lagu daboolaa oo lagu rux-ruxaa kor iyo hoos Isla markaaba uumiga iyo kulka ayaa dila jeermiska iyo fayriska weelka ku jiray, hadiiba wax ku jireen.
Maro loo yaqaan Cartir ayaana la mar mariyaa weelka marka culayga laga guro si aan saxaro meesha ugu hadhin. Midab halaw ah oo sabiib ah ayuuna weelku isu bedelaa. Caano caraf leh oo kullul ayaana la dhamaa daawo lama doono ama lama dooni jirin. Waayo jeermisku kama dhamaado Caaggaga iyo Jaandiyada maanta aynu isticmaalo si kasta oo loo maydho hadii aan biyo kulul iyo boodhe la adeegsan.
Carruurta soomaalidii hore waxaa caawin jiray xagga caafimaadka iyo koritaanka Dhirta iyo adeegsigeeda fiican.
Deebta
Deebtu waa nooc faa’iiddada Dhirta ka mid ah Weelka ayaana lagu culaa si loo yareeyoama loo tirtiro jeermiska. Waana ilaalinta alaabta caanaha lagu shubto. Dhirta wax lagu deebiyyana waxaa ka mid ah:
Dureemada
Daranta
Gasangasta
I.w.m

Megdaynta

Dabka (madag)

Waxaa faa’iidada Dhirta ka mid ah in Dab lagala boxo Dhirta taasoo Soomaalidii horrana aad ugu soo in tifaacday; Hadii ay tahay weheshiga cidlada, kullaallidda dhaxanta, aragtida iyo ku hanuunida dabka, cunto ku karsiga, wax ku dubashada ayaa dhirtu sababaysaa oo qayb laysku haleeyo tahay.

 Maddagtu waa laba qori oo laysku xoq-xoqo dabadeedna dhinbili ka soo dhex baxdo.

Geed aan dab lahaynina waa yar yahay; waase kala dab dhow yihiin, waxaana ugu dab dhow Madheedhka, Raydabka, Dhumoodka, iyo kuwa la midka ah.

‘Dablahsiday habeenkiyo Daruuraha hillaacaa Dal-fog bay ka muuqdaan’

Wayraxda (Caws-Dameerka)

Wayraxda Dadka qaarkiisaa kelyo xanuunka ka kaalmaysta oo loo siiyaa; Biyo ayaana lagu millaa iyadoo aad loo shaandheeyo; xaddi biyo ah haddaad ku darsato waxaa larumaysan yahay in aad kaadidaada dhagxaan ku arkayso; waa hadii kalyaha dhagax kaaga jiro.
Mana laha wax dhibaato ah (side effects) dhakhtarada qaar ayaana kula taliyey dadka lagu arko dhagax in ay ku darsadaan biyaha wayraxda is kana shaandheeyaan. Anigu waan arkay dad ii sheegay inay cabeen biyo lagu radiyey Wayraxda ayna kaadidooda soo raacday dhagxaan yar yar oo bur-bursan; sidoo kale ayaa dad badani amaaneen waana sababta aan ciwaanka ugu bixiyey aniga oo og in dadka jooga dhulka biyaha adagi aad uga cabanayaan Kelyaha; Xabxabka ama Qarraha ayaa isaguna ah Geed aad qaali u ah.

Ubax
Caalamka aad ayaa Ubaxa loo beeraa oo looga ganacsadaa waxaana jira Shirkado iyo beeralay baddan oo ubaxa beerta kana ganacsada. Suuqyo lagu gado oo u gooni ah ayaana jira. Dadka is booqda ayaana ubaxa Issu Hadiyeeya Xafladaha Aroosyada, Ciidaha ayaa iyyana laysu geeyaa si’badan.
Gabdhaha qaar ayaa taxda oo dhagaha iyo qoorta  sudha sida Dahabka; Madaxda ayaa iyana qoorta loo geliyaa soo dhaweyn awgeed.
Manna illaawin in in’baddan oo waddamo ah lagga cunno  Ubaxa iyadoo la shiil shiilo ama suugo laga dhigto dallalka bariga fog (far east asia) ayaa hudheelo lagu dalxiiso oo Ubaxa lagu cuno leh
Waxaana lagu sheegay noocyo faytamiino ah oo jidhku u baahan yahay waxaan kaloo ku arkay waddanka Suudaan sharaab la cabo oo la yidhaahdo Karka-day waxana la ii sheegay innuu yahay geed suudaan ka baxa ubaxii. haddaba dhirta dalkeenu miyaaney ubax lahayn oo faa’iidadaa lahayn?.

Qaar ka mida Midabada  Ubaxa

Casaan iyo Cagaar la dhex galiyey Jaalle
Madow Caddaan lagu Iidaamay
Buluug Hurda
Cagaar khafiif ah oo Caddaan hoosta lagaga ladhay
Buni tiix-tiix Cas lagu Sibaaqay; Weeraaro Cad-Cadna lagu googooyey
Huruud Maddow iyo midhadh Cas-Cas lamaane looga dhigay
Caleemo Caggaar Maddow; Caddaan liita iyo Casuus lagu Cillaamay
Hurdi iyo Bulluug layku tuuteeyey Akhdarna lagu qooshay
Buni Boodhe Hurdi ah iyo bidhaamo bay leh lagu bar gooyey.
Iyo qaar badan oo kale oo bidhaan garasho layaab-leh ayaa isku kara Gu’da’ay ama dayr hoortay indha daraandar dartii ayaanad kala garan karin inta nooc ee isku dhafan ama googo’an udgoonka ayaanad habayaraatee garan kaarin oo mararka qaarkood inaad sirirto kugu siga
Hibaaq
Geed xamar
Qadhoon
Xagar
Muqlo
Maydi &Xiji
Ayaa iila layaab badnaa markaan xullayey kaymo isku kacay oo cagaar iyo udug Eebe ku manaystaty
Wallow aanan arag Geedka Maydiga misna uduga xanjada Xijigga kala duduwan ee magaalada lagu kala miidho ayaa muhasho iyo millilicasho xusuus muuqata igu reebay; marka aad Agmarto bakhaarada xabagta Xijiga lagu kala sifeeyo.
Ubax baarka bixiyoo, baalaha caseeyoo, barqo roobka qaadoo; banaan iyo ku yaal ciid ama buurtii dalood dusheedii ka soo baxay’.
Hawada
Kasokow Qabbowga iyo laydh ka qaadashada Hawwada ayey xusid iyo xusuus mudan tahay, kala badalashada xayawaanada iyo dhirta ee Hawooyinka iyo Naqasyada ogxgenta iyo carbon laba ogsaydhka Nollosha labada noolle ee Dhirta iyo Xayawaanada ayaan suurto gal noqon Karin hadii la waayo mid ka mid ah. Waana udubka ugu wayn udbaha nollosha suurto geliya.
 Dhirtu waxay bixisaa Ogsojiinta oo iska soo saartaa waxaana ka gudooma Xayawaanka; halka uu Xayawaankuna iska soo tuuro Hawada loo yaqaan Kaarboon laba ogsaydh oo Dhirtuna ka gudoonto isla markaaba. Hadaba haddii aan Dhiri jirin Xayawaana ma jireen; haddii aan Xayawaan jirina; Dhirina ma jirteen. Kummase aanan darin Ilaah iraadadiisa waayo? Waxa uu doono ayuu sameeyaa xigmad daraadeed Mahhad iyo Xamdina Eebe-wayne ayaa mudan.
Hadhka

Magaalooyinka la Dhireeyo waxay dhirtu kaalin hormuud leh kaga jirtaa quruxda iyo billicda magaalo nimo. Meelaha laga raaco Tareemada, Basaska, Tagaasida & wixii la mid ah ayaa u baahan Dhir la hadhsado oo la hoos fadhiisto Beeraha iyo jardiinooyinka ayaa kuraas laysku ruxaa oo cida Shinbirahana la dhegeeystaa iyadoo jacaylkana lawada dhandhaamiyo oo lawada dhawrto.
Xafiisyada hortooda ayay ugu wanaagsan tahay inta aad geed hoos fadhiisato inaad balankaaga ku sugto. Inta aad buugaaga la kala baxdo oo sadaradiisa akhridaa iyadoo dhanka Geedkana neecaawi ka soo dhacayso wacanaa oo wanaag badanaa!
Shiikh inuu ardaydiisa kalaamka Eebe kor ugu dhawaaqo oo Ardaa ka dhistaa geedka hoostiisa Habeen-kiina ka Dabshitaa wacanaa oo wanaag badanaa!
Xoolo-dhaqatada ayaa hadhsada oo Xoollahana hadhiya dhirta hadhkeeda Kalliil dhaharatay reerkana dhaan u dhalan dhoolo. Soomaaliduna waxay u taqaan hadh galmo waxaana la yidhi nin baa; adhi bil 30 cisho qadiyay (biyaha) sababtuna waxay ahayd dhulka uu joogay oo biyo ka dheer ahayd waxana uu yidhi adhiyow labba xeradaa ku ba’do midkee kuu yeelaa.
Inaan ceel dushii ku geeyo oo maalin walba ku waraabiyo oo caws la’aan dartii xeradaa u ba’do iyo inaan meel biyo ka dheer ah oo baad leh ku geeyo oo harraad dartii xeradaa ku ba’do.
Wuxuuna yidhi ilayn adhi hadlimaayee anaa kuu doori oo wuxuu geeyay meel baad leh labada fiid cawl iyo aroorta hore ayuuna daajin jiray maalinta oo dhana waa hadhin jiray waana ku soo doojay (badbaadiyay).
Hadaba meelaha aan lahayn dhir la hadhsadaa waxay sababtaa iska hor imaad joogto ah waayo waxaa lagu murmaa oo lagu dagaalamaa dhirta yar ee meeshaa ku taal; xooluhuna waxay doonaan oo hore u dalbaan in biyo hore loo siiyo. Dadkuna waa ku qoraxoodaa oo ku dhibaatoodaa maxaynu hadaba ku diidi in aynu dhirta beero oo horuumarino kana illaalino dhibaataynta.
Cimilada
Dhirtu door wayn bay ku leedahay cimilada Waddamada Dhirlayda ah ee aan ahayn Saxaaruhuna waxay saaxiib la yihiin Qabaw iyo Barwaaqo iyo weliba xadigga  roobka oo bata. Halka ay wadamada Saxaaraha iyo lama degaankuna Gacal, Bah iyo Tol la yihiin Kull, Nadaf, Abbaar xanbaarsan Hanfi iyo Hoori kullul.
 Kaymaha mise cawslayda geed gaabka iyo geed waynka isugu dhafani waxay soo jiitaan oo u yeedh yeedhaan Darruuraha biyaha daadaheeya taasina waa in ay dhirtu Addoomo Eebe oo alla-tuugle tahay.
Ooda
Oodashadu waa qayb aad faa’iido ugu leh Xoollo dhaqatada, Beeralayda iyo danyarta Xaafad-soomaaliga ee magaalooyinka degan. Iyagoo ku cawo maala kuna cawo barya ooda. Dadka reer guuraaga ah ayay caawisaa habeenkii si aanay Xooluhu u mir dareerin oo bahalo u layn walow dad badani si xun wax u oodaan ayay misna oodu tahay gabood iyo gaashaan kula jira oo kula jeeni ah.

Dhismaha
Dhirta waxaa laga dhigtaa dhisme kala duduwan hadii ay tahay guri ka samaysi, gaadhi kasamaysi, gogol ka samaysi. Guryaha batuudada ah (jiingad malaha ee waa qori iyo shub) ayaa iila qabaw badan maalin kullul ilana dugsoon dayro dhaaf ba’an. Sidaa oo kale aqal aan qori lahayn jiingad mala saaraa? Waxaana layaab mudan sagxad ka dhigashada qoriga dhirta, kaalmaysiga iyo meel ku korida, doomaha ka dhoofa dal ilaa dal (bad ilaa bad) ayaa laga farsameeyaa qoriga dhirta huudhiyada iyo laashashka ayaa iyaguna mudan inaan sheegno. Isku soo wada duuboo nolosha meelkasta waxaa kaga jira dhirta faa’iidadeeda.
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner